26.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

Daawo: Taliyaha xoogga iyo ciidanka GorGor oo balan adag ku kala qaatay Xarardheere

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo ku sugan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa maanta goob fagaare ah oo duleedka magaalada ah kula hadlay ciidamada xoogga dalka ee in ka badan labo sano Khawaarijta ka hortaagnaa, kana xoreeyey degmadaas.

Taliyaha ayaa ciidankii uu maanta la kulmay wuxuu balan kula galay in ay cadowga u dhigataan cashiradii u uku yaqaanay, isagoo cod dheer ku yiri, “Gorgor diyaar ma u tihiin inaad balan ila gashaan? Cashiradii la idinku yaqiinay cadowga ma u dhigeysaan?” iyo su’aalo kale.

Ciidanka ayaa Taliyaha ka balan qaaday fulinta axdigii uu la galay, waxaana go’aan lagu gaaray in loo diyaar garoobo howlgallo cusub oo ka bilaaban doona dalka bilaha soo socda.

Taliyaha xoogga ayaa safar ku maraya furimaha dagaalka ee gobollada dhexe ee dalka, hadda wuxuu ku sugan yahay Xarardheere, isagoo safarkaan ku maray degmada Ceeldheer, weligeedna ma dhicin in taliyaha ugu sareeya militeriga Soomaaliya uu furinta joogo waqti intaas la eg, hadda ka hor.

Odowaa ayaa lagu wadaa in berri uu tago degmada Wisil ee gobolka Mudug, halkaas oo ciidanka xoogga dalka ay saldhigyo waaweyn ku leeyihiin, kuna baacsadaan Al-Shabaab.

Taliyaha xoogga ayaa sidoo kale maanta iyo shalay Xarardheere ku booqday ciidamada macawiisleyda deegaanka, iyagoo balan ku kala qaaday qaabka uu u bilaabanayo howlgalka cusub iyo doorkooda.

Taliyaha Qeybta 21-aad ee xoogga dalka ayaa taliyaha ku soo dhaweeyey Xarardheere, halkaas oo berri uu uga sii gudbi doono Wisil, sida aan xogta ku heysno safarka Odowaa u uku marayo Galmudug ayaa ku eg degmada Wisil, waxaana suurtagal ah inuu ku xijiyo HirShabeelle.

Jeneraal Odowaa oo mar kale dhowaan loo soo magacaabay xilkaan, waayo aragnimo horana heystay, maadaama uu ahaa burburkii kadib taliyihii xoogga ee ugu waqtiga dheeraa intii uu xilkaas hayey ayaa hadda dib u abaabulaya dagaalkii Khawaarijta looga sifeynayey dalka, isagoo ku dhinac wada dib u habeynta ciidanka iyo cadaadinta saraakiisha hoggaamisa oo lagu dhaliilo inay is dhigteen.

Hoos ka daawo

Daawo: Sanbaloolshe oo hal arrin ka codsaday Xawaadle, kana hadlay qorshaha DF ee dilkii askarta

0

Maxaas (Caasimada Online) – Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA Cabdullahi Sanbaloolshe oo ku sugan degmada Maxaas gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay falkii lagu dilay askarta iyo sida mudan in xal looga gaaro colaadda sababtay falkaas ee u dhaxeysa beelaha walaalaha ah ee dega Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee Hirshabeelle.

Sanbaloolshe ayaa sheegay in askartii lagu laayey Ceelbaraf ay berri ku aasayaan magaalada Beledweyne, sidoo kale wuxuu sheegay in duubabka dhaqanka Abgaal ay ku sugan yihiin Hiiraan.

Agaasimaha NISA ayaa sheegay in dilkii askartaas uu noqon doono kii ay ku nabadoobi lahaayeen beelaha Xawaadle iyo Abgaal, iyadoo kiiskaana lagu xalin doono go’aanka dowladda.

“Waxaan ka socdaa dowladda federaalka, waxaan wakiil ka ahay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda qaranka oo dhan, sidoo kale Beledweyne waxaa ku sugan wasiirkii Batroolka iyo Duubabka dhaqanka Abgaal, Madaxweynuhu wuxuu nasoo faray in falkii askarta lagu dilay dowladda loo daayo oo cadaaladda lagu xaliyo, iyadoo aan qabiil gaar ah loo dakaneyn,” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Sidoo kale Agaasimaha NISA ayaa beeshiisa Xawaadle ka codsaday inay xalka kiiskaas ka sugaan dowladda, oo aan la qabiileyn, lana siyaasadeyn, “Dhacdada hadda taagan laguma lifaaqi karo wixii hora yuga dhex jiray Xawaadle iyo Abgaal waa dhacdo qaran, dowladda ayaa go’aankeeda laga sugaa, waa idin baryaa ee yaan la qabyaaladeyn,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sanbaloolshe.

Taliyaha NISA ayaa si cad u sheegay in mashruucii lagu laayey askartii jidka loo galay ee Ceelbaraf lagu dilay uu ahaa mid Shabaab ka dambeeyey ama ugu yaraan uu ahaa mid siyaasadeysan.

“Dadka falkaas geysatay waxaan aaminsanahay in la isticmaalay, laakiin dembi waxaa iska leh ninkii galay, dabagalka arrintaas dowladda ayaa iska leh ee qabiil uma taallo, hala joojiyo qabyaaladeynta iyo ciidanka furimaha laga soo saarayo,” ayuu yiri Taliyaha NISA.

Hoos ka daawo

Dad badan oo lagu laayey Mareykanka kadib weerar loo adeegsaday baabuur

New Orleans (Caasimada Online) – Ugu yaraan 10 qof ayaa dhintay, 30 kalena waa ay dhaawacmeen ka dib markii baabuur la jiirsiiyey dad ku sugnaa goob caan ah oo dadka dalxiisayaasha ah ay ku badan yihiin, taas oo ku taalla magaalada New Orleans, gobolka Louisiana ee dalka Maraykanka, sida uu sheegay maamulka magaalada.

Barnaamijka U-diyaar-garowga Xaaladaha Degdegga ah ayaa sheegay in maamulka degmada 8-aad uu ka shaqeynayo caawinta dad badan oo dhaawacmay ka dib markii baabuur la jiirsiiyey dad badan oo ku sugnaa inta u dhaxaysa labada waddo ee Canal iyo Bourbon.

Toban qof ayaa dhintay 30 kalena way dhaawacmeen, ayaa lagu yiri warbixinta maamulka.

Kooxaha gurmadka degdegga ah ayaanan sheegin waqtiga uu shilku dhacay, hase yeeshee, goobta ayaa waxaa ka buuxay dad meel kale ka yimid oo u dabbaal degayey sanadka cusub. Qeybtan magaalada ayaa loo yaqaanaa xaafadda Faransiiska.

Warbaahintga CBS ee Maraykanka ayaa soo xigatay qof goobjoog ahaa oo sheegay in baabuur truck ah oo xawaare sare ku socday uu dadka jiiray, ka dibna darawiilkii inta uu baabuurkii ka soo booday uu dadkii xabbad ku furay.

Qofkii goobjoogga ahaa ayaa intaas ku daray in booliiskuna uu rasaas ugu jawaabay.

Qofka lagu tuhunsan yahay inuu fuliyey falkan ayaa geeriyooday kadib markii ay rasaas is-weydaarsadeen booliska, sida ay sheegeen saraakiisha sharci-fulinta.

Hay’adda FBI-da ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay weerarka u baareyso “ficil argagixisanimo, ayada oo kaashaneysa hay’adaha kale.”

Alethea Duncan oo ah kaaliyaha wakiilka FBI-da ee xafiiska New Orleans ayaa sheegtay inay sidoo kale baarayaan ugu yaraan hal aalad oo la tuhunsan yahay inay tahay walxaha qarxa oo goobta laga helay.

Isha: VOA

Isku shaandheyn ballaaran oo lagu sameeyay agaasinka Villa Somalia + Magacyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta isku shaandheyn lagu sameeyay agaasinka Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia, iyadoo xilalka loo kala beddelay qaar kamid ah agaasimayaasha madaxtooyada.

Sidoo kale waxaa wareegtooyinkan oo kasoo baxay Villa Somalia lagu magacaabay agaasamiyaal cusub, halka kuwii hore lagu sameeyay qaarkood isku beddel.

Agaasimahan warfaafinta iyo xiriirka warbaahinta ayaa loo magacaabay Maxamed Aadan Maxamed (Dugoow), oo isagu horay u ahaa agaasimaha arrimaha bulshada ee Madaxtooyada.

Halka agaasimaha arrimaha bulshada loo magacaabay Cabdiraxmaan Maxamed Xasan Xudeyfi oo horay u ahaa afhayeenka iyo ku-simaha agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada.

Hoos ka aqriso liiska oo dhameystiran;

1. Maxamed Aadan Maxamed (Dugoow), agaasimahan warfaafinta iyo xiriirka warbaahinta.

2. Cabdiraxmaan Maxamed Xasan Xudeyfi, agaasimaha arrimaha bulshada ee Madaxtooyada.

3. Cabdiraxmaan Aadan Cali (Xadaana), afhayeenka Madaxtooyada.

4. Samatar Shariif Axmed, agaasimaha waaxda Iibka.

5. Xuseen Yuusuf Cali (Ladane), agaasimaha cusub ee waaxda adeegga guud.

6. Ladan Cabdikhayr Cilmi, gaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda

7. Mowliid Ibraahin Xasan, agaasimaha waaxda la socodka iyo qiimeynta (M&E).

8. Mohamed Salad Ahmed (Barre), madaxa xafiiska agaasimaha guud ee Madaxtooyada.

Muxuu XAMZA kala hadlay haweenka uu maanta la kulmay? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa kula yeeshay haweenka ololaha hooyo u hiilli qaranka.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay kaalinta ay haweenka ku leeyihiin dib-u-heshiisiinta iyo wacyi-gelinta bulshada ee hirgelinta doorasho qof iyo cod oo laga bilaabi doono gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey haweenka Soomaaliyeed doorka muuqda ee ay ka qaateen difaaca dalka, sugidda amniga, garab istaagga ciidamadda qalabka sida, xallinta khilaafaadka, horumarka dalka iyo dowlad dhiska Soomaaliya.

“Haweenka Soomaaliyeed waxaan uga mahad-celinayaa doorka ay ka qaateen dagaalka Khawaarijta dalka looga sifeynayo,” ayuu yiri ra’iisul wasaare oo hadal u jeediyey haweenkii uu la kulmay

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan u qiraya (haweenka Soomaaliyeed) kaalinta ay ku leeyihiin dhiirri-gelinta ciidamada ku sugan furimaha dagaalka, taas oo ah mid muuqata oo muhiim u ah dib-u xoreynta dalkeenna.”

Mudane Xamza ayaa xusay in haweenka Soomaaliyeed laga doonayo waqtigan in si wadajir ah loo hirgeliyo hiigsiga qarankeenna, si aynu uga dhabayno Soomaaliya nabad ah, xasilloon, oo horumar waara gaarta.

Howlgalka AUSSOM oo si rasmi ah uga bilowday Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si rasmi ah gudaha Soomaaliya uga bilowday howlgalka cusub ee Ururka Midowga Afrika ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano AUSSOM, sida uu shaaciyay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Qoraal uu soo saaray Mohamed El-Amine Souef ayaa waxa uu ku caddeeyay in howlgalkii cusbaa ee AUSSOM uu ka bilowday Soomaliya, laga bilaabo maanta kowda Janaayo 2025.

Sidoo kale wuxuu qoraalka ku sheegay in sida ku cad Qaraarka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay 2767 (2024) ay AUSSOM sii wadi doonto guulaha laga gaaray howlgalkii dhammaadya ee ATMIS si loo hubiyo in Soomaaliya ay xaqiiqsato nabad iyo amni waara.

Howlgalkan cusub ayaa waxaa qayb ka ah Masar, halka laga reebay Itoobiya oo qayb ka ahayd howlgalkii soo dhammaaday ee ATMIS, sababo la xiriira xiisadda ka dhalatay badda.

Masar ayaa haatan qorsheyneyso in ciidamadeeda ay kusoo daabusho gudaha Soomaaliya, iyada oo ku keeneyo dhanka cirka iyo badda, si ay qayb uga noqdaan howlgalka Soomaaliya ka bilaabanaya sanadkan cusub.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegay inay joogitaanka militaryi ay Masar ku dooneyso inay ku ballaariso saameynteeda gobolka istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika.

Si kastaba, Howlgalka cusub ee Midowga Afrika ayaa waxaa Jimcihii isku raacay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay qaraar ay soo saareen 14 ka mid ah 15-ka waddan ee xubnaha ka ah, kalia Mareykanka ayaa ka aamusay sababo la xiriira walaac uu ka qabo maalgelinta howlkan.

DF oo shaacisay sabab yaab leh oo ay u maqan tahay PUNTLAND

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Xoosh oo ka hadlayay xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa soo hadal qaaday khilaafka culus ee haatan dowladda federaalka kala dhexeeyo maamulka Puntland.

Cali Xoosh ayaa tilmaamay in sababta illaa iyo hadda ay saaxadda uga maqan tahay Puntland ay tahay hoggaamiyaheeda oo ka carooday kursi uu waayay, iyada oo ay horay u jirtay inuu rabay in la siiyo xilka ra’iisul wasaaraha kadib dib u doorashadii Xasan Sheekh, balse madaxweynuhu door biday Xamza Cabdi Bare oo deegaan ahaan kasoo jeedo Jubbaland.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa dhanka kale rajo ka muujiyay in mar uun miiska wada-hadalka ay kusoo laaban doonto Puntland, xalka la gaari doono.

Waxaa kale oo uu intaas kusii daray in ka go’antahay in dalka meelaha nabadda ah ee la gaari karo laga qabto doorashooyinka qof iyo cod ah, kahorna la xallinayo tabashooyinka.

“Puntland way imaanaysaa, talo ayayna ku imaanaysaa. Soomaaliya ayayna qeyb ka tahay, kamana maqnaan karto, qof gooni ahna damiciisa kulama maqnaan karo. Puntland dadkeedu marna kuma jirto inay Soomaaliya ka go’aan ama ka maqnaadaan. Hoggaamiye carooday oo kursi maalin u carooday hadduu weli ku maqan yahay, isaguna wuu imaanayaa,” ayuu yiri Cali Xoosh.

Ninkan oo deegaan ahaa kasoo jeedo Puntland ayaa mar kale ku celinayay in aan marnaba dib ugu laaban doonin doorashooyinkii dadbanaa ee lasoo maray, awoodana loo celinayo shacabka, si ay usoo doortaan hoggaankooda

Jubbaland iyo Puntland ayaa hadda maqan, waxaana si weyn ay uga soo horjeesteen qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorashooyin qof iyo cod ah.

MASAR oo ciidamadeeda kusoo daabuleyso gudaha Soomaaliya

0

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa haatan qorsheyneyso in ciidamadeeda ay kusoo daabusho gudaha Soomaaliya, iyada oo ku keeneyo dhanka cirka iyo badda, si ay qayb uga noqdaan howlgalka Soomaaliya ka bilaabanaya sanadkan cusub.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa ku warramay in Qaahira ay toos ugada geleyso qorshaheeda, isla markaana ay xoojineyso joogitaankeeda Soomaaliya oo ay kula loolameyso Itoobiya.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegay inay joogitaanka militaryi ay Masar ku dooneyso inay ku ballaariso saameynteeda gobolka istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika.

Ciidanka Masar ayaa beddali doono kuwa Itoobiya oo laga reebay howlgalka AUSSOM, sababo la xiriira isku dhicii Addis Ababa iyo Muqdisho ee ka dhashay heshiiskii badda,

Howlgalka cusub ee Midowga Afrika ayaa waxaa Jimcihii isku raacay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay qaraar ay soo saareen 14 ka mid ah 15-ka waddan ee xubnaha ka ah, kalia Mareykanka ayaa ka aamusay sababo la xiriira walaac uu ka qabo maalgelinta howlkan.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Masar Cabdifataax El-Sisi oo ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka, gaar ahaan wadahadalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sheegay in uu si dhow ula socdo heshiiskii Ankara ay ku gaareen Itoobiya iyo Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay madaxtooyadda Masar, Sisi ayaa Sabtidii wada hadal dhanka taleefoonka ah la yeeshay dhiggiisa Faransiiska Emmanuel Macron, isagoo u sheegay inuu rajeynayo in heshiiska dhawaan la gaaray uu gacan ka gaysan doono sidii loo heli lahaa amni iyo xasillooni waarta oo ka dhalata gobolka Geeska Afrika.

“Xasilloonida Geeska Afrika iyo danaha qaranka Masar waa kuwo isku xidhan,” ayuu yiri madaxweyne Cabdifataax El-Sisi.

Waxaa kale oo uu rajo ka muujiyay in heshiiska Ankara uu noqdo mid la jaan qaadi kara mabaadi’da sharciga caalamiga ah, isaga oo tilmaamay in Masar ay ka shaqeyneyso sidii Soomaaliya ay u heli lahayd amni iyo xasillooni, haddii ay ahaan lahayd iskaashi laba geesood ah ama ka qeyb qaadashada howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Cagjar oo qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda ka taagan Dacawaley

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar oo la hadlay warbaahinta ayaa qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda dagaal ee ka taagan deegaanada u dhow xadka ay la leeyihiin maamulka Somaliland.

Mustafe Cagjar ayaa beeniyay eedeymaha loo jeedinayo ciidamada Liyuu Boolis ee ku aadan inay xasuus ka gaysteen aagga deegaanka Dacawaley oo ay dhowaan kula dagaalameen maleeshiyaad dadka deegaanka ah.

Madaxweynaha ayaa ku dooday in ciidamadiisu ay la dagaalameen dad kusoo duulay nabadda deegaanka, balse aanu jirin qof shacab ah oo ay si bareer ah u dileen.

“Waxaan ku kalsoonahay hal qof oo maati ah oo hubeysane aan ciidanka la dagaalameyn aan ahayn halkaa inay ka dhicin waan ognaay, waana la soconaaa” ayuu yiri Cagjar.

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Colaadda laftigeedaaaba dhibaato ah hooyada ka barakacday meel xittaa dib u baxda waa dhibaato, xukuumadane tallaabo ayay qaaday shacabkana waa shacabkeenii”.

Horay Somaliland ayaa ciidanka dowlad deegaanka ugu eedeysay inay shacab badan ay ku laayeen deegaanka Dacawaley, iyada oo qaar kamid ah dadka dhaawacyada la geeyay Hargeysa.

Si kastaba, arrintan ayaa muunineyso inay waji cusub yeelaneyso xiisadda ka taagan xadka Somaliland iyo dowlad deegaanka, maadaama colaaddu saameyn ku yeelatay labada maamul ee dariska ah, iyada oo dagaalkii dhacay kadib dhaawacyo badan la kala gaarsiiyay magaalooyinka Hargeysa iyo Jigjiga.

10-ka dhacdo ugu weyn caalamka ee 2024-kii

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhacdooyin is xig-xiga oo kala saameyn badan ayaa sanadka 2024 ka dhacay dunida, waxa ay galeen diiwaanka iyada oo mid weliba qaanad uu ka galay dhinaca saameynta haddii ay ahaan lahayd mid taban iyo mid togan.

Waxaa halkaan idin kugu soo gudbineynaa tobankii dhacdo ugu saameynta badnaa ee 2024, waxaa jiray dhacdooyin kale oo kuwaan ka badan balse waxa aan kasoo xulnay tobankaan maadaama ay ka saameyn badnaayeen kuwa kale.

2dii April 2024, Bassirou Diomaye Faye waxa uu noqday Madaxweynihii ugu da’da yaraa Dalka Senegal, waxa uu bannaan joog ahaa wax ka yar labo todobaad maadaama xabsigii uu ku xirnaa laga sii daayay 14kii Maarso.

23kii May 2024 waxa ay Dalka Iiraan u ahayd maalin murugadeeda wadata kaddib markii Madaxweynihii Dalkaas Ibraahim Ra’iisi uu ku dhintay shil diyaaradeed oo ilaa haatan aan si rasmi ah loo faah-faahin waxa rasmiga ah ee sababay, waxaa la dhintay Wasiirkiisii Arrimaha Dibadda.

June 2024, Soomaaliya ayaa ku guuleysatay mid kamid ah 10ka kursi ee Golaha Ammaanka ee doorashada ku yimaada, Guushaan waxa ay Soomaaliya kaga dhigan tahay in ay Afrika ku metasho 2025 fadhiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Horraantii July 2024, Dibadbaxyo waa weyn oo salkoodu ahaa canshuur kordhinta ay sameysay Dowladda Kenya ayaa gilgilay Magaalada Nairobi, waxaa dibadbaxyadaas xilkooda ku waayay Wasiirro katirsanaa Xukuumadda Ruto iyo Mas’uuliyiin kale.

31kii July 2024, Magaalada Tehran waxaa lagu dilay Madaxii ugu sarreeyay ee Dhaqdhaqaaqa Xamaas Ismaaciil Haniyah oo xiligaas ka qaybgalay aaska Madaxweynihii Iiraan ee shilka Diyaarad ku geeriyooday.

5 August 2024, Haweeneyda Ra’iisul Wasaaraha ka ahayd Dalka Bangladesh Sheikh Hasina Wazed ayaa ku dhawaaqday in ay iska casishay Xilkaas kaddib markii ay xooggeysteen dibadbaxyada ka dhanka ah Nidaamka Shaqaaleysiinta Dalkaas.

27kii September 2024, weerarkii ugu cuslaa ayay Israa’iil ku qaadday goob ay joogeen madaxdii ugu sarreysay ee Ururka Xisbullaah, waxaa halkaas ku dhintay Xogyahe Xasan Nasrullaah iyo mas’uuliyiin kale, waxaa uu weerarkaas sababay dagaal toos ah oo labada dhinac dhexmaray.

16kii October 2024, weerar lama filaan ku ahaa Israa’iil ayay ku beegsatay goob uu joogay Ninkii lagu baddelay Hoggaamiyihii Xamaas ee loosoo gaabiyo YS ama loo garan ogyahay Abuu Ibraahim, waxa uu qorshahaas kordhiyay xiisadda bariga dhexe.

5tii Nofeembar 2024, Dalka Maraykanka waxaa ka dhacday Doorasho uu ku guuleystay Donald Trump, waxa uu ka adkaaday Kamala Harris maadaama si kedis ah ugu soo baxday loolan kaddib markii Joe Biden uu isaga haray u tartamidda Doorashadaas.

8dii December 2024, waxaa kacdoon muddo kooban ah lagu jebiyay gidaarkii adkaa ee Bashaar Al-Asad, Mucaaradka ayaa qabsaday guud ahaan Dalkaas, waxaana lasoo afjaray kontankii sano ee Maamulka Xaafid Asad iyo wiilkiisa Bashaar.

Kuwaan waxa ay ahaayeen tobanka dhacdo ee ugu saameyn badan ee dhacay 2024, waxaa jira dhacdooyin kale balse tobankaan ayaa kasoo dhex xulnay.

Isha: Mustaqbal

Odowaa oo qorshe xasaasi ah ka wada Xarardheere

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed  Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa xalay ku hoyday degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Odowaa ayaa laba qorshe oo xasaasi ah u tegay degmada Xarardheere, kuwaas oo la xiriira xaaladaha haatan soo kordhay, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Arrinta koowaad ayaa ah in taliyuhu dardar-gelinayo howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobollada dhexe, si loo xoreeyo deegaanada ka maqan dowladda.

Taliyaha ayaa sidoo kale saraakiisha ku amray in aysan ka maqnaan hal habeen talisyada ay xukumaan, iyadoo taliyihii jebiya amarkaas loogu goodiyey in xilka laga qaadi doono, lana reystey doono.

Sidoo kale arrinta labaad ayaa ah in Jeneraal Odowaa uu la kulmi doono ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo dhawaan gadood ka sameeyay aagga Xarardheere, iyaga oo aad uga xumaaday dhacdadii askartii lagu laayay ee dhowaan ka dhacday gobolka Shabeelaha Dhexe.

Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa la filayaa inuu qanciyo ciidamadaasi oo kasoo jeedo Hiiraan, si aysan uga soo bixin furimaha hore ee dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha xoogga ayaa hadda safar ku maraya furimaha dagaalka ee gobollada dhexe ee dalka, labadii habeen ee lasoo dhaafay wuxuu ku hoyday degmada Ceeldheer, weligeedna ma dhicin in taliyaha ugu sareeya militeriga Soomaaliya uu furinta joogo waqti intaas la eg, hadda ka hor.

Taliye Odowaa ayaa intii uu joogay Ceeldheer wuxuu kormeer uu ugu kuurgelayo xaaladooda ugu tagay Ciidamada Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha xaq u dirirka ah ee dadka degaanka ee ka howlgala Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Burundi: “Soomaaliya aad ayey noogu abaal-dhacday”

Bujumbura (Caasimada Online) – Burundi ayaa ka hartay howlgalka Midowga Afrika ee xasilinta Soomaaliya ee AUSSOM, iyadoo sabab uga dhigtay khilaaf weyn oo ka dhashay tirada ciidamada loo qoondeeyey oo ay ku tilmaantay “khiyaano” dhinaca Soomaaliya uga yimid.

Xiisada ayaa soo ifbaxday markii Soomaaliya u qoondeysay Burundi kaliya 1,041 askari, taasi oo aad uga yar 2,000 oo askari oo Burundi ay doonaysay inay ku biiriso howlgalka cusub.

Warqad ku taariikheysneyd 26-kii December oo uu Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur u diray dhiggiisa dalka Burundi ayaa lagu xaqiijiyay go’aankaasi, taasi oo keentay in ciidamada Qaranka Burundi ay dib uga laabtaan howlgalka.

Mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Burundi oo magaciisa ka gaabsaday oo la hadlay warbaahinta Uganda ayaa dhaliilay go’aanka Soomaaliya, wuxuuna yiri: “Tani waa mid cad oo khiyaano iyo abaal dhac, gaar ahaan ka dib dadaallo ballaaran oo aan ku bixinay la-dagaalanka Al-Shabaab.”

Tan iyo 2007, Burundi waxa ay kaalin firfircoon ka qaadatay amniga Soomaaliya, iyadoo markii hore ka mid aheyd howlgalka AMISOM, ka dibna howlgalka nabad ilaalinta ee Soomaaliya ee ATMIS. Askartii ugu horreysay ee ay ku tabarucday ayaa ahaa 5,400 oo askari.

Diblomaasi Burundi ah ayaa VOA u sheegay sida uu uga xun yahay, isagoo yiri: “In arrintan lagu sheego abaal dhac waa wax yar, Soomaaliya waxaan ku leenahay raali-gelin.”

Hawlgalka cusub, oo la qorsheeyay inuu bilowdo Janaayo 2025, ayaa ka koobnaan doona ciidan yar oo ka kooban 12,626 askari, oo ay ku jiraan 1,040 booliis ah. Soomaaliya ayaa sidoo kale xaqiijisay heshiisyo laba geesood ah oo ay la gashay dalalka ku tabarucaya ciidamadan.

Ku-xigeenka ergayga Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Maxamed Yuusuf ayaa ku sheegay muhiimadda ay heshiisyadan u leeyihiin in la sii wado dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, isagoo dhinaca kale wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macallin Fiqi uu qiray naf-hurnimadii Burundi kuna sheegay mid ku qorantay taariikhda Soomaaliya.

Madaxweyne Siisi oo war ka soo saaray heshiiska Ankara ee Soomaaliya iyo Itoobiya

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Masar Cabdifataax El-Sisi ayaa sheegay in uu si dhow ula socdo heshiiskii Ankara ay ku gaareen Itoobiya iyo Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay madaxtooyadda Masar, Sisi ayaa Sabtidii wada hadal dhanka taleefoonka ah la yeeshay dhiggiisa Faransiiska Emmanuel Macron, isagoo u sheegay inuu rajeynayo in heshiiska dhawaan la gaaray uu gacan ka gaysan doono sidii loo heli lahaa amni iyo xasillooni waarta oo ka dhalata gobolka Geeska Afrika.

“Xasilloonida Geeska Afrika iyo danaha qaranka Masar waa kuwo isku xidhan,” ayuu yiri.

Sisi waxa uu rajo ka muujiyay in heshiiska Ankara uu noqdo mid la jaanqaadi kara mabaadi’da sharciga caalamiga ah. Waxa uu tilmaamay in Masar ay ka shaqeyneyso sidii Soomaaliya ay u heli lahayd amni iyo xasillooni, haddii ay ahaan lahayd iskaashi laba geesood ah ama ka qeyb qaadashada howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Masar iyo Itoobiya ayaa ku loolamaya inay ka mid noqdaan ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika gaynayo Soomaaliya.

Xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa noqday mid aad u kacsan, ka dib markii uu bishii Janaayo 2024 ay Itoobiya heshiis la gashay maamulka Somaliland ee Soomaaliya, kaasi oo ah in ay ka kireyso dhul badeed ay ka sameysato deked iyo saldhig ciidamada badda, taa beddelkeedna ay aqoonsi siiso.

Colaadda Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa soo jiidatay indhaha gobolka iyo caalamkaba.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa booqashadii uu dhawaan ku tagay dalka Itoobiya waxa uu sheegay in uu taageersan yahay dadaalka ay Itoobiya ugu jirto sidii ay badda ugala hadli lahayd dalalka jaarka ah, si waafaqsan shuruucda caalamiga ah.

Bartamihii bishii December ayey dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya kala saxiixdeen heshiiskii Ankara ee uu garwadeen ka ahaa Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, kaasi oo la filayo inuu qaboojiyo xiisadaha sii kordhaya.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si wadajir ah u xaqiijiyay “ixtiraamka iyo sida ay uga go’an tahay madax-bannaanidda, midnimada iyo wadajirka dhuleed” ee midba midka kale.

Madaxweyne Erdogan ayaa ku tilmaamay “heshiis taariikhi ah” iyo “tallaabadii ugu horreysay ee bilow cusub oo ku saleysan nabadda iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Itoobiya.”

Xuutiyiinta oo weeraray garoonka diyaaradaha Tel Avi

Tel Aviv (Caasimada Online) – Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iran ayaa sheegay Talaadadii in ay laba gantaal ku rideen Israa’iil, saacado kaddib markii milatariga Israa’iil ay sheegeen in ay qabteen gantaal laga soo tuuray dalkaas.

“Weerarka koowaad waxa lagu beegsaday gegida diyaaradaha ee Ben Gurion” ee ku taal magaalada Tel Aviv, kan labaadna waxa lagu weeraray xarun koronto oo ku taal koonfurta magaalada Qudus, ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay milatariga Xuutiyiinta.

Xuutiyiinta ayaa sidoo kale sheegay in ay weerareen markab dagaal oo uu leeyahya Mareykanka oo lagu magacaabo USS Harry S. Truman. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay ciidamada Mareykanka.

Gelinkii dambe ee Isniintii, milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay soo rideen gantaal laga soo tuuray Yemen ka hor inta uusan u gudbin dhulka Israa’iil.

Xuutiyiinta oo maamula inta badan dalka Yemen, ayaa gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku ridayey Israa’iil iyo maraakiibta maraya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, taasi oo ay ku sheegeen in ay ku garab istaagayaan Falastiiniyiinta, inta uu socdo dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ee Marinka Gaza.

Toddobaadkii hore, diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa duqaymo aargoosi ah ku dilay afar qof oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Sanca, halkaas oo uu madaxa hay’adda caafimaadka adduunka Tedros Adhanom Ghebreyesus uu ku sugayay duulimaad.

Xog: Odowaa oo go’aan adag ka gaaray saraakiisha ka soo dhuumata furimaha

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa gaaray go’aan cusub oo saraakiisha hoggaamisa qeybaha ciidanka iyo guutooyinka u uku cadaadinayo, si ay u gutaan waajibaadka qaran ee loo xil-saaray.

Taliyaha ayaa saraakiisha ku amray in aysan ka maqnaan hal habeen talisyada ay xukumaan, iyadoo taliyihii jebiya amarkaas loogu goodiyey in xilka laga qaadi doono, lana reystey doono.

Saraakiisha hoggaamisa ciidamada intooda badan ayaa iska joogi jiray magaalooyinka, sida Muqdisho, iyagoo ciidamada ay hoggaamiyaan uga soo tegi jiray deegaano fog iyo furimo dagaal oo lagu weerari jiray.

Ciidamo badan ayaa la weeraray sanadihii lasoo dhaafay oo lasoo afjaray,  iyagoo aan u diyaarsaneyn inay iska difaacaan cadowga, maadaama taliyahoodii uga tegay meel cidlo ah.

Taliyaha xoogga ayaa hadda safar ku maraya furimaha dagaalka ee gobollada dhexe ee dalka, labadii habeen ee lasoo dhaafay wuxuu ku hoyday degmada Ceeldheer, weligeedna ma dhicin in taliyaha ugu sareeya militeriga Soomaaliya uu furinta joogo waqti intaas la eg, hadda ka hor.

Taliye Odowaa ayaa intii uu joogay Ceeldheer wuxuu kormeer uu ugu kuurgelayo xaaladooda ugu tagay Ciidamada Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha xaq u dirirka ah ee dadka degaanka ee ka howlgala Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Taliyaha ayaa Ciidamada ku bogaadiyay intii uu joogay Ceeldheer in dadkooda iyo dalkooda ay Khawaarijta ka difaacaan, kana xoreeyaan deegaanada ay weli ku harsan yihiin.

Taliyaha Xoogga Jeneraal Odowaa ayaa maanta u sii gudbay degmooyin kale oo Xarardheere ay ugu horeyso, halkaas oo ay sugan yihiin ciidamada qaranka iyo deegaanka ee dagaalka kula jira Khawaarijta, Xarardheere ay saldhig weyn u tahay ciidamo badan oo ka howlgala koonfurta gobolka Mudug oo ah dhul baaxad leh Shabaab-kuna ku xoogan yihiin.

Hadda kadib, waxaa dhamaatay qiyaanadii saraakiisha ugu sareysa ciidanka oo iska jooji jiray Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka, taasi oo hor seedi jirtay in ciidanka la geeyo oo difaac laga geliyo goob furin ah, kadibna laga tago, taasi oo mararka qaar Al-Shabaab u suutageli jirtay in ciidanka si fudud ay u laayaan.

Jeneraal Odowaa oo mar kale dhowaan loo soo magacaabay xilkaan, waayo aragnimo horana heystay, maadaama uu ahaa burburkii kadib taliyihii xoogga ee ugu waqtiga dheeraa intii uu xilkaas hayey ayaa hadda dib u abaabulaya dagaalkii Khawaarijta looga sifeynayey dalka, isagoo ku dhinac wada dib u habeynta ciidanka iyo cadaadinta saraakiisha hoggaamisa oo lagu dhaliilo inay is dhigteen.

Naciima Abwaan Qorane oo mar kale Hargeysa lagu xiray – Maxaa loo heystaa?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa mar kale magaalada Hargeysa lagu xiray Naciima Abwaan Axmed Qorane, taas oo Ciidanka Sirdoonka Somaliland ay maanta ka qabteen garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Naciimo Qorane oo la shaqey jirtay kooxdii Nabad iyo Nolo lee Madaxweyne Farmaajo, isla markaana Aabaheed Abwaan Axmed Qorane uu yahay Senator ka tirsan Aqalka Sare ayaa galabta gelinkii dambe ka degtay Hargeysa, waxaana loo xiray si degdeg ah.

Ma jiro war ka soo baxay Ciidamada Ammaanka Somaliland oo ku saabsan xarigga Naciima Qorane, balse ilo wareedyo kala duwan ayaa xarigga gabadhaan u xaqiijiyey Caasimada Online.

Markii ay garoonka ka qabteen Ciidanka Sirdoonka Somaliland waxaa la sheegay in Hooyadeed ay la socotay, kadib markii ay kasoo celisay isbitaal dalka dibeddiisa ay ugu qaaday.

Sidoo kale, Xukuumadda Cabdiraxmaan Cirro ayaan weli ka hadlin xarigga Naciima Abwaan Qorane oo kamid ah dhalinyarada hal abuurka leh ee taageera wadajirka Soomaaliya.

Markii laga soo tago in Naciima ka mid ahayd taageerayaasha madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxay sidoo kale baraha bulshada uga ololeysaa inay midoobaan Soomaaliya iyo Somaliland, waxayna si cad u diidaa gooni isku taagga Somaliland.

Sanadkii 2018-kii ayaa sidaan oo kale loogu xiray magaalada Hargeysa, iyadoo Maxkamadda Somaliland ay ku xukuntay saddex sano oo xarig ah, balse markii dambe Madaxweynihii hore ee Somaliland ayaa cafis ku sii daayey.

Markii uu talada Somaliland ku guuleystay Cabdiraxmaan Cirro, waxaa lagu rajo weynaa in meesha ay ka bixi doonto caburintii bulshada ee Somaliland ka jirtay, balse xarigga Naciima Qorane wuxuu muujinayaa in weli ay socoto oo Cirro uusan waxa ka bedelin nidaamkii hore.

Daawo: Qoor Qoor oo u jawaabay CC Shakuur, kana hadlay mowqifkiisa doorasho qof iyo cod ah

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo maanta ka hadlay doorashooyinka dalka ayaa hoosta ka xariiqay in doorasho qof iyo cod ah ay Soomaaliya ka bilaaba doonto bilo kadib.

Qoor Qoor ayaa toos ugu jawaabay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo munaasabad Book Feer ah oo Dhuusamareeb lagu qabtay ka sheegay in doorasho qof iyo cod ah aan loo socon ee muddo kororsi ay ka dhex raadinayaan madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxda dowlad goboleedyada.

“Cabdiraxmaan waxaan leeyahay jawaabtaadu waa fududahay, doorasho ma dhaceyso ayaa tiri, ana waxaan ku leeyahay doorasho waa dhaceysaa, waxaana ka mid tahay dadka bulshada la hadla, waxaa kuu fiican doorashada dadweynaya ee kuuma fiicna ‘mida suuqa madow ah’ ee aad jeceshahay in lagu laabto, marka soo diyaar garow,” ayuu yiri Qoor Qoor oo u jawaabay CC Shakuur.

Qoor Qoor ayaa ku faanay in markii uu ka baxo Dhuusamareeb uu safro in ka badan 700 KM oo safar dhulka ah, intaas oo amni iyo kala dambeyn ay ka jirto, isla markaana ay dadkiisu u diyaarsan yihiin inay galaan doorasho qof iyo cod ah.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa cod dheer ku sheegay in doorashooyinkii lasoo maray ay ahaayeen kuwo halis iyo dib u dhac badan oo dib aan loogu noqo karin.

Sidoo kale Qoor Qoor wuxuu soo hadal qaaday dagaal beeleedyada, isagoo sheegay in kooxaha argagixisada ah ay hurinayaan dagaaladaas, isla markaana ay yihiin wax aad looga xumaado.

Abaaraha dalka ka jira ayuu sidoo kale ka hadlay Qoor Qoor, wuxuuna codsaday in reer Galmudug ay iska caawiyaan sidii abaartaan looga samata bixin lahaa bulshada ay saameysay.

Hoos ka daawo

 

DENI iyo mucaaradka Puntland oo muujiyay midnimo kadib dagaalkii maanta

0

Garoowe (Caasimada Online) – Hoggaanka sare ee Puntland, gaar ahaan madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo xubnaha mucaaradka maamulkaasi ayaa maanta muujiyay midnimo, kadib dagaalkii ay ciidamadooda la galeen kooxda argagixisada ah ee Daacish.

Madaxtooyada Puntland iyo xubnaha mucaaradka ayaa si buuxda u garab istaagay ciidanka difaaca ee ka hortegay weerar saaka soo qaadeen xubnaha Daacish ee ku sugan Bari.

Saciid Deni oo maanta isbitaalka Boosaaso ku booqday qaar kamid ah askartii kusoo dhaawacantay dagaalkii saaka dhacay ayaa taageero buuxda u muujiyay ciidanka.

“Madaxweynaha ayaa garab istaag u muujiyey ciidanka isagoo faray Guddiga taakuleynta iyo daryeelka in ay si dhow ula socdaan xaaladooda, wuxuu Madaxweynuhu boggaadiyey sida geesinimada leh ee Ciidanka Dowladda Puntland ay u guteen waajibkooda” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Sidoo kale waxaa soo hadlay wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland, haddana kamid ah xubnaha mucaaradka Xasan Shire Abgaal oo boggaadiyay guusha ay ciidamada ka gaareen dagaalka ay maanta la galeen Daacish, isaga oo fariin u diray shacabka Puntland.

“Waxaan halkan uga diraynaa taageero buuxda iyo garab istaag ciidamada geesiyaasha ah ee kala duwan difaaca Dowladda Puntland, kuwaas oo maanta nafta u huray dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah ee ISIS iyo Alshabaab ee ku dhuumaaleysanaya buuraha gobolka Bari” ayuu yiri wasiirkii hore ee maamul goboleedka Puntland.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Dadka Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa inay garab istaagaan ciidamadan naftooda huray, iyagoo ku taageeraya duco, midnimo, iyo dhiirrigelin joogto ah si cadawga loo wiiqo, loona adkeeyo nabadda dalkeena”.

Dhankiisa guddoomiyihii hore ee guddiga doorashada Puntland Guuleed Saalax oo isna qoraal soo saatay ayaa ku baaqay loo midoobo dagaal ay Puntland la galeyso argagixisada.

“Waxaan ammaan iyo bogaadin u dirayaa ciidamada difaaca Puntland oo si geesinnimo leh ugu taagan soo afjarista kooxaha argagixisad. Waa waqtigii aan midnimo iyo isku-duubni ugu midoobi lahayn soo afjarista kooxahan argagixisada ah, kuwaas oo dhibaatooyin badan ku haya bulshada, ganacsatada iyo guud ahaan deegaanka” ayuu Guuleed Saalax.

Dagaalkii maanta oo ay soo qaaday kooxda Daacish ayaa ka dhacay saldhigga ugu wayn ee haatan laga abaabulayo ciidamada ay Puntland u diyaarisay duulaanka, waxaana labada dhinac soo gaaray khasaarooyin xooggan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac intaba.

Imaamka Mudulood iyo odayaal kale oo gaaray Beledweyne + Qorshaha

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa maanta gaaray wafdi odayaal ah oo uu hoggaaminayo Imaamka Mudulood Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar, waxaana garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif kusoo dhaweeyay odayaasha dhaqanka ee beesha Xawaadle.

Wafdigan odayaasha ah oo ka baxay Muqdisho ayaa u tegay Beledweyne xallinta xiisaddii ka dhalatay askartii dhowaan lagu laayay deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Imaam Daahir oo warbaahinta kula hadlay Beledweyne ayaa ka wabixiyay ujeedka safarkooda, wuxuuna sheegay in ay u socdaan xalka dhibkii gaaray beesha Xawaadle.

“Waxaan usoo gole fadhiisanay inaan xal ka keenno dhacdadii Ceel-baraf oo ahayd mid aanan raalli ka ahayn” ayuu yiri Imaamka Mudulood.

Dhankiisa waxaa hadalka ugaaska beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo duubabka dhaqanka kusoo dhaweeyay Beledweyne, wuxuuna u ballan qaaday inay diyaar u yihiin sidii xal loogu lahaaa xiisadda ka dhalatay askartii lagu laayay deegaanka Ceel Baraf.

“Imaam sood hawoow, dadkaaga ayaa u imaatay, arrinta aad u timidna waa xalismee, culeys badan ma jiri doono, xalka aad waddaan waan idin kusoo dhaweyneynaa” ayuu yiri.

Askarta la dilay waxay gaareysaa 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ka fasax qaatay saldhigii ay ka tirsanaayeen ee deegaanka Xawaadley, maleeshiyaad hubeysan oo jidka u galay ayaa ciidankaas ku laayey deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/Dhexe.

Dad ku sugan Ceelbaraf ayaa Caasimada Online u sheegay in meeshiyaadka qabtay askarta ay in dhaha ka xireen oo muuqaal ka duubeen, kadibna dileen, askarta ayaa taliskii ay ka tirsanaayeen looga soo reebay qoryahoodii, maadaama ay fasax qaateen oo reerahoodii ay u socdeen.

 

 

DENI oo tallaabo deg-deg ah qaaday kadib dagaalkii maanta + Sawirro

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni oo haatan ku sugan magaalada Boosaaso ayaa qaaday tallaabo deg-deg ah oo la xiriirta dagaalkii ay maanta ciidamada maamulkaas la galeen kooxda Daacish.

Ugu horreyn Saciid Deni ayaa isbitaalkaBoosaaso ku booqday qaar kamid ah askartii kusoo dhaawacantay dagaalkii maanta oo yimid, kadib markii xubno ka tirsan kooxda Daacish ay saaka weerar kusoo qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen ciidanka Puntland.

Dagaalka ayaa dhaliyay khasaare soo kala gaaray labada dhinac, waxaana Puntland ay sheegtay inay dishay xubnobadna oo ay ku jiraan ajaaniib ka tirsanaa Daacish.

Dhinaca kale madaxweyne Saciid Deni oo wareegto soo saarya ayaa magacaabay guddiga taakulaynta iyo daryeelka dhaawacyada ee hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland, kaas oo ka kooban illaa 7 xubnood.

Guddigan ayaa ka shaqeyn doono garab istaaga askarta ay waxyeelo soo gaarto, si looga war qabo iyaga iyo qoysaskooda.

Hoos ka akhirso:-

Boosaaso : 31 December 2024, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabay  Guddiga Taakulaynta iyo Daryeelka Dhaawacyada ee hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland.

Ku: Wasaaradda Amnniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland

Ku: Wasaaradda Arrimaha Guddaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland

Ku: Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Ku: Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland

Og: Guddoomiyeyaasha Goboladda Puntland.

Ujeeddo: Magacaabid Guddi

Waxaa xubanaha Wasiiradda ah iyo Guddomiyayaasha  magacyadoodu hoos ku xusan yihiin loo magacaabay Guddiga Taakulaynta iyo Daryeelka Dhaawacyada ee hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland.

Xubnaha Guddiga ayaa kala ah: –

  1. Wasiir Siciid Jaamac Cali (Qoorsheel)
  2. Wasiir Cabdullaahi Bille Nuur
  3. Wasiir Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle
  4. Wasiir Yuusuf Maxamed Wacays(Dheddo)
  5. La-taliye Axmed Cabdi Hurre
  6. Guddoomiyaha Gobolka Bari, Cabdirisaaq Cali Siciid.
  7. Guddomiyaha degmada Boosaaso, Cabdifaataax Xaaji Shanle.

Guddigaan waxay ka shaqaydoonaan Taakulaynta iyo Daryeelka Dhaawacyada Howlgalka Buuraha Golis.

Haddaba, waxaa la farayaa xafiisyadda ay warqadani ku socoto in ay guddigaan ku gacansiiyaan wixii fududayn ah ee gudashada waajibaadka loo igmaday.

Fulin wacan,

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

-DHAMMAAD-