26.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Muxuu yahay shirweynaha qaran ee maanta ka furmay Muqdisho? + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta daah-furay Shirweynaha Qaran ee Maalgashiga Cuntada iyo Beeraha oo ka qabsoomat magaalada Muqdisho, kaas oo diiradda lagu saaray sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha hor taagan kobcinta wax-soo-saarka gudaha.

Mudane Xamza ayaa sheegay in xukuumadda Dan-Qaran ay ka go’an tahay dhiirigelinta wax-soo-saarka gudaha, taas oo muhiim u ah horumarinta dhaqaalaha dalka iyo in la gaaro isku-filnaansho dhanka cuntada ah.

Shirkan ayaa lagu soo bandhigay caqabado waaweyn oo hor taagan kor u qaadista wax-soo-saarka dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin qalab la’aanta, khibrad xumo, iyo maalgashi la’aan ka jirta qeybaha muhiimka ah ee beeraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay maalgashadaan beeraha dalka, si looga maarmo waxyaabaha laga soo dhoofiyo dibadda, maadaama ay suurtagal tahay in la helo wax-soo-saar gudaha ah oo dabooli kara baahida shacabka.

Xamza ayaa tilmaamay in horumarinta beeraha ay tahay waddo lagu gaari karo horumar dhaqaale iyo fursado shaqo oo badan, taasoo si gaar ah ugu daneynaysa dhalinyarada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixino ka dhageystay qaar ka mid ah dhallinyarada hal-abuurkooda la xiriira wax-soo-saarka, kuwaas oo ku soo bandhigay madasha shirweynaha, isagoo si gaar ah u bogaadiyay doorkooda iyo dadaalkooda.

Ugu dambayntiina wuxuu ku dhiirrigeliyay dhallinyarada Soomaaliyeed in ay xoogga saaraan barashada cilmiga la xiriira beeraha, si loo helo jiil cusub oo ka shaqeeya kobcinta wax-soo-saarka gudaha iyo horumarinta dalka.

Shirkii Golaha Wadatashiga oo mar kale baaqday – Laba qodob oo la isku khilaafay

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee horey u shaacisay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale dib u dhacay, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo xog-ogaal ah. Tani waxay noqoneysaa markii labaad ee dib loo dhigo shirkan muhiimka ah.

Shirka, oo markii hore lagu balansanaa inuu qabsoomo 1–2-da May, ayaa dib loogu dhigay maanta oo ah Isniin, 5-ta May. Balse warar ay Caasimada Online ka heshay ilo xog-ogaal u ah madaxda dowlad-goboleedyada qaarkood ayaa muujinaya in qabsoomidda shirku weli shaki ku jiro. Beesha caalamka ayaa si dhow ula socota xaaladda, iyadoo laga cabsi qabo in faragelin dibadda ah timaado.

Puntland iyo Jubbaland ayaa horey u qaadacay shirka, iyagoo ku sababeeyey khilaafaad siyaasadeed oo muddada dheer kala dhaxeeya Dowladda Federaalka ee Muqdisho. Hadda, saddex dowlad-goboleed oo horey u taageeri jiray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iyaguna diiday ka qaybgalka, taasoo sii adkaynaysa jahwareerka siyaasadeed.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in dib u dhaca shirku uu salka ku hayo labo arrimood oo waaweyn:

1- Khilaaf la xiriira qaybsiga awoodda oo ka dhashay dib-u-habeynta siyaasadeed ee madaxweynaha, 2- Iyo muran ka taagan ka-qaybgalka maamulka cusub ee la aqoonsaday ee SSC-Khaatumo.

Khilaafka awood qaybsiga is-bahaysiga cusub  

Dadaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee ku wajahan hirgelinta nidaamka doorasho toos ah oo ah “hal qof, hal cod” ayaa sababay in taageerayaashiisa ay dhisaan xisbi cusub oo mideysan, taasoo meesha ka saartay xisbiga hore ee UPD.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in madaxda federaalka ee la safan madaxweynaha ay taageereen in xisbiga cusub lagu soo daro xubno cusub, halka madaxda dowlad-goboleedyada taageersan ay soo jeediyeen in magaca xisbiga la beddelo iyo in hoggaankiisa dib loo qaabeeyo.

In kasta oo Galmudug iyo HirShabelle ay weli taageersan yihiin Madaxweyne Xasan, haddana heshiis hore oo uu la galay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, ayaa dhigaya in dib loogu laabto qaab-dhismeedka xisbiga cusub. Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe, ayaa lagu soo waramayaa in loo xil saaray inuu dhex-dhexaadiyo wada-hadallada xasaasiga ah ee la xiriira arrimaha Koonfur Galbeed.

Waxaa sidoo kale la sheegay in hannaanka hoggaamineed ee la soo jeediyay uu yahay in madaxweyne Xasan Sheekh noqdo musharraxa madaxweynaha, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre noqdo guddoomiyaha xisbiga, halka Cabdiraxmaan Xuseen Odowaa loo magacaabay xoghayaha guud.

Koonfur Galbeed ayaa lagu wargeliyay in la siin doono xilka guddoomiye ku xigeen, balse hoggaanka gobolkaas ayaa arrintaas u arkay mid aan ahayn miisaan siyaasadeed oo ku filan, taasoo ay u arkaan in la sii xoojinayo awoodda beelaha haysta madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Muranka ka-qaybgalka maamulka SSC-Khaatumo

Caqabadda labaad ee weyn ayaa ah qorshaha ay Dowladda Federaalka ku dooneyso in maamulka dhawaan la aqoonsaday ee SSC-Khaatumo uu shirkan ka qayb galo. Tani ayaa si weyn uga soo horjeestay madaxda dowlad-goboleedyada lagu casuumay madasha.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdulkaadir Axmed Firdhiye, ayaa Axaddii soo gaaray Muqdisho, isagoo u yimid ka-qaybgalka shirka kadib wada-hadallo uu la yeeshay dowladda. Si kastaba, warar hoose ayaa muujinaya in ka-qaybgalka SSC-Khaatumo uu dhaliyay muran hor leh oo u dhexeeya madaxda dowlad-goboleedyada kale.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa cabsi ka muujiyay in oggolaanshaha SSC-Khaatumo uu wax ka beddeli karo saamiga awood qeybsiga madasha, iyadoo aan wax metelaad ah lagu kordhin beelaha ay matalaan.

Galmudug ayaa iyaduna kasoo horjeedda in SSC-Khaatumo la siiyo xuquuq go’aan gaaris buuxda, iyagoo ka baqaya in taasi ay horseedo xasillooni darro mustaqbalka ka dhacda waqooyiga Galgaduud, taasoo wiiqi karta midnimada gobolka.

Sidoo kale, HirShabelle ayaa la rumeysan yahay inay cabsi ka qabto in tallaabadan ay dhiirrigeliso dhaq-dhaqaaqyo is-maamul doon ah oo ka socda gobolka Hiiraan, gaar ahaan magaalada Beledweyne oo wali ay ka jiraan kacdoonno ka dhan ah maamulka gobolka.

Dib u dhaca shirkan Golaha Wadatashiga Qaranka oo ay ka maqan yihiin shan ka mid ah lixda maamul ee ugu waaweyn dalka – haddii SSC-Khaatumo loo aqoonsado xubin rasmi ah – ayaa dhabar-jab weyn ku ah Dowladda Federaalka, wuxuuna iftiiminayaa khilaafka siyaasadeed ee ballaaran ee haatan ka jira gudaha Soomaaliya. 

Golaha Wasiirada Israel oo ansixiyey qorshe lagu wada qabsanayo Marinka Gaza

Gaza (Caasimada Online) – Golaha ammaanka ee Israel ayaa ansixiyay qorshe ballaaran oo lagu fidinayo hawlgallada milatari ee ka socda Marinka Gaza, kaasoo ay ku jirto “qabsashada” dhulka Falastiiniyiinta, sida uu Isniin sheegay sarkaal sare oo Israeli ah.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii ciidamada Israel ay heegan geliyeen tobannaan kun oo askar kayd ah si ay uga qeyb qaataan duullaanka.

Go’aankani wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Qaramada Midoobay iyo hay’adaha gargaarka ay si isdaba joog ah uga digeen musiibo bini’aadannimo oo ka sii daraysa Gaza, halkaasoo mar kale macluul laga cabsi qabo, kadib in ka badan laba bilood oo xayiraad buuxda ah oo Israel kusoo rogtay gobolka.

Sida uu sheegay sarkaalka, qorshaha uu goluhu ansixiyay xalay wuxuu sidoo kale ku jiraa haynta dhulalka Gaza ee go’doonsan, wuxuuna qayb ka yahay dadaalka Israel ay ugu jirto in dadka reer Gaza ay isaga baxaan dhulkooda.

Israel ayaa 18-kii Maarso dib u billowday hawlgalladeeda weyn ee Gaza, kadib markii wadahadalladii xabbad-joojinta laba bilood socday uu hakad ku yimid. Dagaalkan ayaa salka ku haya weerarkii kooxda Xamaas ay qaaday bishii Oktoobar 2023.

Tan iyo markaas, Israel waxay fulisay duqeymo culus oo cirka ah iyo howlgallo dhulka ah oo ka socda guud ahaan Marinka Gaza. Isniintii, kooxaha gurmadka ee Gaza waxay sheegeen in ugu yaraan 19 qof lagu dilay duqeymo ka dhacay waqooyiga gobolka.

Sarkaalka ayaa sheegay in qorshaha cusub uu “ka mid yahay qabsashada Marinka Gaza, haynta dhulka, iyo raridda dadka Gaza u guuraan koonfurta si loo sugo ammaankooda”.

Inta badan dadka Marinka Gaza waxay horey ugu noolaayeen waqooyiga gobolka, gaar ahaan magaalada Gaza. Ku dhowaad dhammaantood ayaa barakacay ugu yaraan hal mar tan iyo markii dagaalku billowday.

Golaha ammaanka, oo ay xubno ka yihiin Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyo wasiirro kale, ayaa si mid ah u meel mariyay qorshaha lagu doonayo in lagu jebiyo kooxda Xamaas iyo lagu soo furto la haysteyaasha wali ku sugan gudaha Gaza.

Sarkaalka ayaa xusay in qorshuhu uu ku jiro “weerarro xooggan oo lagu beegsanayo Xamaas”, balse uusan faahfaahin nooca weerarradaasi noqon doonaan.

La-haysteyaasha oo halis galaya

Maalintii Axadda, Taliyaha ciidamada Israel General Eyal Zamir ayaa sheegay in tobannaan kun oo ciidamo kayd ah la isugu yeeray si loo ballaariyo weerarka.

Warbaahinta Israel ayaa ku warrantay in qorshahan uusan dhaqangelin doonin ka hor safarka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu toddobaadka dambe ku tegi doono gobolka.

Wasaaradda caafimaadka Gaza ayaa Axaddii sheegtay in ugu yaraan 2,436 qof lagu dilay tan iyo markii Israel dib u billowday duullaankeeda 18-kii Maarso, taasoo tirada guud ee dadka ku dhintay dagaalka ka dhigeysa 52,535.

Weerarkii Xamaas ee dhacay 7-dii Oktoobar ayaa sababay dhimashada 1,218 qof oo Israeli ah, badankoodna ahaa rayid.

Kooxaha weerarka qaaday ayaa sidoo kale afduubtay 251 qof, kuwaas oo 58 ka mid ah ay weli ku sugan yihiin gudaha Gaza. Milatariga Israel ayaa sheegay in 34 ka mid ah dadkaasi ay dhinteen.

Israel ayaa sheegtay in ujeeddada dagaalka cusub ay tahay in lagu cadaadiyo Xamaas si ay u sii dayso la haysteyaasha haray, hase yeeshee dhaleeceyn xooggan ayaa ka dhalatay, iyadoo ehellada dadka la afduubtay ay ku eedeeyeen dowladda in ay “hurayso” nolosha la haysteyaasha.

Sidoo kale, sarkaalka dowladda Israel ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Netanyahu uu “sii wadayo horumarin” qorshe uu wado Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ku baaqaya in dad reer Gaza ah ay si iskood ah ugu guuraan waddamada dariska ah sida Masar ama Urdun.

Hindisahaasi waxaa si adag u diiday Qaahira, Ammaan, dowlado kale oo Carbeed iyo sidoo kale Falastiiniyiinta laftooda. Hase yeeshee, wasiirro Israeli ah ayaa si xamaasad leh uga shaqeynaya hirgelinta fikraddaas.

Wasiirka Difaaca Israel Israel Katz ayaa bishii Febraayo sheegay in la dhisi doono hay’ad gaar ah oo loogu talagalay “ka guuritaanka iskaa ah ee dadka Gaza”.

Cadaadis siyaasadeed

Golaha ammaanka ee Israel ayaa sidoo kale habeenkii xalay oggolaaday “in la furo suurta-galnimada qaybinta gargaarka bani’aadannimo, haddii loo baahdo”, si looga hortago in Xamaas la wareegto sahayda laguna wiiqo awooddeeda maamul.

Warbaahinta Axios ayaa Jimcihii daabacday in wakiillo ka socda Maraykanka, Israel iyo hay’ad bini’aadannimo oo cusub ay ka wadahadlayaan nidaam lagu daahfuri karo gargaar aan gacanta u gelin Xamaas.

Isbahaysi ka kooban hay’ado Qaramada Midoobay iyo kuwa samafalka oo ka howlgala Gaza ayaa ku eedeeyay Israel in ay doonayso in la xiro nidaamka gargaarka ee hadda shaqeynaya, iyadoo ku khasbeysa hay’adaha in ay sahayda marsiiyaan xarumo Israeli ah oo leh xeerar ay ciidamada Israel dhigeen.

Qoraal ay soo saareen kooxda Humanitarian Country Team ee Gaza ayaa lagu sheegay in qorshahani uu “ka hor imanayo mabaadi’da aasaasiga ah ee gargaarka bini’aadannimo”, isla markaana u muuqdo mid lagu cadaadinayo dadka shacabka ah iyada oo la adeegsanaayo sahayda nolosha lagu nool yahay.

“Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo Isuduwaha Gargaarka Degdegga ah ayaa si cad u sheegay in aanu ka qayb qaadan doonin wax nidaam ah oo noocaas ah,” ayay warbixintu tiri.

Xamaas ayaa Isniintii sheegtay in nidaamka cusub ee ay Israel wado uu yahay “cadaadis siyaasadeed”, waxayna dowladda Israel ku eedeeyeen in ay sabab u tahay musiibada bini’aadannimo ee Gaza ka taagan.

Inkasta oo golaha wasiirrada Israel uu sheegay in “cunto ku filan” ay haatan ka jirto Gaza, haddana hay’adaha gargaarka iyo Qaramada Midoobay ayaa si adag uga digay saameynta daran ee xayiraadda ay ku yeelatay dadka 2.4 milyan ah ee halkaas ku nool.

Sawirro uu baahiyay AFP ayaa muujinayay dad tiro badan oo isugu soo baxay jikada samafalka ee Gaza dhamaadkii toddobaadka, iyagoo raadinaya cunto.

Kulankii BF oo dib u furmay maanta – Maxaa dhacay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulanka Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta dib u furmay, kadib baaqasho ku timid dhowr jeer oo hore, sababo la xiriira xiisadda ka taagan Golaha Shacabka ee u dhexeysa guddoonka iyo xildhibaannada.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa furay guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Cabdullahi Abshirow oo golaha la wadaagay go’aanno xasaasi ah.

Abshirow ayaa shaaca ka qaaday in haatan wixii ka dambeeya wax badan laga beddali doono jihada baarlamaanka, isla markaana si adag loogu dhaqmi doono xeerarka u degsan golaha, si looga gudbo caqabadaha soo laa laabtay ee saameeyay shaqadooda.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in baarlamaanka uu madax bannaan yahay, isla markaana aanu ku milmi karin hay’adaha fulinta ee dowladda.

“Golahaan isagaa u madax bannaan qaraaradiisa iyo go’aamadiisa, mana ahan inaan ku milano hay’adaha kale, waana in aan ilaalinaa midnimada Golaha” ayuu yiri Abshirow.

Waxaa kale oo uu ku baaqay in la ilaaliyo midnimada golaha iyo sharafkiisa, si aysan u dhicin dhibaato lamid ah tii todobaadkii hore ee buuqa ka dhalisay baarlamaanka.

“Haddaba xildhibaannada sharafta leh waxaa muhiim ah inaan ku dadaalno is ixtiraamid iyo is qadarin u qalma shacabka aan mataleyno, waana in waajibkeenna u gudano annaga oo indhaha ku ku hayno aayaha carruurteenna iyo mustaqbala dalka” ayuu sii raaciyay.

Intaas kadib xildhibaannada ayaa guda galay doodooda, waxaana maanta la horeeyay  Hindise-Sharciyeedka Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah oo ay ka doodeen mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Furitaanka kulanka baarlamaanka ayaa kusoo aadayo, iyadoo haatan uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku maqan yahay dalka Aljeeriya, isaga oo khudbad ka jeediyay shirweynaha Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta ee ka socda caasimada dalkaasi.

Xog: Baaritaanka ceelasha shidaalka Soomaaliya oo war farxad leh uu ka soo baxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la helayaa xog hordhac ah oo la xiriirta baaritaanka shidaalka ee ka socda badda Soomaaliya, iyadoo ilo xog ogaal ah oo dhanka Turkiga ah ay sheegayaan in sahminta batroolka iyo gaaska ee ay wadday Dowladda Turkiga la gaaray heer gebo-gebo ah.

Xogta naga soo gaartay baaritaanka shidaalka ayaa sheegaysa in laba kamid ah ceelashii sahmintu ka socotay la soo geba-gebeeyey, halka ceelkii saddexaad uu baaritaanku wali ka socdo. Waxaa la filayaa in dhammaan baaritaannada la soo afjaro bisha Agoosto ee sanadkan.

Baaritaannada la sameeyey ayaa 90% muujinaya in gaas ganacsi noqon kara laga helay labada ceel ee hore, sida aan xogta ku helnay. Saadaal horudhac ah oo ay bixiyeen injineerrada mashruuca ayaa tilmaamaysa in mid kasta oo kamid ah ceelasha laga yaabo in laga helo ilaa 10 bilyan oo fuusto oo gaas ah oo ganacsi ahaan loo isticmaali karo.

Waxaa sidoo kale la sheegay in nooca gaaska laga helay iyo qiyaasta rasmiga ah la xaqiijin doono kaddib marka la furo dhammaan ceelasha la sahmiyey.

Natiijada rasmiga ah ee baaritaanka waxaa lagu ogaan doonaa sheybaarrada gaaska iyo shidaalka ee ku yaalla Turkiga.

Kaddib marka baaritaanku dhamaado laguna xaqiijiyo natiijada, waxaa la guda geli doonaa wejiga qoditaanka shidaalka Soomaaliya, iyadoo la saadaalinayo in arrintaasi dhacdo dhamaadka sanadkan.

Heshiiska shidaalka ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ayaa lagu saxiixay magaalada Istanbul 7-dii Maarso 2024, waxaana qalinka ku duugay Wasiirkii hore ee Shidaalka Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed, iyo Wasiirka Tamarta ee Türkiye, Alparslan Bayraktar.

Shirkadda Turkish Petroleum Corporation (TPAO) ayaa loo xilsaaray fulinta howlaha sahminta iyo soo saarista shidaalka.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in heshiisku yahay mid dan u ah labada dal, kuna saleysan is-afgarad iyo faa’iido wadaag.

“Tani waa markii ugu horreysay ee taariikhda ay Soomaaliya si rasmi ah u baarayso kheyraadkeeda shidaal iyo gaas. Lama dhayalsan karo faa’iidada cidda ugu horreysa ee gasha. Iyada oo Turkigu nala garab taagan yahay, Soomaaliya waxay u socotaa inay noqoto dal ka duwan sida dunidu u aragto,” ayuu yiri madaxweynaha.

Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibedda, Cali Cumar, ayaa isna heshiiska ku tilmaamay mid albaab u furaya fursado ganacsi oo waaweyn, isagoo xusay inuu khuseeyo saddex qaybood oo keliya—kuwaasoo kamid ah 216 qaybood oo la rumeysan yahay inay shidaal ku jiraan xeebaha Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay ee shirka Golaha Wadatashiga ee ka furmaya Muqdisho

Muqdisho Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu magaalada Muqdisho ka furmo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhexeeyo madaxda Dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah kuwa maamul goboleedyada dalka, kaas oo looga hadlayo arrimo xasaasi ah.

Shirka oo ah mid muhiim ah ayaa waxaa guddoomin doono madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka qayb-galaya hoggaamiyeyaasha maamullada Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed, SSC-Khaatumo iyo maamulka gobolka Banaadir.

Hoggaamiyeyaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa haatan ka maqan Muqdisho, waxaase la sugayaa inay soo gaaraan saacadaha ina soo aadan, si uu u furmo shirka.

Sida ay sheegayaan xogaha la helayo shirka ayaa laga yabaa inuu furmo gelinka dambe ee maanta amaba uu dib u dhaco illaa berri, inta ay imaanayaan madaxda hadda maqan.

Wararka ayaa sheegaya in shirka intiisa badan diiradda lagu saari doono arrimo muhiim ah oo la xiriira amniga dalka iyo qorshaha doorashooyinka dalka ee 2026.

Sidoo kale, waxaa shirka lagu soo qaadi doonaa dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab oo haatan soo xoogeystay, kadib markii ay kooxda culeys soo saartay Shabeellooyinka.

Madaxda ayaa sidoo kale la filayaa in war-murtiyeed ay soo saaraan kadib shirkooda, kaas oo ku aadan xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan arrimaha xasaasiga ah ee taagan.

Waxaa gebi ahaan shirka ka maqnaan doono madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo haatan uu khilaaf kala dhexeeyo Dowladda Federaalka, kuwaas oo diidan qorshaha Villa Soomaaliya ee la xiriira doorashooyinka dalka iyo arrimaha dastuurka.

Waxaa kale oo dood wayn qaba xubnaha mucaaradka oo iyagana kasoo horjeedo qorshaha Villa Soomaaliya ee la xiriira doorashooyinka qof iyo codka ah ee haatan diiwaangelintooda ay ka socoto qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Dhinaca kale, Wakiilada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa haatan wada dadaallo dheeraad ah oo ku aadan xal u helidda muranka siyaasadeed ee ka taagan dalka, gaar ahaan hannaanka doorashada ee sida aadka ah la’isugu hayo.

Dadaallada socda ayaa waxaa hoggaaminayo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo maalmihii u dambeeyay booqashooyin ku tegay magaalooyinka Dhuusamareeb, Baydhabo iyo Boosaaso, halkaas oo uu kula soo kulmay madaxda maamulada, si uu uga dhageysto aragtiyadooda ku aaddan amniga iyo doorashooyinka.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad siyaasadeed oo cakiran, waxaana usii dheer halista Al-Shabaab oo haatan culeys soo saartay gobollada Shabeellooyinka oo daris la ah magaalada Muqdisho.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga war sugayaa natiijada kasoo baxda shirka wadatashiga ee maanta furmayo oo ku soo aaday, xilli xasaasi ah oo loo baahnaa.

Sacuudi Carabiya oo diidmo adag u gudbisay Mareykanka ka hor booqashada Trump

Riyadh (Caasimada Online) – Boqortooyada Sacuudiga ayaa xaddidaad cad u dejisay Madaxweyne Donald Trump iyo wafdigiisa kahor booqashadooda rasmiga ah ee bisha May: waa in aan laga hadlin arrinta caadiyeynta xiriirka Israa’iil.

Fariintan waxaa soo gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga, Amiir Faysal bin Farxaan Al-Sacuud, intii uu booqasho ku joogay Washington DC bishii hore si uu uga shaqeeyo diyaarinta safarka Trump, sida ay Middle East Eye u xaqiijiyeen laba sarkaal oo Carbeed oo xog ogaal u ah kulamada.

Inkastoo ay tahay arrin caadi ah in diblomaasiyiintu horay isula meel dhigaan ajendaha kulamada madaxda sare, codsiga Sacuudiga wuxuu muujinayaa welwelka boqortooyada ee ah in qaabka deg-degga ah ee uu Trump u hadlo uu sababi karo xaalad siyaasadeed oo qalafsan, gaar ahaan mar haddii kaamiradaha hortooda la joogo, taasoo keeni karta ceeb siyaasadeed oo ku timaadda Dhaxal-suge Maxamed bin Salmaan.

Dhaxal-suguhu wuxuu si cad ugu eedeeyay Israa’iil in ay xasuuq ka geysaneyso Gaza, isagoo ka tarjumaya dareenka carada shacabka Sacuudiga ee ka dhashay weerarrada Israa’iil ku hayso dhulkaas, halkaasoo, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Falastiiniyiinta, in ka badan 52,000 oo qof — badankood dumar iyo carruur — lagu dilay.

“Boqortooyadu si dhab ah ayay uga go’an tahay in aysan ku dhicin wax khiyaano ah oo la xiriira Israa’iil inta lagu guda jiro booqashada. Arrintaas si cad ayaa loogu sheegay Washington,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha Carbeed ee la hadlay Middle East Eye.

Amiir Faysal ayaa la kulmay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, 9-kii April. Inkastoo kulankaasi uu ahaa mid furan, haddana arrinta ah in Sacuudigu doonayo in laga reebo ajendaha wadahadalka ee caadiyeynta xiriirka Israa’iil looma shaacin si rasmi ah.

Safaaradda Sacuudiga ee Washington ayaan ka jawaabin codsi waraysi oo ay u dirtay Middle East Eye.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo la fogeeyay

Sarkaal kale oo Carbeed ayaa sheegay in Amiir Faysal uu kulankii kadib dareemay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka aysan lahayn door muuqda oo go’aannada siyaasadeed ah.

Wuxuu u sheegay mas’uuliyiinta in Rubio iyo waaxdiisu “gebi ahaanba laga reebay” meelaha go’aamada lagu gaaro.

Khamiistii, Rubio ayaa si ku-meel-gaar ah loogu magacaabay la-taliyaha ammaanka qaranka, isaga oo weli sii haya xilkii Xoghayaha Arrimaha Dibadda, kadib markii Trump uu shaqada ka eryay Mike Waltz. Labada mas’uulba waxay wajahaan cadaadis siyaasadeed oo kaga imaanaya taageerayaasha Trump ee mabda’a “America First.”

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka iyo Aqalka Cad midna kama jawaabin codsiga waraysi ee Middle East Eye.

Trump ayaa si fagaare ah u taageeray go’aankii Israa’iil ee ahaa in ay ka laabato xabad-joojintii Janaayo una laabato dagaalka Gaza.

Si kastaba ha ahaatee, kahor safarkiisa Khaliijka, wuxuu muujiyay hadal dabacsan.

“Waa in aan wanaag u muujinaa Gaza… Dadkani way silcayaan,” ayuu Trump ku yiri hadal uu sheegay inuu u gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, asbuucii hore.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Tammy Bruce, ayaa Khamiistii tiri: “Waxaan dooneynaa in gargaarka dib loo bilaabo,” iyadoo ka jawaabeysay su’aal la xiriirtay Gaza.

“Ma jiri doonaan wax lama filaan ah”

Dhaxal-sugaha Sacuudiga iyo Trump waxay yeesheen xiriir dhow xilligii koowaad ee madaxweynenimada Trump. Waxay isugu xirnaayeen si fudud, iyadoo dhaxal-suguhu uu si toos ah ula xiriiri jiray Jared Kushner, wiilka soddoga u yahay Trump iyo la-taliyihii hore ee Aqalka Cad, oo uu si joogto ah farriimo ula wadaagi jiray. Xilligan, Steve Witkoff ayaa noqday ergayga cusub ee Trump.

Sacuudiga wuxuu ahaa dalkii ugu horreeyay ee Trump booqdo sanadkii 2017 marka uu xilka la wareegay.

Labada sarkaal ee Carbeed ayaa u sheegay Middle East Eye in booqashadan cusub ay halis gaar ah u leedahay boqortooyada, iyadoo loo eegayo dagaalka Israa’iil ee Gaza. Sidaa darteed, Riyadh waxay si dhow u maaraynaysaa dhammaan faahfaahinta socdaalka, xitaa dhinacyada farsamada.

“Ma jiri doonaan wax lama filaan ah, codsiyo kedis ah — ha ahaadeen kuwo dadweynuhu maqlaan ama kuwo gaar ah,” ayuu yiri sarkaalkii labaad.

Sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah, Sacuudigu wuxuu doonayaa in booqashada lagu koobo saddex qodob oo muhiim ah: heshiisyada milatari, barnaamijka nukliyeerka Iran, iyo dhaqaalaha.

Wakaaladda Reuters ayaa horay u soo werisay in maamulka Trump uu tixgelinayo heshiis hub ah oo gaaraya $100 bilyan, oo ay ku jiraan wadahadallo ku saabsan diyaaradaha dagaalka ee F-35.

Trump ayaa aqbalay inuu booqdo Sacuudiga kadib markii dhaxal-suguhu ballan qaaday in boqortooyadu ay $600 bilyan ku maalgelin doonto Mareykanka afarta sano ee soo socota.

Heshiisyada Abraham Accords

Trump wuxuu marar badan shirarka jaraa’id kaga hadlay sida uu u arko in fidinta Heshiisyada Abraham ay sahlan tahay.

Bishii Febraayo, shir uu la yeeshay Netanyahu ayuu Trump si cad uga hor yimid siyaasadda rasmiga ah ee Sacuudiga isagoo sheegay in Riyadh aysan shardi ka dhigin dowlad Falastiini ah si ay xiriir ula sameyso Israa’iil. “Qof walba wuxuu doonayaa hal shay – nabad,” ayuu yiri.

Isla mowqifkaas ayuu Trump ku celiyay wareysi uu 22-ka April siiyay Time Magazine, isagoo yiri: “Waxaan rumeysanahay in Sacuudiga uu kusoo biiri doono Heshiisyada Abraham.”

Trump wuxuu heshiisyadii Abraham ee 2020 — kuwaasoo Israa’iil xiriir diblomaasiyadeed kula yeeshay Imaaraadka, Baxreyn iyo Morooko — u arkaa inay ka mid yihiin guulihiisa ugu weyn ee siyaasadda arrimaha dibadda.

Maamulkii Biden wuxuu isku dayay inuu fidiyo heshiisyadaas si uu dib ugu hagaajiyo xiriirka Riyadh, kadib markii Biden uu sheegay inuu dhaxal-sugaha ka dhigi doono “go’doon” dilkii Jamaal Khashoggi awgiis.

Laakiin go’doomintaas waxay u rogtay dhibaato siyaasadeed kadib markii Ruushku weeraray Ukraine, taasoo sare u qaaday qiimaha tamarta, iyadoo wada-xaajoodkii nukliyeerka Iran uu istaagay.

Mareykanku wuxuu isku dayay inuu heshiis dhex dhigo: Sacuudiga oo caadiyeeya xiriirka Israa’iil, beddelkeedana wuxuu heli lahaa damaanad amni oo Mareykanku bixiyo, heshiisyo hub oo degdeg ah, iyo taageero barnaamijkooda tamarta nukliyeerka ee rayidka ah.

Sanadkii 2023, warar joogto ah oo saxaafaddu heshay ayaa muujinayay in Mareykanka iyo Sacuudigu ay dhow yihiin heshiis ballaaran.

Senator Lindsey Graham — oo noqday dhex-dhexaadiye u dhexeeya Riyadh iyo maamulka Biden — ayaa xitaa sheegay in haddii Sacuudigu uusan xiriir la yeelan Israa’iil kahor dhammaadka 2024, “daaqaddaasi xirmi doonto.” Wuxuuna ka gaabsaday sababta.

Falanqeeyayaal iyo saraakiil Carbeed ayaa sheegaya in mid ka mid ah sababihii weerarkii 7-dii Oktoobar 2023 ee ay Xamaas ku qaaday Koonfur Israa’iil uu ahaa in la carqaladeeyo heshiiska caadiyeynta xiriirka u dhexeeya Sacuudiga iyo Israa’iil, si mar kale Falastiiniyiinta loogu soo celiyo ajendaha Carabta.

Intii lagu jiray dhageysi ka dhacay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah Talaadadii, Maxamed Sacuud Alnasser — Agaasimaha Arrimaha Sharciga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga — ayaa ku eedeeyay Israa’iil in ay “ku kacday falal foolxun” oo ka dhacay Gaza, isla markaana ay “go’doomin arxan-darro ah” saartay deegaankaas.

 

SHARIIF oo arrimo xasaasi ah kala hadlay Mareykanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ka ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo dhowaan uun dib ugu soo laatay magaalada Muqdisho ayaa haatan bilaabay kulamo gaar gaar ah oo uu la qaadanayo wakiilada beesha caalamka ee fadhigoodu yahay gudaha caasimada.

Sheekh Shariif ayaa saacadihii ugu dambeeyay kulan foolka fool ah la yeeshay safiirka Mareykanka u qaabilsay Soomaaliya ambassador Richard Rile, isaga oo kala hadlay arrimo xasaasi ah oo la xiriira xaaladda dalka.

Madaxweynihii hore ee dalka oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in isaga iyo Danjire ambassador Richard Riley ay ka wada-hadleen xiriirka labada dal. Xaaladda siyaasadeed ee dalka, doorashooyinka muranka ka taagan iyo ammaanka guud ee dalka.

“Waxaan maanta kulan kuwada yeelanay Magaaladda Muqdisho safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya U.S. Embassy Mogadishu, ambassador Richard Riley, innagoo kulankeenna diiradda ku saarnay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan Amniga, siyaaasadda iyo sida ay muhiim ugu tahay horrumarinta geedi-socodka dowlad dhiska iyadoo ay mar walba saldhig u tahay xasillooni siyaasadeed” ayuu qoraakiisa yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale wuxuu u mahad-naqay dowladda Mareykanka oo uu tilmaamay in Soomaaliya ayka caawiso dhinacyo muhiim ah oo ay ugu horreyso la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

“Waxaan dhinaca kale uga mahadceliyay dowladda Mareykanka taageerada ay dalkeenna ka siiso dhincyadda Ammaanka, la dagaalanka kooxaha argagixisada ah, dhaqaalaha iyo gargaarka bini’aadanimo” ayuu mar kale yiri Sheekh Shariif.

Kulankan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah oo ay taagan tahay xaalad siyaasadeed oo cakiran, isla markaana Villa Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka ay isku hayaan arrimaha doorashooyinka oo mugdi badan uu ku jiro hannaanka loo wajahayo.

Doodda ayaa waxa keenay qorshe ay la timid Villa Soomaaliya oo la xiriira doorasho qof iyo cod ah, taa soo ay ka biyo diideen Jubbaland, Puntland iyo xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka dalka.

Si kastaba, ahaaatee waxaa haatan isha lagu hayaa natiijada kasoo bixi doonto shirka maanta u furmay Golaha Wadatashiga Qaranka oo diiradda lagu saaray xaaladda taagan, gaar ahaan doorashooyinka ammaanka dalka.

Daacish oo kusoo laabatay deegaano hore looga saaray iyo Puntland oo tallaab qaaday

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in deegaanno horay looga saaray Daacish, kana tirsan gobolkaasi, gaar ahaan aagga Calmiskaad mar kale dib loogu arkay kooxda, sida ay xaqiijiyeen saraakiil amni.

Maleeshiyada kooxda ayaa si dhuumaaleysi ah kusoo galay agagaarka togga Jacayl oo ay horay howlgallo culus kula wareegeen ciidamada difaaca ee maamulka Puntland.

Saraakiisha bixiyay xogtan ayaa shaaca ka qaaday in xubnaha kooxda Daacish ee deegaannadaas kusoo laabteen, iyagoo gabbaad ka dhiganaya dadka reer guuraaga ah ee kusoo guryo noqday goobihii horay looga saaray kooxda ee buuraha gobolka Bari.

Dhinaca kale, Puntland oo arrintan ka war-heshay ayaa isla markii qaaday tallaabo deg-deg ah, iyada oo kaashaneyso saaxibada caalamiga ah, waxayna si wadajir ah u fuliyeen howlgal culus.

Howlgalka oo ay duqeymo barbar socdeen ayaa lasoo wariyay in xalay, illaa saaka laga fuliyay deegaannada lagu arkay maleeshiyada kooxda Daacish, iyada oo lagu beegsaday bartilmaameedyo muhiim ah, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Deegaannada ay howlgallada iyo duqeymaha ka dhaceen ayaa waxaa kamid ah Gacan Cad, Shilalay, Suradka, Aroorka Daylaan oo dhammaan ka agdhaw Ceelasha Dhaban-caddo iyo Il, halkaas oo ay haatan dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabeen argagixisada.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay howlgallada iyo duqeymaha ka dhacay halkaasi.

Shalay ayay aheyd markii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in iyada oo kaashaneyso Mareykanka ay duqeyn culus ay ku beegsaday kooxda Daacish, taas oo ka dhacday qaybo kamid ah buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ee maamulka Puntland.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in duqeynta lala beegsaday bartilmaameedyo ay ku sugnaayeen maleesshiyaadka Daacish,iyada oo sheegtay in xubno badan oo Daacish ah lagu laayay, laguna dhaawacay kuwa kale.

“Subixii hore annaga oo kaashaneyno taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, waxaan duqeymo ka fulinay Puntland, goob ay ku sugnaayeen Daacish, khasaare ayaa ka dhashay weerarka” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga.

Daacish ayaa weli dhaq-dhaqaaq ka wadda buuraha Calmiskaad, waxayna ahayd dhowaan markii laga hortegay weerar is-miidaamin ay maleeshiyaad ka tirsan kooxda ay ku soo qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo ku sugnaa aagga aagga Ceelka GuryoSamo oo aad ugu dhow deegaanka Dhasaan, iyada oo dhammaan la dilay xubnaha soo qaaday.

Qarax culus oo ciidamada Itoobiya lagula beegsaday duleedka Baydhaba

Baydhaba (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax culus oo xalay ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya lagula eegtay agagaarka magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaas oo gaystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa si gaar ah loola eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya oo ku socdaalayay bannaanka magaalada, waxaana kasoo gaaray khasaare kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa miino uu haleelay mid kamid ah kolonyada ay wateen ciidamada, waxaana ku dhintay laba askari, halka ay ku dhaawacmeen kuwa kale.

Sidoo kale waxaa burbur xooggan uu soo gaaray baabuurka la qarxiyay ee ay wateen ciidamada Itoobiya ee lagu weeraray duleedka Baydhaba, kuwaas oo markii dambe isaga dhaqaaqay meesha.

Xaaladda ayaa saaka deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo saraakiisha Itoobiya ee fariisinka ku leh magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Dhinaca kale, looxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxayna shaacisay inay khasaare xoogleh ku gaarsiiyay ciidamada Itoobiya, howlgalkana uu u dhacay sidii loo qorsheeyay.

Ammaanka Baydhaba ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay ahaa mid deggan, waxaase inta badan weeraro iyo dagaallo ay ka dhacaan deegaannada hoos yimaada magaaladaas oo ay halis ku hayaan Al-Shabaab.

Dhowaan ayay ahayd markii maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta ay weerar culus kusoo qaadeen deegaanka Burjeed oo u dhexeeya magaalada Baydhaba iyo deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay, halkaas oo fariisimo ku leeyihiin ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa si weyn loogu jabiyay weerarkaasi, iyada oo looga dilay xubno badan oo kadib maydadkooda la geeyay Baydhaba oo ay isugu soo baxeen boqolaal dadweyne ah.

Israel oo wacad ku martay in ay ka aargudan doonto Iran kadib weerarkii Tel Aviv

Tehran (Caasimada Online) – Wasiirka Difaaca Iran, Aziz Nasirzadeh, ayaa Axaddii sheegay in Tehran ay si adag uga aargoosan doonto haddii Mareykanka ama Israa’iil ay weerar ku qaadaan.

Hadalka Nasirzadeh ayaa yimid kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, uu ku hanjabay in dalkiisu uu ka aargudan doono Iran, kadib markii kooxda Xuutiyiinta — oo ay taageerto Tehran — ay gantaal ku dhufatay garoonka diyaaradaha ugu weyn Israa’iil.

“Haddii dagaalka ay bilaabaan Mareykanka ama nidaamka Sahayuuniyadda (Isra’iil), Iran waxay beegsan doontaa danahooda, saldhigyadooda, iyo ciidamadooda — meel kasta oo ay joogaan iyo wakhti kasta oo ay u aragto inay ku habboon tahay,” ayuu Nasirzadeh ka yiri teleefishinka qaranka Iran.

Kooxda Xuutiyiinta ee ay garab taagan tahay Iran ayaa Axaddii gantaal ku ridday agagaarka garoonka Ben Gurion, taasoo noqotay weerarkii ugu dambeeyay ee taxane ahaa. Xuutiyiintu waxay sheegeen in ay tallaabadaas u qaadeen si ay u muujiyaan midnimo ay la garab taagan yihiin shacabka Falastiin ee Gaza.

“Xuutiyiintu waxay weeraradooda ka wadaan Iran. Israa’iil waxay ka jawaabi doontaa weerarka lagu bartilmaameedsaday garoonkeena ugu weyn — iyo sidoo kale, wakhti iyo goob aanu dooranno — kuwa Iran u ah abaabulayaasha argagixisada,” ayuu Netanyahu ku qoray barta X (hore Twitter).

Nasirzadeh, oo raacaya mowqifka rasmiga ah ee Tehran, ayaa sheegay in Xuutiyiintu ay si madax-bannaan u fuliyaan weerarada, islamarkaana aysan amarrada si toos ah uga helin Iran.

Kooxda Xuutiyiinta ee ay taageerto Iran ayaa gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weeraraysay Israa’iil, iyagoo taageero u muujinaya dagaalyahannada Xamaas. Dowladda Mareykanka ayaa tan iyo 15-kii Maarso duqeymo ku beegsanaysay saldhigyada Xuutiyiinta ee Yemen, iyadoo Madaxweyne Donald Trump uu ballan qaaday in Iran lala xisaabtami doono haddii kooxdan ay fuliso weerarro.

Nasirzadeh wuxuu sidoo kale sheegay in Iran aysan “wax nacayb ah u qabin dalalka dariska la ah,” balse haddii la weeraro, saldhigyada Mareykanka ee gobolka ku yaal ay noqon doonaan bartilmaameedyo ay Iran toos u beegsan doonto.

Hadalka wasiirka ayaa yimid iyadoo Iran Axaddii soo bandhigtay gantaal cusub oo lagu magacaabo “Qassem Bassir,” kaasoo leh awood gaaritaan oo dhan 1,200 km (750 mayl), sida ay shaaciyeen warbaahinta dowladda Iran.

PUNTALND oo dad usoo qabatay dilalkii Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Puntland, gaar ahaa qaybtooda gobolka Nugaal oo xalay howlgal culus ka sameeyay gudaha magaalada Garoowe ayaa gacanta kusoo dhigay rag ku eedeysan dilal shalay ka dhacay gudaha magaaladaasi.

Dilka oo loo gaystay laba nin oo uu mid kamid ah ahaa waardiye ayaa si gaar ah uga dhacay bannaanka hore Hoteel ku yaalla Garooowe, iyada oo dilka ay gaysteen dabley hubeysan oo kadib ka baxsaday goobta.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Booliska Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in falkaasi loo soo xiray laba qof, kuwaas oo loo gudbiyay xarunta C.I.D, waxaana ku socda baaritaanno dheeraad ah

“Ciidanka Booliska oo kaashanaya Laanta Dambi-baarista (CID) ee Gobolka Nugaal ayaa isla markiiba bilaabay howlgallo baaris iyo raadraac ah. Natiijada baaritaankaasi ayaa keentay in la qabto labo ruux oo hadda loo haysto falkaasi, kuwaas oo ku jira gacanta CID-da, iyadoo baaritaanka rasmiga ah uu ku socdo.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Booliska Puntland.

Waxaa kale oo lagu yiri warsaxaafadeedka ” Warbixin dhameystiran oo ku saabsan natiijada baaritaanka ayaa laga soo saari doonaa marka la dhammeeyo hawlaha baarista”.

Sidoo kale taliska Booliska ayaa farriin u dira shacabka Garoowe, wuxuuna ugu baaqay inay kala shaqeeyaan nabad-gelyada, si looga hortego wax kasta oo halis ku ah.

“Ciidanka Booliska Puntland wuxuu shacabka ugu baaqayaa in ay si buuxda ula shaqeeyaan laamaha amniga, gaar ahaan marka ay jiraan dhacdooyin culus oo sidaan oo kale ah, si loo sugo amniga iyo xasiloonida guud ee dalka” ayaa lasii raaciyay.

Falalka dilka ah ayaa cabsi iyo walaac ku abuuray bulshada ku dhaqan magaalada Garoowe, kuwaas oo marar badan soo wajahday dhacdooyin la xiriira amni-darro.

Si kastaba, Puntland ayaa haatan qaaday tallaabo deg-deg ah, si wax looga qabto dhacdooyinka dilalka ah ee soo kordhay ee ka dhacaya magaalooyinka maamulkaasi.

Somalia finds major offshore oil reserves in Turkish survey

MOGADISHU, Somalia — Somalia is approaching the final stages of its first-ever offshore oil exploration, conducted in partnership with Turkey, with early results pointing to potentially significant oil discoveries.

Two of the three wells drilled in Somali waters have been completed, and initial results, according to sources familiar with the exploration, indicate the presence of commercially viable oil. A third well remains under assessment, and the entire exploration phase is expected to wrap up by August 2025.

Preliminary estimates suggest that the two completed wells could contain up to 10 billion barrels of extractable oil. Laboratory analysis in Turkey will confirm the volume and quality of the reserves.

Turkey-Somalia energy pact

The exploration stems from a landmark energy cooperation agreement signed on March 7, 2024, in Istanbul by Somalia’s then-Petroleum Minister Abdirizak Omar Mohamed and Turkish Energy Minister Alparslan Bayraktar.

The deal grants the Turkish Petroleum Corporation (TPAO) rights to explore and develop hydrocarbon resources off Somalia’s coast.

Under the agreement, Turkey enjoys preferential terms. According to official documents, Ankara can claim up to 90% of the extracted petroleum as “cost recovery,” enabling it to recoup expenses before profit-sharing begins.

Turkey is also exempt from standard payments such as signature bonuses and administrative fees, and it retains exclusive rights to export its share of production at global market rates.

President Hassan Sheikh Mohamud has hailed the deal as a milestone in Somalia’s development.

“This marks the first time in our history that Somalia is officially exploring its oil and gas potential,” he said. “With Turkey’s support, Somalia is on course to transform its economy and global standing.”

Officials in Mogadishu view the energy sector as a crucial pillar for economic growth, employment, and infrastructure development. However, analysts and civil society groups have voiced concerns over the agreement’s generous terms for Turkey and Somalia’s limited immediate financial return.

Ali Omar, Somalia’s Minister of State for Foreign Affairs, described the deal as a gateway to broader economic opportunities. He noted that the current exploration covers only three of the 216 offshore blocks believed to contain hydrocarbons, leaving room for future expansion.

Turkey Expands Influence in the HoA

Turkey’s deepening involvement in Somalia goes beyond energy. The two nations have forged close ties over the past decade through development, education, and defense partnerships.

Turkey operates its most extensive overseas military base in Mogadishu, opened in 2017, and has invested in hospitals, roads, and schools nationwide.

The growing partnership positions Turkey as a key player in the Horn of Africa, a region of strategic importance due to its location along critical maritime trade routes.

Analysts say Ankara’s influence could shape regional dynamics, especially amid Somalia’s tense relations with neighboring Ethiopia over the breakaway region of Somaliland.

Once exploration activities conclude and lab results confirm the reserves, Somalia plans to enter the production phase by late 2025. The government aims to leverage energy revenues to rebuild the war-torn nation’s economy while ensuring transparency and equitable benefit-sharing.

If successful, the project could mark a turning point for Somalia, positioning it as a new entrant in the East African energy landscape — and a test case for how fragile states manage newfound natural wealth.

Daawo: Xildhibaan Dhabancad oo ku taliyey in lala heshiiyo Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad oo ka tirsan golaha shacabka ayaa ku taliyey in wadahadal lala furo kooxda Al-Shabaab, isagoo sheegay in dagaalka Al-Shabaab uu ka soo gaaray dhaawac uu weli ka soo kabsa la’yahay, balse nimanku ay yihiin wiilal Soomaaliyeed.

Xildhibaan Dhabancad ayaa ku dhaawacmay deegaanka Laasgacamey oo u dhow magaalada Bacaadweyne ee gobolka Mudug, halkaas oo qarax lagu weeraray isaga, Qoor Qoor iyo Cabdi Qeybdiid, waxaana ayaga dhan ka soo gaaray dhaawacyo fudud.

“Dad badan ayaa yiraahda Al-Shabaab waxaa hoggaamiya xubno ajanebi ah, meelo badana ajanebiga waa lagu arkay, laakiin waxaan qabaa hadii kuwa talinaya ay Soomaali yihiin in loo yeero oo wadahadal lala furo, kuwa ajanebiga ah waa in la dilo, laakiin kuwa Soomaalida ah waxaan jeclaan lahaa in Ilaahey soo hanuuniyo oo la wadahadlo,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad.

Xildhibaanka oo wareysigaan siiyey TV-ga Shabelle ayaa la weydiiyey sida uu u arko fashilka dowladda ka heysta dagaalka Al-Shabaab iyo deegaanada muhiimka ah ee dib ay u qabsadeen.

“Waxaan maqlayaa in dadka qaar ay deegaanadoodii uga soo carareen cadowga, kuwa Kalena weli waa hortaagan yihiin oo waa la dagaalamayaan, laakiin waxaan qabaa in siyaasad ay soo dhexgashay dagaalka,” ayuu yiri.

Sidoo kale, Xildhibaan Dhabancad ayaa sheegay inuu maqlay in dadka qaar ay diidan yihiin dowladda, isla markaana ay door bideen inay Shabaab-ka wax la farsameystaan oo la noolaadaan, sida uu hadalkiis u dhigay.

Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa wareysigaan uga hadlay dhul boobkii ay maalmo ka kor ku eedeeyeen dowladda federaalka iyo shaqada baarlamaanka oo kulamadii ugu dambeeyey uu buuq hareeyey.

Hoos ka daawo

Daawo: Ciid oo sheegay in laga ganacsado dagaalka, laguna fiirsaday reer Hiiraan

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirisaaq Cabdullaahi Ciid oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa madaxda dowladda federaalka ku eedeeyey in dagaalka Al-Shabaab laga ganacsado, taasina ay cadowga u fududeysay inay dib u qabsadaan dhul muhiim ah.

Xildhibaanka ayaa wax aad loola yaabo ku tilmaamay sababta ganacsatada qaadka ay u joogaan furimaha dagaalka iyo sababta saraakiisha aan loogu xisaabin jabka ciidamada.

“Dagaalka waxaa cuuryaaminaya siyaasadda, maxaa nin qaadka ka ganacsada dhex geeyey ciidanka iyo furimaha dagaalka, muxuu ku soo kordhinayaa?” ayuu yiri.

Xildhibaan Ciid ayaa sheegay in Shabaab aysan wax tiro ah ku soo kordhin, balse ay ka faa’iideysteen dayaca iyo maamul xumada dowladda, isagoo tusaale u soo qaatay weerarkii ay kula wareegeen Aadan-yabaal.

“Wiilal baahan oo kaba la’aan socda ayaa ciidankeenii u jebinaya si aysan u qalmin, tusaale Aadan-yabaal iyagoo inta gees ah ka soo degay ayaa loo gurma waayey ciidankii joogay, awood yari kama ahan dowladda ee waa dayac jira,” ayuu yiri.

Xildhibaanka ayaa sheegay in goobihii lagu jebiyey ciidamada qaranka ay maanta difaac uga jiraan Ciidamada Macawiisleyda gobolka Hiiraan, oo maalin ka hor halkaas ku laayey Khawaarijtii soo weerartay.

“Anigu waxaan qabaa jabka ciidamadeena soo gaaray laga soo bilaabo Cawsweyne, in dad loo dilo, dad loo xiro, dad shaqada looga eryo, dadna loo maxkamadeeyo, madax, saraakiil ama wasiir waa in la helaa qof qaata masuuliyadda jabka dhacaya,” ayuu yiri Xildhibaan Ciid.

Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa beeniyey in dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay si gaar ah u taageerto macawiisleyda reer Hiiraan.

“Dadka reer Hiiraan waa lagu hagraday dagaalka, xitaa Madaxweynuhu wuxuu naga diiday in ciidanka macawiisleyda ah uu noo qarameeyo, wax kale oo la siiyo ma jiraan, ilaa hadda dadka Kalena ee Shabaab hortaagan waa ayaga,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xildhibaan Cabdirisaaq Ciid.

Hoos ka daawo wareysiga oo dheer

Farriimo xasaasi ah: Maamulka Xamarweyne oo ka cabanaya takoor, boob iyo eex

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Xamarweyne ee Maamulka Gobalka Banaadir Cisman Muriidi Cali ayaa madaxda gobalka ku eedeyay takoor, faquuqid iyo cadaalad darro ay kula kaceen degmada Xamarweyne.

Mashruuc uu bixiyey Bangiga Adduunka oo dhismaha waddooyinka degmada Xamarweyne ahaa ayaa loo leexiyay degmada Dayniile, halkaas oo maanta laga dhagax dhigay laami cusub.

Caasimada Online, waxay heshay farriimo cabasho ah oo Guddoomiyaha degmada Xamarweyne uu ku qoray Group WhatsApp ay ku wadajiraan masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Xamarweyne ayaa arrintaas toos ugu eedeeyey waaxda howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir, balse waxaa u jawaabay guddoomiye ku xigeenka waaxdaas oo u sheegay in amarka lagu leexiyey mashruucaas uu iyaga ka sareeyo.

Isla qoraalkaas Guddoomiye Howlaha Guud ee Gobalka Banaadir wuxuu Guddoomiyaha degmada Xamarweyne ku amray in uu raali gelin bixiyo, isagoo sheegay in mashruucaas ay Dayniile u leexiyeen madax ka sarreysa iyaga.

Eedeynta waaxda howlaha guud ayaa toos ugu socota  Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Maxamed Axmed Amiir oo bulshada reer Xamarweyne dhaafiyey mashruucii ay ka heleen dhismaha laamiyada Muqdisho.

Mashruuca uu duqa Muqdisho ka dhax dhigay Dayniile waxaa soo diyaariyay Guddoomiye Madaale, waxaana loo diyaariyay degmada Xamarweyne, wuxuu qorshuhu ahaa in lagu dhiso ilaa 4 waddo, balse waxaa loo weeciyay Dayniile.

Maamul xumada ka jirta Gobalka Banaadir ayaa gaartay ilaa heer ay masuuliyiinta gobolka isugu jawaabaan Group-yada shaqada iyo in loo hanjabo Guddoomiyaha degmada Xamarweyne oo raali gelin lagu qasbayo, iyadoo mashruuc muhiim u ahaa degmadiisa laga dhacay.

Guddoomiyaha degmada Xamarweyne ayaa qoraalkiisa cabashada ah ku sheegay inuu u dacwoonayo madaxda sare ee dalka, isla markaana uusan aqbali doonin waxa dhacay, sidoo kale wuxuu qoraalkiisa ku sharaxay muhiimada ay degmadiisa wadadaasi u laheyd.

Hoos ka eeg farriimaha la isku dhaafsaday Group-yada maamulka gobolka Banaadir

Guddoomiyihii u hanjabay mucaaradka oo mar kale soo hadlay + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka degmada Kaaran, Faarax Cadaani oo galabta shir jaraa’id ku qatay xafiiskiisa ayaa mar kale ka hadlay khudbad carro xooggan dhaliyay oo uu maanta jeediyay, isaga oo bixiyay raallgelin buuxda.

Guddoomiye Cadaani ayaa goor sii horreysay si toos ah weerar ugu qaaday xubnaha mucaaradka, isaga oo amar ku bixiyay in lagu weeraryo guryahooda, taas oo abuurtay xasaasiyad wayn.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay u adeegaan argagixisada, ayna kasoo horjeedaan horumarka iyo dowladnimada dalka, sida uu hadalka u dhigay.

“Qofka mucaarad ku ah Dowladda Gurigiisa ku weerara, Dila maqaro u qaata waad u fasaxan tihiin, argagexiso ayaa soo dirtay, lafaha ka tuma, Degmada Karaan ma degna ruux sidaas oo kale ah hadii ay dhacdadana waa inaad soo xirtaan oo saldhiga keentaan aadna garaacdaan” ayuu goor sii horeysay yiri Guddoomiyaha Degmada Kaaraan.

Intaas kadib guddoomiyaha oo mar kale soo hadlay ayaa raalligelin rasmi ah ka bixiyay hadalkiisa, wuxuuna ka cudur daartay khaladka maanta ka dhacay.

“Waxaan rabaa inaan ka hadlo oo maanta waddo xarig jar ah oo khudbad aan ka jeediyay oo si kale loo dhigay waxaan caddeynaa haddii ay khaladaad ahayd inaan raalligelin ka bixiyo dhammaan wax allaale iyo wixii dhib loo arkay” ayuu yiri Cadaani.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Cid aan ula jeeday ma jirto cid gooni aan u dulminaayana ma jirto waxaan mar labaad iyo mar saddexaad leeyahay in hadalkaas oo dhibka loo arkay inaan raalligeli ka bixshay”.

Cadaani ayaa horay qayb uga ahaa doorashadii hoore ee May, 2022-kii, waxaana lagu xasuustaa in isaga oo ahaa taliyaha saldhigga Booliska degmada Yaaqshiid inuu ku biiray ciidankii Badbaado Qaran, kadibna uu kasoo jeestay aagga Miranaayo halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo badan oo xilligaas kasoo horjeestay madaxweynihii hore Farmaajo.

Hadalka kasoo yeeray guddoomiyaha degmada Kaaraan ayaa dhaliyay hadal-heyn iyo carro xooggan, maadaama uu ku baaqay in la weeraro xubnaha mucaaradka ee haatan dhaq-dhaqaaqa ka wada Muqdisho, kana soo horjeedo hannaanka loo wado doorashada.

Xog: Beesha Caalamka oo maamullada qaar ku cadaadineyso imaanshaha shirka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)  – Wakiilada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa haatan wada dadaallo dheeraad ah oo ku aadan xal u helidda muranka siyaasadeed ee ka taagan dalka, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka.

Beesha Caalamka ayaa si gaar ah cadaadis ugu haysa qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada, si ay u yimaadaan magaalada Muqdisho, uguna qayb-galaan shirka uu ku baaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee looga hadlayo xaaladda dalka.

Dadaallada socda ayaa waxaa hoggaaminayo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo maalmihii u dambeeyay booqashooyin ku tegay magaalooyinka Dhuusamareeb, Baydhabo iyo Boosaaso, halkaas oo uu kula soo kulmay madaxda maamulada, si uu uga dhageysto aragtiyadooda ku aaddan amniga iyo doorashooyinka.

Maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaa hadda maqan, kuwaas oo uu khilaaf xooggan kala dhexeeyo Villa Soomaaliya, iyada oo meeshii uu ka baxay xiriirkii kala dhexeeyay Dowadda federaalka.

Sidoo kale dadaallada Beesha Caalamka ayaa waxaa qayb ka ah xal u helidda xiisadda taagan, si looga gudbo khilaafaadka hareeyay doorashooyinka dalka ee 2026.

Dhankooda siyaasiyiinta mucaaradka ayaa iyaguna si weyn u diiday qorshaha madaxda dowladda ee ku aadan doorashooyinka qof iyo codka ah oo haatan diiwaanlgelintooda ay ka socoto magaalada Muqdisho, taas oo lasoo gabagabeynayo dhammaadka Juun, 2025.

Si kastaba ha’ahaatee berri oo ay ku beegan tahay 5-ta May ayaa qorshuhuu yahay inuu Muqdisho ka furmo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, waxaana markii ugu horreysay ka qayb-galay hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo oo shalay soo gaaray caasimada.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad siyaasadeed oo cakiran, waxaana usii dheer halista Al-Shabaab oo haatan culeys soo saartay gobollada Shabeellooyinka oo daris la ah magaalada Muqdisho.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga war sugayaa natiijada kasoo baxda shirka haatan loo ballansan yahay oo ku soo aaday, xilli xasaasi ah oo loo baahnaa.

DF iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay Puntland + Khasaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in duqeyn ay iska kaashadeen iyada iyo Mareykanka ay ka dhacday aagga buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo culus ka dhan ah kooxda Daacish.

Wasaaradda Gaashaandhigga dalka ayaa shaaca ka qaaday in duqeynta lala beegsaday bartilmaameedyo ay ku sugnaayeen maleesshiyaadka Daacish,iyada oo sheegtay in la gaarsiiyay jab culus.

Sidoo kale waxa ay Wasaaraddu intaasi ku dartay in xubno badan lagu laayay, laguna dhaawacay weerarka cirka ah ee ka dhacay buuraha gobolka Bari ee Puntland.

“Subixii hore annaga oo kaashaneyno taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, waxaan duqeymo ka fulinay Puntland, goob ay ku sugnaayeen Daacish, khasaare ayaa ka dhashay weerarka” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga.

Waxaa kale oo ay Dowladda Federaalka boggaadiyay iskaashiga milatari ee haatan kala dhexeeya Mareykanka, iyada oo ballan qaaday inay sii ballaarin doonto, si ay usii socdaan howlgallada wadajirka ah ee ay ugu qaadaan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

“Wasaaradda Gaashaandhigga waxay bogaadinaysaa iskaashigan, waxayna xaqiijinaysaa sida ay nooga go’an tahay in aan ka adkaano argagixisada” ayaa mar kale lagu yiri.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, saacado uun, kadib markii shalay ciidamada Puntland ay ka hortageen weerar ismiidaamin ah oo ay kooxda Daacish ku qaaday fariisimo ay ku leeyihiin aagga aagga Ceelka GuryoSamo oo aad ugu dhow deegaanka Dhasaan, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Xubnaha weerarka soo qaaday ayaa qaarkood waxa ay isku qarxiyeen bannaanka xerada, halka kuwii kale ay toogteen ciidamada, sida uu sheegay sarkaal sare oo u hadlay Daraawiishta Puntland.

“Tiro kamid ah argagixisada ayaa is qarxiyay ka hor inta aysan soo gaarin difaacyadii hore ee ciidamada, waxaana ciidamadu toogasho ku dileen dhammaan intii soo hartay oo isku dayay in ay weerar toosa fuliyaan, kuwaasi oo meydadkooda la soo bandhigay markii waagu baryo” ayuu yiri sarkaal ka tirsan guutada labaad ee ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan Dhasaan.

Horay sidaan oo kale Puntland ayaa uga hortegtay weerar is-miidaamin ah oo ay soo abaabushay kooxda Daacish, kaas oo ay la damacsaneyd ciidamadii la wareegay  Togga Miraale, waxaana la fashiliyay weerarkaas,, iyada oo la laayay xubnihii abaabulayay/

Daawo: Guddoomiye degmo oo amar ku bixiyey in la weeraro mucaaradka DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir oo maanta hadal kulul jeediyay ayaa soo saaray amar culus oo ka dhan ah siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Faarax Cadaani ayaa shacabka degmada Kaaraan faray inay beegsadaan dadka mucaaradka ah ee degmadaas ku sugan, isaga oo kula taliyay inay tallaabo ka qaadaan.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in dadkaasi ay u adeegaan argagixisada, ayna kasoo horjeedaan horumarka iyo dowladnimada dalka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in shacabka ay u fasaxan yihiin inay weeraraan oo ay guryaha ugu daataan, ama ay kusoo xiraan saldhigga degmada.

“Qofka mucaarad ku ah Dowladda Gurigiisa ku weerara, Dila maqaro u qaata waad u fasaxan tihiin, argagexiso ayaa soo dirtay, lafaha ka tuma, Degmada Karaan ma degna ruux sidaas oo kale ah hadii ay dhacdadana waa inaad soo xirtaan oo saldhiga keentaan aadna garaacdaan” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Kaaraan Faarax Caddaani.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Degmada Kaaraan nin dowladda mucaaradaayo oo been sheegaayo haddii uu deganaado mas’uuliyadda idinka ayaa qaadaayo shacabka,”.

Dhinaca kale, wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in la diido diiwaan-gelinta ka socda degmooyinka gobolka oo uu xusay inay tahay fursad muhiim ah oo awoodda loogu soo celinayo shacabka Soomaaliyeed, si ay usoo doortaan dadka berri hoggaaminaya.

Cadaani ayaa horay qayb uga ahaa doorashadii hoore ee May, 2022-kii, waxaana lagu xasuustaa in isaga oo ahaa taliyaha saldhigga Booliska degmada Yaaqshiid inuu ku biiray ciidankii Badbaado Qaran, kadibna uu kasoo jeestay aagga Miranaayo halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo badan oo xilligaas kasoo horjeestay madaxweynihii hore Farmaajo.

Hadalka kasoo yeeray guddoomiyaha degmada Kaaraan ayaa dhaliyay hadal-heyn iyo carro xooggan, maadaama uu ku baaqay in la weeraro xubnaha mucaaradka ee haatan dhaq-dhaqaaqa ka wada Muqdisho, kana soo horjeedo hannaanka loo wado doorashada.