26.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

Xogta weerar culus oo ka dhacay gobolka Bari + Bartilmaameedka

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo ka dhacay gobolka Bari, kaas oo ka dhan ahaa kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda Calmiska ee gobolkaasi.

Weerarkan ayaa isugu jiray duqeyn xagga cirka ah iyo mid dhanka dhulka ah, waxaana iska kaashanayay ciidamada maamulka Puntland iyo saaxiibada caalamka.

Howl-galkaan oo ahaa mid qorsheysan ayaa lagu qaaday deegaanka Deylaamo iyo toga Ceelka-ileed, iyadoo lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay leeyihiin kooxda Daacish iyo goobo ay u yaalleen saadka.

Duqeymaha dhanka cirka ah oo ay barbar socdeen weeraro dhanka dhulka ah oo ay fuliyeen cidanka Puntland ayaa lagu waramay in waxyeello ba’an la gaarsiiyay argagixisada, islamarkaana la burburiyay hub iyo qalab kale oo ah walxaha qarxa.

Afhayeenka ciidanka Puntland ayaa sheegay in ay soo bandhigi doonaan khasaaraha dhimashada iyo qalabka kale ee ay ka qabsadeen kooxdaasi, oo muddooyinkii dambe culeys amni ku haysay maamulka.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka in ay gacan ka geystaan soo afjarida kooxda Daacish.

Dhowaan ayeey aheyd markii kooxdaasi oo soo weerartay fariisin looga dilay tiro badan oo maleeshiyo ah oo ay ku jireen 8 kamid ah ajnabiga ka tirsan kooxda, sida uu shaaciyay maamulka Puntland.

Soomaaliya oo u dabaal dagtay guul taariikhi ah + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa u dabaal degtay guusha taariikhiga ee shalay la gaaray, kadib markii ay si rasmi ah ugu fariisatay kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Xarunta dhexe ee wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa martigelisay munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayay fadhiga rasmiga ah ee Soomaaliya ku yeelatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, Xoghayaha Joogtada ah, Agaasimayaasha Waaxyaha, iyo hawlwadeennada wasaaradda.

Guushan ayey wasaaradda ku tilmaamtay mid calaamad u ah bilowga shaqada Soomaaliya ee golahaas, sidoo kalena muujineysa kalsoonida caalamka ee dowladnimadeena.

Wasiirka, oo munaasabadda khudbad ka jeediyay ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay leedahay ka mid noqoshada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka, dadaalladii xoogga lahaa ee arrintan lagu gaadhay iyo ajendayaasha ay Soomaaliya mudnaanta siin doonto intay golahaasi ku jirto.

Wuxuu sidoo kale uga mahad-celiyay madaxda qaranka ee uu ugu horreeyo madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, ergada Soomaaliya ee xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa, ergada Qaramada Midoobay ee New York, iyo dhammaan diblomaasiyiinta iyo hawlwadeennada wasaaradda kaalinta weyn ee ay ku lahaayeen guushan muhiimka ah.

Soomaaliya ayaa 54 sano kadib maalintii shalay aheyd si rasmi ah ugu biirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Itoobiya oo shaacisay natiijada shirkii shalay madaxda Somalia kula yeesheen Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay in dowladda Soomaaliya ay ka wada-shaqaynayaan howl-galka cusub ee AUSSOM, kadib markii uu shalay magaalada Muqdisho kulan ku dhex-maray labada dhinac.

Kulankaas oo u dhaxeeyay wasiirada difaaca ee Soomaaliya iyo Itoobiya, ayey labada dhinac heshiis uga gaareen arrintaan, sida uu shaaciyay wasiiru-dowlah arrimaha dibadda ee Itoobiya oo kulankaas uga hadlay bartiisa X (ex-Twitter).

“Labada waddan (Soomaaliya iyo Itoobiya) ayaa waxay ku heshiiyeen in ay ka wada shaqeeyaan howlgalka AUSSOM, xoojiyaanna xiriirka laba-geesoodka ah,” ayaa wasiiru-dowlaha ku yiri qoraalka.

Wasiirka difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa isna dhankiisa sheegay in wafdiga Itoobiya oo ay hugaamineysay dhiggiisa Aisha Mohamed, ay ka wada-hadleen sidii labada dal u hormarin lahaayeen iskaashiga dhanka difaaca ee ka dhaxeeya ee labadal dal.

“Iskaashigu waxa uu suuragalin doonaa jawi wax ku ool u noqon kara nabadda iyo barwaaqada gobolka Geeska Afrika,” ayuu wasiir Jaamac ku yiri qoraal uu daabacay bartiisa X.

Dhanka kale, wakaaladda wararka ee dowladda Itoobiya, ayaa waxay sheegtay in wafdigii shalay gaaray magaalada Muqdisho, in ay kulan la qaateen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh, ayna gaarsiiyeen farriin ay uga sideen ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, sida ay ka soo xigteen wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas.

Wakaaladda ayaa intaas ku dartay in labada dhinac ay isku afgarteen in wada-hadaladu ay sii socdaan, iyada oo la filayo in dhawaan saraakiil sar-sare oo ka socda Soomaaliya ay gaaraan magaalada Addis Ababa.

Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in la xaliyey khilaafkii Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in xalinta khilaafkaas uu ku soo aadey xilli munaasab ah oo Soomaaliya ay xubin ka noqotay golaha guud ee lagu gaaro go’aanada caalamiga ah.

“Khilaafkaas waa la xaliyey, waxaana lagu xaliyey dulqaadka Soomaaliya, lama xanaaqsanaa karo abid, bud la iskama qada karo, diblomaasiyadana inyow kuma jirto, hadii Itoobiya aanaan la fariisa laheyn guushaan Soomaaliya uma soo hoyateen,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Hadalka Wasiirka ayaa wax weyn ka bedelaya aragtidii dadka Soomaaliyeed ay ka heysteen Itoobiya oo muddooyinkaan aheyd cadowga koowaad ee umadda Soomaaliyeed, waxaana muuqata in wixii ka dambeeyey wada-hadaladii Ankara ay is fahmeen labada dal.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa caddeysay inay diyaar u tahay dib u eegista go’aankii ay ciidamada loo ogolaaday howl-galka cusub ay uga reebtay ciidamada Itoobiya, maadaama wixii ka dambeeyey kulamadii Ankara ay heshiiyeen labada dal.

Madaxweyne Trump oo laga filayo go’aan saameyn weyn ku yeelan kara Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) – Mustaqbalka howlgallada ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa wajahaya hubanti la’aan iyadoo maamulka Trump uu dib u eegis ku sameyn doono joogista dalka ku yaalla Geeska Afrika.

Go’aankii maamulka Trump ee 2020-ka uu ku dhawaad dhammaan ciidamada Mareykanka kaga saaray Soomaaliya ayaa noqday isbeddel muhiim ah oo ku yimid amniga markii horeba jilicsanaa ee Soomaaliya.

Talaabadan ayaa keentay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Guutada Danab, oo ah cutub uu Mareykanku tababaray, ay la daalaa dhacaan sidii ay uga hortagi lahaayeen Al-Shabaab iyaga oo aan helin taageero howlgal oo muhiim ah.

Kuwa dhalleecaya go’aanka ayaa sheegay in tallaabadan ay wiiqday dadaallada la dagaallanka argagixisada, halka kuwa taageersan ay iftiimiyeen inay qayb ka tahay siyaasadda ballaaran ee “America First”.

Khubarada ayaa ka digaya in maqnaanshaha ciidamada Mareykanka ay dhiiri gelin karto kooxda fallaagada ah ee Al-Shabaab oo weli ah tan ugu khatarta badan Afrika.

Peter Pham, ergeygii hore ee Mareykanka u qaabilsanaa gobolka Saaxil, ayaa ka digay in Soomaaliya ay weli tahay barta xasilooni darida.

“Waxaan filayaa in madaxweyne Trump uu doonayo inuu xaaladda ku soo celiyo meeshii uu uga tagay dhammaadkii muddo xileedkiisii hore ee 2020,” Pham ayaa sidaas u sheegay warbaahinta Stars and Stripes.

Pham ayaa intaas ku daray “Ma jiraan dano amni oo Mareykan ah oo cudur daar u ah in khatar la geliyo hantida Mareykanka – iska daa dhiigga Mareykanka.”

Ka bixitaanka ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya ee maamulka Trump waxaa laga yaabaa inay saameyn ku yeeshaan istiraatijiyado kale oo fikradeed iyo juqraafiyeed, oo ay ku jirto taageerada suurtagalka ah ee madax-banaanida Somaliland.

Mashruuc loo yaqaan Project 2025, oo ah khariidad siyaasadeed ay diyaariyeen garab ka mid ah Jamhuuriyiinta Mareykanka, ayaa soo jeediyay in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan.

Inkasta oo Trump uu iska fogeeyay inuu si toos ah ugu lug lahaa mashruuca, qaar badan oo ka mid ah la-taliyayaashiisii hore iyo xulafadiisa ayaa difaacay qaybaha siyaasadda dibadda ee mashruuca.

Saraakiisha Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay saameynta mustaqbalka fog ee ka dhalan karta bixitaanka Mareykanka, iyagoo carabka ku adkeeyay in taageerada caalamiga ah ee sii socota ay weli muhiim u tahay xasiloonida dalka.

Masar iyo UK oo wada-hadallo ka yeeshay arrimaha Gaza, Syria iyo Sudan

0

London (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Masar Badar Abdelatty iyo La-taliyaha amniga qaranka UK Jonathan Powell ayaa magaalada Qaahira ku yeeshay wada-hadal ku aadan xaaladaha iyo horumarinta Gaza, Suuriya iyo Suudaan.

Kulankii dhinacyadaasi ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka Masar iyo Ingiriiska, iyadoo halkaasi la isku weydaarsaday aragtiyo ku aaddan arrimaha gobolka iyo caalamka.

Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen Masar iyo Ingiriiska ayaa lagu sheegay in ay lagama maarmaan tahay xal u helidda arrimaha cakiran ee ka jira Gaza, Suuriya iyo Suudaan.

Si gaar ah wasiirka arrimaha dibadda Masar Badar Abdelatty oo soo saaray bayaan ayaa sheegay in Masar ay daneyneyso baahida loo qabo xabad-joojin deg-deg ah oo laga sameeyo Gaza iyo in gargaar bini’aadanimo la gaarsiiyo halkaasi.

Dhanka arrinta Suuriya, wasiirka ayaa qiray taageerada Masar ay u heyso Suuriya haddeey ahaan laheyd xasiloonida dalka, ilaalinta hay’adaha qaranka iyo ixtiraamka midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalkaasi.

Bayaanka ayaa ugu dambeyntii ku baaqay qodobo ay kamid yihiin xabbad-joojin deg-deg ah oo laga sameeyo Suudaan.

Sidoo kale waxay xoojiyeen in la dedejiyo gargaarka bani’aadanimo iyo in la taageero hay’adaha dawliga ah ee qaranka.

Daawo: Fiqi oo shaaciyey in la xaliyey khilaafkii Soomaaliya iyo Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in la xaliyey khilaafkii Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo ka hadlayey guusha Soomaaliya ee kursiga golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in xalinta khilaafkaas uu ku soo aadey xilli munaasab ah oo Soomaaliya ay xubin ka noqotay golaha guud ee lagu gaaro go’aanada caalamiga ah.

“Khilaafkaas waa la xaliyey, waxaana lagu xaliyey dulqaadka Soomaaliya, lama xanaaqsanaa karo abid, bud la iskama qada karo, diblomaasiyadana inyow kuma jirto, hadii Itoobiya aanaan la fariisa laheyn guushaan Soomaaliya uma soo hoyateen,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Hadalka Wasiirka ayaa waxweyn ka bedelaya aragtidii dadka Soomaaliyeed ay ka heysteen Itoobiya oo muddooyinkaan aheyd cadowga koowaad ee umadda Soomaaliyeed, waxaana muuqata in wixii ka dambeeyey wadahadaladii Ankara ay is fahmeen labada dal.

Waaiiru dowlaha arrimaha dibadda Cali Balcad ayaa isna sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay dib u eegto go’aankii ay ciidamada loo ogolaaday howlgalka cuaub ay uga reebtay ciidamada Itoobiya, maadaama wixii ka dambeeyey kulamadii Ankara ay heshiiyeen labada dal.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay guusha Soomaaliya ee kursiga Qaramada Midoobey ayaa soo bandhigay balan-qaadyada shaqada ay adduunka ka qaban doonto Soomaaliya, inta ay heysato muddo xileedka kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

“Codka Soomaaliya wuxuu noqon doonaa mid u taagan nabadda, horumarka iyo soo dhicinta xaqa kuwa adduunka lagu dulmiyey, ra’yiga saxda ah lama gamba doono, qadiyadaha caalamiga ah ayaan ra’yi cad ka qaadan doonaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Hoos ka daawo Fiqi

Israel oo Gaza ka geysatay dil horleh

0

Gaza (Caasimada Online) – Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in duqeymo cirka ah oo ay ciidamada Isra’il ku rusheeyeen qeybo kala duwan oo Gaza lagu dilay, ugu yaraan 54 qof oo Falastiiniyiin ah.

11 ka mid ah dadka la dilay oo ay ku jireen dumar iyo carruur ayaa lagu duqeeyay teendhooyin ku yaalla xaafadaha baraka cee degmada Al-Mawasi, halkaas oo ay Isra’il u asteysay aagga bani’aadannimo ee dadka rayidka ah.

Wasaaradda arrimaha gudaha Gaza ayaa sheegtay, in mid ka mid ah duqeymihi shalay ee Gaza lagu dilay, agaasimihi guud ee Qeybta Booliska ee Gaza, Maxmuud Salaax iyo kaaliyihiisa Xusaam Shawxan.

War kasoo baxay millatariga Isra’il ayaa lagu sheegay in deegaanka Al Mawasi ee galbeedka magaalada Khan Yunis ku dileen Xusam Shawxan oo ay sheegeen in uu Xamas ma’uul uga ahaa amniga guud ee koofurta Marinka Gaza.

Weeraro kale oo cirka ah oo ay Isra’il ka fulisay Gaza Khamiistii shalay, ayay ku dishay ugu yaraan 43 Falastiiniyiin ah.

Duqeymaha ayaa lagu bartilmaameedsaday xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Gaza ee ku taalla Khan Yunis, dhismooyin ku yaalla xerada Jabaaliya ee Waqooyiga Gaza, kaamba Shati iyo xerada qaxootiga ee Maghazi ee bartamaha Gaza.

Duqeymihi ugu danbeeyay ee Isra’il ee ay Gaza ku qaadday xalay ayaa lagu dilay ugu yaraan 4 qof, bartamaha Gaza iyo degmada Xeytuun, sidaasi waxaa wakaaladda wararka ee Rueters u xaqiijiyay saraakiisha caafimaadka.

Daawo: Madaxweyne Xasan oo shaaciyey shaqada ay Somalia ku qaban doonto kursiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka Soomaaliyeed u jeediyey farriin hambalyo ah oo ku aaddan ka mid noqoshada Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey oo ay dalkeena ugu dambeysay 54 sano ka hor.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyay dadaalka loo soo maray xaqiijinta guushan taariikhiga ah, isagoo sheegay in Soomaaliya ay ka horeyso wadamo badan oo dhibaatada na gaartay aan weligood arkin.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay balan-qaadyada shaqada ay adduunka ka qaban doonto Soomaaliya, inta ay heysato muddo xileedka kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

“Codka Soomaaliya wuxuu noqon doonaa mid u taagan nabadda, horumarka iyo soo dhicinta xaqa kuwa adduunka lagu dulmiyey, ra’yiga saxda ah lama gamba doono, qadiyadaha caalamiga ah ayaan ra’yi cad ka qaadan doonaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay qaaday masuuliyad weyn oo caalami ah, isagoo balan qaaday in si sharfi ku jirto ay u gudan doonto, iyadoo aan marnaba taageeri doonin wax dulmi ah.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa shaaciyey in Dowladda Soomaaliya ay bixisay wixii qaaraan ahaa ee ku uruuray Soomaaliya ee Qaramada Midoobey looga lahaa.

“Dadka Soomaaliyeed oo isku tashtay ayaa bixiyey dhaqaalahaas, suurtagal waa noqon weysay in kulamada golaha Ammaanka aan soo fariisano, iyadoo qaaraan nagula leeyahay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hoos ka daawo

Maxaa kasoo kordhay weerarkii lagu la’day ee Mareykanka

0

New Orleans (Caasimada Online) – Laanta Danbi-baarista Mareykanka ee loo soo gaabiyo FBI ayaa Arbacadi sheegtay, in weerarki habeenki sannadka cusub uu muwaadin Mareykan ah ku dilay ilaa 15 qof uu yahay weerar argagixiso.

Nin hubeesnaa ayaa baabuur laba shirreey ah jiir siiyay dad u dabaal-dagayay curashada sannadka cusub ee 2025-ka, saacadihi danbe ee Arbacadi shalay.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in ilaa 35 qof oo kale lagu dhaawacay weerarka. Ninka oo ay toogasho ku dileen ciidamada ammaaka ayay FBI-du ku sheegtay in uu ahaa, Shamsud-Din Jabbar oo ahaa 42 jir kasoo jeeday gobolka Texas.

FBI-da waxay sheegtay in ay rumeysan yihiin in ninkani uusan galigiis falka geysan, kaddib marki baabuurka uu dadka ku laayay laga helay calanka kooxda Daacish.

Ninka falka looga shakisan yahay ayaa horay uga soo mid noqday millatariga Mareykanka, balse marki danbe ka baxay sida ay saraakiishu sheegeen.

Booliska magaalada New Orleans ayaa sheegay, in marki uu weerarka dhacayay ay amniga goobta sugayeen in ka badan 300 oo ka mid ah ciidamada booliska magaalada.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay, in dhacdadaasi uu ka warqabo, isla markaana uu tacsi u diray qoysaska dhibbanayaasha.

SACUUDIGA oo sanadkii tegay fuliyay xukunnadii dil ee ugu badnaa

0

Riyad (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in dil toogasho ah lagu fuliyay lix qof oo Iiraaniyiin ah oo lagu eedeeyay ka ganacsiga maandooriyaha, kadib sanad ay boqortooyada fulisay tiradii ugu badneyd ee dilal ah, sida ay muujineyso xog ururinta wakaaladda wararka AFP.

Bayaan ay baahisay Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee rasmiga ah ayey wasaaradda ku sheegtay in lixda qof lagu toogtay magaalada Damaam ee Xeebta Gacanka, iyadoo lagu eedeeyay “in ay si qarsoodi ah u soo galiyeen xashiish” boqortooyada, balse lama cayimin goorta.

Wasaaradda arrimaha dibadda Iran ayaa sheegtay in ay u yeertay safiirka Sacuudiga si loogu gudbiyo “cabasho xooggan oo ka dhan ah ku xadgudubka aan la aqbali karin ee sharciyada iyo xeerarka caalamiga ah.”

Tirakoobka AFP ayaa muujiyay in Sacuudi Carabiya ay fulisay ugu yaraan 338 dil 2024-kii, taasi oo aad uga badan 170-kii dil ee la diiwaan galiyay 2023, waana tiradii ugu badnayd muddo tobanaan sano ah.

Hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International, oo diiwaan-gelinaysay xukunnada dilka ah ee ka dhacay boqortooyada tan iyo sagaashamaadkii, ayaa sheegtay in heerarkii hore ee ugu sarreeyay ay ahaayeen 196 dil 2022, iyo 192 dil 1995-kii.

Dadka daroogada ka ganacsada ee la xukumay ayaa ah ugu yaraan 117 ka mid ah kuwa la toogtay sanadkii hore.

Waxaa jiray mowjado dil ah oo lagu fuliyay dad daroogada ka ganacsanayay tan iyo markii boqortooyadu soo afjartay hakinta isticmaalka ciqaabta dilka ah ee dambiyada daroogada laba sano ka hor.

Mas’uuliyiinta ayaa 2023 billaabay olole si heer sare ah loo xayeysiiyey oo ah la-dagaalanka maandooriyaha kaas oo ay ku jireen dadka oo guryaha loogu galo iyo xarigyo joogto ah.

Sacuudi Carabiya ayaa suuq weyn u noqotay nooc daroogo oo aad loo qabatimo oo lagu sameynayey gudaha Suuriya intii uu socday dagaalka sokeeye ee ugu dambeyn ee xukunka looga tuuray madaxweyne Bashar al-Assad bishii hore.

Bishii Sebtembar, in ka badan 30 ururada xuquuqda aadanaha ee Carabta iyo kuwa caalamiga ah ayaa dhalleeceeyay “kor u kaca” dilalka dadka lagu xukumo eedeymaha daroogada.

Ajaanibta ayaa ka kooban 129 ka mid ah 338 qof ee lagu fuliyay dilka 2024, waana rikoor cusub.

Waxay isugu jireen 25 Yemeniyiin ah, 24 Pakistaniyiin ah, 17 Masaari ah, 16 Suuriyaan ah, 14 Nigeria u dhashay, 13 Urdun ah iyo 7 Itoobiyaan ah.

VOA

Guddoomiye Amiir oo bilaabay qorshe cusub iyo kulan maanta dhacay + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa guddoomiyay kulan loogu hadlaayay dar-dargelinta howlaha shaqo ee ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saaray sidii ay ciidamada ilaalinta deegaanka ay ugu qeyb qaadan lahaayeen qorshaha bilicda magaalada Muqdisho, oo ah qorshe muhiim u ah caasimadda.

Taliyaha ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar Jeneraal Maxamed Carabow Cali ayaa ka warbixiyay shaqooyinka ciidanka Ilaalinta deegaanka, isbadalka dhinaca tayada ee lagu sameeyay iyo caqabadaha jira.

Sidoo kale wuxuu taliyuhu xusay xusay in ay diyaar u yihiin gudashada waajibaadka loo igmaday.

Guddoomiye Amiir ayaa intii uu socday kulanka xaqiijiyay ka go’naashiyahiisa ku aadan tayeynta iyo dhismaha ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar.

Waxa uuna faray saraakiisha ciidanka in ay dardargaliyaan ilaalinta nadaafada iyo bilicda caasimadda, kor u qaadista dakhliga iyo in loo turo oo si dabacsan loola dhaqmo bulshada gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir oo dhawaan la wareegay xilka ayaa dardar-gelinaya howlaha shaqo ee loo igmaday, xilli dadka reer Muqdisho ay muujinayaan inay weli maqan tahay kaalintii gobolka.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay magacaabista masuul sare

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa ansixiyey magacaabista guddoomiyaha hay’adda qaxootiga iyo barakacayaasha Soomaaliyeed, kaas noqon doona Axmed Xuseen Cilmi.

Magacaabista guddoomiyaha hay’adda qaxootiga iyo barakacayaasha ayaa ku timid soo jeedinta wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, taas oo ugu dambeyn lagu meel-mariyay kulankii maanta ee golaha wasiirada Soomaaliya.

Sidoo kale, golaha wasiirrada ayaa ansixiyay soo jeedinta wasaaradda maaliyadda ee ah in Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim ay xubin ka noqoto Guddiga Sare ee Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Shirka golaha oo uu guddoominayey ra’iisul wasaaraha dalka Xamza Cabdi Barre ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo kamid yihiin;

1. Qiimeynta wax-qabadka wasaaradaha dowladda.

2. Sharciga nidaamka xukuumadda.

3. Abaabulka iyo wacyigelinta bulshada ee ku aaddan doorashooyinka qof iyo codka ah ee la doonayo in dalkeenna laga hirgaliyo.

Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixineysa hirgelinta nidaamka doorasho qof iyo cod, taas oo si weyn ugu dhagan yahay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Nidaamkan doorasho ayaa wajahaya mucaaradad xooggan, waxaana ka horyimid madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo iyagu u arka qorshe muddo kororsi oo xukunka ku dheereysanayo madaxweynaha.

PUNTLAND oo jawaab deg-deg ah ka bixisay weerarkii DAACISH

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa jawaab culus oo deg-deg ah ka bixiyay weerar maalin kahor kooxda Daacish kusoo qaaday, kaas oo ka dhacay deegaanka Dharjaale oo uu ka socdo abaabulKA howlgal ka dhan ah argagixisada.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in maanta ciidamada Puntland ay duqeeyeen goobo ay ku dhuumaaleysanayeen xubnaha Daacish oo ku yaalla Togga Gaalakeen iyo deegaanka Hoobato ee buuraleeyda gobolka Bari.

Saraakiil ka tirsan ciidanka difaaca Puntland ayaa sheegay in duqaynta lagu dilay malayshiyaadkii ku dhuumaalaysanayey goobahaasi, ayna sii wadi doonaan howgalladaan inta kooxahaan laga sifayn doono buuraleeyda Cal-madaw iyo Cal-miskaad.

Duqeyntan ayaa jawaab u ahayd, weerarkii ay soo qaaday Daacish oo lagu dilay askar ka tirsanaa ciidanka Puntland, kadib dagaal toos ah iyo qaraxyo la beegsatay xeradooda.

Kooxda oo bayaan soo saartay ayaa ku sheegtay in weerarka ay fuliyeen illaa 12 nin oo hubeysan iyo labo baabuur oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay, iyagoo intaa ku dartay inay dileen ku dhawaad 22 askari oo ka tirsan ciidamada Puntland, tiro kalena ay ku dhaawaceen.

Xaaladda gobolka Bari ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana dhulka buuraleyda ah laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo.

Puntland ayaa dooneyso inay dhulkaasi ka sifeyso kooxda, waxayna ku dhowaaqday howlgal xoreyn ah oo ay ugu magac dartay ‘Hilaac’ kaas oo ay lagu doonayo inay ciidamada buuraha uga saareen maleeshiyaadka kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Wafdi culus oo ka socda Itoobiya oo kasoo dagay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta soo gaaray wafdi culus oo ay soo dirtay dowladda Itoobiya, kuwaas oo wada-hadallo xasaasi ah la yeelan doono madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Wafdiga ka socda Itoobiya oo lagu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa hoggaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Mesganu Arga iyo Wasiirka Gaashaandhigga Aisha Mohammed Musse, kuwaas oo wada-hadal ka bilaabaya Muqdisho.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Itoobiya ay dowladda federaalka kala hadleyso arrimo ku aadan joogitaanka ciidamada Itoobiya ee kamid noqonaya howlgalka cusub ee AUSSOM iyo dhammeystirka heshiiska ay dhowaan labada dal ku gaareen magaalada Ankara.

Itoobiya ayaa raadinayso marin badeed ay si sharci ah ku hesho, waxayna haatan kala macaamileysa dowladda Soomaaliya  oo horey u diiday heshiiskii  ay la gashay Somaliland.

Horay dowladda Soomaaliya ayaa u sheegtay in ciidanka Itoobiya ay ka baxayaan dalka waxaana loo qabtay 31-kii bishii dhammaatay, balse weli ma bixin, waxaana qorshaha Itoobiya uu yahay inay sii joogto, qaybka kasii ahaato howlgalka ka socda dalka.

Dowladda Itoobiya ayaa isku dayeysa inay ku qanciso madaxda Soomaaliyeed inay ciidankeeda kasii mid ahaadaan howlgalka Midowga Afrika, waxaana horay labada dal ay heshiis uga gaareen murankii ka dhashay badda, kadib wada-hadallo ka dhacay gudaha magaalada Anakara.

Waxaa kale oo jirta in Masar ay qayb ka tahay howlgalka cusub, iyada oo maalmaha soo socdo soo diri doonto ciidamadeeda, waana dal ay is hayaan Itoobiya.

Si kastaba arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan Soomaaliya ay wafdi culus u dirtay Addis Ababa, kaas oo wada-hadallo la yeeshay madaxda sare ee dalkaasi.

Soomaaliya oo 54 sano kadib dib ugu biirtay…

0

New York (Caasimada Online ) — Soomaaliya ayaa ugu dambeyn si rasmi ah Arbacadii shalay dib ugu biiray xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, 54 sannadood kaddib.

Soomaaliya ayaa ka mid noqotay 15-ka xubnood ee uu ka kooban yahay Golaha Ammaanka, gaar ahaan 10-ka xubnood ee aanan joogtada aheyn.

Waxay kursigan ku matali doontaa Bariga Africa muddo laba sannadood ah oo ka billaabatay 1-di bishan January ee sannadkana 2025-ka oo shalay ku beegneyd ilaa sannadka 2026-ka.

Danjiraha Soomaaliya ee QM Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle) oo ka hadlay guushaan wayn ayaa sheegay in kursigaan muhiimad gaar ah u leeyahay Soomaaliya, isla markaana ay uga shaqeyn doonaan danaha caalamka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay u istaagi doonto ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah, iyada oo la dhowrayo axdiga u yaalla Qaramada Midoobay.

“Waxaa naga go’an inaan ilaalino Axdiga Qaramada Midoobay, waxaana u heellannahay ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah.” ayuu yiri Danjire Baalle.

Dhanka kale, si lamid ah Soomaaliya waxaa sannadkan Golaha Ammaanka shirarkiisa ku biiray dowladaha Denmark, Giriiga, Pakistan iyo Panama.

Si kastaba, dowladda federaalka ayaa helitaanka kursigan ku bixisay dadaallo dheeraad ah, iyada oo ugu dambeyn hanatay, waana guul kale oo usoo hoyatay Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay gaari ku qarxay bannaanka hoteel uu leeyahay Trump

Washington (Caasimada Online) – Booliiska ayaa baaraya ka dib markii gaari nooca loo yaqaan ‘Tesla Cybertruck’ oo ay ka buuxaan caagado shidaal iyo waxyaabaha qaraxa sameeya ee loo yaqaano rash-ta oo ku qarxay banaanka hotelka Tump ee ku yaalla Las Vegas, Nevada.

Darawalkii gaariga waday ayaa ku dhintay, todobo qofna waa ay ku dhaawacmeen, sida ay booliisku sheegeen iyadoo aan la magacaabin cid ka mid ah dadka ku lugta leh falkan.

Saraakiisha ayaa sheegay in dhammaan dhaawacyadu ay yihiin kuwa fudud.

Gaariga xamuulka ah ayaa laga soo kireeyay Colorado wuxuuna soo gaaray magaalada subaxnimadii Arbacada, wax ka yar laba saacadood ka hor inta uusan qarxin, sida ay booliisku sheegeen. Gaariga oo la soo dhigay afaafka hore ee Hotelka, una dhow albaabka laga galo ayaa bilaabay inuu qiiqo, kadibna uu qarxo.

Madaxweyne Joe Biden ayaa sheegay in Aqalka Cad uu daba gal ku hayo dhacdadan, laamaha ammaankuna ay baarayaan “haddii uu jiro xiriir ka dhaxeeya weerarkaan iyo kii New Orleans”, kaas oo ay ku dhinteen 15 qof maalintii koowaad ee sanadka cusub.

Muuqaal laga soo duubay gaariga qarxay ayaa muujinaya baabuur soo gaaray albaabka hore ee hoteelka, kadibna halkaa yaallay dhowr ilbiriqsi ka hor inta uusan qarxin – waxaana la arkayay iftiin faro badan oo goobta ka baxaya.

Muuqaal kale ayaa muujinaya baarayaal adeegsanaya agabka ka hortagga dabka si aanu dabku ugu faafin qaybaha gaariga iyo aagga ku hareeraysan. Haamaha gaaska ayaa lagu arkay agagaarka uu ka dhacay qaraxu.

Qaraxaan ayaa dhacay saacado yar ka dib markii nin gaarigiisa laga dhex helay calanka Daacish uu gaari jiirsiiyay dadweyne ku sugnaa magaalada New Orleans, halkaas oo uu ku dilay ugu yaraan 15 qof, waxaana dhaawacmay dad kale oo badan.

Isha: BBC

Daawo: Sanbaloolshe iyo odayaasha oo go’aan ka gaaray askartii lagu laayay Sh/Dhexe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa saaka safar dhulka ah ku gaaray magaalada Beledweyne, isaga oo kasoo baxay degmada Maxaaas.

Taliyaha ayaa maalmahan gobolka Hiiraan u joogay arrimo ku aadan xal u helista xiisadda ka dhalatay askartii dhowaan lagu laayay deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sanbaloolshe ayaa lagu soo warramayaa in haatan kulan uu la leeyahay Ugaaska Beesha Xawaade Ugaas Yuusf Ugaas Xasan iyo odayaal ka baxay Muqdisho oo uu hoggaaminayo Imaamka Mudulood Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaar Cumar, waxayna ka wada-hadlayaan dhacdadii Ceel Baraf.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay go’aan ku gaareen in marka hor la aaso maydadka askarta oo weli yaalla, kadibna la guda galo howlaha kale.

“Kulankii Beledweyne ka dhacay waxaa la isku fahmay in horta meydka askarta la aaso kadibna laga wada-hadlo wixii gef ahaa ee dhacay” ayuu yiri Nabaddoon Muxudiin Xasan Afrax oo kamid ah odayaasha ka baxay magaalada Muqdisho ee ku sugan Beledweyne.

Sidoo kale wada-hadallada oo sii socda ayaa lasoo warinayaa in lagu ballamay in laga war suga dadaallada ay waddo dowladda dhexe, maadaama askarta la dilay ay ka tirsanaayeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Kiiska askarta la dilay ayaa dhaliyay xasaasiyad wayn, waxaana ka carooday beesha Xawaadle, iyada oo sidoo kale keentay in qaar kamid ah ciidamada dowladda oo gadood sameeyay ay kasoo baxaan furimaha dagaalka, walow mar dambe dib loogu celiyay.

Askarta la dilay waxay gaareysaa 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ka fasax qaatay saldhigii ay ka tirsanaayeen ee deegaanka Xawaadley, maleeshiyaad hubeysan oo jidka u galay ayaa ciidankaas ku laayey deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/Dhexe.

Shamsu-Din Jabbar – Waa kuma ninka fuliyey weerarkii lagu la’day ee Mareykanka?

New Orleans (Caasimada Online) – Muwaadin Mareykan ah oo sitay calanka Daacish iyo “ujeeddo xasuuq” ayaa gaari xamuul ah jiirsiiyay dad isugu soo baxay dabaaldegga sanadka cusub ee magaalada New Orleans ee gobolka Louisiana Arbacadii, isagoo dilay ugu yaraan 10 qof, in ka badan 35 kalena dhaawacay, sida ay saraakiishu sheegeen. 

FBI-da ayaa ninka weerarka gaystay ku sheegtay Shamsu-Din Jabbar, oo 42 jir ah, oo haystay dhalashada Mareykanka, kana soo jeeda gobolka Texas ee dalka Mareykanka. Waxa uu u muuqdaa inuu ahaa nin guryaha iibiya oo ka shaqeeya Houston, isaga horeyna usoo noqday khabiir IT oo la shaqeeya ciidanka. 

Saraakiishu waxay sheegeen inay baadigoobayeen dad gacan saar la lahaa, balse waxay bixiyeen tafaasiil yar, iyadoo warbaahinta Maraykanku ay sheegtay in baarayaashu ay dib u eegeen muuqaal muujinaya saddex nin iyo qof dumar ah oo aasaya walxaha qarxa ka hor weerarka.

Isbatoore boolis, Anne Kirkpatrick ayaa Jabbar ku tilmaantay “argagixiso”, halka FBI-da ay sheegtay in “calanka Daacish laga dhex helay gaariga.”

“FBI waxay ka shaqaynaysaa sidii ay u aqoonsan lahayd xiriirka uu eedeysanaha la leeyahay ururada argagixisada,” ayay hay’addu ku tiri bayaan ay soo saartay.

Waxaa socda ugaarsi, iyadoo wakiilka FBI-da ee New Orleans Alethea Duncan ay ka digtay in mas’uuliyiintu “aysan rumaysnayn in Jabbar uu isaga kaliya mas’uul ka yahay weerarka.” 

“Waxaan daba-gal ku haynaa dad aad u xun,” ayuu yiri barasaabka gobolka Louisiana Jeff Landry. 

Booliiska ayaa sheegay in shilkan uu ka bilowday abaare 3:15 a.m. (0915 GMT) xaafadlla loo yaqaan Qeybta Faransiiska, halkaasi oo ay buux dhaafiyeen dad u dabaal-degayay bilowga sanadka 2025-ka. 

Tuhmanuhu waxa uu baabuur cad oo Ford F-150 ah u jiiray koox dad ah oo lugaynayay, ka dibna wuu ka soo degay, wuxuuna ku dhintay rasaas ay is-dhaafsadeen booliska, FBI-da ayaa sheegtay in labo bam oo guri lagu sameeyay la helay oo la qabtay. 

Warbaahinta Mareykanka qaarkeed ayaa sheegaya in dhimashadu ay gaareyso 15 qof, balse saraakiisha ma aysan xaqiijin. 

“Ninkan waxa uu isku dayay in uu dadka ugu badan ee suurtogalka ah ku dul maro, gaariga” Kirkpatrick ayaa u sheegay suxufiyiinta. 

Kirkpatrick waxa uu sheegay in uu ku waday “xawaare aad u sareeya” iyo si “aad u ula kac ah”, “ujeedadiisuna aheyd in uu gaysto xasuuqa iyo dhaawac.”

Kirkpatrick ayaa sheegay in saraakiisha dhaawaca ah ay xaaladoodu wanaagsan tahay, Kirkpatrick ayaa sheegay in ay soo kaban doonaan.

Weerarka New Orleans ayaa yimid 10 maalmood ka dib markii weerar baabuur uu sidoo kale ka dhacay suuqa Christmas-ka ee magaalada Magdeburg ee bariga Jarmalka, halkaasi oo ay ku dhinteen shan qof in ka badan 200 oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Boolisku waxay xireen nin Sacuudiyaan ah, waxayna sheegeen inuu u muuqday mid maskaxiyan xanuunsan.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dowladiisa aysan u dulqaadan doonin weerar kasta oo lagu qaado mid ka mid ah bulshooyinka qarankeena.

Madaxweynaha la doortay ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa isla markiiba weerarkan ku xiriiriyay soo galooti sharci darro ah, isaga oo aan wax caddayn ah soo bandhigin, hadal uu jeediyay ka hor inta aanay masuuliyiintu caddayn in tuhmanuhu yahay muwaadin Maraykan ah.

Daacish oo xog yaab leh ka soo saartay weerarkii Puntland

Boosaaso (Caasimada Online) – Kooxda Daacish ayaa Arbacadii sheegatay mas’uuliyadda weerar maalin ka hor lagu qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla gobolka Bari ee Puntland, sida ay kooxdu ku baahisay barteeda Telegram-ka. 

Bayaanka ay soo saartay Dowladda Islaamiga ayaa lagu sheegay in weerarka ay fuliyeen 12 nin oo hubeysan iyo labo baabuur oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay, iyagoo intaa ku daray inay dileen ku dhawaad 22 askari oo ka tirsan ciidamada Puntland, tiro kalena ay ku dhaawaceen.

Maamulka Puntland ayaan si degdeg ah jawaab uga bixin sheegada ka timid kooxda.

Laamaha ammaanka ee Soomaaliya ayaa sheegay Talaadadii in ay iska caabiyeen weerar Ismiidaamin ah oo kooxda Daacish ay ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla Puntland. 

Kabtan Yuusuf Maxamed oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada Puntland ee la-dagaalanka argagaxisada ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters Talaadadii in sagaal qof oo ismiidaamiyey ay ku dhinteen, tiro askar ahna ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo ku sugnaa meel u dhow magaalada Darjaale ee gobolka Bari 

Kooxdan ayaa sanadkii 2017 si rasmi ah loogu aqoonsaday inay yihiin laanta Daacish ee Soomaaliya, waxaana ay saldhigyo ku leeyihiin dhulka buuraleyda ah ee Puntland. 

Sanado badan, halista Daacish ee dhanka ammaanka ee Soomaaliya ayaa yareyd marka loo eego Al-Shabaab oo ka talisa dhul ballaaran oo koonfurta Soomaaliya ah.

Laakin sanadihii ugu dambeeyay dhaq-dhaqaaqa Soomaalida ayaa isu bedelayay qeyb muhiim ah oo ka mid ah shabakadda caalamiga ah ee Jihaad doonka ah, iyadoo hoggaamiyahooda Cabdulqaadir Muumin ay warbaahinta qaarkeed ku sheegeen amiirka guud ee Daacish ee caalamka.

Dadka falanqeeya arrimaha ammaanka ayaa sheegay in Daacish-ta Soomaaliya ay aad u sii xoogeysatay kadib markii ay ku soo qulquleen dagaalyahanno ajaanib ah, isla markaana ay wanaajiyeen dakhligii ay ka qaadan jireen shirkadaha maxaliga ah, iyagoo noqday “xarunta neerfaha” Daacish ee Afrika.

Xog: Itoobiya oo wafdi culus usoo direyso MUQDISHO + Qorshaha

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa go’aamisay in wafdi culus oo heer sare ah usoo dirtay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, si ay wadahadal toos ah ula galaan madaxda sare ee dowladda Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, wafdigan waxaan qayb ka noqon doono mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya iyo taliyaha ciidanka Itoobiya Jeneraal Burhan Julla, waxayna kusoo wajahan yihiin magaalada Muqdisho.

Qorshaha wafdiga ayaa ah inay dowladda federaalka kala hadlaan dhammeystirka joogitaanka ciidamada Itoobiya ee kamid noqonaya howlgalka cusub ee AUSSOM iyo arrimo ku aadan sii dhaqaajinta heshiiska ay dhowaan labada dal ku gaareen magaalada Ankara.

Horay dowladda Soomaaliya ayaa u sheegtay in ciidanka Itoobiya ay ka baxayaan dalka waxaana loo qabtay 31-kii bishii dhammaatay, balse weli ma bixin, waxaana qorshaha Itoobiya uu yahay inay sii joogto, qaybka kasii ahaato howlgalka ka socda dalka.

Itoobiya ayaa isku dayeysa inay ku qanciso madaxda Soomaaliyeed inay ciidankeeda kasii mid ahaadaan howlgalka Midowga Afrika, waxaana horay labada dal ay heshiis uga gaareen murankii ka dhashay badda, kadib wada-hadallo ka dhacay gudaha magaalada Anakara.

Waxaa kale oo jirta in Masar ay qayb ka tahay howlgalka cusub, iyada oo maalmaha soo socdo soo diri doonto ciidamadeeda, waana dal ay is hayaan Itoobiya.

Si kastaba arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan Soomaaliya ay wafdi culus u dirtay Addis Ababa, kaas oo wada-hadallo la yeeshay madaxda sare ee dalkaasi.