25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Sawirro: DF Soomaaliya oo maanta laba heshiis oo xasaasi ah la saxiixatay waddanka…

Kuala Lumpur (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laba heshiis oo cusub la saxiixatay Malaysia, kawaas oo la xiriira Maamulka Dhijitaalka iyo Amniga Internetka.

Labadan heshiis oo is Is-Afgarad ah (MOU) ayaa waxaa galay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), Hay’adda Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Malaysia (MCMC) iyo Hay’adda Amniga Internetka ee Malaysia (CyberSecurity Malaysia).

Ujeedada ugu wayn ee heshiisyadan ayaa ah xoojinta iskaashi dhinacyo badan leh oo ku saabsan maamulka dhijitaalka, wadashaqeynta farsamo iyo kobcinta amniga internetka.

Heshiiska koowaad oo lala saxiixday Hay’adda Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Malaysia ayaa diiradda saaraya iskaashi ku wajahan arrimo la xiriira: Xeernidaamiyeyaasha iyo qaab-dhismeedka farsamada ee 5G, isweydaarsiga siyaasadaha maamulka isgaarsiinta, iyo barnaamijyo tababaro gaaban iyo khibrad is-dhaafsi oo lagu xoojinayo awoodda hay’adaha.

Heshiiskan ayaa sidoo kale wuxuu saldhig u noqonayaa iskaashi ballaaran oo ku aaddan la wadaagga waayo-aragnimada maamulka isgaarsiinta iyo horumarinta dhaqaalaha dhijitaalka ah.

Sidoo kale Heshiiska labaad oo lala saxiixday Hay’adda Amniga Internet ka  Malaysia (CyberSecurity Malaysia) ayaa lagu qeexay iskaashi wadajir ah oo lagu wajahayo caqabadaha guud ee dhinaca amniga internetka, gaar ahaan qodobo la xiriira ka hortagga iyo ka jawaabista weerarrada internetka.

Waxaa kale oo qayb ka ah isdhaafsiga xogta khatarta ah iyo isbeddellada amniga Teknoolojiyadda, iskaashi ku saabsan diblomaasiyadda internetka, iyo in Dalkeena uu qeyb ka noqdo barnaamijka caalamiga ah ee  tababarada ee Global ACE.

Iskaashiyadan cusub waxay ka tarjumayaan sida ay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka uga go’an tahay in la xoojiyo horumarka teknoolojiyadda dalka, iyada oo kaashaneysa iskaashi caalami ah iyo hirgelinta hab-raacyada heerarka ugu sarreeya ee caalamka.

Soomaaliya iyo Malaysia ayaa waxaa haatan ka dhexeeya xiriir xooggan, kaas oo ku dhisan wax wada qabsi, waxaana labada dhinac ay sii hormarinayaan iskaashigooda.

Somalia, Saudi Arabia sign deal to boost job migration

RIYADH, Saudi Arabia – Somalia and Saudi Arabia have agreed to swiftly implement a bilateral labour agreement that will provide legal employment opportunities for Somali workers in the Kingdom, officials from both governments announced on Monday.

The pledge came during a high-level meeting in Riyadh between Somalia’s Minister of Labour and Social Affairs, Yusuf Mohamed Aden, and Saudi Arabia’s Deputy Minister of Human Resources and Social Development, Dr. Abdullah bin Nasser Abuthnain.

The talks are part of Minister Yusuf’s official visit to the Kingdom and focused on deepening cooperation in labour mobility, workforce development, and community empowerment.

“This agreement represents a major step toward addressing youth unemployment and building sustainable livelihoods for our people,” Minister Yusuf said. “We are committed to ensuring that our youth and professionals have access to legal, productive, and dignified employment.”

Pathways for Somali job seekers

At the heart of the meeting was a joint commitment to fast-track the implementation of a memorandum of understanding (MoU) signed earlier this year. The agreement regulates legal labour migration between the two countries and protects Somali workers.

The initiative will create structured, safe, and dignified migration channels, enabling thousands of Somali job seekers to find employment in Saudi Arabia—a country that hosts millions of foreign workers and continues to be a key labour destination in the Gulf.

The Somali government views the agreement as critical in reducing youth unemployment, improving workforce skills, and integrating Somali labour into global markets.

“This is about more than just sending workers abroad,” said Yusuf. “It’s about building a capable workforce ready for the future. We are investing in human capital through trusted international partnerships to establish a resilient and inclusive labour system.”

Deputy Minister Abuthnain welcomed the collaboration, reaffirming Saudi Arabia’s commitment to supporting structured migration and fair employment practices.

He said the Kingdom was ready to work closely with Somalia to operationalize the agreement effectively, noting that “cooperation on skill development, labour market access, and worker protections is mutually beneficial.”

Saudi Arabia has introduced reforms to improve migrant workers’ rights and modernize its labour market, including adjustments to its sponsorship (kafala) system.

Somalia’s broader workforce strategy

Somalia’s Ministry of Labour says the deal with Saudi Arabia is part of a broader strategy to build human capital, expand international job opportunities, and support inclusive economic growth.

The government plans to launch legal frameworks and pre-departure training programs to ensure Somali workers are well-prepared and protected as they migrate for employment.

The ministry also confirmed that talks are planned with other countries to widen overseas employment prospects for Somali citizens.

“This initiative isn’t just about job creation,” said Yusuf. “It’s about restoring dignity, creating hope, and unlocking the vast potential of our youth.”

The agreement could serve as a model for other Horn of Africa nations looking to formalize labour migration to Gulf states. Experts say structured migration frameworks can reduce irregular migration, improve working conditions, and increase remittances through official channels.

With over 70 percent of Somalia’s population under 30 and persistently high unemployment, the government views international labour mobility as a key pillar of its development agenda.

The move aligns with Somalia’s National Development Plan and global goals under the UN Sustainable Development Agenda, particularly those related to decent work, poverty alleviation, and international partnerships.

As the initiative rolls out, the Somali government says it will continue pursuing bilateral labour partnerships and strengthening its capacity to support migrant workers abroad.

Arrin kale oo kasoo korortay BF iyo kulankii maanta oo baaqday

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan xasaasi ah oo ay maanta ay xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ku lahaayeen magaalada Muqdisho ayaa baaqday hal arrin darteed, sida uu shaaciyay guddoomiyaha baarlamaanka oo soo xiray fadhigii maanta.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in kooram la’aan uu u baaqday fadhigoodii maanta, kadib markii ay soo xaadiri waayeen inta badan xildhibaannada Golaha.

Kulanka maanta waxaa kaliya tegay illaa 120 Mudane, kuwaas oo aan dhammeyn kooramka baarlamaanka, waxaana lagu daray saacad dheeri ah, si loo sugo xildhibaannada maqan, kadibna markii la waayey guddoomiyaha ayaa go’aamiyay in kulanka lasoo xiro.

“Xildhibaannada sharafta leh waxaad ogtihiin in afar saac marka la gaaro xeerka uu ina faraayo in hal saac lagu daro, waana lagu daray haddane 5-tii saac waa dhammaatay marka waxaa loo baahan yahay inaan ka fakirino sidii habsami u socodka baarlamaanka iyo howliheynii aan ku ilaashan lahayn” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Sidoo kale, Sheekh Aadan Madoobe ayaa farriin culus u diray xildhibaannada iska maqan ee haddana jooga caasimada, wuxuuna ugu baaqay inay gutaan waajibaadka saaran ee loo igmaday, si uu u shaqeeyo baarlamaanka, una guto howlaha culus ee horyaallo.

“Xildhibaannada caadi ka dhigtay in iyaga oo magaalada jooga ay iska maqnaadaan waxaan u dirayaa codsi ah inay ilaaliyaan waajibaadka lagu leeyahay ee loo doortay” ayuu mar kale yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Baaqashada kulankan ayaa kusoo aadeyso, xilli xasaasi ah ayna taagan tahay xiisad culus oo ka dhex jirta golaha, taas oo la xiriirta mooshin ay wadaan xildhibaanno kasoo horjeedo Sheekh Aadan Madoobe, kuwaas oo horay buuq uga sameeyay baarlamaanka.

Marka laga soo tego xiisaddan, waxaa Baarlamaanka Soomaaliya horyaalla shaqooyin adag oo ay ugu horreyso arrinta doorashada, maadaama laga sugayo shuruucdii lagu hagi lahaa.

Kaldhigii ugu dambeeyay ayay xildhibaannadu ku gaareen go’aanno culus oo la xiriira doorashada iyo wax ka beddelka dastuurka, xilli ay weli diidan yihiin mucaaradka.

Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Pakistan iyo India iyo diyaarado laga soo riday India

Islamabad (Caasimada Online) – Hindiya iyo Pakistan ayaa Arbacadii isweydaarsaday madaafiic culus, xuduudda lagu muransan yahay, kaddib markii New Delhi ay qaaday weerarro gantaallo ah oo sababay khasaare nafeed, taasoo noqotay rabshaddii ugu xumeyd ee dhex marta labada dal ee leh awoodda nukliyeerka muddo labaatan sano ah.

Ugu yaraan 38 qof ayaa la dilay, iyadoo Islamabad ay sheegtay in 26 rayid ah lagu dilay duqeymaha iyo rasaasta xuduudda, halka New Delhi ay sheegtay in ugu yaraan 12 qof ay ku dhinteen madaafiic ay Pakistan soo tuurtay.

Dagaalka ayaa dhacay laba toddobaad uun kaddib markii New Delhi ay Islamabad ku eedeysay taageeridda weerar lagu qaaday dhanka ay Hindiya ka maamusho ee Kashmir.

Labada deris ee Koonfurta Aasiya ayaa dhowr jeer dagaallamay tan iyo markii ay ka go’een gacanta gumeysigii Ingiriiska sannadkii 1947.

Rabshadan cusub ayaa ka weyn weerarkii Hindiya ay qaaday 2019-kii, markaasoo ay sheegtay in ay beegsatay “dagaalyahanno badan” kaddib markii qof isqarxiyay uu la beegsaday kolonyo ciidan, taasoo lagu dilay 40 askari.

Milatariga Hindiya ayaa sheegay in “cadaalad la helay,” isagoo ku dhawaaqay in sagaal “xero argagixiso” ah la burburiyay. Dowladda New Delhi ayaa intaa ku dartay in weerarradooda ay ahaayeen “kuwo bartilmaameedsan, xaddidan, isla markaana aan hurin kacsanaan dheeraad ah.”

Wasiirka Difaaca Pakistan, Khawaja Muhammad Asif, ayaa ku eedeeyay Ra’iisul Wasaare Narendra Modi in uu weerarrada u adeegsaday sare u qaadidda sumcaddiisa gudaha, balse waxa uu sheegay in Islamabad ay durba qaadday tallaabo aargoosi ah.

“Jawaabtii horey ayay u bilaabatay,” ayuu Asif u sheegay wakaaladda wararka ee AFP. “Ma qaadan doonto waqti dheer in aan aargudanno.”

Afhayeenka militariga Pakistan, Axmed Shariif Chaudhry, ayaa sheegay in shan diyaaradood oo dagaal oo Hindiya leedahay lagu soo riday xadka.

Sarkaal sare oo ka tirsan hay’adaha ammaanka Hindiya, oo codsaday in aan la magacaabin, ayaa sheegay in saddex diyaaradood oo dagaal laga soo riday dhankooda.

‘Madaafiic ayaa da’aysay’

Muzaffarabad, oo ah caasimadda Kashmir ee Pakistan maamusho, ayaa ciidamadu go’doomiyeen waddooyinka ku hareeraysan masaajid ay Islamabad sheegtay in la beegsaday, iyadoo raadad qaraxyo laga arkayay gidaarrada dhowr guri oo ku dhow.

“Habbeenkii waxaa dhacay dhawaqyo cabsi leh, dadkuna si weyn bay u argagaxeen,” ayuu yiri Maxamed Salmaan, oo ku nool agagaarka masaajidka.

“Waxaan u guureynaa meel ammaan ah… hadda waxaan nahay dad hoy la’aan ah,” ayuu yiri Taarik Mir, 24 jir, oo bir duqeyn ah lugta kaga dhacday.

Pakistan ayaa sheegtay in 21 rayid ah lagu dilay duqeymaha – oo ay ku jiraan afar carruur ah – halka shan kale lagu dilay rasaas ka dhacday xadka.

Milatariga Hindiya ayaa ku eedeeyay Pakistan in ay si aan kala sooc lahayn ugu rasaaseysay xadka Line of Control (LoC), oo ah xadka rasmiga ah ee kala qeybiya Kashmir.

“Waxaan soo toosnay markii aan maqalnay dhawaqa rasaasta,” ayuu yiri Faruuk, oo isbitaalka magaalada Poonch ee Hindiya ku jira, isagoo madaxa duuban, sida ay werisay wakaaladda wararka Press Trust of India.

“Waxaan arkay madaafiic da’aya.”

Wariyeyaasha AFP ee ku sugan Poonch ayaa arkay holac ka kacaaya halka madaafiicdu ku dhacaysay.

Ugu yaraan 12 qof ayaa lagu dilay, halka 29 kalena lagu dhaawacay, sida uu sheegay Azhar Majid, oo ah mas’uul ka tirsan maamulka deegaanka.

Weerarkan ayaa loo arkayay mid si weyn loo filayay, kaddib weerarkii 22-kii April lagu qaaday dalxiisayaal ku sugnaa Pahalgam oo ku taalla Kashmir-ta ay maamusho Hindiya, kaasoo New Delhi ku eedeysay in uu fuliyay kooxda Lashkar-e-Taiba ee fadhigeedu yahay Pakistan, taasoo Qaramada Midoobay ku darsatay liiska argagixisada.

Weerarkaasi ayaa lagu dilay 26 qof, intooda badanna waxay ahaayeen rag Hindu ah.

New Delhi ayaa eedeyntii ku laabatay Islamabad, taasoo dhalisay hanjabaado kulul iyo tallaabooyin diblomaasiyadeed oo is daba joog ah.

Pakistan ayaa iska fogeysay eedeymaha, waxayna ku baaqday in la sameeyo baaritaan madax bannaan. Arbacadii, Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif ayaa weerarrada Hindiya ku tilmaamay “gardarro arxan-darro ah” oo aan “aanan laga aamusi doonin.”

Labada dhinac ayaa tan iyo 24-kii April habeen walba isweydaarsanayay rasaas, sida ay sheegtay ciidamada Hindiya. Pakistan ayaa dhankeeda sheegtay in ay sameysay laba tijaabo oo gantaallo ah.

‘Xakameyn dheeri ah ha la muujiyo’

“Xiisadda kacsan ee u dhaxeysa Hindiya iyo Pakistan ayaa durba gaartay heer ka sareeya rabshadihii ugu dambeeyay ee sannadkii 2019, taasoo halis u leh xasilloonida gobolka,” ayuu yiri falanqeeye Praveen Donthi oo ka tirsan International Crisis Group.

Diblomaasiyiinta caalamka ayaa cadaadis saaraya labada dal si ay uga fogaadaan dagaal ballaaran.

“Dunidu ma awooddo in ay aragto dagaal toos ah oo u dhexeeya Hindiya iyo Pakistan,” ayuu yiri Stephane Dujarric, afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, oo war-saxaafadeed soo saaray.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa weriyeyaasha u sheegay in uu rajeynayo in dagaalku “si dhakhso ah ku dhammaado.”

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio ayaa la hadlay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan amniga New Delhi iyo Islamabad tan iyo weerarradii, wuxuuna sheegay in uu si dhow ula socdo xaaladda.

Walwalka caalamiga ah ayaa isa soo taraya, iyadoo Shiinaha – oo ah deris labadaba – iyo dalal kale oo ay ka mid yihiin Britain, Faransiiska iyo Ruushka ay muujiyeen cabsi. Diyaarado badan ayaa hakiyay ama beddelay duullimaadyadoodii.

Dagaalyahanno kasoo horjeeda maamulka Hindiya ayaa tan iyo 1989 ka waday kacdoon hubeysan oo ay ku doonayaan madaxbannaani ama in Kashmir la midoobo Pakistan.

Hindiya ayaa si joogto ah ugu eedeysa Pakistan in ay taageerto kooxaha hubeysan ee la dagaallama ciidamada Hindiya ee Kashmir – eedeymo ay Pakistan had iyo jeer beeniso.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, ayaa lagu wadaa in uu Arbacada gaaro New Delhi, labo maalmood kaddib booqashadiisii Islamabad, iyadoo Tehran ay isku dayeyso in ay dhexdhexaadiso xiisadda labada dhinac.

Qaraxyo maanta ka dhacay Muqdisho + Khasaaraha

Muqdisho (Caasimasa Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo xooggan oo maanta laga maqlay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kuwaas oo gaystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxyada oo laba ahaa ayaa midka koowaad waxa uu ka dhacay degmada Yaaqshiid, waxaana lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Nabad Sugidda oo ku sugnaa halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa miino ay waxyeelo kasoo gaartay ciidamada Nabad Sugidda ee lagu weeraray degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir

Qaraxa labaad ayaa isna ka dhacay degmada Wadajir, gaar ahaan Waaxda Xalane, waxaana jugtiisa si xooggan looga maqlay xaafadaha kala duwan ee degmadaasi.

Ma cadda cadda khasaaraha ka dhashay qaraxan, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Goobaha ay qaraxyada ka dhaceen ayaa waxaa sidoo kale gaaray ciidamo iyo saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Soomaaliya, kuwaas oo haatan wada baaritaanno dheeraad ah oo ku aadan qaraxyada maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kaso baxay laamaha amniga Soomaaliya oo ku aadan qaraxyadaas iyo sidoo kale howlgallada xigay.

Weeraradan loo adeegsaday qaraxyada ayaa kusoo aadayo, xilli maalmihii u dambeeyay degmooyinka gobolka Banaadir ay ka socdeen ololaha is diiwaangelinta dadweynaha ee doorashooyinka qof iyo codka ah oo hataan uu ka taagan yahay muran xooggan.

Si kastaba ha ahaatee, qaraxyadan waxaa kale ay kusoo aadeen, xilli muddooyinkii lasoo dhaafay ay caasimada ka caaganeyd qaraxyada iyo dilalka qorsheysan, kadib qorshe hirgalay oo ay la timid Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya

Xasan Sheekh iyo madax-goboleedyada oo gaaraya go’aan culus oo lagu dhisayo…

Muqdisho (Caasimada Online)  – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada dalka oo uu haatan shir uga socdo magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in maanta ay ku dhowaaqaan dhismaha hal xisbi wayn oo ay ku mideysan yihiin, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Xisbiga la dhisayo ayaa ah midka UPD ee madaxweynaha, kaas oo dib boorka looga jafayo, waxaana laga beddalay magacii iyada oo loo bixiyay Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka.

Wasiirka Gaadiidka iyo Dekedaha Xukuumadda Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo qoraal kooban soo saaray ayaa xaqiijiyay in maanta xisbigan lagu dhowaaqayo, isaga oo sheegay inuu noqonayo xisbiga ugu wayn ee laga hirgeliyo dalka.

Jaamac ayaa sidoo kale sheegay in go’aankan oo muddo soo socday maanta laga dhabeynayo, isla markaana madaxda Soomaaliyeed ee talada haya ay go’aan ku gaareen inay sameystaan hal xisbi, maadaama la aadayo doorashooyin qof iyo cod ah.

“Dalka wuxuu yeelanayaa Xisbi weyn ilaahaa weyne oo ay Soomali ku dhantahay Sidoo kale kaftan ahayn sidii kuwii hore inta Shacabka loo sheegey hadana runoowi waayey” ayuu yiri wasiirku.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in tani ay muujineyso in laga gudbay doorashadii dadbaneyd, isla-markaana la aaday doorashooyin toos ah oo awooddda dib loogu celinayo shacabka.

“Waa taariikh ugub ah in Xisbiga talada haya wuxuu balan qaadey ka run sheegaayo oo hadana fulintiisa u diyaar ah. Doorasho dadban waa la duugey’. ayuu sii raaciyay.

Sida qorshuhu yahay waxaa xisbigan kasoo muuqan doono madaxweynayaasha maamullada Koonfur Galbeed, Galmudug, HirShabelle iyo SSC-Khaatumo oo haatan goobjoog ah shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo galay maalintiisii labaad oo xiriir ah.

Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyso doorasho qof iyo cod ah, inkastoo la’isku khilaafsan yahay, waxaana bannaanka ka jooga mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland.

Xog: Xasan oo qorsheynaya isbeddelo hor leh oo lagu sameynayo xubnaha DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dardar gelinaya isbeddel ballaaran oo lagu sameynayo xubnaha ugu dhow ee xafiiskiisa, maalmo un kadib markii la isku beddelay qaar ka mid ah wasiirada sare ee dowladda.

27-kii April, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu shaqada ka eryay Wasiirkii Gaashaandhigga Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi — oo xafiiska hayay muddo labo bilood ka yar — wuxuuna beddelay Wasiirka Arrimaha Dibedda Axmed Macallin Fiqi.

Isbeddelladaas ayaa la filayaa inay sii socdaan horraanta bisha Maajo, iyadoo xoguhu tilmaamayaan in Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Abshir Maxamed Axmed oo loo yaqaan “Bukhaari,” isna laga yaabo in xilka laga qaado.

Bukhaari, oo horey u soo noqday Senatar iyo maareeyihii ololaha doorashada guuleysatay ee Xasan Sheekh 2022, ayaa ahaa mid aad ugu dhow madaxweynaha. Wuxuu taageere u ahaa madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ilaa 2017, markaasoo uu ku biiray garabka Xasan Sheekh.

Bilihii u dambeeyay, saameynta Bukhaari ee Villa Somalia ayaa si weyn u yaraanaysay, waxaana booskaas billaabay inay buuxiso Hinda Culusow — madaxda habmaamuuska iyo eedada madaxweynaha, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

Weli si rasmi ah loo cayimin cidda laga yaabo in lagu beddelo Bukhaari.

Isbeddelladani waxay ku soo beegmayaan iyadoo guuldarrooyin milatari laga soo sheegayay furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Taliyaha ciidanka xoogga dalka, Odowaa Yuusuf Raage, ayaa wajahaya cadaadis la xiriira in xilka laga qaado.

Sidoo kale, waxaa su’aal la gelinayaa sii joogitaanka agaasimaha hay’adda sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali “Sanbaloolshe.” Madaxweynaha ayaa lagu soo warramayaa inuu ka fiirsanayo in xilkaas uu u celiyo Mahad Maxamed Salaad, agaasimihii hore ee la eryay Agoosto 2024.

Isku shaandheyn daba-dheeraatay

Isku beddelka joogtada ah ee hoggaanka wasaaradda gaashaandhigga — oo saddex wasiir kala duwan soo martay laba bilood gudahood — ayaa muujinaya cadaadiska siyaasadeed ee gudaha iyo kan dibedda, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh lagu cadaadinayo inuu dib u habeeyo nidaamka difaaca dalka.

Halka wasiiradii hore lagu eedeeyay maamul xumo iyo lunsasho hanti dadweyne, wasiir cusub Fiqi ayaa laga walaacsan yahay khibrad la’aantiisa ciidan. In kasta oo uu mucaarad ku ahaa Xasan Sheekh intii lagu jiray muddadiisii hore (2012–2017), haddana wuxuu noqday saaxiib dhow oo muhiim u ah maamulka hadda jira.

Madaxweynuhu weli wuxuu ku tiirsan yahay laba siyaasi oo miisaan ku leh beelaha Digil iyo Mirifle. Ra’iisul Wasaare ku xigeenkiisa labaad, Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaaay, ayaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibedda, halka xilkiisii hore loo wareejiyay wasiirkii hore ee gaashaandhigga, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi — oo ah saaxiib dhow la ah qoyska madaxweynaha. 

Soomaaliya oo shaqaale u dhoofineysa Sacuudiga

Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa Isniintii kulan heer sare ah kula yeeshay magaalada Riyadh Wasiir Ku-xigeenka Kheyraadka Aadanaha iyo Horumarinta Bulshada ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Mudane Dr. Cabdalla bin Naasir Abuthnain.

Kulankani wuxuu qeyb ka ahaa booqasho rasmi ah oo shaqo oo Wasiir Yuusuf uu ku joogo Sacuudi Carabiya, waxaana uu diiradda saarnaa xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada horumarinta bulshada, isu-socodka shaqaalaha, iyo abuurista fursado shaqo.

Kulanka waxa uu sidoo kale qeyb ka yahay dadaallo ballaaran oo dowladda Soomaaliya ay ku raadineyso sidii loo heli lahaa fursado shaqo oo dibadda ah iyo sidii loo dhisi lahaa iskaashi caalami ah oo taageera yoolalka horumarineed ee dalka.

Qodobka ugu weyn ee laga dooday kulanka wuxuu ahaa dhaqan-gelinta degdegga ah ee heshiis is-afgarad oo dhowaan ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya, kaasoo lagu hagaajinayo socdaalka sharciyeysan iyo helitaanka fursado shaqo oo rasmi ah oo ay helaan shaqaalaha Soomaaliyeed.

Labada wasiir waxay isku raaceen in si dhakhso leh loo hirgeliyo heshiiskaas, iyadoo la xoogga saarayo in la abuuro waddooyin shaqo oo ammaan ah, nidaamsan, sharaf lehna, si ay uga faa’iideystaan kumannaan shaqo-doon Soomaali ah. Tallaabadani waxay gacan ka geysan doontaa dhimista shaqo-la’aanta dhallinyarada iyo kor u qaadidda xirfadaha shaqo, iyadoo la xirinayo shaqaalaha Soomaaliyeed iyo suuqyada caalamiga ah ee shaqada.

“Waxaan si buuxda ugu heellanahay in dhallinyaradeenna iyo xirfadlayaasheenna ay helaan fursado shaqo oo sharci ah oo wax-soosaar leh,” ayuu yiri Wasiir Yuusuf. “Heshiiskan lala galay Boqortooyada Sacuudiga wuxuu u taagan yahay tallaabo weyn oo loo qaaday xalka shaqo la’aanta iyo abuurista fursado nololeed oo waara.”

Himilo fog oo ku aaddan suuq shaqo

Wasiir Yuusuf ayaa xusay in Wasaaradda Shaqadu ay wado istaraatiijiyad fog oo ku saleysan abuurista shaqo, horumarinta awoodda shaqaalaha, iyo ka-qeybgalka dhaqaale ee shacabka iyada oo loo marayo iskaashi caalami ah. Wuxuu carabka ku adkeeyay in iskaashiyada shaqo ee laba geesoodka ahi ay yihiin udub dhexaadka guulaha la xiriira horumarinta iyo daryeelka bulshada ee Soomaaliya.

“Dhisidda iskaashi shaqo oo istiraatiiji ah kuma koobna kaliya dirista shaqaale dibadda,” ayuu yiri. “Waxay ku saabsan tahay dhisidda shaqaale tayo leh oo diyaar u ah mustaqbalka, taasoo qeyb ka ah horumarka qarankeena. Waxaan maalgelinaynaa awoodda bini’aadamka, annagoo la shaqeyneyna saaxiibo caalami ah oo lagu kalsoonaan karo si loo dhiso nidaam shaqo oo adkeysi leh, loona adeegayo dhammaan shacabka Soomaaliyeed.”

Wasiir Ku-xigeenka Sacuudiga, Dr. Cabdalla bin Naasir Abuthnain, ayaa soo dhaweeyay iskaashigan cusub, isagoo muujiyay diyaar garowga Boqortooyada ee ah inay si dhow ula shaqeyso Soomaaliya si loo hirgeliyo heshiiska shaqo si hufan.

Wuxuu xusay in Sacuudi Carabiya ay ka go’an tahay taageeridda dadaallada lagu horumarinayo nidaamka socdaalka shaqo ee nidaamsan, ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, iyo kor u qaadista natiijooyinka horumarineed ee bulshada.

Dr. Cabdalla wuxuu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhinacyada horumarinta shaqaalaha, isku xirka xirfadaha, iyo helitaanka suuqyada shaqo, isagoo sheegay in arrimahani ay faa’iido u leeyihiin labada dhinac.

Iskaashigan sare wuxuu astaan u yahay horumar la taaban karo oo ku saabsan dadaallada Soomaaliya ay ugu jirto dhismaha iskaashi goboleed iyo caalami ah si loo horumariyo fursadaha shaqo, maamulka socdaalka, iyo koboca waara ee dalka.

Wasaaradda Shaqada ayaa la filayaa inay sii waddo wadahadallo la mid ah oo ay la yeelato dalal kale si loo ballaariyo fursadaha shaqo ee dibadda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sidoo kale ku dhawaaqday in la hirgelin doono barnaamijyo tababar iyo nidaamyo sharciyeed oo lagu diyaarinayo shaqaalaha u baxaya dibadda, si loo sugo badqabkooda, daryeelkooda iyo la qabsigooda nolosha cusub.

“Arrintani kuma koobna shaqo-abuur kaliya,” ayuu yiri Wasiir Yuusuf. “Waa ku saabsan tahay soo celinta sharafta, abuurista rajo, iyo furitaanka kartida dhallinyaradeenna.”

DF Soomaaliya oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta xaaladda dalka Suudaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ka hadashay xaaladda ka taagan dalka Suudaan oo weli ay ka socdaan dagaallo u dhexeeya ciidamada milatariga iyo kuwa RSF oo isku adeegsanayo hub culus.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa waxaa ugu horreyntii walaac xooggan looga muujiyay weerarrada joogtada ah ee ciidamada RSF ay ku qaadaan xarruumaha dowladda iyo rayidka ee ku yaalla magaalooyinka Kasala iyo Port Sudan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in weeraradani ay sababi karaan dhibaatooyin dhaqaale iyo kuwa amni oo la xiriira xaaladda Suudaan.

Sidoo kale, Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diidan yahay in la waxyeeleeyo mustaqbalka Suudaan, gaar ahaan dhaqaalaha dalkaas oo hadda sii liicaya.

“Weerarada noocan ah, waxaa ay halis ku yihiin kana hor imaanayaan shuruucda Caalamiga ah, waan diidanahay in la dhaawaco ilaha dhaqaalaha Suudaan” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka ayaa farriin u dirtay beesha caalamka iyo dalalka gobolka, waxayna ugu baaqday in dadaalkooda ay isugu geeyaan sidii loo heli lahaa xal nabadeed oo dhameystiran, iyadoo loo marayo wadahadal nabadeed oo loo dhan yahay.

“Waxaan ugu baaqaysaa bulshada caalamka iyo tan gobolka inay kordhiyaan dadaallada diblomaasiyadeed si loo soo afjaro colaadda, loogana gudbo xaaladda jirta iyadoo la marayo wadahadal nabadeed oo dhameystiran” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.

Hadalkan kasoo yeeray Dowladda Soomaaliya ayaa kusoo aadayo, xilli saacadihii ugu dambeeyay qaraxyo xooggan laga maqlay aagga magaalada Port Sudan, kadib markii ciidanka RSF ay beegsadeen garoonka diyaaradaha iyo dekadda magaaladaasi.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa xiriir wanaagsan laleh Suudaan oo horay dadka Soomaaliyeed taageero wayn ugu fidisay, gaar ahaan dhanka wabxarashada, waxaana sidoo kale jira xiriir ganacsi oo wayn oo ka dhexeeya labada dal.

India oo weerar ku qaaday Pakistan iyo dagaal si rasmi ah uga dhex-qarxay labada dal

Islamabad (Caasimada Online) – Hindiya ayaa Arbacadii ku dhawaaqday in ay fulisay “weerarro si gaar ah loo bartilmaameedsaday” oo ka dhan ah xeryo argagixiso oo ku yaalla gudaha Pakistan iyo dhulka Kashmir ee ay Pakistan maamusho, maalmo kadib markii ay New Delhi ku eedaysay Islamabad weerar dhimasho sababay oo ka dhacay dhanka Hindiya ee gobolka lagu muransan yahay.

Khilaafka muddo dheer u dhexeeyay labada dal ee deriska ah isla markaana haysta hubka nukliyeerka ayaa si lama filaan ah sare ugu kacay. Diyaarado dagaal ayaa waaberigii Arbacada dul maray buuraleyda Himalaya, iyadoo qaraxyo laga maqlay agagaarka xuduudda lagu magacaabo “Line of Control.”

“Dhowaan, ciidamada qalabka sida ee Hindiya waxay bilaabeen ‘Hawlgalka SINDOOR’, iyaga oo beegsaday xarumo argagixiso oo ku yaalla gudaha Pakistan iyo dhulka Jamuu & Kashmir ee ay Pakistan maamusho—meelo laga abaabulo weerarrada lagu beegsado gudaha Hindiya,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay dowladda.

Ciidanka Hindiya ayaa muuqaal ay ku baahiyeen barta X ku sheegay in “cadaalad la helay,” iyadoo dowladda ku dartay in tallaabadoodu ahayd “mid si bartilmaameedsan u fulay, xadidan, isla markaana aan kicin xaaladda.”

Bayaanka ayaa intaas ku daray: “Wax xarumo milatari oo Pakistani ah lama beegsan.” Dowladda Hindiya ayaa sidoo kale sheegtay in ay si taxaddar leh u xulatay bartilmaameedyada iyo habka weerarka.

Qaraxyo xooggan ayaa laga maqlay magaalada Poonch, oo 16 kiiloomitir u jirta xuduudda, halkaas oo New Delhi ku eedaysay Pakistan in ay madaafiic kasoo tuurtay dhanka kale ee xuduudda.

Diyaaradaha dagaalka ee Hindiya ayaa laga maqlay iyaga oo dul maraya magaalada Srinagar, caasimadda Kashmir ee ay Hindiya maamusho. Qaraxyo kale ayaa laga maqlay deegaanka Wuyan, oo dhowr kiiloomitir u jira saldhigga milatari ee Srinagar.

“Pakistan mar kale ayay jebisay heshiiskii xabbad-joojinta, iyadoo madaafiic ku garaacday deegaanka Bhimber Gali ee gobolka Poonch-Rajouri,” ayaa lagu yiri qoraal ciidamada Hindiya ay soo dhigeen X.

Ciidamada ayaa intaas ku daray in ay “si xisaabsan oo habeysan uga jawaabayaan weerarrada.”

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, ayaa sheegay in dowladdiisu ka jawaabeyso weerarrada Hindiya, inkastoo uusan bixin faahfaahin dheeraad ah. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xaaladda ku tilmaamay “mid laga xumaado,” isaga oo rajo ka muujiyay in xiisadda “si dhakhso ah u dhammaato.”

Dowladda Punjab, oo ah gobolka ugu dadka badan Pakistan, ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah, sida uu sheegay madaxa gobolka. Isbitaallada iyo adeegyada degdegga ah ayaa la geliyay heegan buuxa.

Xiriirka labada dal ayaa si xowli ah hoos ugu dhacay, kadib markii koox hubeysan ay bishii hore dileen 26 qof oo badankood ahaayeen dad Hindu ah, weerar ka dhacay Kashmir ee ay Hindiya xukunto.

Labo maalmood kaddib weerarkaas, ayaa xabbad isweydaarsi ay ka bilowdeen daaqsin u dhow deegaanka Pahalgam ee dhulka ay Hindiya maamusho.

New Delhi ayaa Pakistan si toos ah ugu eedaysay taageerada weeraryahannada, balse Islamabad ayaa si adag u beenisay. Labada dal ee awoodda nukliyeerka leh ayaa habeen walba rasaas is-weydaarsanayay tan iyo 24-kii April, iyadoo dagaal ku dhex marayay xuduudda aan si rasmi ah loo aqoonsanayn ee Kashmir.

Labada dhinac ayaa sidoo kale qaaday tallaabooyin ciqaabeed oo diblomaasiyadeed—oo ay kamid tahay kansalka fiisayaashii ay muwaadiniinta midba midka kale siin jireen.

Hindiya iyo Pakistan ayaa hore u galay laba dagaal iyo dagaallo yaryar oo salka ku haya muranka ku saabsan gacan ku haynta gobolka buuraleyda ah ee Kashmir.

Ra’iisul Wasaare Narendra Modi ayaa Talaadadii ku hanjabay in biyaha ka soo qulqula Hindiya ee gala dalalka deriska ah, oo Pakistan ay kamid tahay, la joojin doono—wax yar uun kadib markii dowladdiisu hakisay heshiis biyo-wadaag muhiim ah oo ay la lahayd Islamabad.

 

Xog: Sarkaal laga sii daayey xabsiga Laascaanood oo dib isugu dhiibay Khaatumo

Laascaanood (Caasimada Online) – Sarkaal ka mid ah Maxaabiistii Somaliland ee dhowaan laga sii daayey Laascanood ayaa dhinaca Itoobiya kasoo galay magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer.

Sarkaalkaan ayaa dib isugu dhiibay  Maamulka SSC-Khaatumo oo maxbuus dagaal lagu qabtay uu ahaa labo sano.

Sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka SSC-Khaatumo sarkaalkan ayaa sheegay in uu doorbidayo la noolaashaha dadka reer SSC.

Markii la wareystay wuxuu sheegay inuu aad u daneynayo deganaashaha magaaladii uu maxbuuska ku ahaa Laascanood.

Faahfaahin badan lagama helin sababta sarkaalkaan ku kaliftay inuu dib ugu laabto dadkii reer Laascaanood ee qabtay isagoo dagaalamaya.

Dadka qaar waxay noo sheegeen in sarkaalkaan uu Hargeysa kala kulmay tagoor bulsho, maadaama uu ahaa maxbuus dagaal oo muddo badan u xiraa SSC-Khaatumo.

Dad kale waxay noo sheegeen in xabsiga uu ku xanuunsaday intii uu ku jiray oo dhimirka ay wax ka gaareen, isla markaana uu iska jeclaaday inuu ku soo laabto deegaankii uu ku xiraa jiray.

SSC-Khaatumo oo weli ay u xiran yihiin in ka badan 400 oo maxbuus ayaa dhowaan si shuruud la’aan ah u sii deysay 25 maxbuus oo sarkaalkaan uu ku jiro.

Dowladda Soomaaliya oo garwadeen ka aheed sii deynta maxaabiistaas ayaa ka soo dejisay Muqdisho, kadibna u dirtay Hargeysa, halkaas oo si qarsoodi ah loogu soo dhaweeyey, Somaliland ayaa diiday in Warbaahinta la tuso maxaabiistaas markii ay ka degayeen Hargeysa.

Sawirro: Xasan Sheekh iyo Odowaa oo caawa hal arrin kala hadlay taliyaha AFRICOM

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) General Michael E. Langley, isagoo kala hadlay iskaashiga la dagaalanka argagixisada ee Soomaaliya iyo Mareykanka.

Madaxweynaha iyo Taliyaha waxaa kulankaan ku wehliyey Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage iyo Safiirka Mareykanka ee Muqdisho, waxaana wadahadkaan diiradda lagu saaray dardargelinta dadaallada wadajirka ah ee dagaalka argagixisada.

Masuuliyiinta ayaa isla gartay in la xoojiyo isku-duwidda qaab-dhismeedka ballaaran ee iskaashiga amniga, oo ay ku jirto AUSSOM, howlgalka cusub ee Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa muujiyay sida weyn ee ay Soomaaliya ugu mahadcelineyso taageerada joogtada ah ee Mareykanka uu ka geysto dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah.

Taageerada duqeymaha ayey Madaxweynaha iyo Taliyaha Xoogga aad uga dalbadeen sarkaalkaan Mareykanka u qaabilsan hoggaaminta howlgalkooda Afrika.

Dowladda Soomaaliya oo soo iibsatay diyaaradaha dagaalka ayaa weli Mareykanka weydiisata in duqeymo looga fuliyo goobaha lagu bartilmaameedsado Khawaarijta Al-Shabaab iyo Daacish.

Diyaaradaha dagaalka ee dowladda ayaan weli la howlgelin, waxaana jira farsamooyin qaldan oo aan la sixin lana shaacin, balse Caasimada Online ayaa ogaatay in Talisyada Xoogga Dalka iyo NISA ay isku qabsadeen maamulka diyaaradahaas.

Xasan oo lagu eedeeyey inuu Muqdisho isugu keenay xubno aan sharciyad haysan

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali oo hoggaamiya Xisbiga ILAYS ayaa si adag u saluugay Shirka Wadatashiga Qaranka ee maanta ka furmay magalaada Muqdisho, isagoo sheegay in aan loo dhamayn, kana leexday ballanqaadkii madaxweyne Xasan Sheekh ee ‘shirweyne qaran oo loo dhan yahay.’

“Waxaan ku baaqeynaa wada-tashi dhab ah oo ay ka qeybgalayaan dhammaan maamul-goboleedyada iyo saamileyda siyaasadeed ee dalka,” ayuu yiri.

Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble oo kamid ahaa musharaxiintii la tartameysay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in qaar ka mid ah madaxda maamul-goboleedyada uu isku keenay Xasan Sheegay aysan intooda badan heysan sharciyad buuxda.

“Xisbiga ILAYS waxa uu aaminsan yahay in masiirka dalka Soomaaliyeed u baahan yahay wada-tashi dhab ah, ballaaran oo daahfuran, kaas oo aan lagu salayn dano gaar ah ama u janjeerin dhinacyo gooni ah,” ayuu Cosoble ku yiri qoraalkiisa.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay madaxweynaha in si degdeg ah uu u qabto shirweyne qaran oo dhab ah, laguna casuumo dhammaan maamul-goboleedyada, saamileyda siyaasadeed, bulshada rayidka ah, iyo daneeyayaasha kale ee muhiimka ah.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo qeyb ka ah gogoshii Qaran ee uu fidiyay Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 1-aad Xukuumadda Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Dowlad-goboleedyada; Koonfur-galbeed Mudane Cabdacasiis Xasan Maxamed, Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-cali, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Amiir.

Shirkan oo ah mid heer qaran ah, ayaa waxaa looga arrinsanayaa xaaladda dalka, howlgallada xoreynta deegaannada ay ku harsan yihiin argagixisada, dhammaystirka dastuurka iyo hannaanka dimuqraadiyadeed, dib u dhiska ciidamada iyo horumarinta dowladnimada.

Reer Puntland oo ku kala qeybsamay shirka Muqdisho

Garoowe (Caasimada Online) – Xukuumadda Puntland iyo siyaasiyiinta maamulka ayaa ku kala qeybsamay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho, kaas oo ka maqan tahay, sababo a xiriira khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka.

Wasiirka arrimaha gudaha maamulkaas, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka horyimid shirka furmay, wuxuuna weerar culus ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh.

Juxa ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in shirka furmay uu yahay dhammaadka Golaha NCC ee Wadatashiga Qaran, sida uu hadalka u dhigay.

“Xasan Sheekh Maxamuud weli wuxuu ku jiraa is-diidsiin…Tani waa dhammaadkii golaha NCC ee Wadatashiga Qaran” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Puntland.

Intaas kadib waxaa isna qoraal ka duwan midkan soo saaray guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland, Xildhibaan Cabdirashiid Abwaan, kaas oo taageero wayn u muujiyay shirka Golaha Wadatashiga ayaa soo dhaweeyay ka qayb-galka SSC-Khaatumo.

“Madasha Wadatashiga Qaranka iyo maalin kale oo midab kale leh, mar kale iyo hambalyo SSC-KHAATUMO” ayuu yiri guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland.

Shirka maanta ka furmay magaalada Muqdisho ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa waxaa intiisa badan diiradda lagu saari doono arrimo muhiim ah oo la xiriira amniga dalka iyo qorshaha doorashooyinka dalka ee 2026.

Sidoo kale, waxaa shirka lagu soo qaadi doonaa dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab oo haatan soo xoogeystay, kadib markii ay kooxda culeys soo saartay Shabeellooyinka.

Kulanka oo maanta oo ahaa mid hordhac ah ayaa madaxdu isaga xog wareysteen xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka iyo haatan wixii ka dambeeyo guda geli doono ajendayaasha muhiimka shirkooda, oo ku soo aaday, xilli ay taagan tahay xiisad culus.

Madaxda ayaa sidoo kale la filayaa in war-murtiyeed ay soo saaraan kadib shirkooda, kaas oo ku aadan xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan arrimaha xasaasiga ah ee taagan.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad siyaasadeed oo cakiran, waxaana usii dheer halista Al-Shabaab oo haatan culeys soo saartay gobollada Shabeellooyinka oo daris la ah magaalada Muqdisho.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga war sugayaa natiijada kasoo baxda shirka wadatashiga ee maanta furmayo oo ku soo aaday, xilli xasaasi ah oo loo baahnaa.

FIQI oo kulan miro-dhal ah la qaatay safiirka Mareykanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta kulan miro-dhal ah Muqdisho kula yeeshay safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah.

Fiqi iyo Danjire Richard H. Riley ayaa kulankooda si gaar ah diiradda ugu saaray iskaashiga amniga Soomaaliya iyo Mareykanka ee soo jireenka ah iyo xoojinta xiriirka qotoda dheer ee labada dhinac.

Wasiirka cusub ee Gaashaanhigga oo ka warbixiyay kulanka uu la yeeshay safiirka Mareykanka ayaa ugu horreyntii uga mahadceliyay taageerada milatari ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan ka qayb-qaadashada howlgallada ka dhanka ah argagixisada.

Fiqi ayaa sidoo kale Mareykanka ka dalbaday inuu sare u qaado xiriirka dhanka difaaca ee uu la leeyahay Soomaaliya, si loo soo afjaro kooxaha argagixisada ah ee ku sugan dalka.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan la kulmo Amb. Riley. Mareykanka ayaa weli ah saaxiibka dhinaca ammaanka ka taageera Soomaaliya, Waxaan si weyn uga mahadcelineynaa taageerada joogtada ah ay nasiiyaan waxaana rajeyneynaa inaan sare u qaadno xiriirka difaaca annaga oo iska kaashanayna dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab iyo Daacish” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Wasiir Fiqi soo dhigay bartiisa X.

Kulankan ayaa kusoo aadayo, xilli uu haatan meel adag marayo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, kaas oo sii xoogeystay, kadib markii ay kooxda culus saartay labada Shabelle, gaar ahaan deegaannadii horay looga qabsaday oo mar kae ay dib ula wareegtay.

Sidaan oo kale safiirka Mareykanka ayaa shalay kulan ula yeeshay madaxweynihii hore ee dalka Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay ka wada-hadleen doorasooyinka dalka, amniga iyo dagaalka lagula jiro maleeshyaadka Kooxda Al-Shabaab.

“Waxaan maanta kulan kuwada yeelanay Magaaladda Muqdisho safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya U.S. Embassy Mogadishu, ambassador Richard Riley, innagoo kulankeenna diiradda ku saarnay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan Amniga, siyaaasadda iyo sida ay muhiim ugu tahay horrumarinta geedi-socodka dowlad dhiska iyadoo ay mar walba saldhig u tahay xasillooni siyaasadeed” ayuu isna qoraal ku yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waawayn ee ku jira dagaalka, wuxuuna dhanka hawada ka taageeraa ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa xaq-u-dirirka deegaanka.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo goor dhow ka furmay Muqdisho + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee uu horay u iclaamiyay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah uga furmay xarunta Villa Soomaaliya, kaas oo u dhexeeyo madaxda Dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah kuwa maamul goboleedyada dalka, kaas oo looga hadlayo arrimo xasaasi ah.

Shirka oo ah mid muhiim ah ayaa waxaa guddoomin doono madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka qayb-galaya hoggaamiyeyaasha maamullada Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed, SSC-Khaatumo iyo maamulka gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in shirka intiisa badan diiradda lagu saari doono arrimo muhiim ah oo la xiriira amniga dalka iyo qorshaha doorashooyinka dalka ee 2026.

Sidoo kale, waxaa shirka lagu soo qaadi doonaa dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab oo haatan soo xoogeystay, kadib markii ay kooxda culeys soo saartay Shabeellooyinka.

Kulanka oo maanta oo ahaa mid hordhac ah ayaa madaxdu isaga xog wareysteen xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka iyo haatan wixii ka dambeeyo guda geli doono ajendayaasha muhiimka shirkooda, oo ku soo aaday, xilli ay taagan tahay xiisad culus.

Madaxda ayaa sidoo kale la filayaa in war-murtiyeed ay soo saaraan kadib shirkooda, kaas oo ku aadan xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan arrimaha xasaasiga ah ee taagan.

Waxaa shirka ka maqan madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo haatan uu khilaaf kala dhexeeyo Dowladda Federaalka, kuwaas oo diidan qorshaha Villa Soomaaliya ee la xiriira doorashooyinka dalka iyo arrimaha dastuurka.

Waxaa kale oo dood wayn qaba xubnaha mucaaradka oo iyagana kasoo horjeedo qorshaha Villa Soomaaliya ee la xiriira doorashooyinka qof iyo codka ah ee haatan diiwaangelintooda ay ka socoto qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Dhinkooda, Wakiilada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa haatan wada dadaallo dheeraad ah oo ku aadan xal u helidda muranka siyaasadeed ee ka taagan dalka, gaar ahaan hannaanka doorashada ee sida aadka ah la’isugu hayo.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad siyaasadeed oo cakiran, waxaana usii dheer halista Al-Shabaab oo haatan culeys soo saartay gobollada Shabeellooyinka oo daris la ah magaalada Muqdisho.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga war sugayaa natiijada kasoo baxda shirka wadatashiga ee maanta furmayo oo ku soo aaday, xilli xasaasi ah oo loo baahnaa.

Duqeyn culus oo maanta ka dhacday Shabeellaha Dhexe

Jowhar (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeyn diyaaradeed oo maanta dhacday deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Duqeynta ayaa si gaar ah uga dhacday deegaannada Labagaras iyo Sumadaale ee bariga gobolkaasi, waxaana lala eegtay bartilmaameedyo muhiim ah.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaaraduhu duqeeyeen saldhigyo ay ku sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab iyo goobo ay u yaalleen gaadiidka, waxaana ka dhashay khasaar culus.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ay maqlayeen jugta gantaallada lagu garaacay deegaannadaas, oo kamid ah meelaha ay soo galeen Al-Shabaab, balse waxa ay tilmaameen in aysan caddeyn karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Xaaladda cakiran, waxaana adag in macluumaad dhammeystiran laga helo goobaha la duqeeyay oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Dowladda Soomaaliya oo ku aadan weerarka dhanka cirka ah ee saaka ka dhacay bariga gobolka Shabeellaha Dhexe.

Duqeyntan ayaa qayb ka noqoneyso howlgallo ka socday gobolkan oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa xaq-u-dirirka deegaanka.

Al-Shabaab ayaa culeys soo saartay Shabeellaha Dhexe, iyada oo la wareegtay inta badan deegaannadii horay looga saaray ee gobolkaasi, taas oo keentay in xaaladda ay kasii darto.

Si kastaba ahaatee, dowladda federaalka ayaa haatan wadda qorsheyaal ballaaran oo ku aadan sidii ay dib ugu qaadi lahay guluf Shabaab ooga saari lahaa Shabeellaha Dhexe.

Guddiga doorashooyinka oo qaaday tallaabo kale oo culus – Maxaa soo kordhay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa Bananaan Ee Doorashooyinka Qaranka ayaa mar kale qaaday tallaabo culus oo la xiriirta doorashada, wuxuuna maanta diiwaangeliyay illaa afar urur siyaasadeed oo qaatay shahaadada uu bixiyo guddiga.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada, Cabdikariin Axmed Xasan oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa soo bandhigay ururada si diiwaangeliyay ee lixda ah, wuxuuna tilmaamay inay ku biirayaan 17 kale oo horay iskuugu diiwaangeliyay tartanka.

“Lixdaan urur ee sharafta leh ee maanta i hortaagan waxaad ku biiri doontaan 17 urur oo horay saan oo kale u siinay shahaadada is diiwaangelinta, marka waan ku faraxsanahay inaa noqotaan 23 urur oo soo buuxiyay shuruudihii laga rabay” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wadarta guud xisbiyada is diiwaangeliyay ay yihiin 23 urur, isla markaanada ay noqonayaan ururada rasmiga ah ee hadda ka jira dalka.

“Waxaan idin leeyahay kusoo dhowaada saaxada siyaasadda, maanta wixii ka dambeeya waxaa idinka rabnaa inaad diiwaangelinta dadweynaha usoo dirsataan ergadii goobaha diiwangelinta, insha allah” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha guddiga doorashooyinka.

Cabdikariin ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in 15-ka bishaan lasoo gabagabeyn doono diiwaangelinta ururada siyaasadda, kadibna la guda geli doono howlaha kale ee u yaal.

“Bishaan May 15-keeda waxaa xirmi doonto diiwaangelinta ururada siyaasadda, inta hadda qaadatay shahaadada ayaana noqon doonto ururada rasmiga ah ee dalka u diiwaangashay, xaqana u leh inay tartamaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhinca kale wuxuu soo hadal qaaday ololaha diiwaangelinta dadweynaha ee haatan ka socda Mudqdisho, wuxuuna sheegay in la gaarsiin doono gobollada kale ee dalka.

Guddoomiyaha ayaa xusay in dhowaan ay diiwaangelinta ka bilaabi doonaan xarumaha Maamul Goboleedyada, sida Jowhar, Dhuusamareeb, Baydhaba iyo Laascaanood.

Tallaabooyinkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli xaaladda siyaasadeed ee dalka ay cakirsan tahay, taas oo ka dhalatay muranka doorashooyinka oo ay isku hayaan Dowladda Federaalka iyo dhinaca kale Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Maamulka Gobolka Banaadir oo la wareegay guri laga soo abaabulay fal halis ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir oo maanta qaaday tallaabo culus ayaa la wareegay dhismaha guri ku yaalla degmada Xamarjajab, kaas oo loo isticmaalay fal halis oo liddi ku ah amniga, kadib markii uu ka dhacay qarax culus.

Xeer uu soo saaray duqa magaalada Muqdisho ayaa waxaa warbaahinta la wadaagay afhayeenka gobolka, Saalax Carab, kaas oo sheegay in maamulka gobolka uu la wareegay gurigaas oo ku yaalla degmada Xamarjajab, gaar ahaan waaxda Gaheyr, waxaana lahayd haweeney lagu magacaabo Fahmo Warsame Kabayre.

Afhayeenka Gobolka ayaa shaaca ka qaaday in si dan-guud ahaan loola wareegay gurigan, kadib markii ay si wadajir ah usoo gudbiyeen halista gurigaas Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Taliska Qaybta Quud Ee Booliska Gobolka Banaadir.

“Wuxuu duqa Muqdisho soo saaray xeerkan; Laga bilaabo maalinta xeerkan la saxiixo dowladda hoose ee Muqdisho waxaa dan guud ula wareegtay dhul ay leedahay muwaadin lagu magacaabo Fahmo Warsame Kabayr, kuna yaalla degmada Xamarjajab, waaxda Gaheyr, cabirkiisuna yahay 20 lagu dhuftay 15,” ayaa lagu yiri afhayeenku.

Sababta waxa uu ku sheegay in gurigan loo isticmaalay fal halis ah oo liddi ku ah amniga qaranka, ayna ka dambeysay haweeneyda guriga lahayd.

“Waxay guriga u isticmaashay ujeedo halis ah oo liddi ku ah amniga qaranka, welina ay taagan tahay khatarta gurigaas” ayuu mar kale yiri Saalax Carab.

Sidoo kale wuxuu intaaasi kusii daray “La wareegidda gurigaas ayaa loo cuksaday sharciyada iyo xeerarka sare ku xusan iyo warqadaha ay soo gudbiyeen Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Taliska Qaybta Quud Ee Booliska Gobolka Banaadir”.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo horay Dowladda Soomaaliya u sheegtay inay wareegi doonto guri kasta oo laga soo abaabulo fal lidddi ku aH amniga caasimada, si looga hortago weerarada hoobiyeyaasha iyo qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho.

Indhowaanahan ayaa waxaa caasimada ka dhacayay weeraro u badan hoobiyeyaal, kuwaas oo laga soo tuurayay magaalada dhexdeeda, waxayna gaysteen khasaarooyin kala duwan oo isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo sidoo kale burbur hantiyeed oo wayn.

Xog: Saciid Deni oo qabanaya shirweyne xasaasi ah, xilli uu diiday kii Villada

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka baaqday shir uu iclaamiyay Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo la filayo inuu ka furmo magaalada Muqdisho, ayaa qorsheynaya qaban-qaabada shirweyne kale.

Shirka Golaha Wadatashiga oo muhiim u ahaa wadatashiga siyaasadeed ee dalka, ayaa lagu waday in ay ka soo qeyb-galaan madaxda dowlad-goboleedyada, balse Madaxweyne Deni ayaa si cad u diiday in uu ka qeyb-galo.

Madaxweyne Deni ayaa qaar kamid ah mas’uuliyiinta dowladdiisa u sheegay in uusan Muqdisho u safrayn, isagoo beeniyey wararka sheegaya in cadaadis uga yimid beesha caalamka si uu uga qeyb-galo shirkaasi. Wuxuu tilmaamay in aysan jirin wax qorshe ah oo uu Muqdisho ugu ambabaxayo.

Sida ay sheegayaan illow wareedyo ka agdhaw madaxweynaha, Deni ayaa bedelkii shirka Muqdisho bilaabay qaban-qaabada shir kale oo uu isagu wado, kaasoo ku saabsan badbaadinta Soomaaliya.

Shirkaas ayaa la filayaa inuu ka dhaco magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, waxaana uu noqonayaa mid la doonayo in lagu dhiso isbahaysi siyaasadeed oo cusub.

Shirka uu wado Madaxweyne Deni ayaa loogu yeerayaa dhammaan siyaasiyiinta mucaaradsan Villa Somalia, xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah, iyo sidoo kale madaxda dowlad-goboleedka Jubaland. Tani waxay muujinaysaa inuu Madaxweyne Deni doonayo inuu horkaco hannaan kale oo siyaasadeed oo lid ku ah dowladda dhexe.

Arrintan ayaa si weyn u muujinaysa kala aragti duwanaanta u dhaxaysa Villa Somalia iyo Puntland, iyadoo sidoo kale tilmaamaysa xiisadda sii kordheysa ee u dhaxeysa dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada. Waxaa la saadaalinayaa in shirka Garoowe uu noqon karo mid saamayn ku yeesha jihada siyaasadeed ee Soomaaliya.