27 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Duqeyn culus oo maanta ka dhacday Shabeellaha Dhexe

Jowhar (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeyn diyaaradeed oo maanta dhacday deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Duqeynta ayaa si gaar ah uga dhacday deegaannada Labagaras iyo Sumadaale ee bariga gobolkaasi, waxaana lala eegtay bartilmaameedyo muhiim ah.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaaraduhu duqeeyeen saldhigyo ay ku sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab iyo goobo ay u yaalleen gaadiidka, waxaana ka dhashay khasaar culus.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ay maqlayeen jugta gantaallada lagu garaacay deegaannadaas, oo kamid ah meelaha ay soo galeen Al-Shabaab, balse waxa ay tilmaameen in aysan caddeyn karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Xaaladda cakiran, waxaana adag in macluumaad dhammeystiran laga helo goobaha la duqeeyay oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Dowladda Soomaaliya oo ku aadan weerarka dhanka cirka ah ee saaka ka dhacay bariga gobolka Shabeellaha Dhexe.

Duqeyntan ayaa qayb ka noqoneyso howlgallo ka socday gobolkan oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa xaq-u-dirirka deegaanka.

Al-Shabaab ayaa culeys soo saartay Shabeellaha Dhexe, iyada oo la wareegtay inta badan deegaannadii horay looga saaray ee gobolkaasi, taas oo keentay in xaaladda ay kasii darto.

Si kastaba ahaatee, dowladda federaalka ayaa haatan wadda qorsheyaal ballaaran oo ku aadan sidii ay dib ugu qaadi lahay guluf Shabaab ooga saari lahaa Shabeellaha Dhexe.

Guddiga doorashooyinka oo qaaday tallaabo kale oo culus – Maxaa soo kordhay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa Bananaan Ee Doorashooyinka Qaranka ayaa mar kale qaaday tallaabo culus oo la xiriirta doorashada, wuxuuna maanta diiwaangeliyay illaa afar urur siyaasadeed oo qaatay shahaadada uu bixiyo guddiga.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada, Cabdikariin Axmed Xasan oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa soo bandhigay ururada si diiwaangeliyay ee lixda ah, wuxuuna tilmaamay inay ku biirayaan 17 kale oo horay iskuugu diiwaangeliyay tartanka.

“Lixdaan urur ee sharafta leh ee maanta i hortaagan waxaad ku biiri doontaan 17 urur oo horay saan oo kale u siinay shahaadada is diiwaangelinta, marka waan ku faraxsanahay inaa noqotaan 23 urur oo soo buuxiyay shuruudihii laga rabay” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wadarta guud xisbiyada is diiwaangeliyay ay yihiin 23 urur, isla markaanada ay noqonayaan ururada rasmiga ah ee hadda ka jira dalka.

“Waxaan idin leeyahay kusoo dhowaada saaxada siyaasadda, maanta wixii ka dambeeya waxaa idinka rabnaa inaad diiwaangelinta dadweynaha usoo dirsataan ergadii goobaha diiwangelinta, insha allah” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha guddiga doorashooyinka.

Cabdikariin ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in 15-ka bishaan lasoo gabagabeyn doono diiwaangelinta ururada siyaasadda, kadibna la guda geli doono howlaha kale ee u yaal.

“Bishaan May 15-keeda waxaa xirmi doonto diiwaangelinta ururada siyaasadda, inta hadda qaadatay shahaadada ayaana noqon doonto ururada rasmiga ah ee dalka u diiwaangashay, xaqana u leh inay tartamaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhinca kale wuxuu soo hadal qaaday ololaha diiwaangelinta dadweynaha ee haatan ka socda Mudqdisho, wuxuuna sheegay in la gaarsiin doono gobollada kale ee dalka.

Guddoomiyaha ayaa xusay in dhowaan ay diiwaangelinta ka bilaabi doonaan xarumaha Maamul Goboleedyada, sida Jowhar, Dhuusamareeb, Baydhaba iyo Laascaanood.

Tallaabooyinkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli xaaladda siyaasadeed ee dalka ay cakirsan tahay, taas oo ka dhalatay muranka doorashooyinka oo ay isku hayaan Dowladda Federaalka iyo dhinaca kale Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Maamulka Gobolka Banaadir oo la wareegay guri laga soo abaabulay fal halis ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir oo maanta qaaday tallaabo culus ayaa la wareegay dhismaha guri ku yaalla degmada Xamarjajab, kaas oo loo isticmaalay fal halis oo liddi ku ah amniga, kadib markii uu ka dhacay qarax culus.

Xeer uu soo saaray duqa magaalada Muqdisho ayaa waxaa warbaahinta la wadaagay afhayeenka gobolka, Saalax Carab, kaas oo sheegay in maamulka gobolka uu la wareegay gurigaas oo ku yaalla degmada Xamarjajab, gaar ahaan waaxda Gaheyr, waxaana lahayd haweeney lagu magacaabo Fahmo Warsame Kabayre.

Afhayeenka Gobolka ayaa shaaca ka qaaday in si dan-guud ahaan loola wareegay gurigan, kadib markii ay si wadajir ah usoo gudbiyeen halista gurigaas Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Taliska Qaybta Quud Ee Booliska Gobolka Banaadir.

“Wuxuu duqa Muqdisho soo saaray xeerkan; Laga bilaabo maalinta xeerkan la saxiixo dowladda hoose ee Muqdisho waxaa dan guud ula wareegtay dhul ay leedahay muwaadin lagu magacaabo Fahmo Warsame Kabayr, kuna yaalla degmada Xamarjajab, waaxda Gaheyr, cabirkiisuna yahay 20 lagu dhuftay 15,” ayaa lagu yiri afhayeenku.

Sababta waxa uu ku sheegay in gurigan loo isticmaalay fal halis ah oo liddi ku ah amniga qaranka, ayna ka dambeysay haweeneyda guriga lahayd.

“Waxay guriga u isticmaashay ujeedo halis ah oo liddi ku ah amniga qaranka, welina ay taagan tahay khatarta gurigaas” ayuu mar kale yiri Saalax Carab.

Sidoo kale wuxuu intaaasi kusii daray “La wareegidda gurigaas ayaa loo cuksaday sharciyada iyo xeerarka sare ku xusan iyo warqadaha ay soo gudbiyeen Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Taliska Qaybta Quud Ee Booliska Gobolka Banaadir”.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo horay Dowladda Soomaaliya u sheegtay inay wareegi doonto guri kasta oo laga soo abaabulo fal lidddi ku aH amniga caasimada, si looga hortago weerarada hoobiyeyaasha iyo qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho.

Indhowaanahan ayaa waxaa caasimada ka dhacayay weeraro u badan hoobiyeyaal, kuwaas oo laga soo tuurayay magaalada dhexdeeda, waxayna gaysteen khasaarooyin kala duwan oo isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo sidoo kale burbur hantiyeed oo wayn.

Xog: Saciid Deni oo qabanaya shirweyne xasaasi ah, xilli uu diiday kii Villada

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka baaqday shir uu iclaamiyay Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo la filayo inuu ka furmo magaalada Muqdisho, ayaa qorsheynaya qaban-qaabada shirweyne kale.

Shirka Golaha Wadatashiga oo muhiim u ahaa wadatashiga siyaasadeed ee dalka, ayaa lagu waday in ay ka soo qeyb-galaan madaxda dowlad-goboleedyada, balse Madaxweyne Deni ayaa si cad u diiday in uu ka qeyb-galo.

Madaxweyne Deni ayaa qaar kamid ah mas’uuliyiinta dowladdiisa u sheegay in uusan Muqdisho u safrayn, isagoo beeniyey wararka sheegaya in cadaadis uga yimid beesha caalamka si uu uga qeyb-galo shirkaasi. Wuxuu tilmaamay in aysan jirin wax qorshe ah oo uu Muqdisho ugu ambabaxayo.

Sida ay sheegayaan illow wareedyo ka agdhaw madaxweynaha, Deni ayaa bedelkii shirka Muqdisho bilaabay qaban-qaabada shir kale oo uu isagu wado, kaasoo ku saabsan badbaadinta Soomaaliya.

Shirkaas ayaa la filayaa inuu ka dhaco magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, waxaana uu noqonayaa mid la doonayo in lagu dhiso isbahaysi siyaasadeed oo cusub.

Shirka uu wado Madaxweyne Deni ayaa loogu yeerayaa dhammaan siyaasiyiinta mucaaradsan Villa Somalia, xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah, iyo sidoo kale madaxda dowlad-goboleedka Jubaland. Tani waxay muujinaysaa inuu Madaxweyne Deni doonayo inuu horkaco hannaan kale oo siyaasadeed oo lid ku ah dowladda dhexe.

Arrintan ayaa si weyn u muujinaysa kala aragti duwanaanta u dhaxaysa Villa Somalia iyo Puntland, iyadoo sidoo kale tilmaamaysa xiisadda sii kordheysa ee u dhaxeysa dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada. Waxaa la saadaalinayaa in shirka Garoowe uu noqon karo mid saamayn ku yeesha jihada siyaasadeed ee Soomaaliya.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo kulamo ka wada Muqdisho + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ayaa kulamo ka wada magaalada Muqdisho, isagoo saaka booqasho ugu tagay Madaxweynaha maamulka Galmudug Md. Axmed Qoor-Qoor.

Booqashada oo ahayd Salaan iyo isxogwaraysi ayuu Hoggaamiyuhu ugu yimi Madaxweynaha. Hoggaamiyaha ayaa si weyn ugu mahadceliyay Madaxweynaha, isagoo sidoo kalana ku ammaanay doorka shariifka ah ee ku qaadanayo dadaalada dib-udhiska Dawladnimada Soomaaliya.

Sidoo kale, Cabdulqaadir Firdhiye ayaa hoyga uu ka deggan yahay caasimadda ku qaabilay wasiirkii hore wasaaradda Maaliyadda DPL Md. Siyaasi Xasan Shire Abgaal.

Kulankan ayaa u jeedkiisu ahaa salaan sharaf iyo iska xog-waraysi xaaladaha guud ee dalka.

Kulankan ayaa sidoo kale waxaa kasii horeeyay kulan muhiin ah oo hoggaamiyaha la qaatay Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha shacabka Mud. Xildh. Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Kulanka waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Guddoomiye Ku xigeenka 2-aad ee Aqalka Sare Senator Cabdullahi Cali Xirsi ‘Timacadde’ iyo xildhibaano labada gole ee Dawladda ka tirsan.

Kulanka ayaa diirrada lagu saaray xidhiidhka Golaha shacaka iyo Dawladda Ssc-khaatumo iyo muhiimadda qaran ee iskaashiga Golayaasha sharci-dejinta ee labada heer.

Hoggaamiyaha ayaa si weyn uga mahadceliyay booqashada Guddoomiyaha, isagoo sidoo kalana ku ammaanay doorka shariifka ah ee ku qaatay horumarinta shuruucda iyo hannaanka sharci dejinta dalka.

Ciidamo Puntland ka tirsan oo faarujiyay furimaha Calmadow + Sababta

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan Puntland oo asal ahaan ka soo jeeda gobolka Sanaag ayaa si lama filaan ah uga baxay furimihii dagaalka ee Galgala, Afurur iyo Bali-Khadar.

Goobahan ayaa ah kuwo muhiim ah oo ku yaalla buuraha Calmadow, halkaas oo muddooyinkii dambe ay ka jireen howlgallo ciidan. Ciidamadan ayaa hadda gaaray deegaanka Cowsane ee isla gobolka Sanaag.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in ciidamadaasi ay sameeyeen gadood, iyagoo sheegay inay tallaabadan u qaadeen si ay uga qeyb qaataan, sida ay hadalka u dhigeen, “xoraynta magaalada Ceerigaabo”.

Waxay sheegeen in magaaladaasi laga barakiciyay dadkii reer Puntland ahaa, taasoo qeyb ka ah sababaha keenay inay ka tagaan furimaha dagaalka ee buuraha.

Mid ka mid ah sababaha keenay gadoodka ciidamada ayaa lagu sheegay hadal dhawaan ka soo yeeray madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni. Hadalkaas ayaa lagu fasiray mid taageero u ah mowqifka Somaliland ee ku aaddan gooni-isu-taagga, iyadoo aan wax tixgelin ah la siinin dadka reer Puntland ee laga barakiciyay Ceerigaabo.

Ciidamadu waxay aaminsan yihiin in Madaxweyne Deni uu doorbidayo in xaaladda Ceerigaabo lagu xalliyo wada xaajood, halkii dagaal lagu wajihi lahaa. Tani waxay muujineysaa khilaaf u dhexeeya hoggaanka sare ee Puntland iyo ciidamadan ka soo jeeda Sanaag oo doonaya in si adag loola tacaalo arrinta Ceerigaabo.

Dhinaca kale, warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada ay sidoo kale cabasho ka muujiyeen mushaar la’aan iyo ballan-qaadyo dhaqaale oo aan la fulin. Xaaladahaasi waxay qayb weyn ka ahaayeen sababaha horseeday in ay isaga tagaan furimaha dagaalka.

Waxaa hadda socda dadaallo ay wadaan saraakiil iyo masuuliyiin Puntland ka tirsan oo ku howlan qancinta ciidamada si ay ugu laabtaan talisyadoodii hore. Inkastoo weli go’aankoodu u muuqdo mid adag, haddana waxaa socda kulamo lagu raadinayo xal waara oo lagu xallin arrintaan.

Faah-faahinta dil argagax leh oo muwaadin Soomaaliyeed loogu geystay dalka…

Juba (Caasimada Online) – Ugu yaraan hal muwaadin Soomaaliyeed ayaa lagu dilay weerar hubeysan oo ka dhacay waddada isku xirta magaalooyinka Juba iyo Terekeka ee dalka Koonfurta Suudaan.

Afhayeenka Ciidanka Difaaca Dadka Koonfurta Suudaan, Jeneraal Lul Ruai Koang, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in gaariga lagu gubay muwaadinka Soomaaliyeed, halkaasna uu ku naf waayay.

Jeneraal Lul ayaa weerarkan dusha ka saaray dagaalyahanno ka tirsan kooxda SPLA, oo uu hoggaamiyo Dr. Riek Machar. Kooxdan ayaa horey loogu eedeeyay falal amni darro ah iyo weerarro ka dhan ah dadka rayidka ah.

Dhacdadan ayaa imaanaysa xilli maalmihii u dambeeyay ay dhacayeen weerarro xiriir ah oo lagu qaaday gaadiid ay saarnaayeen ganacsato marayay deegaanka Gok-Machar ee degmada Aweil North. Weeraradan ayaa kor u qaaday walaaca ku aaddan xaaladda ammaan ee gobolkaas.

Sida uu sheegay booliiska deegaanka, gaari kale oo siday lix qof ayaa sidoo kale la afduubtay, iyadoo dadkaasi loo kaxeeyay dhanka saldhig ay maamulaan dagaalyahannada weerarka geystay. Lama oga xaaladda rasmiga ah ee dadkaasi hadda.

Booliiska Koonfurta Suudaan weli ma aysan shaacin magaca iyo faahfaahinta muwaadinka Soomaaliyeed ee la dilay. Balse waxay sheegeen in ay wadaan baaritaanno, ayna dib kala soo wadaagi doonaan warbaahinta.

Dilkan iyo weerarada kale ee la midka ah waxay muujinayaan halista ay wajahayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo ajaanibta kale ee ku nool ama maraya waddooyinka dalka Koonfurta Suudaan.

Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax oo geeriyooday iyo madaxda sare oo qoraal soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee, waxaa geeriyooday Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax, taas oo uu ka tacsiyeeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre.

Ugaas Cabdullaahi, oo ka mid ahaa ugaasyada dhaqanka Soomaaliyeed ee kaalinta weyn ka soo qaatay nabadda iyo dowlad-dhiska Soomaaliya, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu sheegay inuu ku suntanaa nabad-jacayl iyo waddaniyad.

“Waxaan qoyska, qaraabada iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed uga tacsiyeeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Ugaas Cabdullaahi, oo intii uu noolaa ku caanbaxay nabad-jacayl iyo dadaal uu ugu jiray sidii ummadda Soomaaliyeed uga soo kaban lahayd burburkii gaaray qaranka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu qoraal uu soo saaray.

Waxa uu intaas ku daray: “Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax waxa uu ahaa shaqsi kaalin weyn ka soo qaatay nabadaynta iyo arrimaha dhaqanka, waxaana lagu xusuusan doonaa dadaalkiisii ku wajahnaa raadinta nabadda iyo xallinta khilaafaadka bulshada.”

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu Alle uga baryey marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdows, ehelkiisa, bulshadii uu ugaaska u ahaa, iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo.

Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa isna ka tacsiyeeyay geerida Ugaaska. “Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa ehelka, qaraabada, iyo bahda dhaqanka Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

“Allaha u naxariisto, Jannooyinkiisana ha ku galladeeyo Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax. Wuxuu ka mid ahaa isimada dhaqanka waaweyn ee Soomaaliyeed, wuxuuna door muhiim ah ka qaatay geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo nabadaynta.”

Ugaas Cabdullaahi ayaa door weyn ka ciyaaray nabadaynta iyo shirarkii dib-u-heshiisiinta ee lagu dhisay dowladihii ku-meel-gaarka ahaa. Waxa uu sidoo kale laf-dhabar u ahaa dhismaha dowlad-goboleedka Galmudug, isagoo mar walba u taagnaa dadaallada nabadeynta iyo midnimada bulshada.

Maxkamadda ICJ oo go’aan ka gaartay kiiskii xasaasiga ee ka dhanka ahaa Imaaraadka

Hague (Caasimada Online) – Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ee Qaramada Midoobay ayaa Isniintii meesha ka saartay dacwad uu Sudan ka gudbiyey Imaaraadka Carabta, taas oo ku saabsanayd eedeymo ah in Imaaraadku gacan ka geystay xasuuq ka socda dalka Sudan.

Dacwadda ay Sudan horgeysay ICJ ayaa ku saleysneyd in Imaaraadka uu taageero siiyo ciidanka sida militariga u tababaran ee RSF, taas oo ay Sudan ku tilmaamtay inay qeyb ka tahay xasuuq – eedeymo ay Imaaraadku si cad u beeniyeen.

Balse ICJ ayaa ku dhawaaqday in ay “si cad u weyday awood sharciyeed” oo ay ku qaaddo dacwadda, islamarkaana ay gebi ahaanba diiday.

Markii Imaaraadka uu saxiixay Heshiiska Ka-hortagga Xasuuqa ee Qaramada Midoobay sanadkii 2005, wuxuu ku daray “xaddidaad” ku saabsan qodob muhiim ah oo oggolaanaya dalalka inay midba midka kale dacwad ku furaan maxkamadda. Xaddidaaddan ayaa micnaheedu ahaa in ICJ aysan awood sharciyeed u lahayn kiiskan.

Mas’uul Imaaraad ah ayaa soo dhoweeyay go’aanka maxkamadda.

“Go’aankan waa caddayn cad oo muujinaysa in dacwaddan ahayd mid gebi ahaanba sal iyo raad toona lahayn,” ayay tiri Reem Ketait, ku-xigeenka wasiiru-dowlaha arrimaha siyaasadda ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka, sida ay u sheegtay AFP.

Ka hor inta aan la gaarin go’aanka, Ketait waxay Sudan ku eedeysay in ay u adeegsatey dacwadda si arxan-darro ah, ujeeddaduna ahayd in laga jeediyo dareenka caalamka dambiyada ay dowladda Sudan u geysaneyso dadkeeda.

Tan iyo bishii April 2023, Sudan waxaa ruxay dagaal xooggan oo u dhexeeya taliyaha ciidamada qalabka sida, Abdel Fattah al-Burhan, iyo hogaamiyaha ciidamada RSF, Maxamed Xamdan Daglo (Hemeti).

Dagaalkaasi wuxuu horseeday xaalad barakac ah oo ay hay’adaha gargaarku ku tilmaameen tan ugu ballaaran caalamka, waxaana sidoo kale sii kordhaya baahida cunnada. Sida lagu sheegay qiimeyn ay taageereyso Qaramada Midoobay, macaluul rasmi ah ayaa ka jirta ugu yaraan shan gobol oo ka tirsan dalka.

Waqooyiga Darfuur ayaa noqday goob dagaal daran, iyadoo ugu yaraan 542 qof lagu dilay saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Maxkamadda ICJ ayaa sheegtay in ay “si weyn uga walaacsan tahay musiibada bani’aadannimo ee ka socota Sudan, taas oo ah asalka dacwaddan.”

“Dagaalka rabshadaha wata wuxuu sababay khasaare naf iyo nafsiyeed aan la qiyaasi karin, gaar ahaan gobolka Galbeedka Darfuur,” ayay ku dartay maxkamaddu.

Maadaama ay maxkamaddu sheegtay in aysan awood u lahayn sii wadista dacwadda Sudan, kama aysan garsoorin wax ku saabsan salka kiiska.

Si kastaba, ICJ waxay xustay in: “Hadday dawladuhu aqbaleen ama aysan aqbalin awoodda maxkamadda, haddana waa in ay u hoggaansamaan waajibaadka saaran ee heshiiska xasuuqa.”

Sidoo kale, dal walba “wuxuu mas’uul ka yahay fal kasta oo ka dhan ah waajibaadka caalamiga ah ee saaran.”

Banaanbax kooban ayaa ka dhacay banaanka xarunta ICJ ee Peace Palace ee magaalada Hague, halkaas oo dad taageersan Sudan ay ku qaylinayeen isla markaana wateen boorar ay ka mid ahayd mid ay ku qornaayeen erayo sida “UAE waxay dishay Sudan”.

“Si buuxda ayaa u niyad-jabnay… Caddaalad kaliya ayaan dalbaneynaa,” ayuu yiri Hisham Fadl Akasha, injineer 57 jir ah oo kamid ahaa dibad-baxayaasha.

Xarunta Xuquuqda Aadanaha ee Raoul Wallenberg, oo fadhigeedu yahay magaalada Montreal, ayaa ku tilmaantay go’aanka maxkamadda “nasiib-darro iyo dhaawac caddaaladeed.”

“Maanta qof walba wuxuu dareemayaa naxdin – haddii uusan dareemin khiyaano – sababtoo ah waxaa socda xasuuq kale oo si aamusnaan ah loo qarinayo loona nadiifinayo,” ayuu yiri Irwin Cotler, aasaasaha xarunta, war-saxaafadeed uu soo saaray.

– Codsi magdhaw –

Intii lagu jiray dhegaysiyada kiiska bishii la soo dhaafay, wasiirka caddaaladda ku-meel-gaarka ah ee Sudan, Muawia Osman, ayaa u sheegay maxkamadda in “xasuuqa socda uusan suurto-gelayn la’aanta Imaaraadka, oo ay ku jirto dirista hubka lagu siiyay RSF.”

“Taageerada tooska ah ee dhanka saadka iyo adeegyada kale ee Imaaraadka uu siiyay, welina sii hayo RSF, waxay ahayd sababta ugu weyn ee horkacaysa xasuuqa hadda socda – oo ay ka mid yihiin dilal, kufsi, barakicin qasbi ah iyo dhac,” ayuu yiri Osman.

Khartuum waxay ICJ ka codsatay in ay amar ku bixiso in Imaaraadku joojiyo taageerada RSF, islamarkaana bixiyo “magdhaw buuxa,” oo ay ku jirto lacago loo qoondeeyo dhibbanayaasha dagaalka.

Inkastoo ICJ ay diidday dacwaddii Sudan, dagaalka hubeysan ee dhiigga badan sababay ee dalkaasi kama muuqato calaamad muujinaysa in uu istaagayo.

Axaddii, RSF ayaa weerar ku qaaday magaalada Port Sudan, sida ay shaaciyeen ciidamada dowladda, taasoo ahayd markii ugu horreysay ee xarunta dowladda la beegsado tan iyo markii uu dagaalku billowday labo sano kahor.

Somaliland: Colaad 10 sano ka badan taagnayd oo heshiis laga gaaray

Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag ayaa si rasmi loogu gaaray heshiis taariikhi ah oo lagu soo afjaray colaad ka taagnayd deegaanka muddo ka badan toban sano.

Colaaddan oo u dhaxaysay laba beelood oo wada dega gobolka ayaa muddo dheer sabab u ahayd khasaare naf iyo maalba leh, iyadoo sidoo kale keentay barakac baahsan iyo xasilooni darro ku habsatay deegaannadaasi.

Shirka nabadda Ceel Afweyn oo muddooyinkii u dambeeyay socday, ayaa lagu dhammeystiray go’aanno muhiim ah oo ay isla oggolaadeen beelaha dirirtu dhex martay. Go’aamadan ayaa diiradda lagu saaray sidii beelahaas loogu soo celin lahaa kalsoonida, loo xoojin lahaa wada-noolaanshaha, isla markaana loo damaanad qaadi lahaa in dagaallo dambe aysan mar kale ka dhicin deegaanka.

Go’aamada lagu gaaray shirka nabadda

Inta lagu guda jiray shirka, waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay dhowr qodob oo sal u ah heshiiska lagu gaadhay. Go’aamadaas waxaa kamid ahaa in dhulka uu iska leeyahay Alle, xukuumadda Somalilandna ay tahay masuulka ugu sarreeya ee ka talisa dhulkaas. Sidoo kale, waxaa lagu heshiiyay in dhammaan dadka deegaanka ay wadaagaan ka faa’iidaysiga dhulka, daaqa, biyaha iyo waddooyinka sidii ay u wada manaafacsanayeen kahor dagaalladii dhacay.

Qodob kale oo muhiim ah ayaa ahaa in dadkii colaadda darteed uga qaxay deegaannadoodii dib loogu celiyo si nabad ah, iyadoo la oggolaaday in qof kastaa gurigiisa ku laabto.

Waxa kale oo lagu heshiiyay in wixii deegaameyn cusub ah lagu saleeyo nidaamka dowliga ah, taasoo micnaheedu yahay in cid aan ahayn xukuumadda aanay sharci u lahayn go’aan ka gaarista deegaamayn cusub.

Hawlaha guddida nabadaynta iyo doorka xukuumadda

Guddoomiyaha guddida nabadaynta Ceel Afweyn, Suldaan Maxamuud Guuleed Mirre, oo hadal ka jeediyay shirka ayaa tilmaamay in sababta ugu weyn ee keentay in nabaddu dib u dhacdo ay ahayd in aysan jirin mag si sax ah laysku siiyay, iyo in aysan jirin gacantii fulin lahayd go’aannada laga gaaro khilaafka.

Suldaanku waxa uu sheegay in labadaas arrimood hadda la helay, isla markaana rajeynayo in nabaddu si buuxda uga hirgasho gobolka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab, ayaa dhankiisa ku dhawaaqay in laga bilaabo waqtigaas ay go’aamada shirka dhaqan gal yihiin. Waxa uu tilmaamay in ciidamada amniga ay haystaan amar cad oo ku saabsan fulinta go’aamadaas, ayna noqon doonaan kuwo aan wax laga beddeli karin.

Wasiirku waxa uu bulshada deegaanka u sheegay in nabadda aysan si fudud ku imaan, balse ay ahayd mid loo huray dadaal badan.

Dardaarannada hoggaanka

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa si rasmi ah u soo afmeeray shirweynaha, isagoo muujiyay in Ceel Afweyn ay u baahan tahay midnimo iyo isku duubni. Wuxuu carabka ku dhuftay in laga waantoobo dagaallada iyo isdilka u dhaxeeya dadka deegaanka, isagoo bulshada ku wargeliyay in aanay dib u dhicin colaaddii soo martay gobolka.

Dardaaran uu jeediyay madaxweyne-ku-xigeenka ayuu ku muujiyay sida ay muhiim u tahay in la ilaaliyo nabadda cusub. Waxa uu ka codsaday dadka deegaanka, gaar ahaan dhalinyarada, in ay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara kacsanaan.

“Reer Ceel Afweyn ha is dilaana, ha isku dan beelaan,” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland. Waxa uu sidoo kale xusay in wixii tabasho ah lagu xallin karo dariiqa garsoorka iyo wada-hadalka.

Taageerada beelaha ee heshiiska la gaaray

Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow), oo ka mid ahaa wakiilada beelaha shirka ka qeybgalay, ayaa sheegay in beesha uu matalo ay aqbashay dhammaan qodobadii shirka ka soo baxay.

Waxa uu sheegay in haddii gar la iskugu yimaado la is aqbalo, waxna la iska dhaafo, waxna la isku kordhiyo. Waxa uu sidoo kale xukuumadda ka codsaday in ay adkayso fulinta go’aamada, si aanay mar kale dib ugu soo laaban colaadaha.

Boqorka ayaa xusay in muhiimaddu aysan ahayn oo kaliya heshiis qoran, balse ay tahay hirgelinta dhabta ah ee qodobada lagu heshiiyay.

Waxa uu ka digay in haddii aan si dhab ah loo dhaqan gelin, colaadda ay mar kale qarxi karto, sida ay horey uga dhacday shirar dhowr ah oo aan la fulin go’aamadoodii.

Rajada cusub ee nabadda Ceel Afweyn

Colaadda Ceel Afweyn ayaa ahayd mid salka ku haysay muran dhuleed iyo ceelal biyo ah, iyadoo sababtay dhimasho iyo dhaawac badan, barakac iyo burbur dhaqaale.

Shirkan ayaa noqday mid lagu rajo weyn yahay in uu si dhab ah u soo afjaro colaadda, isla markaana gogol u furo nabad waarta oo laga hirgeliyo gobolka Sanaag.

Wixii horay u dhici jiray, sida heshiisyo aan la fulin, ayaa keentay niyad jab guud oo ku dhacay bulshada. Balse hadda, iyadoo xukuumadda Somaliland si toos ah uga go’an tahay fulinta go’aamada, beeluhuna ay muujiyeen diyaar garow, waxaa jirta fursad dhab ah oo lagu gaari karo nabad waarta.

Sidoo kale, Shacabka deegaanka Ceel Afweyn ayaa si weyn u soo dhoweeyay go’aamada laga gaaray shirka, iyagoo muujiyay rajo cusub.

Waxgaradka, salaadiinta, iyo culimada ayaa dhankooda ballan-qaaday in ay doorkooda ka qaadan doonaan hirgelinta heshiiska, ayna ka hortagi doonaan cid kasta oo isku dayda in ay burburiso nabadda la gaaray.

Shirkan wuxuu dhigay aas-aas cusub oo lagu dhisayo kalsoonidii luntay. Ceel Afweyn waxa ay u baahan tahay kaalmada dhammaan qaybaha bulshada si nabadda maanta la gaaray ay u noqoto mid lagu suuliyo dhaqankii hore, ka hana qaada deegaannadaasi.

Taiwan oo tallaabooyin culus billowday kadib go’aankii ka soo baxay DF Soomaaliya

Taipei (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Taiwan, Lin Chia-lung, ayaa amar ku bixiyay in la bilaabo mashruuc gaar ah oo lagaga hortagayo waxa uu ku tilmaamay “dagaal sharciyeed” oo Shiinuhu si khaldan u fasirayo Qaraarka Qaramada Midoobay ee lambarkiisu yahay 2758, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda.

Arbacadii, Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya ayaa, sida lagu sheegay warbixintaas, tixraacday Qaraarka 2758 iyo taageerada dowladda Soomaaliya ee mabda’a “Hal Shiinaha” marka ay mamnuucday in dadka wata baasaboorrada ama dokumentiyada safarka ee Taiwan ay galaan ama sii maraan gudaha Soomaaliya.

Warbixin uu soo saaray Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Hawada (IATA) ayaa caddeysay in muwaadiniinta wata baasaboorka Taiwan laga mamnuucay inay galaan ama transit ahaan uga gudbaan Soomaaliya. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan ayaa si adag uga hortimid go’aankan, waxayna ugu digtay muwaadiniinteeda inaysan u safrin Soomaaliya ama Somaliland illaa dowladda Soomaaliya ay ka laabato tallaabadaas, sida lagu sheegay warbixinta.

Intii lagu guda jiray shir jaraa’id, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa si buuxda u taageertay go’aanka Soomaaliya ee lagu xayiray baasaboorrada Taiwan, iyadoo sheegtay in arrintani ay caddeyneyso saameynta Shiinaha ee ku jirta go’aankaas.

Taiwan ayaa ku dooday in Beijing ay sanadihii dhowaa si isdaba joog ah u qalloocisay micnaha Qaraarka 2758 si ay u wiiqdo ka-qaybgalka Taiwan ee masraxyada caalamiga ah. Warbixinta ayaa xustay in sanadkii hore, dowladda Koonfur Afrika ay qaraarkaasi u adeegsatey sababta ay u xirtay xafiiskii Taiwan ee Pretoria.

Si kastaba ha ahaatee, Taiwan waxay weli ku adkeysanaysaa mowqifkeeda, iyadoo ay garab taagan yihiin dalal reer galbeed ah. Inkastoo labo waqti oo kala guur ah la siiyay, xafiiska Taiwan ee Pretoria wuxuu weli u shaqeeyaa si caadi ah, sida lagu sheegay warbixinta.

Iyadoo ka falcelinaysa xayiraadda ay Soomaaliya saartay, dowladda Taipei ayaa qorsheyneysa inay kaalmo ka raadiso hay’adaha caalamiga ah ee saaxiibka la ah Taiwan, iyadoo sidoo kalena doonaysa inay ka hortagto dadaallada Shiinaha ee lagu wiiqayo sumcadda caalamiga ah ee jasiiradda, sida uu sheegay sarkaalkaasi.

Intii lagu jiray kulan uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay yeeshay bishii hore, wakiil ka socday Mareykanka ayaa ku eedeeyay Shiinaha inuu si qaldan u adeegsado Qaraarka 2758 si uu u go’doomiyo Taiwan, isla markaana uu u leexiyo siyaasadaha dowladaha kale, taasoo xaddideysa xulashooyinkooda, sida uu hadalka u dhigay sarkaalka wasaaradda. (ANI)

Fahad Yaasiin oo shaaciyay dhamaadka Xasan kadib tallaabooyinkii u dambeeyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee Hay’adda NISA, Fahad Yaasiin ayaa si weyn u dhaliilay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo uu sheegay inuu ka beddelay wax walba sidii loogu dhiibay.

Fahad ayaa sheegay in dhamaadka Xasan Sheekh uu noqon doono sida kii madaxweynihii ka horeeyay ee Farmaajo, oo ugu dambeyntii ku qasbanaaday inuu qabto doorasho wada-ogol ah, taas oo hoggaanka dalka lagu dhaafiyay.

“Waxay ku soo wada dhammaan doontaa, hal subax inuu soo miyirsado oo waxaas oo dhan uu halmar wada daadiyo. Iga indho adag nin dhagax la hardamay!,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Hoos ka aqriso qoraalka Fahad oo dhameystiran:

Nin baa bari magaalo usoo adeeg doontay. Badeeca walba qiimihii uu ku ogaa waxbaa lagu sii daray. Markii uu adeeggii soo dhammaystay buu Masjid soo galay iyada oo Taraawiix la tukanayo. Markii lasii marayay 8 rakcadood buu ka baxay masjidkii.

Baadiyihii kolkuu ku laabtay ayaa la yiri, magaalo ka warran? Wuxuu yiri, wax walba sidii aad ku ogaydeen waa la baddalay, xitaa salaaddii cishaha iyada oo 8 rakcadood sii dhaaftay baan ka soo tagay.

Haddeer, Madaxweyne Xasan wax walba sidii loogu dhiibay wuu beddalay. Dastuurkii heshiiska lagu wada ahaa wuxuu ku beddalay mid kala dhantaalan.

Maamulladii sharciga ku joogay wuxuu ku beddalay IDMANAYAAL. Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah wuxuu ku beddalay loo joojin maayo iyo yaa jeenan noo haya.

Doorasho heshiis lagu yahay, wuxuu ku beddalay Xisbi weyn iyo kaligay baa isla tartamaya. Golihii Madasha Qarankana, wuxuu ku beddalay Golaha Sare ee Kacaanka.

Waxay ku soo wada dhammaan doontaa, hal subax inuu soo miyirsado oo waxaas oo dhan uu halmar wada daadiyo. Iga indho adag nin dhagax la hardamay!.

Ilyaas Gaboose oo u xiran A/Madoobe oo soo hadlay, shaaciyeyna arrin yaab leh

Kismaayo (Caasimada Online) – Ilyaas Beddel Gaboose oo ahaa musharax si weyn ula loollamayay Axmed Madoobe, balse ay albaabadu kasoo xirmeen kadib doorashadii isu-caano-shubka aheyd ee ka dhacday Kismaayo ayaa soo hadlay xilli muddo ka badan lix bilood ah uu u xiran yahay hoggaamiyaha haatan ka taliya maamulka Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa daba-yaaqadii November ee sanadkii hore ayaa doorasho ku qabsaday magaalada Kismaayo, taas oo guddigii uu u xilsaaray sheegen inuu mar saddexaad ku guuleystay madaxtinimada Jubbaland.

Gaboose iyo xubnaha mucaaradka ah ee kasoo horjeeday Madoobe ayaa markaas kadib dhankooda Kismaayo ku qabsaday doorasho, taasoo madaxweyne loogu doortay Ilyaas Beddel Gaboose.

Tan iyo markaas, Ilyaas ayaa dhibane u noqday cadaadis siyaasadeed, iyadoo lagu hayo xabsi-guri sharci darro ah. Ilyaas ayaa markii u horeysay soo hadlay maanta, isagoo ku adkeystay inuu yahay madaxweynaha sharciga ah ee Jubbaland.

“Madaxweyenaha Jubbaland ee sharciga ah waaa aniga,” ayuu yiri Ilyaas Gaboose, isagoo sheegay inuu si sharci darro ah ugu xiran yahay Kismaayo, uuna sidii magafaha ugu afduuban yahay Axmed Madoobe.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan muddo 6 bilood ah guri ugu xidhanahay oo ciidamo wata gawaarida gaashaaman, oo Nabad-sugid, Daraawiish oo Boolis leh afarta koone nooga fadhiyaan, waad naga ra’yi duwan tahay oo keliya.”

Ilyaas ayaa sheegay in xarigga uusan keligiisa aheyn ee xabsiga guriga ay kula jiraan siyaasiyiin kale oo kasoo horjeeda Axmed Madoobe, iyo sidoo kale dhalinyaro yar-yar oo qasab loogaga hortaagan yahay qoysaskooda.

“Caafimaadka ma fiicno dad 30 dhan oo guri ku jira, oo musqulahooda aad garan kartaan, oo biyo nadiif ah sida ay u heli karaan garan kartaan, iyo sida ay u kala seexan karaan 30 qof oo guri aan ka badneyn 4-5 qol ku jira oo askar badan daadsan tahay.”

Waxa uu intaas kusii daray: “Hadda calaacal ma rabno, laakiin xaalad noocaas ah waa garan kartaan. Anagu waa afduubanahay, nin baa u afduubanahay oo wixii dadku lahaa oo ciidan ahaa ee la wada dhisanayay si qaldan u isticmaalay. Xaaladayadu sidaas weeyi.”

Cali Guudlaawe oo dacwo ka ah Xaadoole + Sababta

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe ayaa si weyn u eedeeyay Xildhibaan Xaadoole oo ka tirsan Golaha Shacabka, isagoo ka hadlayey munaasabadda furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka Hirshabeelle.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Xildhibaanku uu yahay qof dhibaato ku haya maamulka Hirshabeelle, kana shaqeynaya hagardaamada maamulka, xilli uu dhawaan dhaliilo xooggan u jeediyay dowladda iyo maamulka uu hoggaamiyo.

Guudlaawe ayaa waxa laga xumaado ku tilmaamay hadallada Xaadoole ee ku saabsan maamulka Hirshabeelle, kuwaas oo uu sheegay inay iska horkeenayaan shacabka iyo maamulka. Wuxuu xusay in 38 Xildhibaan oo laga soo doortay maamulka ay ka tirsan yihiin labada Aqal ee BF, kaliya Xaadoole uu ka shaqeeyo dhanka dhibaatooyinka, halkii uu ka taageeri lahaa horumarka iyo wada shaqeynta maamulka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu Xildhibaan Xaadoole ugu baaqay inuu ka fiirsado tallaabooyinka uu qaadayo, isagoo ku dhaliilay in taariikhdiisa siyaasadeed ay noqon karto mid xun haddii uu sii wado arrimahan. Wuxuuna sheegay in hadalladiisa xanafta leh ay wax u dhimi karaan naftiisa, isla markaana uu ka fiirsado waxa uu ka tirsan yahay iyo cida uu u adeegayo.

Guudlaawe ayaa sheegay in bulshada Hirshabeelle aysan aqbali doonin hab-dhaqanka noocaas ah, wuxuuna ka digay in isbaaro loo dhigto shacabka, taas oo uu ku eedeeyay xildhibaan Xaadoole.

“Kaama aqbali doono isbaaro dadka loo dhigto, ceeb ayay nagu tahay Hirshabeelle inay shacabka nagu yiraahdaan waxaan taaganahay isbaaradii Cismaan Xaadoole, waxaana rajeynayaa inuu iska dhaafi doono waxyaabaha kale ee uu ku fakarayo, waxaana uu matalaa degaanadii diinta loo doonan jiray ee Balcad, Warshiikh iyo Raage Ceelle, wixii qaldanna aqbali meeyno,” ayuu yiri Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Xildhibaan Xaadoole ayaa horay si weyn u weeraray maamulka Guudlaawe oo uu ku tilmaamay mid la dagay maamulka Hirshabeelle, isagoo sheegay in maamulkaasi uusan shaqeynayn oo aan wax horumar ah ka jirin.

Sidoo kale, Xaadoole wuxuu maamulka ku dhaliilay dagaalka Al-Shabaab, oo uu sheegay in uu ka gaabiyay sidii looga hortagi lahaa kooxdaas. Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sheegay in xaalad kasta oo jirta, maamulka uu ka go’an yahay in uu la dagaalamo kooxaha argagixisada, isla markaana uu hagaajiyo xaaladda amni ee maamulka.

Sida muuqata, is-qabsiga siyaasadeed ee u dhexeeya Xildhibaan Xaadoole iyo Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sii xoogaysanaya, iyadoo labada dhinac ay ku kala aragti duwan yihiin hannaanka ay ku wajahayaan siyaasadda iyo horumarka maamulka.

Madaxweynuhu wuxuu u muuqdaa inuu si xooggan uga hortagayo dhaqanka Xildhibaan Xaadoole, isagoo ku adkaysanaya in maamulka Hirshabeelle uu u adeegayo shacabka si wanaagsan, halka Xaadoole uu u arko in maamulkaas uu yahay mid aan wax horumar ah ka sameynin deegaanka.

Somalia delays crucial summit amid power-sharing disputes

Mogadishu, Somalia – A pivotal meeting of Somalia’s National Consultative Council (NCC), initially scheduled for May 1-2 and rescheduled for May 5, has been postponed again due to escalating political disputes, credible sources confirmed Monday.

The recurrent delays highlight mounting instability within Somalia’s federal system, driven by intense political disagreements centered around power-sharing and participation issues.

Two influential federal states, Puntland and Jubaland, had already announced their boycott, citing longstanding disputes with the federal government in Mogadishu.

The situation worsened as the remaining three federal member states, previously supportive of President Hassan Sheikh Mohamud, have now also withdrawn their participation, significantly undermining national consensus-building efforts.

The international community closely monitors developments amid concerns that external interference could further complicate the volatile political landscape.

Disputes over power-sharing

Reliable sources indicate that two primary disputes triggered the meeting’s postponement: internal disagreements regarding President Mohamud’s newly formed political alliance and controversy surrounding the participation of the recently recognized regional administration, SSC-Khaatumo.

President Mohamud’s initiative to introduce a direct “one person, one vote” electoral system led his supporters to establish a unified political entity, sidelining the previously influential Union for Peace and Development (UPD).

However, critical internal disagreements persist regarding party leadership structures, particularly the roles assigned to Prime Minister Hamza Abdi Barre and prominent parliamentarian Abdirahman Hussein Odowaa.

Southwest State leaders have criticized the proposed allocation of party positions, arguing that offering them only a deputy chairmanship lacks sufficient political leverage, effectively consolidating power within the clans allied to the president and prime minister.

Speaker of Parliament Sheikh Aden Madobe has been tasked with mediating these contentious negotiations to facilitate consensus.

Controversy over SSC-Khaatumo  

The federal government’s proposal to include SSC-Khaatumo, a recently recognized regional administration, in the NCC has intensified disagreements. Regional states have strongly opposed the inclusion, fearing it might disrupt the existing balance of power.

SSC-Khaatumo leader Abdulkadir Ahmed Firdhiye arrived in Mogadishu on Sunday following discussions with federal authorities. However, his administration’s potential involvement sparked significant opposition from regional states, notably South West, Galmudug, and HirShabelle.

Southwest officials worry SSC-Khaatumo’s inclusion could dilute their political representation without offering meaningful advantages to their constituencies. Meanwhile, Galmudug fears granting SSC-Khaatumo full decision-making rights could provoke instability in northern Galgaduud, potentially undermining regional cohesion.

Similarly, HirShabelle officials expressed concern that the move might encourage separatist tendencies in their region, particularly in Beledweyne, which continues to experience political unrest.

The absence of five of Somalia’s six major regional administrations from the NCC, especially if SSC-Khaatumo is officially recognized, represents a substantial political setback for President Mohamud’s administration.

Observers note that the discord underscores Somalia’s ongoing governance, federalism, and regional autonomy challenges.

Analysts emphasize that swiftly resolving these political disagreements is crucial for preserving Somalia’s fragile stability and maintaining international support. Prolonged delays could exacerbate internal conflicts, potentially jeopardizing critical state-building efforts and upcoming electoral processes.

Muxuu yahay shirweynaha qaran ee maanta ka furmay Muqdisho? + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta daah-furay Shirweynaha Qaran ee Maalgashiga Cuntada iyo Beeraha oo ka qabsoomat magaalada Muqdisho, kaas oo diiradda lagu saaray sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha hor taagan kobcinta wax-soo-saarka gudaha.

Mudane Xamza ayaa sheegay in xukuumadda Dan-Qaran ay ka go’an tahay dhiirigelinta wax-soo-saarka gudaha, taas oo muhiim u ah horumarinta dhaqaalaha dalka iyo in la gaaro isku-filnaansho dhanka cuntada ah.

Shirkan ayaa lagu soo bandhigay caqabado waaweyn oo hor taagan kor u qaadista wax-soo-saarka dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin qalab la’aanta, khibrad xumo, iyo maalgashi la’aan ka jirta qeybaha muhiimka ah ee beeraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay maalgashadaan beeraha dalka, si looga maarmo waxyaabaha laga soo dhoofiyo dibadda, maadaama ay suurtagal tahay in la helo wax-soo-saar gudaha ah oo dabooli kara baahida shacabka.

Xamza ayaa tilmaamay in horumarinta beeraha ay tahay waddo lagu gaari karo horumar dhaqaale iyo fursado shaqo oo badan, taasoo si gaar ah ugu daneynaysa dhalinyarada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixino ka dhageystay qaar ka mid ah dhallinyarada hal-abuurkooda la xiriira wax-soo-saarka, kuwaas oo ku soo bandhigay madasha shirweynaha, isagoo si gaar ah u bogaadiyay doorkooda iyo dadaalkooda.

Ugu dambayntiina wuxuu ku dhiirrigeliyay dhallinyarada Soomaaliyeed in ay xoogga saaraan barashada cilmiga la xiriira beeraha, si loo helo jiil cusub oo ka shaqeeya kobcinta wax-soo-saarka gudaha iyo horumarinta dalka.

Shirkii Golaha Wadatashiga oo mar kale baaqday – Laba qodob oo la isku khilaafay

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee horey u shaacisay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale dib u dhacay, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo xog-ogaal ah. Tani waxay noqoneysaa markii labaad ee dib loo dhigo shirkan muhiimka ah.

Shirka, oo markii hore lagu balansanaa inuu qabsoomo 1–2-da May, ayaa dib loogu dhigay maanta oo ah Isniin, 5-ta May. Balse warar ay Caasimada Online ka heshay ilo xog-ogaal u ah madaxda dowlad-goboleedyada qaarkood ayaa muujinaya in qabsoomidda shirku weli shaki ku jiro. Beesha caalamka ayaa si dhow ula socota xaaladda, iyadoo laga cabsi qabo in faragelin dibadda ah timaado.

Puntland iyo Jubbaland ayaa horey u qaadacay shirka, iyagoo ku sababeeyey khilaafaad siyaasadeed oo muddada dheer kala dhaxeeya Dowladda Federaalka ee Muqdisho. Hadda, saddex dowlad-goboleed oo horey u taageeri jiray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iyaguna diiday ka qaybgalka, taasoo sii adkaynaysa jahwareerka siyaasadeed.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in dib u dhaca shirku uu salka ku hayo labo arrimood oo waaweyn:

1- Khilaaf la xiriira qaybsiga awoodda oo ka dhashay dib-u-habeynta siyaasadeed ee madaxweynaha, 2- Iyo muran ka taagan ka-qaybgalka maamulka cusub ee la aqoonsaday ee SSC-Khaatumo.

Khilaafka awood qaybsiga is-bahaysiga cusub  

Dadaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee ku wajahan hirgelinta nidaamka doorasho toos ah oo ah “hal qof, hal cod” ayaa sababay in taageerayaashiisa ay dhisaan xisbi cusub oo mideysan, taasoo meesha ka saartay xisbiga hore ee UPD.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in madaxda federaalka ee la safan madaxweynaha ay taageereen in xisbiga cusub lagu soo daro xubno cusub, halka madaxda dowlad-goboleedyada taageersan ay soo jeediyeen in magaca xisbiga la beddelo iyo in hoggaankiisa dib loo qaabeeyo.

In kasta oo Galmudug iyo HirShabelle ay weli taageersan yihiin Madaxweyne Xasan, haddana heshiis hore oo uu la galay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, ayaa dhigaya in dib loogu laabto qaab-dhismeedka xisbiga cusub. Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe, ayaa lagu soo waramayaa in loo xil saaray inuu dhex-dhexaadiyo wada-hadallada xasaasiga ah ee la xiriira arrimaha Koonfur Galbeed.

Waxaa sidoo kale la sheegay in hannaanka hoggaamineed ee la soo jeediyay uu yahay in madaxweyne Xasan Sheekh noqdo musharraxa madaxweynaha, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre noqdo guddoomiyaha xisbiga, halka Cabdiraxmaan Xuseen Odowaa loo magacaabay xoghayaha guud.

Koonfur Galbeed ayaa lagu wargeliyay in la siin doono xilka guddoomiye ku xigeen, balse hoggaanka gobolkaas ayaa arrintaas u arkay mid aan ahayn miisaan siyaasadeed oo ku filan, taasoo ay u arkaan in la sii xoojinayo awoodda beelaha haysta madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Muranka ka-qaybgalka maamulka SSC-Khaatumo

Caqabadda labaad ee weyn ayaa ah qorshaha ay Dowladda Federaalka ku dooneyso in maamulka dhawaan la aqoonsaday ee SSC-Khaatumo uu shirkan ka qayb galo. Tani ayaa si weyn uga soo horjeestay madaxda dowlad-goboleedyada lagu casuumay madasha.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdulkaadir Axmed Firdhiye, ayaa Axaddii soo gaaray Muqdisho, isagoo u yimid ka-qaybgalka shirka kadib wada-hadallo uu la yeeshay dowladda. Si kastaba, warar hoose ayaa muujinaya in ka-qaybgalka SSC-Khaatumo uu dhaliyay muran hor leh oo u dhexeeya madaxda dowlad-goboleedyada kale.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa cabsi ka muujiyay in oggolaanshaha SSC-Khaatumo uu wax ka beddeli karo saamiga awood qeybsiga madasha, iyadoo aan wax metelaad ah lagu kordhin beelaha ay matalaan.

Galmudug ayaa iyaduna kasoo horjeedda in SSC-Khaatumo la siiyo xuquuq go’aan gaaris buuxda, iyagoo ka baqaya in taasi ay horseedo xasillooni darro mustaqbalka ka dhacda waqooyiga Galgaduud, taasoo wiiqi karta midnimada gobolka.

Sidoo kale, HirShabelle ayaa la rumeysan yahay inay cabsi ka qabto in tallaabadan ay dhiirrigeliso dhaq-dhaqaaqyo is-maamul doon ah oo ka socda gobolka Hiiraan, gaar ahaan magaalada Beledweyne oo wali ay ka jiraan kacdoonno ka dhan ah maamulka gobolka.

Dib u dhaca shirkan Golaha Wadatashiga Qaranka oo ay ka maqan yihiin shan ka mid ah lixda maamul ee ugu waaweyn dalka – haddii SSC-Khaatumo loo aqoonsado xubin rasmi ah – ayaa dhabar-jab weyn ku ah Dowladda Federaalka, wuxuuna iftiiminayaa khilaafka siyaasadeed ee ballaaran ee haatan ka jira gudaha Soomaaliya. 

Golaha Wasiirada Israel oo ansixiyey qorshe lagu wada qabsanayo Marinka Gaza

Gaza (Caasimada Online) – Golaha ammaanka ee Israel ayaa ansixiyay qorshe ballaaran oo lagu fidinayo hawlgallada milatari ee ka socda Marinka Gaza, kaasoo ay ku jirto “qabsashada” dhulka Falastiiniyiinta, sida uu Isniin sheegay sarkaal sare oo Israeli ah.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii ciidamada Israel ay heegan geliyeen tobannaan kun oo askar kayd ah si ay uga qeyb qaataan duullaanka.

Go’aankani wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Qaramada Midoobay iyo hay’adaha gargaarka ay si isdaba joog ah uga digeen musiibo bini’aadannimo oo ka sii daraysa Gaza, halkaasoo mar kale macluul laga cabsi qabo, kadib in ka badan laba bilood oo xayiraad buuxda ah oo Israel kusoo rogtay gobolka.

Sida uu sheegay sarkaalka, qorshaha uu goluhu ansixiyay xalay wuxuu sidoo kale ku jiraa haynta dhulalka Gaza ee go’doonsan, wuxuuna qayb ka yahay dadaalka Israel ay ugu jirto in dadka reer Gaza ay isaga baxaan dhulkooda.

Israel ayaa 18-kii Maarso dib u billowday hawlgalladeeda weyn ee Gaza, kadib markii wadahadalladii xabbad-joojinta laba bilood socday uu hakad ku yimid. Dagaalkan ayaa salka ku haya weerarkii kooxda Xamaas ay qaaday bishii Oktoobar 2023.

Tan iyo markaas, Israel waxay fulisay duqeymo culus oo cirka ah iyo howlgallo dhulka ah oo ka socda guud ahaan Marinka Gaza. Isniintii, kooxaha gurmadka ee Gaza waxay sheegeen in ugu yaraan 19 qof lagu dilay duqeymo ka dhacay waqooyiga gobolka.

Sarkaalka ayaa sheegay in qorshaha cusub uu “ka mid yahay qabsashada Marinka Gaza, haynta dhulka, iyo raridda dadka Gaza u guuraan koonfurta si loo sugo ammaankooda”.

Inta badan dadka Marinka Gaza waxay horey ugu noolaayeen waqooyiga gobolka, gaar ahaan magaalada Gaza. Ku dhowaad dhammaantood ayaa barakacay ugu yaraan hal mar tan iyo markii dagaalku billowday.

Golaha ammaanka, oo ay xubno ka yihiin Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyo wasiirro kale, ayaa si mid ah u meel mariyay qorshaha lagu doonayo in lagu jebiyo kooxda Xamaas iyo lagu soo furto la haysteyaasha wali ku sugan gudaha Gaza.

Sarkaalka ayaa xusay in qorshuhu uu ku jiro “weerarro xooggan oo lagu beegsanayo Xamaas”, balse uusan faahfaahin nooca weerarradaasi noqon doonaan.

La-haysteyaasha oo halis galaya

Maalintii Axadda, Taliyaha ciidamada Israel General Eyal Zamir ayaa sheegay in tobannaan kun oo ciidamo kayd ah la isugu yeeray si loo ballaariyo weerarka.

Warbaahinta Israel ayaa ku warrantay in qorshahan uusan dhaqangelin doonin ka hor safarka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu toddobaadka dambe ku tegi doono gobolka.

Wasaaradda caafimaadka Gaza ayaa Axaddii sheegtay in ugu yaraan 2,436 qof lagu dilay tan iyo markii Israel dib u billowday duullaankeeda 18-kii Maarso, taasoo tirada guud ee dadka ku dhintay dagaalka ka dhigeysa 52,535.

Weerarkii Xamaas ee dhacay 7-dii Oktoobar ayaa sababay dhimashada 1,218 qof oo Israeli ah, badankoodna ahaa rayid.

Kooxaha weerarka qaaday ayaa sidoo kale afduubtay 251 qof, kuwaas oo 58 ka mid ah ay weli ku sugan yihiin gudaha Gaza. Milatariga Israel ayaa sheegay in 34 ka mid ah dadkaasi ay dhinteen.

Israel ayaa sheegtay in ujeeddada dagaalka cusub ay tahay in lagu cadaadiyo Xamaas si ay u sii dayso la haysteyaasha haray, hase yeeshee dhaleeceyn xooggan ayaa ka dhalatay, iyadoo ehellada dadka la afduubtay ay ku eedeeyeen dowladda in ay “hurayso” nolosha la haysteyaasha.

Sidoo kale, sarkaalka dowladda Israel ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Netanyahu uu “sii wadayo horumarin” qorshe uu wado Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ku baaqaya in dad reer Gaza ah ay si iskood ah ugu guuraan waddamada dariska ah sida Masar ama Urdun.

Hindisahaasi waxaa si adag u diiday Qaahira, Ammaan, dowlado kale oo Carbeed iyo sidoo kale Falastiiniyiinta laftooda. Hase yeeshee, wasiirro Israeli ah ayaa si xamaasad leh uga shaqeynaya hirgelinta fikraddaas.

Wasiirka Difaaca Israel Israel Katz ayaa bishii Febraayo sheegay in la dhisi doono hay’ad gaar ah oo loogu talagalay “ka guuritaanka iskaa ah ee dadka Gaza”.

Cadaadis siyaasadeed

Golaha ammaanka ee Israel ayaa sidoo kale habeenkii xalay oggolaaday “in la furo suurta-galnimada qaybinta gargaarka bani’aadannimo, haddii loo baahdo”, si looga hortago in Xamaas la wareegto sahayda laguna wiiqo awooddeeda maamul.

Warbaahinta Axios ayaa Jimcihii daabacday in wakiillo ka socda Maraykanka, Israel iyo hay’ad bini’aadannimo oo cusub ay ka wadahadlayaan nidaam lagu daahfuri karo gargaar aan gacanta u gelin Xamaas.

Isbahaysi ka kooban hay’ado Qaramada Midoobay iyo kuwa samafalka oo ka howlgala Gaza ayaa ku eedeeyay Israel in ay doonayso in la xiro nidaamka gargaarka ee hadda shaqeynaya, iyadoo ku khasbeysa hay’adaha in ay sahayda marsiiyaan xarumo Israeli ah oo leh xeerar ay ciidamada Israel dhigeen.

Qoraal ay soo saareen kooxda Humanitarian Country Team ee Gaza ayaa lagu sheegay in qorshahani uu “ka hor imanayo mabaadi’da aasaasiga ah ee gargaarka bini’aadannimo”, isla markaana u muuqdo mid lagu cadaadinayo dadka shacabka ah iyada oo la adeegsanaayo sahayda nolosha lagu nool yahay.

“Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo Isuduwaha Gargaarka Degdegga ah ayaa si cad u sheegay in aanu ka qayb qaadan doonin wax nidaam ah oo noocaas ah,” ayay warbixintu tiri.

Xamaas ayaa Isniintii sheegtay in nidaamka cusub ee ay Israel wado uu yahay “cadaadis siyaasadeed”, waxayna dowladda Israel ku eedeeyeen in ay sabab u tahay musiibada bini’aadannimo ee Gaza ka taagan.

Inkasta oo golaha wasiirrada Israel uu sheegay in “cunto ku filan” ay haatan ka jirto Gaza, haddana hay’adaha gargaarka iyo Qaramada Midoobay ayaa si adag uga digay saameynta daran ee xayiraadda ay ku yeelatay dadka 2.4 milyan ah ee halkaas ku nool.

Sawirro uu baahiyay AFP ayaa muujinayay dad tiro badan oo isugu soo baxay jikada samafalka ee Gaza dhamaadkii toddobaadka, iyagoo raadinaya cunto.

Kulankii BF oo dib u furmay maanta – Maxaa dhacay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulanka Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta dib u furmay, kadib baaqasho ku timid dhowr jeer oo hore, sababo la xiriira xiisadda ka taagan Golaha Shacabka ee u dhexeysa guddoonka iyo xildhibaannada.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa furay guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Cabdullahi Abshirow oo golaha la wadaagay go’aanno xasaasi ah.

Abshirow ayaa shaaca ka qaaday in haatan wixii ka dambeeya wax badan laga beddali doono jihada baarlamaanka, isla markaana si adag loogu dhaqmi doono xeerarka u degsan golaha, si looga gudbo caqabadaha soo laa laabtay ee saameeyay shaqadooda.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in baarlamaanka uu madax bannaan yahay, isla markaana aanu ku milmi karin hay’adaha fulinta ee dowladda.

“Golahaan isagaa u madax bannaan qaraaradiisa iyo go’aamadiisa, mana ahan inaan ku milano hay’adaha kale, waana in aan ilaalinaa midnimada Golaha” ayuu yiri Abshirow.

Waxaa kale oo uu ku baaqay in la ilaaliyo midnimada golaha iyo sharafkiisa, si aysan u dhicin dhibaato lamid ah tii todobaadkii hore ee buuqa ka dhalisay baarlamaanka.

“Haddaba xildhibaannada sharafta leh waxaa muhiim ah inaan ku dadaalno is ixtiraamid iyo is qadarin u qalma shacabka aan mataleyno, waana in waajibkeenna u gudano annaga oo indhaha ku ku hayno aayaha carruurteenna iyo mustaqbala dalka” ayuu sii raaciyay.

Intaas kadib xildhibaannada ayaa guda galay doodooda, waxaana maanta la horeeyay  Hindise-Sharciyeedka Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah oo ay ka doodeen mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Furitaanka kulanka baarlamaanka ayaa kusoo aadayo, iyadoo haatan uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku maqan yahay dalka Aljeeriya, isaga oo khudbad ka jeediyay shirweynaha Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta ee ka socda caasimada dalkaasi.

Xog: Baaritaanka ceelasha shidaalka Soomaaliya oo war farxad leh uu ka soo baxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la helayaa xog hordhac ah oo la xiriirta baaritaanka shidaalka ee ka socda badda Soomaaliya, iyadoo ilo xog ogaal ah oo dhanka Turkiga ah ay sheegayaan in sahminta batroolka iyo gaaska ee ay wadday Dowladda Turkiga la gaaray heer gebo-gebo ah.

Xogta naga soo gaartay baaritaanka shidaalka ayaa sheegaysa in laba kamid ah ceelashii sahmintu ka socotay la soo geba-gebeeyey, halka ceelkii saddexaad uu baaritaanku wali ka socdo. Waxaa la filayaa in dhammaan baaritaannada la soo afjaro bisha Agoosto ee sanadkan.

Baaritaannada la sameeyey ayaa 90% muujinaya in gaas ganacsi noqon kara laga helay labada ceel ee hore, sida aan xogta ku helnay. Saadaal horudhac ah oo ay bixiyeen injineerrada mashruuca ayaa tilmaamaysa in mid kasta oo kamid ah ceelasha laga yaabo in laga helo ilaa 10 bilyan oo fuusto oo gaas ah oo ganacsi ahaan loo isticmaali karo.

Waxaa sidoo kale la sheegay in nooca gaaska laga helay iyo qiyaasta rasmiga ah la xaqiijin doono kaddib marka la furo dhammaan ceelasha la sahmiyey.

Natiijada rasmiga ah ee baaritaanka waxaa lagu ogaan doonaa sheybaarrada gaaska iyo shidaalka ee ku yaalla Turkiga.

Kaddib marka baaritaanku dhamaado laguna xaqiijiyo natiijada, waxaa la guda geli doonaa wejiga qoditaanka shidaalka Soomaaliya, iyadoo la saadaalinayo in arrintaasi dhacdo dhamaadka sanadkan.

Heshiiska shidaalka ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ayaa lagu saxiixay magaalada Istanbul 7-dii Maarso 2024, waxaana qalinka ku duugay Wasiirkii hore ee Shidaalka Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed, iyo Wasiirka Tamarta ee Türkiye, Alparslan Bayraktar.

Shirkadda Turkish Petroleum Corporation (TPAO) ayaa loo xilsaaray fulinta howlaha sahminta iyo soo saarista shidaalka.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in heshiisku yahay mid dan u ah labada dal, kuna saleysan is-afgarad iyo faa’iido wadaag.

“Tani waa markii ugu horreysay ee taariikhda ay Soomaaliya si rasmi ah u baarayso kheyraadkeeda shidaal iyo gaas. Lama dhayalsan karo faa’iidada cidda ugu horreysa ee gasha. Iyada oo Turkigu nala garab taagan yahay, Soomaaliya waxay u socotaa inay noqoto dal ka duwan sida dunidu u aragto,” ayuu yiri madaxweynaha.

Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibedda, Cali Cumar, ayaa isna heshiiska ku tilmaamay mid albaab u furaya fursado ganacsi oo waaweyn, isagoo xusay inuu khuseeyo saddex qaybood oo keliya—kuwaasoo kamid ah 216 qaybood oo la rumeysan yahay inay shidaal ku jiraan xeebaha Soomaaliya.