27.2 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

DENI oo tallaabo deg-deg ah qaaday kadib dagaalkii maanta + Sawirro

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni oo haatan ku sugan magaalada Boosaaso ayaa qaaday tallaabo deg-deg ah oo la xiriirta dagaalkii ay maanta ciidamada maamulkaas la galeen kooxda Daacish.

Ugu horreyn Saciid Deni ayaa isbitaalkaBoosaaso ku booqday qaar kamid ah askartii kusoo dhaawacantay dagaalkii maanta oo yimid, kadib markii xubno ka tirsan kooxda Daacish ay saaka weerar kusoo qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen ciidanka Puntland.

Dagaalka ayaa dhaliyay khasaare soo kala gaaray labada dhinac, waxaana Puntland ay sheegtay inay dishay xubnobadna oo ay ku jiraan ajaaniib ka tirsanaa Daacish.

Dhinaca kale madaxweyne Saciid Deni oo wareegto soo saarya ayaa magacaabay guddiga taakulaynta iyo daryeelka dhaawacyada ee hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland, kaas oo ka kooban illaa 7 xubnood.

Guddigan ayaa ka shaqeyn doono garab istaaga askarta ay waxyeelo soo gaarto, si looga war qabo iyaga iyo qoysaskooda.

Hoos ka akhirso:-

Boosaaso : 31 December 2024, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabay  Guddiga Taakulaynta iyo Daryeelka Dhaawacyada ee hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland.

Ku: Wasaaradda Amnniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland

Ku: Wasaaradda Arrimaha Guddaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland

Ku: Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Ku: Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland

Og: Guddoomiyeyaasha Goboladda Puntland.

Ujeeddo: Magacaabid Guddi

Waxaa xubanaha Wasiiradda ah iyo Guddomiyayaasha  magacyadoodu hoos ku xusan yihiin loo magacaabay Guddiga Taakulaynta iyo Daryeelka Dhaawacyada ee hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland.

Xubnaha Guddiga ayaa kala ah: –

  1. Wasiir Siciid Jaamac Cali (Qoorsheel)
  2. Wasiir Cabdullaahi Bille Nuur
  3. Wasiir Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle
  4. Wasiir Yuusuf Maxamed Wacays(Dheddo)
  5. La-taliye Axmed Cabdi Hurre
  6. Guddoomiyaha Gobolka Bari, Cabdirisaaq Cali Siciid.
  7. Guddomiyaha degmada Boosaaso, Cabdifaataax Xaaji Shanle.

Guddigaan waxay ka shaqaydoonaan Taakulaynta iyo Daryeelka Dhaawacyada Howlgalka Buuraha Golis.

Haddaba, waxaa la farayaa xafiisyadda ay warqadani ku socoto in ay guddigaan ku gacansiiyaan wixii fududayn ah ee gudashada waajibaadka loo igmaday.

Fulin wacan,

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

-DHAMMAAD-

 

Goorta ay soo baxeyso natiijada sahminta shidaalka Soomaaliya oo la shaaciyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in horraanta sanadka cusub ee 2025 ay soo bxii doonto natiijada sahminta shidaalka Soomaaliya oo haatan ka socota qeybo kamid ah dalka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda batroolka xukuumadda federaalka Maxamed Xaashi Carabey ayaa xusay in ay soo dhow dahay natiijada laga sugayo sahmintii shidaalka Soomaaliya lagu sameeyay.

Nariijada ayaa la filayaa inay soo baxdo bisha Maarso ee sanadka cusub ee 2025, sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda batroolka iyo macdanta ee xukuumadda Soomaaliya.

Agaasime Carabey ayaa tilmaamay in arrintaan ay tahay mid muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya, si loo bilaabo soo saarista shidaalka, si looga faa’iideysto.

“Waxyar ayaa dhiman xog baarista batroolka, bisha Maarso bilowgeeda waxaa la heli doonnaa natiijada haddii Alle idmo,” ayuu yiri agaasime Carabey.

Waxa uu intaas kusii daray “Soomaaliya waxa ay ku gaari doontaa horumar iyo barwaaqo insha Allaah, dhanka macdanta oo iyanna horumar fiican ayaa laga gaaray.”

Horraantii sanadkan 2024 ayay aheyd markii Soomaaliya iyo Turkiga gaareen heshiis lagu sahminayo shidaalka iyo macdanta kale ee badda ku jirta, marka la helo natiijo lagu dhaqaaqi karo kadibna lasoo bixin doono, sida uu dhigayo heshiiskaan.

Markabka baaritaanka ee Turkiga ee Oruç Reis oo sanadkaan soo gaaray dekedda Muqdisho, ayaa u ruqaansaday goobaha loo arko in ay ku habboon yihiin baaristaas, si loo sumadeeyo meelaha lagu arko qeyraadka la qorsheynayo in lasoo bixiyo

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka ka dhex-qarxay Puntland iyo DAACISH

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo maanta ka dhex-qarxay ciidamada ammaanka Puntland iyo dagaalyahannada kooxda Daacish, kaas oo maanta ka dhacay gobolka Bari.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Kooxda Daacish ay weerar culus saakay ku eekeysay deegaanka Dharjaale ee gobolka Bari, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo loo diyaariyay inay Daacish ka saaraan dhulkaasi.

Weerarka kooxda oo ku bilowday ismiidaamin ayaa waxaa xigay dagaal toos ah, oo dhex-maray dagaalyahaanadii weerarka soo qaaday iyo ciidamada maamulka Puntland.

Labada dhinac ayaa waxaa soo kala gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawacleh, iyada oo Puntland ay dhankeeda ka dhinteen illaa 12 askari, halka ay ka dhaawacmeen tiro kale.

Sidoo kale waxaa Daacish dhankeeda laga dilay illaa 8 xubnood oo ay ku jiraan Ajaaaniib, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ee Puntland.

Ciidamada Puntland ayaa lagu soo waramaya inay ugu dambeyntii ku guuleysteen soo afjarista dagaalyahannadii weerarka soo qaaday, inkastoo aan weli si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha dhimasho iyo dhaawac leh ee soo gaaray dhinaca ciidamada.

Weerarka saaka ayaa ku soo aaday xilli maamulka Puntland uu qorsheynayo howlgal ka dhan ah kooxda Daacish ee ku dhuumaleysanaya buuraha gobolka Bari ee maamulkaasi.

Wasiirka batroolka oo qaaday tallaabadii u horeysay, kana degay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cusub ee batroolka iyo macdanta xukuumadda federaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan, kan Beledweyne iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ku soo dhoweeyay wafdiga wasiirka, waxaana kadib loo gudbiyay xarunta madaxtooyada gobolka.

Waa safarkii ugu horeeyay uu wasiirka wasaaradda batroolka iyo macdanta xukuumadda federaalka Soomaaliya uu ku tego magaalada Baladweyne tan iyo markii xilkan loo magacaabay.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa inta uu joogo magaalada Beledweyne wuacay kulamo la qaadan doonaan masuuliyiinta maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan halkaasi.

Wasiir Daahir Shire ayaa xilka wasaaradda bartoolka iyo macdanta XFS ayaa maalintii shalay si rasmi ah xilka ugala wareegay wasiirkii hore ee wasaaradda Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Wasiirkii hore ee batroolka ayaa dhawaan xilkiisa ku waayey kala aragti duwanaan ku saabsan sida loo wajahayo xalinta tabashooyinka reer Hiiraan ka qabaan maamulka HirShabelle, sida uu sheegay.

“Xalka tabashooyinka oo aan aniga iyo xildhibaanada isku aragti ka ahayn, ayaa waxaa adkaatay inaan isla fahano madaxda HirShabele, taliyaha sirdoonka iyo nabad-sugidda iyo madaxweyne JFS. Waana ta sababta u ah xil ka qaadistayda,” ayuu Cabdirisaaq ku yiri qoraal uu dhawaan soo saaray.

Daacish oo weerar culus ku qaaday goob uu ka dhawaa masuul sare oo Puntland ah

0

Garoowe (Caasimada Online) – Kooxda Daacish ayaa weerar culus saakay ku eekeeyay deegaanka Dharjaale ee gobolka Bari, halkaasi oo ku sugan yihiin ciidamo uu horkacyo guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Puntland Maxamed Shire Baari.

Weerarka kooxda oo ku bilowday ismiidaamin ayaa waxaa xigay dagaal toos ah, oo dhex-maray dagaalyahaanadii weerarka soo qaaday iyo ciidamada maamulka Puntland.

Guddoomiye Maxamed Shire Baari ayaa ka badbaaday weerarka, balse waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo gaaray ciidamadii uu hoggaaminayay, sida ay Caasimada u xaqiijiyeen illo ka agdhow.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in weerarka sakaay ay qeyb ka ahaayeen dagaalyahanno ajaanib ah, kuwaas oo mid kamid ah uu isqarxiya, halka kuwa kalena ay dagaal fool ka fool ah la galeen ciidamada maamulka.

Ciidamada Puntland ayaa lagu soo waramaya inay ugu dambeyntii ku guuleysteen soo afjarista dagaalyahannadii weerarka soo qaaday, inkastoo aan weli si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha dhimasho iyo dhaawac leh ee soo gaaray dhinaca ciidamada.

Weerarka saaka ayaa ku soo aaday xilli maamulka Puntland uu qorsheynayo howlgal ka dhan ah kooxda Daacish ee ku dhuumaleysanaya buuraha gobolka Bari ee maamulkaasi.

Kooxda Daacish ayaa muddooyinkii u dambeeyay sare u qaaday dhaq-dhaqaaqeeda maamulka, iyadoo lacago baad ah ka aruursata ganacsatada maamulka Puntland, wuxuuna dhawaan maamulka sheegay inay ka go’an tahay cirib-tirka kooxdan.

Dagaal ka dhex qarxay kooxaha Suuriya – Maxaa soo kordhay?

0

Dimishiq (Caasimada Online) – Koox kormeerta xaaladda Suuriya ayaa sheegtay in tan iyo Axaddii 31 dagaal-yahan lagu dilay dagaal u dhaxeeya kooxaha ay taageerto Turkey iyo xoogagga ay hoggaamiyaan Kurdiyiinta.

Qeybo ka mid ah waqooyiga Suuriya ayaa waxaa maamula maamulka Kurdiyiinta ay hogaamiyaan ee ciidankooda loo yaqaan SDF, kuwaas oo hormuud ka ahaa in looga adkaado kooxda Daacish 2019-kii, ayaga oo taageero ka helaya Mareykanka.

Turkiga ayaa ku eedaysay qaybta ugu muhiimsan SDF ee YPG, in ay xiriir la leeyihiin xisbiga mintidiinta Kurdish-ka ee PKK, kuwaas Washington iyo Ankara ay labadaba u u arkaan koox argagixiso.

Kooxda la socota xuquuqda aadanaha Suuriya ayaa sheegtay in toddoba dagaalyahan oo ka mid ah kuwa Turkey ay taageero lagu dilay iska horimaad Isniinta maanta ah ka dhacay waqooyiga bari ee Manbij ee gobolka Xalab.

Dagaalyahannada SDF ayaa gudaha u galay magaalada kadib markii ay dib ula wareegeen kooxaha ay taageerto Ankara horaantii bishan, ayey tiri kooxda.

Lix dagaalyahan oo kale oo ka mid ah kuwa Turkey ay taageerto iyo saddex ka tirsan ciidamada SDF ayaa maalin ka hor lagu dilay isla gobolka Xalab, sida ay sheegtay kooxda.

SDF ayaa sheegtay Isniinta maanta in weeraro ka fulisay meelo kale oo gobolka ah oo ay ku burburisay “laba raadaar, iyo taankiyada Turkiga” meel u dhow buundada istiraatiijiga ah ee webiga Furaat.

Sida laga soo xigtay kooxda la socota xuquuqda aadanaha Suuriya, 13 xubnood oo ka tirsan kooxaha Turkey ay taageerto iyo laba xubnood oo ka tirsan SDF “ayaa lagu dilay dagaal ka socda” agagaarka buundada iyo biyo xireenka Tishreen.

Waxay intaas ku dartay in iska horimaadyada aaggan ay socdeen muddo saddex toddobaad ah.

Turkiga ayaa hawlgalo kala duwan ka fulinayey aagagga SDF tan iyo 2016, islamarkaana kooxaha ay taageerto Ankara ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay qabsaday magaalooyin badan oo waqooyiga Suuriya ah oo ay Kurdiyiintu gacanta ku hayeen.

Dagaalka ayaa sii socday tan iyo markii fallaagada ay hogaamiso kooxda Islaamiga ah ee Hayat Tahrir al-Sham (HTS) ay xukunka ka tuureen Bashaar Al-Asad, 8-dii December.

Hogaamiyaha cusub ee Suuriya Axmed al-Sharaa, oo kooxdiisa HTS ay muddo dheer xiriir la lahayd Turkiga, ayaa u sheegay TV-ga Al-Carabiya Axadii in ciidamada Kurdiyiinta ay hogaaminayaan ay tahay lagu daro ciidamada qaranka.

“Hubku waa inuu ku jiraa gacanta dowladda oo kaliya, cid kasta oo hubeysan oo u qalanta inay ka mid noqoto wasaaradda gaashaandhigga, waan soo dhaweyneynaa,” ayuu yiri.

“Ayada oo la eegayo shuruudahan iyo xeerarkan, waxaan wada-hadal la furi doonnaa SDF, si loo helo xal ku habboon.”

Xog: Wafdi culus oo ka kala socda beesha Abgaal iyo DF oo maanta ku sii jeeda…

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Beledweyne u baxaya wafdi culus oo ka kala socda beesha Abgaal iyo dowladda federaalka, kuwaas oo ka tagaya Muqdisho, si xal loogu helo xiisadda u dhaxeysa beelaha Abgaal iyio Xawaadle.

Xiisaddan ayaa ka dhalatay kadib markii 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ka fasax qaatay saldhigii ay ka tirsanaayeen ee deegaanka Xawaadley, ay maleeshiyaad hubeysan jidka u galeen, kuna dileen deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Askarta la dilay ayaa ka soo jeeday beesha Xawaadle, waxaana dilka lagu tuhmayaa maleeshiyo Abgaal ah.

Mid ka mid ah wafdiga ayaa waxaa hoggaaminaya Imaamka Mudulood oo ay wehliyaan dhaqanka beesha Abgaal. Wafdiga labaad ayaa ah xildhibaannada reer Hiiraan.

Sida aan xog ku helnay, wafdigan ayaa waxaa diray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna la kulmi doonaan dhaqanka Xawaadle iyo Ugaas Yuusuf.

Sidoo kale, taliyaha hay’adda NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa u safraya deegaanka Maxaas, waxaana uu la kulmi doonaa dhaqanka beesha Cali Madaxweyne oo ay kasoo jeedaan askartii la dilay.

Waxaa socda dadaallo xooggan oo looga hortagayo in dilka askartaas uu isku rogo colaad faraha ka baxda oo ay isku ugaarsadaan labada beel.

Dowladda Soomaaliya ayaa Sabtidii xirtay odayaal, guddoomiyihii Ceel Baraf iyo Haweeney kamid ah dadka degaanka. Eedeysanayaasha ayaa iyaga oo gacmaha ka xiran diyaarad laga soo saaray deegaanka Ceel Baraf waxaana laga soo dajiyay garoonka magaalada Muqdisho.

Odayaasha lasoo xiray ayaa ah odayaashii metalayay eedeysanayaashii ka dambeeyay falkaas oo goobta ka baxsaday, balse weli la baadi goobayo.

Sidoo kale guddoomiyaha oo xilka laga qaaday ayaa loo haystaa tuhun la xiriira dhacdadaasi, waxaana ku socoto baaris, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha HirShabelle oo shaqada ka fariisiyay.

Xuutiyiinta oo gantaallo ku garaacay ISRAEL

0

Tel Aviv (Caasimada Online)Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iran ayaa sheegay Talaadada maanta ah in ay laba gantaal ku rideen Israa’iil, saacado kaddib markii milatariga Israa’iil ay sheegeen in ay qabteen gantaal laga soo tuuray dalkaas.

“Weerarka koowaad waxa lagu beegsaday gegida diyaaradaha ee Ben Gurion” ee ku taal magaalada Tel Aviv, kan labaadna waxa lagu weeraray xarun koronto oo ku taal koonfurta magaalada Qudus, ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay milatariga Xuutiyiinta.

Xuutiyiinta ayaa sidoo kale sheegay in ay weerareen markab dagaal oo uu leeyahya Mareykanka oo lagu magacaabo USS Harry S. Truman. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay ciidamada Mareykanka.

Gelinkii dambe ee Isniintii, milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay soo rideen gantaal laga soo tuuray Yemen ka hor inta uusan u gudbin dhulka Israa’iil.

Xuutiyiinta oo maamula inta badan dalka Yemen, ayaa gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku ridayey Israa’iil iyo maraakiibta maraya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, taasi oo ay ku sheegeen in ay ku garab istaagayaan Falastiiniyiinta, inta uu socdo dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ee Marinka Gaza.

Toddobaadkii hore, diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa duqaymo aargoosi ah ku dilay afar qof oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Sanca, halkaas oo uu madaxa hay’adda caafimaadka adduunka Tedros Adhanom Ghebreyesus uu ku sugayay duulimaad.

Fanaanadda Luul Jaylaani oo ku geeriyootay Minneapolis

0

Minneapolis (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota ku geeriyootay, fanaanaddii qaranka Soomaaliyeed Luul Jaylaani.

Luul Jaylaani waxa ay ka mid ahayd fanaaniinta Soomaaliyeed ee caanka ku ahaa qaadista heesaha banaadiriga, iyo jilliinka riwaayadaha ka tarjuma nolosha iyo dhaqanka bulshada banaadiriga ah.

Kadib burburkii dolwaddii dhexe ee Soomaaliya, Luul Jaylaani ayaa ku nooleyd qurbaha, halkaasi oo sidoo kale ay heeso ku qaaday kuna jishay ruwaayado ka tarjumaya xaaladda Soomaalida qurbaha.

Bishii April 2021, Luul waxay ka mid noqotay dad badan oo caan ah oo Soomaaliyeed oo dhibane u noqday xanta dil, kadib markii la sheegay in ay geeriyootay.

Warkan ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada iyo warbaahinta qaar, iyadoo markii dambe la sheegay inay nooshahay oo ay wanaagsan tahay. 

Wareysi muuqaal ah oo ay siisay Radio Muqdisho ayay xilligaas ku tiri “Qof kasta waa uu dhimanayaa, geeridana waa xaq, balse Soomaalida dhammaan waxaan u sheegaya inaan noolahay.” Waxa ay sidoo kale sheegtay in warkaasi uu saameyn weyn ku yeeshay dhammaan qoyskeeda iyo saaxiibadeeda adduunka oo dhan.

Si kastaba, waqtigeedii xaqa ahaa wuxuu yimid xalay oo Isniin aheyd, oo ay ku geeriyootay magaalada Minneapolis.

Ruushka iyo Ukraine oo is-weydaarsaday maxaabiis dagaal

0

Kyiv (Caasimada Online) – Ukraine iyo Ruushka ayaa Isniintii isweydaarsaday maxaabiis dagaal, iyadoo labada dhinac ay dib isugu celiyeen in ka badan 300 oo maxaabiis hore ah.

Kyiv ayaa dalka keentay 189 maxaabis oo hore, sida uu sheegay madaxweyne Volodymyr Zelenskyy.

Halka wasaaradda Ruushka ay sheegtay in 150 askari oo Ruush ah ay ku laabanayaan dalkooda.

Wasaaradda difaca ee Ruushka ayaa sheegtay in maxaabiista lagu sii daayay dalka Belarus, oo ah dalka Moscow saaxiibka dhow yihiin Ruushka tan iyo dagaalkii 34-ka bilood socday ee Ukraine, iyadoo loo gudbin doonaa Ruushka.

Zelenskyy waxa uu u mahad-celiyey masuuliyiinta Isutagga Imaaraadka Carabta iyo la-hawlgalayaasha kale fududaynta is dhaafsiga maxabiista

Dalka Imaaraadka Carabta ayaa dhankiisa cadeeyay in ay gacan ka geystay qabanqaabada sidhafsiga maxabiista.

Xog: Odowaa oo go’aan culus ka gaaray ciidankii kasoo gadooday furimaha dagaalka

0

Ceeldheer (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa tallaabo adag ka qaaday ciidan gaaraya 30 askari oo ka gadooday saldhigyadoodii degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Ciidankaas oo ka gadooday falkii askarta lagu dilay ee toddobaadkii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa lagu qabtay degmada Wisil ee gobolka Mudug.

Taliye Odowaa ayaa amar ku bixiyey in ciidankaas aysan dhaafin Wisil oo hub ka dhigis lagu sameeyo, is rasaaseyn kooban oo wax khasaare ah aan geysan ayaa maanta ka dhacday degmada Wisil, waxaana ugu dambeyn is dhiibay ciidamadii gadooday ee ka baxay Xarardheere.

Taliyaha Xoogga ayaa amar ku bixiyey in ciidankaas hubka laga dhigo, lagana reebo dariiska ama tuutaha iyo gaadiidka dowladda, kadibna la fasaxo, balse inta badan ciidankaas ayaa ku soo laabtay Xarardheere, maadaama aysan dooneyn in laga saaro ciidanka qaranka, waxayna u hoggaansameen amarka saraakiishooda.

Xalay ayaa sidaan oo kale ciidan u gadooday oo ka kala tirsan xoogga dalka iyo NISA waxay tageen degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey, goobtii lagu soo dhaweeyey ciidankaas, waxaa si adag loogu aflagaadeeyey, looguna dhaliilay Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh.

Ciidamada gadoodaya waxay ka caroodeen askartii jidka loo galay ee maleeshiyaadku u dileen aanada qabiilka, balse gadoodka ciidan ee socda ayaa la tuhmayaa inuu yahay mid siyaasadeysan oo lagu imtixaanayo dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa si dhab ah uga jawaabtay falkii bahalnimada ahaa ee askarta lagu laayey, balse ciidanka qaranka inay ka amar diidaan dowladda oo baneeyaan furimihii muhiimka ahaa ee cadowga ay ku hortaagnaayeen ayaa noqotay wax lala yaabo oo shaki badan uu hareeyey.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo arrimaha gadoodka dartood uga baxay Muqdisho ayaa habeenkii labaad ku sugan degmada Ceeldheer, halka Taliyaha NISA iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ay ku sugan yihiin gobolka Sh/Dhexe, gaar ahaan aagii uu ka dhacay falkii lagu laayey askarta, waxayna hogaaminayaan howlgalka lagu soo qabanayo dambiilayaasha.

Daawo: DF oo shaacisay guul taariikhi ah oo deyn cafintii ay ka dhaxashay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige ayaa maanta shaaciyay in Dowladda Soomaaliya ay noqotay Dowladdii ugu horeeysay caalamka ee iyadoo Deyntii laga cafiyay loo sii ogolaaday deeqda uu bixiyo Bangiga Adduunka.

Bangiga Adduunka ayaa dowladaha soo gaara heerka ay gaartay Soomaaliya oo kale wuxuu kaliya u ogolaadaa inay deyn kale qaataan oo ay iska bixiyaan, balse Soomaaliya waxaa loola dhaqmay si taas ka duwan.

Hadalka Wasiirka ayaa yimid wadaxaajood dheer kadib markii hey’adda maalgalinta caalamiga ah u qaabilsan Bangiga Adduunka ay ogolaatay in Dowladda Soomaaliya ay siiso lacago deeq ah.

Lacagaha deeqaha ah ee loo yaqaano ‘Kabka Miisaaniyadda’ ayaa loo ogolaaday in Soomaaliya ay sii qaadato muddo seddax sano ah, sida uu maanta sheegay wasiir Biixi Iimaan.

Sidoo kale Wasiirka ayaa faahfaahin ka bixiyey hanaanka uu maro dal kasta markii deymaha caalamku ku leeyahay oo uu iska bixi waayey laga cafiyo, iyadoo Soomaaliya ay noqotay dalkii 37-aad eel aga cafiyey deyn caalami ah.

Wasiir Biixi ayaa sheegay in dadaalka ay Soomaaliya u gashay in lacagaha kabka miisaaniyadda ee caalamku siiyo ay sidooda u sii socdaan ay qaadatay muddo 8 bilood ah.

Sidoo kale wasiirka maaliyadda ayaa sheegay in Soomaaliya loo ogolyahay inay deyn qaadato, balse wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladdu aysan dooneyn inay culeys kale oo caalami ah aysan ku celi doonin dalka.

Hoos ka daawo faahfaahinta wasiirka

DF oo ku dhowaaqday in dalku galay xaalad adag – Maxaa soo kordhay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhowaaqday in dalka uu galay xaalad adag, kadib markii ay kasii dartay marxalada abaareed ee dalka.

Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee hay’adda SODMA ayaa sheegay in loo baahan yahay gurmad iyo dadaal aan kala har lahayn, kadib markii uu baaqday xilli roobaadkii dayrta ee la filayay bilihii September, October iyo November.

Sida ay muujinayaan warbixinnadii u danbeeyay in ka badan 5.98 milyan oo qof ayaa hadda u baahan gargaar bani’aadannimo iyo garab istaag deg-deg ah.

3.2 million oo dadkaas nugul ka mid ah ayaa wajahaya xaalad halis ah, ku dhawaad 200,000 oo qof ayaa abaarta awgeed kaga barakacay guryahoodii si ay nolol u raadsadaan, halka 1.4 milyan oo xoolo ah ay abaaruhu galaafteen, sida uu shaaciyay guddoomiyaha SODMA.

Hay’adda SODMA oo ka jawaabeysa saameynta abaartaan oo ah mid xaddigeedu weyn yahay ayuu sheegay in saddexdii bilood ee la soo dhaafay gargaar gaarsiisay 2.1 milyan oo qof.

Dadkan ayaa weli u baahan ka-war-qab iyo gacan-qabad bani’aadannimo, iyadoo 1.45 bilyan oo dollar loo baahan yahay si wax looga qabto abaarta oo saameysay in ka badan 13 gobol oo ka mid ah 18-ka gobol ee dalka.

Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa ugu baaqay hay’adaha dowladda, dadka Soomaaliyeed ee wax heysta iyo deeq-bixiyayaasha in wadajir loogu istaago u qareemidda gargaarka iyo sidii looga hortagi lahaa in abaartu ka gudubto xaddiga ay hadda joogto.

Ugu dambeyntiina wuxuu guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka ee SODMA u mahad-celiyay dowladaha iyo deeq-bixiyayaasha taageerada muujiyay.

Cirro oo golihiisa ku cadaadinaya wax ka qabashada arrimihii uu ku eedeyn jiray BIIXI

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa wasiirradiisa faray in ay wax ka qabtaan daldalooladii uu ku dhaliili jiray madaxweynihii ka horreeyay ee Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in howsha ugu horreysa in ay noqon doonto wax ka qabashada dhibaatooyinka dhinaca maamulka, maaliyadda iyo adkeynta amniga oo ah meelaha ugu badan ee laga eegayo xukuumaddiisa.

Sidoo kale wuxuu rejo ka muujiyay in wasiirradiisa ay si hufan shaqada ula wadaan, islamarkaana kala shaqeeyaan ka gudubka culeyska kahor imaan kara si aanay loo helin fursado lagu dhaliili karo sida uu horay u sameyn jiray oo kale.

“Waxaan idinka filayaa in aragtida, fahamka iyo aqoonta aad labadan maalmood isla meel dhigteen ay dhaqso uga muuqan doonaan shaqada aynnu qaranka u haynno,” ayuu yiri madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.

“Waa masuuliyad aad u culus, si aan taas u guto ayaan aniguna idinka idiin soo xushay in aydin noqotaan jaalkii iyo baalashii iga caawin lahaa gudashada waajibkaas culus.”

Cirro ayaa tilmaamay in maalintii xilka loo dhaariyay uu naftiisa ka mamnuucay dulmiga, musuq-maasuqa, khiyaamada, eexda iyo ka habrashada xaqa, isagoo faray golihiisa in ay ka dheeraadaan arrimahaas.

Bulshada reer Somaliland ayaa indhaha ku haya waxqabadka boqolka maalmood ugu horreeya xukuumadda madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, xilli ay Somaliland wajaheyso xaalado dhowr ah oo isbiirsaday.

Galka shidaal baarista Soomaaliya oo maanta la wareejiyay + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xilka u kala wareejiyay wasiirka cusub ee wasaaradda batroolka iyo macdanta Daahir Shire Maxamed iyo wasiirkii hore Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Daahir Shire ayaa sidoo kale wuxuu la wareegay galka shidaal baarista Soomaaliya oo haatan maraya marxalad wanaagsan, xilli qeybo kamid ah dalka si rasmi ah looga bilaabay sahminta, kadib markii ay Soomaaliya u fasaxday shirkadda Turkish Petroleum helista shatiyada saddex goob oo kamid ah baddeeda.

Ra’iisul wasaaraha oo hadal ka jeediyay munaasabada xil-wareejinta ayaa sheegay in xukuumadiisa ay ansixisey heshiisyo iyo shuruuc lagu tayeynayo awoodda hey’addaha dowlada, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha dalka.

Sidoo kal wuxuu xusay in wasaaradda looga fadhiyo dhammaystirka qorshooyinka xukuumadda DanQaran ee ku aaddan soo saarista shidaalka.

“Waxaan rabnaa in wasaaraddani dhabaha u xaarto sidii shacabka Soomaaliyeed loogu sameyn lahaa jiho dhaqaale oo sax ah, la iskuna halayn karo, maadama uu dalkeennu burbursanaa mudo dheer, meeshana ay ka baxeen kaabayaashii muhiimka ahaa ee uu dalku lahaa,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Ra’iisul wasaaraha ayaa u mahad-celiyey wasiirkii hore ee wasaaradda sidii masuuliyadda lahayd ee uu ugu adeeggay qaranka muddadii uu xilka hayey, waxa uuna Alle uga baryey wasiirka cusub in uu u fududeeyo shaqada adag ee loo hortaalla.

Wasiirkii hore ee batroolka ayaa dhawaan xilkiisa ku waayey kala aragti duwanaan ku saabsan sida loo wajahayo xalinta tabashooyinka reer Hiiraan ka qabaan maamulka Hirshabelle, sida uu sheegay.

Qorshaha kala dirista kooxdii xukunka ka tuurtay Bashar Al-Asad iyo waxa xigga

0

Dimishiq (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Suuriya ayaa markii u horreysay sheegay in muddo afar sano ah ay qaadan karto xilliga la qaban doono doorasho ka dhacdo Suuriya.

Sidoo kale waxa uu intaasi raaciyay in ay qorsheynayaan sidi loo kala diri lahaa kooxdiisa islaamiga ah ee hogaaminaysay kacdoonka dalkaasi ee xakunka looga tuuray dowladdii taliskii Bashar Al Asad ee muddada dheer dalkaasi xakumayay.

Ahmad al-Sharaa oo hoggaamiya Jabhadda Xayat Taxrir Al Sham oo ah kooxda majaraha u heysa dhaq dhaqaaqyada hadda la wareegay awoodda Suuriya, ayaa hadalkaasi ka sheegay wareysi uu siiyay telefishanka laga leeyahay Sacuudiga ee Al Carabiya.

Hadalkan ayaa imanaya kaddib ku dhawaad muddo bil ah oo ay xakunka hayaan, ka gadaal marki ay sidi biriqdi oo kale gobollada dalka oo dhan uga xureeyeen dhammaan ciidanki dowladdii waqtiga dheereyd ee reer Asad, taas oo Suuriya xakumay muddo ka badan 50 sano.

Kacdoonkaasi ayaa soo billowday sannadkii 2011-ki, waxaana ku dhintay tobnaan kun, halka malaayiin kale ay qaxeen ama barakacaeen.

Axmed Al Sharca wuxuu sheegay in ay waqti qaadan doonto doorasho xor ah, iyadoo oo loo baahan yahay buu yiri ciidamo kala duwan, wadahadallo siyaasadeed iyo in dib loo qoro dastuurka Suuriya. Wuxuu kaloo sheegay in kaabayaasha dalka ay aad u liitaan loona baahanyahay dib u dhis cusub loo lagu sameeyo Suurya.

DF Soomaaliya oo digniin kama dambeys u dirtay shaqsiyaad…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa digniin culus oo u muuqata kama dambeys kasoo saartay dadka baraha bulshada ka hurinaya colaadaha sokeeye ee ka aloosan qeybo kamid ah dalka.

Dowladda ayaa caddeysay inay qaadi doonto tallaabooyin ka dhan ah shaqsiyaadka baraha bulshada ku faafinaya muuqaalada, sawirada, codadka, qoraallada naxdinta leh iyo kuwa sii hurinaya colaadaha sokeeye.

“Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay aad uga xun tahay dhibaatooyinka ka dhashay colaadaha sokeeye ee ka aloosan gobolada dalka,” ayaa lagu yiri goordhoweyd bayaan kasoo baxay dowladda.

Wasaaradda ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto aaladaha baraha bulshada iyo warbaahinta ee loo adeegsanayo hurinta colaadaha oo ay sida qaldan u isticmaalayaan shaqsiyaadka ka qeyb qaadanaya kicinta dagaalada.

“Wasaaradda oo gudanaysa waajibka saaran waxay halkaan digniin ugu jeedinaysaa isticmaalayaasha baraha bulshada ee ka qeyb qaadanaya fitnada iyo hurinta colaadaha, dowladdu waxa ay qaadi doontaa tallaabo sharciga waafaqsan oo lagu xakamaynayo qofkasta iyo aalad kasta oo loo adeegsado hurinta dagaalada sokeeye,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa kale oo lagu yiri qoraalka “Muwaadin kasta maanta waxaa mas’uuliyad ka saaran tahay ka hortagga hurinta colaadaha iyo ka shaqeynta nabadeynta dadkeenna walaalaha ah ee dhiigooda qubaya, shacabka Soomaaliyeed.”

Wasaaradda ayaa sidoo kale waxay uga mahad-celisy warbaahinta iyo isticmaalayasha baraha bulshada ee gudbinaya fariimaha wanaagsan ee wacyigalinta ah, kuwaas ayaana ah tusaalaha wanaagsan ee maanta loo baahan yahay.

Ugu dambeyntiina, hay’adaha qaranka ee sharci fulinta ah oo ay ugu horeeyaan booliska iyo xeer ilaalinta ayey sheegeen iny heegan ugu jiraan qaadista tallaabooyinka ku haboon xilligan.

Daawo: R/W Xamza oo war culus kasoo saaray askartii lagu laayay Sh/Dhexe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa markii ugu horreysay maanta ka hadlay askartii dhowaan lagu laayay deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe, loona dilay aano qabiil darteed.

Xamza oo si adag uga hadlay falkaasi ayaa ayaan darro ku tilmaamay, isaga oo xusaynin dadka gaystay ay yihiin dad qalato aan arxan lahayn, sida uu hadalka u dhigay.

“Wixii dhacay ee askarta Soomaaliyeed lagu sameeyay dadkii ka dambeeyay dad ma’ahan ee waa dad qalato, waa bahalo” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Waa wax aad u xun qof adiga ku difaacayo oo naftiisa kuu huray oo adiga ku difaacayo inaad qalato”.

Ra’iisul wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in arrintan ay tahay mid ka fog dadnimada qofka diinta, wuxuuna ugu baaqay in laamaha amniga ku gacan siiyo soo qabashada raggii ka dambeeyay falkaasi oo dhaliya caro aad u xooggan.

Dowladda Dhexe iyo HirShabele oo iskaashanyo ayaa haatan wada dadaallo lagu soo qabanyo dambiilayaasha, iyada oo guddoomiyihii Ceel Baraf iyo odayaal loo soo xiray dhacdadaasi, kuwaas maalin kahor diyaarad lagu keenay magaalada Muqdisho

Askarta la dilay waxay gaareysaa 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ka fasax qaatay saldhigii ay ka tirsanaayeen ee deegaanka Xawaadley, maleeshiyaad hubeysan oo jidka u galay ayaa ciidankaas ku laayey deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/Dhexe.

Dad ku sugan Ceelbaraf ayaa Caasimada Online u sheegay in meeshiyaadka qabtay askarta ay in dhaha ka xireen oo muuqaal ka duubeen, kadibna dileen, askarta ayaa taliskii ay ka tirsanaayeen looga soo reebay qoryahoodii, maadaama ay fasax qaateen oo reerahoodii ay u socdeen.

Rag hubeysan iyo alaab ay wadeen oo lagu qabtay MUQDISHO + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo xalay ciidamada Booliska Soomaaliya ay ka sameeyeen degmada Gubadley ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu soo qabtay rag hubeysan oo waday Maan-dooriye.

Ragga lasoo qabtay oo 4 ka kooban ayaa lagu soo bandhigay saldhigga degmada Heliwaaa, halkaas oo lagu xiray, sida lag sheegay qoraal kasoo baxay taliska booliska.

Sida lagu sheegay warka Booliska raggan oo hubeysanaa ayaa waday ku dhowaad 10 loor oo Xashiish ah, isla markaana loo soo ekeysiiyay dhuxul.

“Howlgal ay fuliyeen Ciidamada Amniga ee Gobolka Banaadir ayaa lagu soo qabtay 4 eedeysane oo hubeysan iyo 7 Loor oo maan-dooriyaha Xashiishka ah oo ay ka ganacsanayeen, howlgalkaas ayaa caawa ka dhacay degmada Gubadley ee Gobolka Banaadir” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Habeenadii lasoo dhaafay ciidamada amniga ee caasimadda Muqdisho ayaa waday howlgallo culus oo ka dhan ah kooxaha ka ganacsada waxyaabaha maanka-dooriya, si looga hor tago dhibaatada ay bulshada u geysan karaan”.

Horay maamulka gobolka Banaadir oo kaashanaya hay’adaha amniga ayaa digniino culus uga soo saaray ka ganacsiga maan-dooriyaha iyo goobaha lagu isticmaalo ee caasimada.

Si kastaba, ciidamada dowladda ayaa marar badan sidaan oo kale howlgallo ugu soo qab-qabtay shaqsiyaad waday maan-dooriye kuwaas oo ugu dambeyn la horgeeyay maxkamad.

Ciidamada DF oo burburiyay xaafad ku taalla MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa booliska ayaa saaka waabarigii hore howlgal culus ku qaaday degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay ka sameeyeen howlgal burburin ah.

Ciidamada ayaa cagta mariyay xaafadda Buulo Weekiyo oo ku dhow dekedda wayn ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay muddo dheer daganaayeen dad shacab ah.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay ku jarmaadeen dhulkan oo dan-guud ah, waxaana xigtay inay burburin ku bilaabeen gaadiidka cagaf-cagafka ah oo ay wateen ciidamada.

Burburinta saaka laga sameeyay gudaha ddegmada Xamarjajab ayaa daba socotay digniin la siiyay shacabka degan dhulkaasi, balse ay ka dhego adeegeen amarka dowladda, waxaana ku xigtay burburinta iyo ciidamo loo soo diro xaafaddaasi.

Sida ay sheegeen saraakiil u hadashay dowladda ujeedka ayaa ah in dhulkan oo ah mid dowladeed loogu adeego shacabka Soomaaliyeed.

Shacabka ayaa dhanka kale qaba fikir ka duwan midkaasi, waxayna ku eedeeyeen dowladda inay iibineyso dhulalka ay la wareegeyso, isla markaana ay helayaan ganacsato.

Xaaladda goobta ayaa la soo warrinayaa inay haatan kacsan tahay, waxaana ciidamadu ay xireen dhamaan waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa xaafadda Buulo Weekiyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay sidan oo kale u burburisay xaafadda Kaluunka Dab-damiska, xarunta wasaaradda arrimaha gudaha ee Boondheere iyo dhulal kale oo ku yaalla caasimada, kuwaas oo ahaa dan-guud ah, waxaana laga raray shacabkii daganaa halkaasi.