25.2 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

Shariif, Kheyre iyo CC Shakuur oo DIGNIIN u diray ganacsato arrin halis ah kala shaqeysa madaxda DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen qaar kamid ah hoggaamiyaasha ugu sareeya mucaaradka dowladda Soomaaliya ayaa digniin culus loogu diray ganacstada “sida sharcidarrada ah looga iibiyo dhulka danta guud iyo dadka kale ee la siiyey, looga qaanbaxay, ama lagu laaluushay in ay ku kadsoomaan milkiyadda iyo yeelashada dhulka dowladda,” sida loo dhigay qoraalkaan.

Warkaan oo si wadajir ah ay u soo saareen Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ganacsatada uga digay wax ay ugu yeereen “booli qaran” oo hantida danta guud ah.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedkaan oo dhameystiran:

DIGNIIN KU SOCOTA GANACSATADA DHULKA DANTA GUUD LAGA IIBIYO:

Waxaa xawli ku socda xaraashka dhulkii danta guud ee dowladda, waxaa joogto noqday barakicinta danyarta, ku dul habsiga xarumo waxbarasho iyo kuwo daryeel caafimaad, iyadoo dhulka badankiis si xaraash ah looga iibinayo ganacsato, halka qaar la siiyo qoysas gaar ah, qaar kalana lagu laaluusho siyaasiyiin.

Waxaa si bareer ah loo jebiyey godobbo dastuuri ah iyo dhammaan sharciyada la xariiray bixinta, iibinta, bedelidda dabeecadda hantida danta guud, waxaana qodobbadaas ka mid ah;

Qodobka 26aad iyo qodobka 43aad ee dastuurka oo qeexaya mabaadiida guud oo ay tahay in ay u hoggaansamaan xeerarka iyo siyaadaha quseeya dhulka iyo hantida guud, farayana xukuumadda dejinta siyaasad qaran ee hantida guud.

Qodobbada 50aad, 51-aad ee sharciga maareynta maaliyadda guud Sharci Lr.

17, December 2019 ee qeexaya hantida danta guud.

  • Qodobbada 87aad, 681 (3)aad, 723 (l)aad, 730aad ee xeerka madaniga Soomaaliyeed Xeer Lr. 37, 1973 ee xeerinaya hantida guud iyo badelidda dabeecada hantida danta guud.
  • Qodobka 6aad ee Xeer Ir 41 soo baxay 13 September 1973 (Urban Land Distribution) oo mamnuucaya iibinta iyo wareejinta hantida danta guud iyadoo xeer gaar ah uusan jirin.

Waxaa kaloo si bareer ah loo hareer maray;

• U sinnaanta fursadaha helidda dhulka iyo ka faa’iideysiga kheyraadkiisa.

  • Dammaanad-qaadista xuquuqda lahaanshaha dhulka iyo diiwaangelinta.
  • Xaqiijinta ka faa’iideysiga dhulka si waafaqsan mabaadi’da ka dheefsashada dhulka iyada oo aan dhibaato loo geysan.
  • Xallinta khilaafaadka ka dhasha dhulka iyo hantida.
  • Xadeynta dhulka qof ama shirkadi yeelan karaan.
  • Nidaaminta dhaqdhaqaaqa suuqa ka-ganacsiga dhulka, si looga hortago ku-takrifalidda xuquuqda milkiilayaasha dhulka ee yaryar.

Haddaba, waxaan uga digaynaa ganacstada sida sharci darrida ah looga iibiyo dhulka danta guud iyo dadka kale ee la siiyey, looga qaanbaxay, ama lagu laaluushay in aysan ku kadsoomin milkiyadda iyo yeelashada dhulka dowladda, waana in ay ogaadaan;

  1. In milkiyadda hanti aan lagu heli karin qof saxiixiis ee dastuur iyo sharci lagu hantiyo.
  2. In sifo sharci ah oo keli ah lagu milki karo dhulka dowladda, diiwaanka danta guudna looga saari karo.
  3. In cid kasta oo hanti qaran sifo sharci darri ah looga iibiyey, hibeeyey, qaanbaxay, ama lagu laaluushay ogaato, waxay haysataa waa BOOLI QARAN.
  4. In qof waliba oo ku lug yeesha si sharci darri ah iibinta, wareejinta, gadashada, iyo bedelidda dabeecadda hantida guud uu danbiile yahay, lalana xisaabtami doono iyadoo la marayo shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah intaba.
  5. Shariif Sheekh Ahmed
  6. Xasan Cali Khayre
  7. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Blinken oo booqashadiisi u dambeysay ku tagaya Yurub iyo Asiya

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykabka Antony Blinken ayaa maanta oo Axad ah ay u billaabmeysaa, booqashadi u danbeysay ee uu dal dibadda ah ku tago, ka hor inta uusan dhammaan muddo xileeda dowladda uu ka tirsanyahay 20-ka bishaan Jannaayo.

Blinken ayaa tagi doona dalalka Kuuriyada Koofureed, Japan iyo France. War kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arribadda uu madaxda dalalkaasi kula kulmi doono magaalooyinka Seoul, Tokyo iyo Paris laga billaabo maanta oo Axad ah.

Kuuriyada Koofureed ayaa waxaa hadda ka jira qalalaaso siyaasadeed oo ka dhashay xal ka qaadisti madaxweynihi hore Yoon Suk Yeol. Halka Japan uu Bilinken safarkiisa diiradda ku saari doono sii xoojinta xiriirka Washington iyo Tokyo.

Blinken ayaa socdaalkiisa ugu danbeeya ku soo xiri doona Paris, halkaas oo la filayo in uu madaxda Faransiiska kala hadlo horumarradi ugu danbeeyay ee xasaradaha Bariga Dhexe, iyo amniga Yurub gaar ahaan xaaladda Ukraine.

Wasiir Maareeye oo soo bandhigay ‘oraah uu Xasan Sheekh ka hor sheegay BFS’ oo hadda taagan

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa dadka dib u xusuusiyey hadal cajiib ahaa oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu Baarlamaanka ka hor sheegay, xilli uu codsanayey in laga qeyb qaato xalinta mushkiladaha gudaha dalka.

Arrintaan ayuu Wasiir Maareeye la xiriiriyey kursiga ay sanadkaan Soomaaliya ku fariisatay ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, wuxuuna ugu horeyn umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey guushaan taariikhiga ah.

“Innagoo weli ka soo kabanayna burbur dawladnimo kii ugu xumaa, ka soo kabashadiisuna ugu dheerayd aduunka casriga ah soo mara xilliyadan dambe, waxaan Shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxda Qaranka oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha leeyahay Hambalyo guusha taariikhiga ah ee aad gaadhsiiseen Soomaaliya,” ayuu yiri Maareeye.

Wasiirka Beeraha Soomaaliya ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in sanadkaan adduunku xiiseynayo qadiyahada Soomaaliya ay codkeeda ku biirin doonto, maadaama bilo ka hor la isweydii jiray waxa golaha ammaanka ay ka dhaheen arrimaha Soomaaliya.

“Alxamdullilaah sanadkan bilowday cidna weydiin meyno oo dhihi mayno “muxuu ka yidhi Golaha ammaanku arimaha Soomaaliya” laakiin aduunka ayaa isweydiinaya maxay Soomaaliya ka tidhi arimaha caalamka, tusaale ahaan arimaha Suudaan ama Qassa oo kale,” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Sidoo kale Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa bulshada xusuusiyey oraahdii Madaxweyne Xasan Sheekh ee aheyd “dibadda waa xali karnaaye gudaha nala xaliya.”

“Horay ayuu Madaxweynuhu Golaha Barlamaanka uga yidhi wax-kasta oo Caalamka nooga xidhan waanu dhameyn karnaa, laakiin waxaan la dhameyn karin waxa Soomaali iskaga xidhan ee danta dalkooda iyo dadkooda ku jirto, Illaahay amuuraha noo sahlo oo umadda Soomaaliyeed fidmada qabiilka ha ka saaro, Aamiin” ayuu qoraalkiisa ku yiri Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee XFS Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Oraahdii Madaxweynaha iyo dib u xusuusinta Wasiirka ayaa ku soo aadeysa iyadoo Soomaaliya ay dunida ka cayaareyso diblomaasiyad heer sare ah, laakiin gudaha dalka ay isku dilayaan qabaa’il aan la garaneyn wax weyn oo ay isku heystaan, ficillo argagixiso iyo khilaafaad maamul oo muujinaya dib u dhac aan xiligaan loo baahneyn ama laga maarmi karo.

Daawo: DF oo shaacisay in qiimaha sanadkaan lagu soo xajinayo uu qaaliyoobay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS ayaa shaacisay qiimaha adeegga Xajka ee sanadkaan 1446 H/2025, waxaana Xaaji kasta loogu adeegi doonaa lacag dhan $4604 oo dollar.

Qiimahaan ayaa ka badan qiimihii ay dadka Soomaaliyeed ku sii xajiyeen sanadkii hore, waxaana la shaaciyey sababta wasaaradda iyo guddiga ay dowladdu u xil saartay howshaan ku kaliftay qiimo kororkaan.

Guddiga adeegga Xajka ee xukuumaddu magacowday iyo shirkadaha ku guuleystay inay sanadkaan xujeyda u adeegaan ayaa galabta isugu yimid shir ay ka soo saareen war-saxaafadeed ay ku shaaciyeen qiimaha lagu soo xajinayo sanadkaan.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Awqaafta Ibraahim Nadaara oo kulanka shir guddoomiyey ayaa warbaahinta u akhriyey qodobadii ka soo baxay kulankooda.

Agaasimaha ayaa sheegay in adeegyada ay u baahantahay xujeyda Soomaaliyeed lasoo qiimeeyey, isla markaana ay maanta go’aamiyeen qiimaha lagu soo xajinayo sanadkaan.

“Kororka qiimaha sanadkaan waxaa u sababa ah sare u kac ku yimid Tikidhada iyo adeegyada Hoteellada Maka iyo Madiina,” ayuu yiri Agaasime Nadaara.

Sidoo kale wuxuu balan qaaday hadii dhanka Sacuudiga ay ka soo kordhaan wax qiimo dhimis ah in wasaaraddu ay dib ula soo wadaagi doonto umadda Soomaaliyeed.

Qarashka sanadkii hore uu xaaji kasta oo Soomaali ah ku soo xajiyey ayaa ahaa $4434.6 halka sanadkaan uu yahay $4604 oo dollar, qiimaha sanadkaan waxaa ku korortay lacag ku dhow 200 oo dollar.

Hoos ka daawo

Cumar Cabdirashiid oo dalab la xiriira dagaalka PUNTLAND u gudbiyay DF

0

Garoowe (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda Puntland, gaar ahaan dagaalka ay ku qaaday kooxda Daacish ee ku sugan gobolka Bari.

Cumar Cabdirashiid ayaa marka hore madaxda Puntland iyo ciidamada ku boggaadiyay dagaalka ay la galayaan kooxda Al-Shabaab, si looga xoreeyo dhulka buuraleyda ah.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dowladda Soomaaliya in maamul goboleedyadala dagaalamaya kooxaha argagixisada ah ay siiso taageero deg-deg ah, si meesha looga saaro.

“Dowladda federaalku waa inay u muujisaa taageero siyaasadeed iyo mid amni oo ku wajahan dhammaan Maamul Goboleedyada si meesha looga saaro khataraha argagixisada ka hor inta uusan dhammaan 2025” ayuu yir ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo haatan ciidamada Puntland ay howlgallo culus ka wadaan aagga deegaanka Dharjaale oo ay ku xoogan yihiin xubnaha kooxda Daacish.

Waxaa howlgallada sidoo kale barbar socda duqeymo diyaaradeed oo ay fulinayaan saaxibada caalamiga ah, kuwaas oo hawada ka taageerayo ciidamada Puntland.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii kooxda ay weerar culus kusoo qaaday xerada lagu diyaarinayo ciidamada Puntland ee ka qayb-galaya howlgallada, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.

Wiil iyo abtigiis oo lagu dilay Shabeelaha Dhexe

0

Balcad (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo maanta ka dhacday deegaan hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe kadib markii halkaasi lagu dilay wiil iyo abtigiis.

Dhacdadan ayaa si gaar ah uga dhacday deegaanka Cadayga oo u dhow Balcad, waxaana ka dambeeyay maleeshiyaad hubeysan oo goobta ka baxsaday.

Wiilka iyo abtigiis ayaa ahaa ganacsatoo, si weyn looga yaqaanay deegaanka, mana cadda illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee loo dilay.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa ka warbixiyay falkaasi, wuxuuna sheegay in marxuuminta loogu tegay gurigooda, kadibna la dilay.

“Kooxo hubeysan ayaa waxa ay soo weerareen wiil iyo abtigiis waxay ahaayeen dad gurigooda joogay waxaa u yimid baabuur bagaash u waday, kadib markii ay dajiyeen ayay qabsatay dhacdada”  ayuu yiri qof kamid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii saray Ragga dilka gaystay waxay ku amreen inay bannaanka usoo baxaan, wayna dileen maleeshiyaadka”.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhacdadaan oo ku aadan laamaha amniga iyo madaxda HirShabelle oo ku aadan dilka dadkaasi shacabka ah.

Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ku badan dilalka qorsheysan ee salka ku haya aanooyinka qabiil, waxaana ugu dambeeyay askartii dhowaan lagu laayay deegaanka Ceel Baraf.

Mareykanka oo Soomaaliya ku bixiyay $3 bilyan – Xaggee la geeyay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Richard H. Riley oo qoraal soo dhigay bartiisa X (Twitter) ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan taageerada kala duwan ee ay dowladdiisu siiyo Soomaaliya.

Richard H. Riley ayaa shaaca ka qaaday in Mareykanka uu kordhiyay kaalmada uu siiyo Soomaaliya, si wax looga qabto xaaladaha bani aadamnimo ee ka jira gudaha dalka.

Danjiraha ayaa sidoo kale tilmaamay in saddexdii sano ee lasoo dhaafay Mareykanka uu Soomaaliya ku bixiyay saddex bilyan oo dollar, taas oo lagu fuliyo howlo gargaar oo muhiim ah.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in caawinaaddaasi ay wax badan ka tartay Soomaaliya, ayna lagama maarmaan u tahay in la kordhiyo garab istaagga Soomaaliya.

“Munaasabadda Daah-furka labo barnaamij oo cusub oo ay si deeqsinimo leh u maalgeliyaan shacabka Maraykanka si ay uga faa’iideystaan saaxiibadeenna Soomaaliya, saddexdii sano ee lasoo dhaafay Maraykanka waxa uu bixiyay in ka badan $2 bilyan oo gargaar naf badbaadin ah si looga jawaabo baahiyaha bani aadamnimo dalka oo dhan,” ayuu yiri safiirka Mareykanka ee u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Kaalmadaan waxa ay badbaadineysaa kumanaan ku nool Soomaaliya, waxa ay yareeneysaa cunno la’aanta & nafaqo darrada”.

Dhanka kale, Maraykanka ayaa sanadkaan cusub Soomaaliya u ballanqaaday in uu siinayo dhaqaale gaareyso illaa $29 Milyan oo doollar, taas oo lasoo marin doono Hay’adda USAID.

Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waa wayn ee taageerada kala duwan siiyo dowladda federaalka, isaga oo ka caawiya dhanka dhaqaalaha iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan oo lagu xiray Muqdisho + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya xarig maanta magaalada Muqdisho loogu gaystay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cabdifitaax Xasan Afrax oo laga qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa mas’uulkan xiray ciidamo ka tirsan kuwa Nabad-sugidda oo watay laba gaari, waxayna ka kaxeeyeen garoonka Aadan Cadde.

Cabdifitaax ayaa kahor inta aan la xirin kusii jeeday magaalada Beledweyne, balse waxaa laga hor istaagay safarkiisa, sida uu ku sheegay qoraal uu goor sii horeysay soo saaray.

“Anigoo ah guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Abdifatah Hassan Afrah waxaan saaka ku socday safar aan ku aadayay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, saraakiisha amaanka gaar ahaan hay’adda nisa waxey igu wargeliyeen in uu yaallo amar ah inaan safarkeyga sii wadan karin ee leydiiday inaan safro” ayuu qoraalkiisa ku yiri guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan.

Sidoo kale wuxuu arrintiisa la wadaagay Ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka, isaga oo hoosta ka xariiqay in si shaqsi ah ay ugu xad-dubtay dowladda Soomaaliya.

“Haddaba waxaan la wadaagayaa dhamaan ummadda Soomaaliyeed, caalamka iyo cid kasta ay khudeyso in ay tahay xadgudub qaawan iyo colaadin iga dhan ah ee ay ku kacayso dowladda soomaaliyeed, waana wax ka baxsan sharciga iyo qaanuunka dalka islamarkaana gaf ku ah sharaftayda iyo muwaadin kasta ee Soomaalieed” ayuu sii raaciyay.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in xarigiisa uu amray taliyaha NISA, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo haatan ku sugan Beledweyne, una jooga xallinta xiisaddii ka dhalatay askarii dhawaan lagu laayay deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Si kastaba, laamaha amniga dowladda weli kama hadli xarigga mas’uulkan iyo is hortaagga lagu sameeyay safarka uu ku aadi lahaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Cali Guudlaawe iyo Macallimuu oo ay ka dhex-tafatay – Maxay isku hayaan?

Jowhar (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ay deegaan doorashadiisu tahay HirShabelle iyo madaxweynaha maamulkaas Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayay ka dhex-tafatay, iyadoo maanta dagaalkooda uu bannaanka usoo wada baxay.

Ugu horreeyn Macallimuu oo qoraal soo saaray ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha, wuxuuna ku eedeeyay hoggaan xumo iyo inuu la dagay HirShabelle.

Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in HirShabelle aanu ka socon wax hormar ah, sidoo kalena ay kala qaybsan yihiin dadkeeda, sida uu hadalka u dhigay.

“Hirshabelle waxaa la haray hogaan xumo eber ka hooseeysa, horukac la’aan heer kastamiyo dadkeedii oo qeybsan oo aan hishiis aheyn” ayuu yiri xildhibaan Macallimuu.

Intaasi kadib waxaa soo jawaabay afhayeenka Cali Guudlaawe oo lagu magacaabo Daa’uud Xaaji Cirro, kaas oo naqdiyay hadalka Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu, isaga oo xasuusiyay doorashadii uu kusoo baxay iyo garabkii uu ka helay madaxweynaha.

“Xildhibaan Mohamed Ibrahim Moalimuu Galabtii geediga ahayd ee meel walba faashadaha kaaga duubnaayeen oo aad lahayd kursi ayaan rabaa ee Madaxweynaha Barakeysan Cali Guudlaawe ii geey ma i lowday. Soo ma ahayn qofkii habeen hore dhahayay Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar qof ayaa loo magacaabay ee Madaxweynaha lacag ii qaad” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Ina ibraahinow abaal dhaan waa jiraa waana mid meel kuu taal tankale Cali Kursigiisa waa ku fadhiyaa waana ku fadhidoonaa ee cidaad ka adag tahay baad ka qaado”.

HirShabelle ayaa haatan ku jirta xaalad adag oo ay ugu horreeyaan dagaal beeleedyada oo saameyn ku yeeshay deegaanada maamulkaasi, waxaana ugu dambeeyay dhacdadii askarta lagu laayay ee dhowaan ka dhacday deegaanka Ceel Baraf ee Shabeelaha Dhexe.

Macawiisleyda oo weeraray goob ay isku urursaneyeen Al-Shabaab + Khasaaraha

0

Buuloburde (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in in gelinkii dambe Jimcihii ay gobolkaas isku fara saareen ciidanka deegaanka ee Macawiisleyda iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursanayay aagga Buuloburde.

Ciidamada deegaanka oo ka war helay dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday goob ay isku uruursanayeen Al-Shabaab oo ku taalla deegaanka Cadow Gureey oo kamid ah deegaanada hoos yimaada degmada Buuloburde.

Weerarka kadib ayaa waxaa meesha ka dhacay dagaal qaatay saacado badan, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Sarkaal u hadlay Macawiisleyda deegaanka ayaa guul ka sheegtay dagaalkaasi, wuxuuna sheegay inay la wareegeen deegaanka lagu dagaalamay, ayna ka saareen Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay sii wadi doonaan halgankooda xoreynta gobolka Hiiraan oo ah halka uu kasoo billowday kacdoonka shacab ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa maanta mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee guusha ka sheegatay Macawiisleyda.

Weerarkan ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa mid looga hortagayo qulqulka Al-Shabaab oo inta badan kasoo talaaba wabiga Shabeelle ee mara deegaanada maamulka HirShabelle.

Soomaalidii ugu badneyd oo saf u gashay soo dhaweynta ABIY + Sawirro

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Magaalada Jigjiga ee xarunta is-maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa saaka gaaray ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo si weyn loogu soo dhaweeyay halkaasi.

Soo dhaweynta ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa waxaa safaf dhaadheer u galay Soomaalida ku dhaqan magaaladaasi oo leh qaybahooda kala duwan, sida ay muujinayaan sawirro ka imaanaya jigjiga, kadib markii uu maanta ka dagay ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Dowlad Deegaanka ayaa u diyaarisay soo dhoweyntii ugu weyneyd ee Abiy Axmed, taas oo noqotay middii ugu ballaarendy ee ay Soomaali u sameyso, sida laga arki karo muuqaalka.

Abiy ayaa booqasho ku maray deegaanka Soomaalida, isaga oo kormeer ku sameynayo magaaooyinka waa wayn, isaga oo la kulmayo waxgaradka iyo mas’uuliyiinta deegaanka.

Shalay ayuu Abiy Axmed booqday magaalada Godey, wuxuuna ka furay mashruuc waraab ah, si ay uga faa’iideystaan dadka shacabka ah ku dhaqan halkaasi.

Waxaa kale oo uu Soomaalida u sheegay inay iska dhaafaan khilaafka iyo colaadda, Soomaaliduna ay leedahay kheyraad ku filan Itoobiya oo dhan, sida uu hadalka u dhigay.

Booqashada Abiy Axmed ee Jigjiga ayaa kusoo aadeyso, xilli weli taagan tahay xiisaddii ka dhalatay dagaalkii ka dhacay deegaanka Dacawaley oo ay dad badan ku dhinteen.

Laba gabdhood iyo darawal waday oo ku dhintay Muqdisho, kadib markii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa shil baabuur oo sababay khasaare leh dhimasho leh oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Shilka oo ka dhacay waddada aada deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay saddex qof oo laba kamid ah dumar yihiin, halka qofka kalena uu ahaa darawalka.

Labada gabdhood iyo darawalka ayaa xilligaas kasoo laabtay dhanka xeebta Jaziira, waxaana waddada ka baxay baabuurka ay wateen oo gebi ahaan burburay.

Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in gaariga inta uusan rogman kahor uu tartan kula jiray baabuur kale oo isna ku socday waddada Jaziira ee duleedka Muqdisho.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in darawalka gaariga waday uu ka tirsan yahay ciidankii lagu soo tababaray dalka Eritrea ee dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho, sidoo kalena wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo isticmaala baraha bulshada, gaar ahaan TikTok.

Maydadka ayaa goobta laga soo qaaday, kadib markii ay goobta tageen ehellada iyo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku baxay meesha ay wax ka dhaceen.

Mararka qaar ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhaca shilalka baabuur, waxaana sababa darawallada oo xawli u kaxeeya gaadiidka iyo waddooyinka qaar oo weli burbursan.

Ciidanka Itoobiya oo loo ogolaaday howlgalka cusub ee Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si rasmi a Itoobiya ugu ogolaatay in ciidamadeeda ay ku biiraan howlgalka cusub ee AUSSOM oo Soomaaliya ka bilowdaan Arbacadii lasoo dhaafay.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda federaalka ay diyaar u tahay inay soo dhoweyso codsiga ku aaddan inay Itoobiya ku biiriso ciidamo cusub oo qeyb ka noqda howlgalka cusub ee AUSSOM.

Ogolaanshan ayaa daba socda isku soo dhawaanshaha labada dal iyo booqashada ay Muqdisho kusoo gaareen wafdiga sare ee ay soo dirtay dowladda Itoobiya.

“Iyadoo la raacayo mabaadi’da baaqa Ankara, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku adkeysaneysaa sida ay uga go’an tahay xaqiijinta fulinta heshiisyadii la gaaray. Waxay u aragtaa in mabaadi’da heshiisyadaasi ay aasaas adag u yihiin kobcinta iskaashiga wax ku oolka ah ee u adeega danaha labada dhinac,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Dhankeeda qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya ayaa waxaa lagu sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen iskaashiga howlgalka cusub ee AUSSOM, base qoraalkan laguma sheegin nooca iskaashiga labada dhinac.

Itoobiya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in labada dhinac ay isku afgarteen in kor loo qaado booqashooyinka iyo wada-hadallada la is waydaarsanayo, iyadoo la filayo in madaxda sare ee Soomaaliya ay dhawaan tagaan magaalada Addis Ababa.

Xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa xumaaday bilowgii sannadkii hore markii Itoobiya ay maamulka Somaliland la gashay is-afarad la xiriira galaangal ay Itoobiya u hesho badda Soomaaliya, talaabadaasi oo si weyn ay u diiday dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa bishii hore saxiixday heshiiska Ankara ee uu Turkigu ka soo shaqeeyay, waxayna u muuqdaan kuwo diyaar u ah inay ka wada hadlaan xalinta khilaafka ka dhex-taagan.

Jubbaland oo qaaday tallaabo culus, una diyaar garowday dagaal

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa mar kale qaaday tallaabo uga sii dareyso xiisadda xooggan ee haatan kala dhexeyso dowladda federaalka Soomaaliya oo ay isku qabteen arrimaha doorashooyinka dalka.

Jubbaland ayaa mar kale ku dhowaaqday dagaal horleh oo ay la galeyso dowladda dhexe, sida uu ka dhawaajiyay madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Maxamuud Sayid Aadan.

Qoraal uu soo saaray madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa lagu magacaabay guddiga oo 7 xubnood ah, kana kooban heer gobol iyo saraakiil ciidan, kuwaas oo loo xilsaaray inay isku daba ridaan ciidamada Jubbaland ee gobolka jooga, sida lagu sheegay warka qoraalka ah.

Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka uu yahay in ciidamadaasi ay difaacaan deegaanka, sidoo kalena ay la dagaalamaaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

“Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Dowladda Jubaland, Mudane H.E Mohamud Sayid Aden  ayaa magacaabay Guddi ka shaqeyn doona abaabulka, diiwaangelinta, iyo isku dubaridka qeybaha kala duwan ee Ciidanka Dowladda Jubaland ee ku sugan Gobolka Gedo, si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo difaaca Dowladda Jubaland.” ayaa lagu yiri warqadda lagu magacaabay guddiga.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo haatan dowladda dhexe ay dhankeeda dhaq-dhaqaaq culus ka wado gobolka Gedo, oo ay ku daabushay ciidamo dheeraad ah.

Jubbaland ayaa si buuxda loogala wareegay degmooyinka Garbahaarey, Baardheere iyo Doolow, kadib markii dowladdu kala furfurtay saaxiibadii Axmed Madoobe kulahaa degmooyinkaasi.

Soomaaliya iyo Itoobiya oo soo saaray hadallo is-diidan kadib kulankii Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa Khamiistii Muqdisho ku yeeshay waddallado ku saabsan ambaqaadidda heshiiskii Ankara iyo waliba howlgalka cusub ee ciidamada Midowga Africa ee Soomaaliya ee AUSSOM.

Wasiirka gaashaandhigga Itoobiya Caaisha Maxamed iyo wafdi ay hor-kacayso ayaa Muqdisho tagtay kula kulamay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo gaarsiisay dhanbaal ay uga siday ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Kadib kulanka ayaa labada dal waxay soo kala saareen qoraallo u muuday in ay is khilaafsan yihiin, marka la eego arrinta ka mid noqoshada ciidamada Itoobiya ee howlgalka AUSSOM. Itoobiya ayaa u muuqata in ay hadalka u dhigeyso in arrintaas la isla ogolaaday, halka Soomaaliya ay sheegeyso inay weli ka fiirsaneyso.

Wasaaradda Arrimaha dibedda Itoobiya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen iskaashiga howlgalka cusub ee AUSSOM. Qoraalkaasi laguma sheegin nooca iskaashiga labada dhinac.

Dhinaca kale qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wasiirka gaashaandhigga ee Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur uu wadahadalladii uu la qaatay dhiggiisa Itoobiya uu u sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay tixgalinta codsiga Itoobiya ay ku doonayso in ciidamadeedu ay ku biiraan howlgalka AUSSOM ee bilowday maalintii Arbacada.

Itoobiya ayaa sheegtay in labada dhinac ay isku afgarteen in kor loo qaado booqashooyinka iyo wada-hadallada la is waydaarsanayo, iyadoo la filayo in madaxda sare ee Soomaaliya ay dhawaan tagaan Addis Ababa.

Xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa xumaaday bilowgii sannadkii hore markii Itoobiya ay maamulka Somaliland la gashay is-afarad la xiriira galaangal ay Itoobiya u hesho badda Soomaaliya, talaabadaasi oo si weyn ay u diiday dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa bishii hore saxiixday heshiiska Ankara ee uu Turkigu ka soo shaqeeyay, waxayna u muuqdaan kuwo diyaar u ah inay ka wada hadlaan xalinta khilaafka ka dhex-taagan.

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo magaciisa codsaday inaan la sheegay ayaa VOA u sheegay in dowladda Soomaaliya ay ugu danbeyn aqbali doonto in ciidanka Itoobiya ay ka mid noqdaan howlgalka AUSSOM.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Fiqi ayaa Khamiistii Muqdisho ka sheegay in khilaafkii kala dhaxeeyay la xaliyay laguna xaliyay sida uu hadalka u dhigay ‘dulqaadka” ay sameysay Soomaaliya.

Nin daad qaaday xunbo cuskay – Somalia iyo colaadda Itoobiya

Khilaaf dhanka diblomaasiyadda oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa soo shaacbaxay ka dib markii Itoobiya ay Maamulka Somaliland la saxiixatay heshiis is afgarad ah oo ah in Itoobiya ay si madaxbanan u isticmaasho mid ka mid ah dhulxeebeedka gayiga soomaaliyeed. 

Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa hore adeegsiga badda ugu sheegay inay arrin muhiim ah u tahay dalkiisa. Heshiiskan is afagardka ah ayaa waxaa si adag uga falceliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya. 

Innaga oo ka hadlayna kulankii Muuse iyo Abiy Ahmed, Bisha January 1-deeda 2024 waxaa dhacay wax ku cusub waayaha iyo sooyaalka gayiga xorta ah ee Jamhuuriyada Soomaaliyeed, tani waxa ay ina tusaysaa in hadafka Itoobiya uu yahay in Soomaaliya laga weeraro halka ay ugu jilicsantahay, balse ma aqaan faa’iidada Maamulka Somaliland ay ku qabaan is-afgaradkaa haseyeeshee waxa aynu wada ognahay in Itoobiya aysan aqoonsi siin karin Maamulka Somaliland.

Haddaba ujeeddadu ma aha Maamulka Somaliland ee waa Dowladda Federaalka Soomaaliya, hadafka laga leeyahayna uu ahaa waa sida anniga ii muuqatee sidii miiska wadahadalka loo keeni lahaa madaxda Soomaaliya. Markaan halkaas marayno waxaa ii muuqata cadaawad ka dhexaysa Soomaaliya iyo Itoobiya oo aan wali dabkeedii damin, taasi oo ka imaanaysa taariikhdii soo dhex martay Itoobiya iyo Soomaaliya.

Marka hore aan ku dheeraanno waydiimo dhowr ah innaga oo ka eegayna dhanka taariikhdii ku salaysneyd colaada iyo dagaalka. Aqristow bal aan ku waydiiyee ma la fahansan yahay waydiimaha soo socda. 

Bal is-waydii maxay isku hayaan Soomaaliya iyo Itoobiya muddo qarniyo ah?

Itoobiya maxay Soomaaliya ku tabaysaa ? Itoobiya maxay markasta weerar ugu tahay Soomaaliya? Soomaaliya maxay u neceb tahay Itoobiya? Soomaaliya maxay wadahadallo xal waara keena ula furi wayday Itoobiya ? Soomaaliya ma diyaar bay u tahay in ay dagaal la gasho Itoobiya ? Itoobiya masoo weeraraysaa Soomaaliya ? Hadii dagaal dhaco, maxaa xal noqon doona? Afrika sidee bay u aragtaa labada dhinac?

Marka laga yimaado waydiimahaan oo idil waxa hadda socda waxa ay ilays ka bixinayaan awoodda ay doonayso Itoobiya iyo taagyarida Soomaaliya, taas oo ina tusaysa khatarta ku soo wajahan Soomaaliya iyo Geeska Afrika. Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa soo dhex maray dagaallo lagu hoobtay, cadaawad daba dheeraatay oo soo jiitamaysay in ku siman qarniyo badan taasi oo dabkii ka dhashay maanta dogobyo la sii saaray. Soomaaliya haba yaaraatee uma dareen la’a in khatari kulaalayso oo waliba hadda ay marayso goob halis ah. Annaga oo fahansan halka uu xaal marayo iyo sida Itoobiya ay isu diyaarinayso maxaa la gudboon soomaaliya, sow in Soomaaliya ay saaxiib dagdag ah oo u gurmada hesho mahan, sow in Soomaaliya garab istaaga beesha caalamka hesho ma ahan, sow in Soomaaliya hub iyo saanad dagaal hesho ma ahan, soo in bulshawaynta Soomaaliyeed isku duubni hesho mahan. 

Haddaba sidee bay u wajaheen Soomaalidu marxaladaan ku hareeraysan oo idil? Waa halkaan meesha aan ka ambaqaadayno daadka Soomaalida qaaday iyo halka ay xunbada ka cugsadeen.

Soomaaliya waxay xal u heshay taageerada Beesha Caalamka halka aan lagu kalsoonaan karin run ahaanshaha beesha caalamka taageeradaas ay u fidiyeen Soomaaliya, waayo dunida aan maanta joognaa waa mid ay wax jaangoyso danaha dalka wax taageeraya ka leeyahay goobta uu taageerayo. Intaas wixii ka soo hara waxa aan ognahay in ay tahay kaliya afka baarkiisa. Bal dib u xasuuso weerarkii Ruushku ku soo qaaday dalka Yukrayn, Reer Galbeedku ku ma aysan ekaan oo kaliya tageero afka ah ee waxa ay wax kasta isla garab taageen dalka Yukrayn heer ay garaan in ay ka fakaraan sidii ay ciidan ugu diri lahaayeen. Bal is-waydii aqristow Soomaaliya beesha caalamka ma ka sugaysaa taageero taas la mid ah haddii Itoobiya ay gudaha usoo gasho dalka Soomaaliya? 

Sidoo kale Soomaaliya waxaa la dhihi karaa waxa ay xal u raadin ugu jirtaa isku duubnida bulshawaynta Soomaaliyeed, walow shaqo aan dhawayn u harsan tahay Dowlada Federaalka Soomaaliya, waxa ay wado qaldan ka baadi goobaysaa isku duubnida bulshawaynta. Bal aan isla eegno meesha laga baadi goobayo iyo sida loogu lumay jidkaas qaldan. Oraah baa tiraahda: “Haddii aad doonayso in aad badasho hab fikirka bulshada waa in aad ku eegtaa indho kale”. Haddii aan micnayno oraahdaan waxaa loola jeedaa bal u fiirso halka qulqulka bulshadu u socdo oo isku day in aad raacdo. Tani waxa ay inoo bidhaaminaysaa su’aasha ah bulshawaynta Soomaaliyeed iyo Madaxda Dowliga ah ama Madaxda siyaasiga ah isku si ma u fakarayaan ? Jawaabta ka dhalanaysaahi waa maya. 

Haddaba xaggee bay madaxda Soomaaliyeed ka baadi goobayaan isku duubnida bulshada? Madaxda Soomaaliyeed waxa ay ka baadi goobayaan isku duubnida bulshada banaanbaxyo in la qabto, xaflado iyo munaasabado badan in la abaabulo lagana jeediyo qudbado dhaadheer iwm. 

Haddaba xaggee bay taalaa isku duubnida bulshada ? Waa halka ay dhalinta Soomaaliyeedi ku sii jeedaan oo ah Mareegta Intarnaydka qaasatan Baraha Bulshadu ku xariirto. Waa goobta ay tahay in laga abaabulo dhalinta Soomaaliyeed, waa halka ay tahay in loola jeesto bulshada soomaaliyeed maadaama ay maanta saamaynta ugu wayn uu ku leeyahay bulshada ababaabulkeeda. Mareegta Baraha Bulshada waa hubka ugu awoodda badan ee maanta dowlada Soomaalidu haysato. Abaabulka dhalinta Soomaaliyeed ee saamaynta ku leh Bulshada waxa ay sababi karaysaa kacdoon shicibka ah oo loo jiheeyo dhankii la doonayo markaas.

Soomaaliya xal ma u heshay hub iyo saanad ciidan si haddii dagaal u qarxo ay u difaacdo dalka iyo shacabka soomaaliyeed? Waxaan si cad u oran karnaa maya uma aysan helin xal waara baahida dhanka hubka iyo saanada ciidamada Soomaaliya ay u baahan doonan haddii dagaal qarxo. Haddaba Soomaaliya baadi goob ma ugu jirtaa sidii ay ku heli lahayd hub? Waxaa inoo muuqda ayaamahan danbe in Dawlada Soomaaliya ay ka fakartay sidii ay hub ku heli lahayd, balse tilaabooyinkii ugu danbeeyay ee ay dawlada Soomaaliya qaadaysay ma yihii kuwii ugu mudnaa.

Waxaa kale oo iyadana iswaydiin mudan hub noocee ah ayay u baahan tahay Soomaaliya? Xaggee u furan oo ay hub ka heli kartaa maadaama aysan cunaqabatayni saarnayn? 

Waydiimahan dul hoganaya caqabadda hubka ay Soomaaliya u baahan tahay ayaa ah kuwo tiro beel ah balse aan kusoo koobo intaas.  

Bal aan is-dultaagno nooca hub ee ay u baahan tahay Soomaaliya. Waxaan si fudud u dhihi karnaa Soomaaliya waxa ay u baahan tahay hub casri ah oo lagu kalsoonaan karo tayadiisa iyo tijaabooyinkiisa intaba. Hubkaasi oo ka casrisan kan Dowlada Itoobiya ay haysato.

Marka aynu sidaasi niraahno waxaan shaki ku jirin in albaabo badani ay innaga soo xirmayaan maadaama aynaan u baahnayn waxa ay hayaan ama nooca hub ee ay nasiin karaan. Haddaba Soomaaliya waxaa u furan sadex waji oo kaliya kuwaasi oo kala ah: 1- Dowladaha Reer Galbeedka iyo NATO,  2- Dalka Ruushka, 3- Dalka Shiinaha. Ifafaalihii inoo muuqday maalmahan ayaa waxa ay ina tusayaan in Dowlada

Soomaaliya ay qaadatay doorashada 1-aad oo ah in ay garab ka raadiso Dowladaha Reer Galbeedka iyo kuwa xubnaha ka ah NATO.

Hadaba Aqristow aan ku waydiiyee ma yihiin kuwii ugu mudnaa in la waydiisto garab amaba lala samaysto heshiisyo difaac ama mid dhaqaale kuu doonaba ha noqdee.

HESHIISKA SOOMAALIYA IYO TÜRKİYE

Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Ansixiyay heshiis difaac iyo iskaashi dhaqaale oo ay kala sixiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga. Heshiiskaan ayaa dhigaya in toban sano uu Turkigu biyaha Soomaaliya difaaci doono, iyaga oo dhisi doona ciidamo baddeed. Tani waa talaabo weyn oo ay Soomaaliya ku xoojinayso aminga baddeeda si’ay uga gaashaamato khataraha kaga imaanaya gobolka. Hase yeeshee Turkigu ma yahay dalkii ku haboonaa in heshiiskaan lala galo mise Soomaaliya danta ayaa ku qasabtay ? Heerkee ayuu dunida ka joogaa Turkigu marka laga eegayo dhanka Ciidanka Badda iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka Badda ? Sababtoo ah heshiiska ayaa sidoo kale xoojinaya ka faa’iidaysiga kheyraadka badda. Heshiiskan waxuu u siinayaa Ciidamada Turkiga in ay la dagaalami karaan guud ahaan nooc walba oo argagixiso, budhcad badeed, kalluumaysiga sharcidarada ah, sunta lagu qubo xeebaha Soomaaliya, iyo khataraha Soomaaliya uga imanaya dibadda.

Marka aan u imaano Turkiga xaggee ka joogaa dhanka kheyraadka Badda. Sida aan ognahay Turkiga ma ahan wadan leh badwayn ee waa wadan leh bado yar yar, mana ahan wadan caan ku ah wax soo saarka kheyraadka badda nooc kastaba ha noqdee. Marka su’aasha iswaydiinta mudan ayaa ah sidee buu Turkigu usoo saarayaa kheyraadka dhex ceegaaga Badwaynta Hindiya iyo Badda Cas? waxaa taasi sii dheer wadan aan aqoon iyo khibrad durugsan u lahayn Badaha iyo Badwaynta Hindiya sidee ugu aaminaysaa Soomaaliya badeeda oo idil? Tani waxa ay ina tusaysaa dagdaga lagu qaatay go’aanka heshiiska darafkiisa dhaqaalaha. Inta aanan loo gudbin fulinta heshiiskaan iyo hannaanka loo marayo, Turkiga waxa uu ku dhacay doorashadii koobaad ee lagu xulan lahaa waddamada awoodi kara wax soo saarka badda khibrad durugsanna u leh  Cilmiga Baddaha iyo Badwaynta Hindiya.

Waxaa kale oo is-dultaag mudan maxay tahay sababta aan heshiis dhaqaale oo dhanka badda ah ula saxiixanay wadan aan wax badan annaga nagu dhaamin dhanka Cilmiga Badda? Waa maxay danaha uu Turkiga u rabo dhaqaalaha badeena isaga oo aan cilmi iyo awood balaaran u lahayn Badwaynta Hindiya iyo Badda Cas?

Marka aan u imaano Turkiga xaggee ka joogaa dhanka Ciidanka Badda. Waxaan arkaynaa in dalka Turkiga uu leeyahay 34 marakiib oo ilaalada xeebaha ah, 12 gujis, 16 maraakiibta dagaalka iyo 11 maraakiibta kahortagga miinooyinka lagu aaso badda hoosteeda, sidoo kale Turkiga waxa uu hada bilaabayaa farsamaynta maraakiibta waxaana dalkiisa ilaa iyo hadda lagu farsameeyay ilaa labo markab oo uu mid yahay markabka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn xambaara walina waxa ku socota tijaabooyinka hawlgalka.

Haddaba wadanka Turkiga, ee lagu wareejiyay difaaca xeebta ugu dheer Afrika, ma waxa uu ku difaacayaa 11’ka markab iyo 6’da gujis. Haddii Turkiga uu u soo diro Soomaaliya maraakiibtiisa dagaalka qaybo ka mid ah, yaa ilaalin doona xeebihiisa oo ka ilaalindoona Dalka Giriiga oo ay ka dhaxayso muran baddeed xooggan. 

Hadii Turkiga yahay wadan aan quwad muuqata ku dhex lahayn Baddaha Caalaamka, uusan lahayn awoodda wax soo saarka maraakiibta iyo gujisyada caalamiga ah ee maanta dunidani u baahaan tahay maxay tahay sababta Turkiga loola saxiixday heshiiskaan iyada oo la heli karay waddamo ka mudan? Waa maxay caqabada ku hor gudban in lala saxiixdo heshiiskan oo kale ah waddamada qibradaha sare u leh baddaha iyo maraakiibta dagaalka sida: Japan, China, USA, Rusia, England, India, Pakistan iwm? 

Waxaa Aqristow is-waydiin mudan waydiimahan soo socda: Bal ka waran haddii dalka Itoobiya uu soo galo Gudaha Soomaaliya, Turkiga ma difaaci doonaa dhulka Soomaaliyeed? Bal ka waran haddii danaha dhaqaale iyo kan istaraatiijiyadeed ee ka dhexeeya Itoobiya iyo Turkiga uu u saamixi waayo in Turkiga uu difaaco Badda Soomaaliyeed oo ay muhiim noqoto danta Turkiga la leedahay Itoobiya? Bal is-waydii sidee buu u wajahayaa ama uu u difaacayaa Turkiga dhul aysan awood ku dhex lahayn Dawlada Fadraalka Soomaaliya ? Bal sawiro Aqristow sidee buu u difaaci karaa Turkiga bulsho iyo xukuumad ogol Itoobiya oo ka soo horjeeda Dawlada Federaalka Soomaaliya? Haddii dagaal qarxo yaa qaadan doona mas’uuliyadda rayidka ku dhinta goobtaas? Bal maxay samaynaysaa Dawlada Federaalka Soomaaliya haddii Turkiga ka baxdo heshiiska? Bal ka waran haddii Itoobiya ay soo gasho goobo kale oo aan badda ahayn ee ka mid ah dhulka Dowlada Federaalka Soomaaliya maxuu ka qabaa heshiiska mase la difaaci doonaa dulkaas? Intaas iyo in kale oo badan waa waydiimaha aan cidi ka jawaabin. 

Waxaa iska cad in Turkigu doonayo sidii uu ciidamadiisa ugu heli lahaa saldhig kale oo uu ka waardiyaysto ganacsigiisa maraya Gacanka Cadan, halkaasi oo u noqon doonta goobta ay ka heli lahaayeen khibrad bulshadiisa ka aradan dhanka Cilmiga Baddaha iyo Baddwaynta Hindiya. Sidoo kale waa Halka uu faa’iido dhaqaale ugu samayn lahaa dhaqaalaha hoos udhaca ku jira ee Turkiga.

XALKA MARXALADA SOOMAALIYA

Dowlada Federaalka Soomaaliya waxa ay dadaal dheer ku bixinaysaa sidii marxaladaan culus uga badbaadin lahayd bulshawaynta Soomaaliyeed, inkasta oo ay jiraan xaalada aad moodo fududaysi iyo mid ku dhisan qiirada shicbiga ah oo u muuqata mid aan lagu salayn cilmi baaris iyo daraasad rasmi ah. Waxaa la gudboon Dowlada Soomaaliya in ay si qoto dheer u dhuuxdo xaaladaha soo wajihi doonaa ayna ka fogaato wax kasta oo dhayalsi oo keenaya khatar, sow in la abuuro mahan isku filmaansho bulsho iyada oo loo marayo in la adeejinayo qaybaha bulshada lana abuurayo isku filnaanshaha umada Soomaaliyeed  fakradaan way adagtahay in la abuuro balse waxa la dhex marin karaa  Xubnaha Awoodda Qarsoon ee Bulshada Saamaynta wayn ku leh. 

Aqoonyahanka Soomaaliyeed:- Aqoonyahan waxa lagaa doonayaa in aad qaado hawsha ugu badan ee jihaynta bulshada Soomaaliyeed si ay u gaaraan isku filnaansho dhanka wax-qabsiga iyo cilmiga ah iyo in la qabto dood cilmiyeedyo lagu falanqaynayo waxtarka bulshada, laguna fahan siinayo khataraha ka jira dunida iyo marxalada maanta dalku marayo. 

Dhallinyarada Soomaaliyeed:- Dhallinyaro waxaa idin saaran waajibka ugu culus ee ah badbaadinta mustaqbalkiina iyo kan ubadkiina. Waxa dhallinta Soomaaliyeed laga doonayo ayaa ah u istaagida difaaca Qaranimadooda iyo soo bandhigista hal abuurkooda iyaga oo ilays u noqonaya dhallinta soo koraysa iyo xoogga baritoole. 

Haweenka Soomaaliyeed:- Haweenka Soomaaliyeedow waxaa ogtihiin in aad tihiin lafdhabarta ummada soomaaliyeed, waxad qarankan u tihiin ilayska kaliya ee u baxaya.  Doorka aad ku leedahay xal u raadinta marxalada qatarta ah ee dalka Soomaaliya haysataa waxa ay noqonaysaa isku haynta bulshada kala tagtay, waxad ogaataan maanta in aad idinku tihiin aabaha iyo hooyada soomaaliyeedba idinka oo halku-dheg ka dhiganaya oraahda tiraahda: “Hawaayin wax siiso Hooyo, Hawaayin Wardheere Aabe, Hawaayin Waalaalo Dhawr ah, Hawaayin Soomaaliwaynta”. 

Kuwaani waa AWOODDA Qarsoon ee Bulshada Soomaaliyeed aysan wali isticmaalin Dowladda Soomaaliya. Waxaan aaminsanahay in sare u kac laga dareemi doono Dalka Soomaaliyeed haddii si saxan loo maareeyo awooddaan. 

WQ: Ahmed Irad Mohamed
[email protected]

DF oo war culus ka soo saartay qorshaha wafdi Itoobiya ee Muqdisho jooga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur uu Muqdisho ku soo dhaweeyay wafdi ka socda Dowladda Itoobiya ay hoggaamineyso Caa’isho Maxamed oo ah Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Itoobiya.

“Booqashadan ayaa qayb ka ahayd dadaallo socda oo lagu xoojinayo horumarka laga gaaray baaqii Ankara ee dhacay 11-kii Diseembar 2024,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay wasaaradda.

Dowladda Soomaaliya ayaa todobaadkii hore Addis Ababa u dirtay wafdi uu hoggaaminayo wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, halka Itoobiya ay hadda Soomaaliya u soo dirtay wafdi kaas la mid ah.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay hoosta ka xarriiqaysaa muhiimadda wadahadalladan heer sare ah oo laba geesoodka ah, kuwaas oo matalaya tallaabo weyn oo lagu xoojinayo xasilloonida gobolka, lagu kordhinayo kalsoonida labada dhinac, laguna xaqiijinayo ixtiraamka madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.” Ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS.

Intii ay socdeen wada-hadallada, Wasiirka Gaashaandhigga waxa uu carabka ku adkeeyay dadaallada socda ee lagu doonayo in lagu dhameystiro dhismaha howlgalka AUSSOM iyadoo loo marayo iskaashi laba geesood ah iyo mid dhinacyo badan leh.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay in ay ixtiraamto heshiisyadii hore, waxa uuna muujiyay sida ay u doonayaan in ay tixgaliyaan codsiga Itoobiya ee ah in ay ciidamo ku biiriyaan howlgalka AUSSOM,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Qoraalka DF Soomaaliya ayaa intaas ku sii daray, “Si waafaqsan go’aankeeda joogtada ah ee ku aaddan mabaadi’da Baaqa Ankara, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay fulinta heshiisyadii la gaaray. Waxay aaminsan tahay in mabaadi’da lagu sheegay bayaanka ay siinayaan aasaas adag oo dib u dhiska kalsoonida iyo kobcinta iskaashiga togan ee u adeega danaha la wadaago.”

Dowladda waxay maalmo yar ka hor Golaha Amaanka ka sheegtay in ciidanka Itoobiya uusan kamid noqon doonin AUSSOM oo ah hawl-galka cusub ee sanadkan beddelaya ATMIS.

DF oo abaabul cusub ka wada Gedo iyo diyaarado maanta laga dejiyey Garbahaarey

0

Garbahaarey (Caasimada Online) –Dowladda Soomaaliya ayaa gobolka Gedo maanta ka dejisay diyaarado wada gargaar bini’aadanimo si loogu gurmado shacabka deegaanadaas oo la daalaa dhacaya abaar baahsan.

Gobolka Gedo oo dowladda Soomaaliya ay ka fara maroojisay maamulka Axmed Madoobe waxaa muddo labo todobaad ka badan ku sugan wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullahi Fartaag.

Dowladda ayaa muhiimad gaar ah siineysa Gedo, maadaama maamulkeeda la hoos keenay dowladda federaalka, kadib khilaaf dheer oo dadka gobolkaas kala soo dhaxeeyey maamulka Axmed Madoobe.

Dadka reer Gedo ayaa hadda wajahaya abaaro baahsan, waxaana u dheer maamul xumo ka jirta gobolkaas, maadaama dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland ay ku hardanayaan.

Ciidamada Itoobiya ayaa saameyn ku lahaa gobolka, waxayna la jireen dhanka Axmed Madoobe, balse hadda waxaa muuqata in dowladda dhexe ay la wareegtay taageeradii Itoobiya, maadaama uu dhacay heshiis lagu xaliyey khilaafkii labada dal.

Qodobada ay dowladda Soomaaliya hor dhigtay Itoobiya waxaa la sheegay in qadiyadda Jubbaland ay ku jirtay, Itoobiya ayaa hadda kadib ka shaqeyn doonta maslaxada dowladda federaalka, maadaama la galay heshiis oo ciidamada Itoobiya lagu daray howlgalka cusub ee AUSSOM.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Mr. Fartaag ayaa 16-kii maalmood ee lasoo dhaafay Gedo ka waday abaabul bulsho oo dowladda Soomaaliya ay dooneyso in dadka gobolkaas looga iibiyo doorashada ay dowladdu gadaal ka riixeyso ee qof iyo codka ah.

Jubbaland ayaa si buuxda loogala wareegay gobolka Gedo, degmooyinka Baardheere iyo Doolow ayaa si wadahadal ah looga saaray Jubbaland, kadib markii dowladdu kala furfurtay saaxiibadii Axmed Madoobe kulahaa degmooyinkaas.

Booliska K/Koofureed oo isku dayay soo xirista madaxweynaha kadib maxaa dhacay?

0

Seoul (Caasimada Online) – Hay’adda la dagaalanka musuq-maasuqa ee Kuuriyada Koonfureed ayaa aroornimadi hore ee Jimcaha maanta ah ku dhaqaaqday fulinta waaran lagu soo xirayo madaxweynaha xilka laga xayuubiyay ee Yoon Suk Yeol.

Durbaba boqolaal taageerayaashiisa ah ay isugu soo baxay bannaanka hore ee gurigiisa oo ku yaala magaalada Seoul.

Taageerayaashiisa ayaa isku dayay in ay hor istaagaan ciidamada doonaya in ay xiraan madaxweynihi hore, hase yeeshee saraakiisha ayaa jiiray oo gudaha u galay aqalka madaxweynihi hore.

Balse, waxaa ka horyimid ilaalada gaarka ah ee Yoon, kuwaas oo diiday in la xiro. Qareenka Yoon Suk Yeol ayaa bayaan uu saakay soo saaray ku sheegay, in in waaranka lagu soo xirayo uusan sharci aheyn isla markaana ay tallaabo sharci ah qaadi doonaan.

Yoon ayaa waxaa ku socda danbi-baaris, kaddib marki uu ku guuldaresytay Amar deg deg ahaa oo geliyay Kuuriyada Koofureed saddexdi bishii December.

Xaaladdaasi deg-dega aheyd ayaa ka careysiisay inta badan shacabka Kuuriya iyo baarlamaankooda, kaddibna ugu danbeynti keentay in madaxweynaha xilka laga qaado.

Wakaaladda wararka Kuuriyada Koofureed ee Yonhap ayaa ku warrantay in dowladdi diyaarisay ilaa 3,000 oo boolis ah, si loogu diyaar garoobo rabshado ay suuragal tahay in ay dhacaan.

FBI-da oo xog cusub ka bixisay weerarkii New Orleans

0

New Orleans (Caasimada Online) – Askari ka tirsanaa ciidamada Maraykanka oo dilay 14 qof kadib markii uu baabuur jiirsiiyey dad isugu soo baxay dabaal degga sanadka cusub ee magaalada New Orleans, ayaa baayaco u ballan-qaaday kooxda Daacish, wuxuuna duubay muuqaallo uu ku cambaareynayo musika, daroogada iyo khamriga.

Shamsud-Din Jabbar, oo ahaa 42 jir u dhashay gobolka Texas, marna qeyb ka ahaa ciidamada Mareykanka ee Afghanistan la geeyey, ayaa kaligiis ka dambeeyay weerarka, FBI-da ayaa sidaas sheegtay Khamiistii, iyadoo dib uga laabatay qiimeyn hore oo ay ku sheegtay in laga yaabo in ay dad kale kula jireen.

Waxa uu ku dhintay is-rasaasayn uu la galay booliska kadib weerarka, kaas oo sidoo kale lagu dhaawacay tobanaan qof, islamarkaana FBI-da ay ku tilmaamtay fal argagixiso.

“Waxa uu ahaa fal la sii qorsheeyay oo xun,” ayuu ku xigeenka agaasimaha FBI-da Christopher Raia ku sheegay shir jaraa’id Khamiistii, isagoo dib u xaqiijiyay go’aanka hay’adda ee ah in Jabbar ay dhiirigelisay kooxda Daacish.

Raia waxa uu sheegay in baarayaashu ay eegayaan “dariiqa xag-jirnimada” ee Jabbar, ayada oo aan weli la hubin sida uu isaga beddelay ruug-caddaa millatari, wakiil iibiya hantida maguurtada ah iyo shaqaale ka tirsanaa shirkadda weyn ee cashuuraha iyo la-talinta ee Deloitte, una noqday qof “100% ay dhiirigelisay Daacish.”

Calanka Daacish ayaa ka babanayay qalab saarnaa dhabarka dambe ee gaarigii uu soo kireystay ee loo adeegsaday weerarka.

In kasta oo si weyn loogu wiiqay olole millatari oo joogto ah oo ay wadaan isbahaysiga uu Maraykanku hoggaamiyo, haddana Daacish waxa ay sii wadaan in ay internet-ka ka qortaan dad taageera, sida ay leeyihiin khubarada.

Jabbar walaalkiis ayaa isna raadinaya jawaabo, isagoo sheegay in Shamsud-Diin Jabbar uu la tacaalayay sidii uu uga gudbi lahaa furriinka xaaskiisa ee dhowaan balse aysan ka muuqan wax caro ah toddobaadyo ka hor weerarka.

“Wuxuu ahaa mid caqli badan, qosol badan, soo jiidasho leh, dadka jecel, naxariis badan, is-hoosaasiiya oo xitaa aan dhibaateyn tixsi,” ayuu Abdur Rahim Jabbar u sheegay Reuters isagoo ku sugan gurigiisa oo ku yaalla Beaumont, Texas.

“Taasi waa sababta ay u tahay mid aad u argagax badan, heerkan xaasidnimadu ma ahan isaga oo kale. Waxaan isku dayeynaa inaan fahamno waxa isbeddelay sidoo kale.”

Waxa uu sheegay in aabbahood markii uu warkaas maqlay uu qalbi jabay.” (Aabaheen) wuxuu billaabay oohin, wuxuu lahaa ‘maya, maya, ma aha wiilkayga curadka ah,” ayuu yiyi Abdur Jabbar.

REUTERS + VOA