25.8 C
Mogadishu
Thursday, June 18, 2026

Mareykanka oo ka digay xaaladda Israel, amarna ku bixiyay daadgureyn

0

Tel Aviv (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa amartay in si degdeg ah loo soo daadgureeyo shaqaalaha dowladda Mareykanka, diblumaasiyiinta iyo qoysaskooda ee ku sugan Israa’iil, sababo la xiriira khataro amni oo isa soo taraya.

Safaaradda Mareykanka ee Tel Aviv ayaa digniin ay soo saartay ku sheegtay in xaaladda amni ay mar kasta ka sii dari karto, isla markaana si kedis ah loo xaddidi karo ama loo mamnuuci karo safarrada lagu tagayo qaybo ka mid ah Israa’iil, oo ay ku jirto magaalada qadiimiga ah ee Qudus iyo Daanta Galbeed.

Muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Israa’iil ayaa si gaar ah loogu boorriyay inay dalka ka baxaan inta ay weli shaqeynayaan duullimaadyada ganacsiga, maadaama ay suurtagal tahay in xaaladdu si lama filaan ah isu beddesho.

Go’aankan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Mareykanka iyo Iran, kuwaas oo sare u kacay toddobaadyadii la soo dhaafay.

Wararka ayaa tilmaamaya in tallaabadan ay muujineyso cabsi laga qabo suurtagalnimada iska horimaad militari oo ka qarxa gobolka, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin wax duullaan ah.

Iiraan ayaa dhankeeda hore u sheegtay inay si adag uga jawaabi doonto tallaabo kasta oo militari oo kaga timaadda Mareykanka, iyadoo ku hanjabtay inay beegsan doonto danaha Mareykanka iyo xulafadiisa gobolka haddii la weeraro.

Si kastaba, tani waxay ka dhigan tahay in daqiiqad kasta uu bilaaban karo dagaal uu Mareykanku ku qaado Iiraan, iyadoo Washington hore uga digtay inay weerari doonto Tehran haddii wada-hadallada lala yeelanayo ay fashilmaan.

Koox Soomaali ah oo weerar ku qaaday doon IRAN laga leeyahay – Maxaa dhacay kadib?

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Koox burcad-badeed Soomaali ah ayaa weerar ku qaaday doon kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Iiraan, taas oo ku sugneyd xeebta degmada Eyl.

Burcad-badeedda ayaa la sheegay inay doonayeen inay qafaashaan doonta si ay ugu adeegsadaan weerarro kale oo lagu beegsanayo maraakiibta shisheeye ee ka gudba biyaha Soomaaliya, si la mid ah falal hore uga dhacay xeebaha Puntland.

Balse, kooxda weerarka qaaday ayaa iska caabin xooggan kala kulantay ilaalo saarneyd doonta, waxaana la soo warinayaa khasaare ballaaran oo soo gaaray kooxdii weerarka soo qaaday oo tiradooda lagu qiyaasay illaa 10 nin.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in hal nin oo ka tirsanaa kooxda burcad-badeedda uu ku dhintay iska hor-imaadka, halka labo kale ay ku dhaawacmeen. Meydka ninka dhintay iyo labada dhaawaca ah ayaa loo qaaday gudaha degmada Eyl.

Ilaalada saarneyd doonta kalluumeysiga ee laga leeyahay Iiraan ayaa la sheegay in qaarkood Soomaali yihiin. Si kastaba, ciidamada ammaanka Puntland ayaa markii dambe la wareegay doontii ay wateen burcad-badeedda oo ku soo caariday xeebta.

Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay laba ka mid ah eedeysanayaasha oo dhaawac qaba iyo sidoo kale wadihii doonta.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo horay afduub loogu geystay markab kalluumeysi oo Shiinaha laga leeyahay, laguna magacaabo Liao Dong Yu 578, kaas oo lagu qafaashay meel ku dhow xeebaha Bandar Beyla ee gobolka Bari.

Xeebaha Puntland ayaa bilihii u dambeeyay mar kale noqday goob ay kusoo laba-kacleeyaan falalka burcad-badeedda, taas oo sii kordhisay welwelka amni ee maraakiibta adeegsata marin-biyoodka Soomaaliya.

Shirweyne xasaasi ah oo mucaaradka uga furmay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirweyne xasaasi ah oo u dhaxeeya Madaxda Golaha Mustaqbalka, qaar kamid Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya iyo bulshada rayidka ayaa maanta ka furmay hoteelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Shirweynahan ayaa hal ku dhigiisu yahay “difaaca dastuurka” xilli Dowladda Federaalka ay weli sii wado wax ka beddelka dastuurka KMG ah, kaasi oo guddoonka baarlamaanka uu qorsheynayo in toddobaadka soo socda la ansixiyo dhameystirkiisa.

Dhinacyadan ayaa shirweynaha ku soo bandhigaya mowqifkooda wax ka beddelka dastuurka oo meel adag ka taagan yihiin, iyadoo dhawaan burbureen wada-hadalladii u dhaxeeyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, shirweynaha ayaa lagu gorfeyn doona xaaladda dalka, oo haatan mareysa meel xasaasi ah, waxaana la filayaa in war-murtiyeed laga soo saaro gaba-gabada shirka.

Shirweynahan ayaa imanaya xilli ay soo baxeyso in Villa Somalia qorshaha dastuurka ka farxalaneyso todobaadka soo socda, iyadoo lagu wado in baarlaamanka uu Arbacada ansixiyo dhameystirka dastuurka KMG ah, uuna isla maalinta saxiixo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa si weyn u riixaya dhammaystirka dastuurka iyo hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, xilli ay diidan yihiin maamulada Puntland iyo Jubbaland, iyo sidoo kale qaar ka mid ah mucaaradka Muqdisho, kuwaas oo ku baaqaya in dib loo dhigo dhammaystirka Dastuurka loona gudbo doorasho dadban.

Dastuurka la dhameystirayo ayaa jideynaya in shacabka ay si toos ah u soo doortaan wakiillada deegaanka, dowlad-goboleedyada iyo dowladda dhexe, halka xildhibaannada la soo doortay ay dooranayaan maayarrada, madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada iyo madaxweynaha qaranka.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ah mucaaradka ugu xooggan ee dalka xilligan mar horeba way qaadaceen wax ka beddelka dastuurka iyo hanaanka doorashada qof iyo cod ee uu doonayo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Si kastaba, arrimahan ayaa uga sii daraya xiisadda taagan, xilli ay burbureen wada-hadalladii u dhaxeeyay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, kadib markii la isku mari waayay arrimaha dastuurka iyo doorashada oo si weyn iskugu hayaan labada dhinac.

Dhacdo ugub ah oo ka dhacday GALDOGOB

0

Galdogob (Caasimada Online) — Ciidamada Booliska gobolka Mudug oo gacan ka helaya bulshada degmada Galdogob ayaa qaaday tallaabo ka dhan ah nin maalin kahor gudaha magaaladaas ku dilay qof safar ahaa, isla markaana dhaawacay dad kale.

Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu u baxsaday dhanka Dowlad Deegaanka Soomaalida, hase yeeshee waxaa daba tagay ciidamada ammaanka.

Taliyaha qaybta Booliska Mudug, Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf, ayaa sheegay in ninka la toogtay kaddib markii uu ka biyo diiday inuu isa soo dhiibo.

Maydka ninkan ayaa dib loogu soo celiyay Galdogob, gaar ahaan goobtii uu falka ka geystay oo uu ku dilay darawal safar ahaa kuna dhaawacay laba qof oo kale. Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay si ay u arkaan maydkiisa.

Howlgalka lagu beegsaday ninkan waxaa oggolaaday odayaasha dhaqanka beeshiisa, kuwaas oo amar ku bixiyay in la keeno isaga oo nool ama meyd ah.

Dadka ku nool Galdogob iyo guud ahaan gobolka Mudug ayaa si weyn u soo dhaweeyay howlgalka, iyaga oo u arka mid wax ka tari kara falalka dilalka ah ee kusoo noqnoqday gobolka.

Si kastaba, dhacdadan ayaa lagu tilmaamay mid ugub ah, oo haddii dhaqan la jideeyo noqoto yareyn karta falalka dilalka ah iyo dambiyada culus ee kusoo noq-noqday gobolka, iyo guud ahaan deegaanada Soomaalida.

Soomaaliya oo magac cajiib ah u bixisay ceelka shidaalka laga qodayo

0

Ankara (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ceelkii ugu horreeyay ee shidaal laga qodi doono baddeenna loo bixiyay magaca “Curad 1-aad”, sida uu shaaciyay Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta, Daahir Shire Maxamed.

Wasiirka oo hadal ka jeediyay munaasabad dhawaan lagu sagootinayay markabka Çağrı Bey, oo qaabilsan howlaha qodista kana ambabaxay dekedda Taşucu ee gobolka Mersin ayaa tilmaamay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu magacaas u doortay ceelka.

Wuxuu yiri, “Maanta waxaan u joognaa ambabixintii markabka shidaalka qodi lahaa ceelka ugu horreeyay ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu magac daray Curad Kow.”

Waxaa la filayaa in markabku muddo 45 maalmood ah ku soo gaaro xeebaha Soomaaliya. Tani waxay noqoneysaa markii ugu horreysay ee markab Turki ah oo ku takhasusay qodista biyaha aadka u moolka dheer uu howlgallo ka fuliyo meel ka baxsan biyaha dalka Turkiga.

Daahir Shire Maxamed ayaa munaasabadda ku tilmaamay mid taariikhi ah, isaga oo sheegay inay astaan u tahay soo kabashada dalka iyo hiigsiga mustaqbal dhaqaale oo wanaagsan. Wuxuu xusay in markabkani uu xanbaarsan yahay rajo cusub oo ku dhisan sharci, hufnaan iyo isla xisaabtan.

“Markabkan maanta u ambabaxay biyaha Soomaaliya ma aha oo keliya qalab farsamo; waa astaan qaran, waa rajo, waa fursad, waa bilow cusub oo ku dhisan sharci, hufnaan iyo mas’uuliyad,” ayuu yiri Wasiirku.

Wuxuu sidoo kale caddeeyay in kheyraadka shidaalka loo maamuli doono si waafaqsan xeerarka caalamiga ah, si dakhliga ka soo baxa uu uga faa’iideysto jiilka maanta iyo kuwa mustaqbalka, islamarkaana uu gacan uga geysto kobaca dhaqaalaha dalka.

Howshan ayaa ka dambeysay heshiis dowladeed oo la saxiixay bishii Maarso 2024, kaas oo lagu horumarinayo qaybaha saliidda iyo gaasta.

Shirkadda tamarta ee dowliga ah ee Turkiga, Turkish Petroleum (TPAO), ayaa haysata rukhsadaha baarista saddex qaybood oo ku yaalla biyaha Soomaaliya, halkaas oo sahanno dhul-gariir (seismic surveys) ah lagu soo gabagabeeyay sannadkii tegay.

Sida uu sheegay Wasiirka Tamarta Turkiga, Alparslan Bayraktar, markabka Çağrı Bey wuxuu awood u leeyahay qodista ilaa 12,000 mitir (39,370 cagood), isaga oo ka mid ah maraakiibta ku shaqeeya biyaha aadka u qoto dheer.

Dhererka minaaraddiisa oo gaaraya 114 mitir (374 cagood) awgiis, ma mari karo Kanaalka Suweys; sidaas darteedna wuxuu ku soo wareegayaa qaaradda Afrika, isaga oo soo maraya Marinka Rajada Wanaagsan si uu u gaaro Badweynta Hindiya.

Bayraktar ayaa xusay in howlgalkan uu qayb ka yahay qorshaha ballaarinta caalamiga ah ee shirkadda tamarta Turkiga. Wuxuu sheegay inuu rajeynayo in hawlgalkani uu sare u qaadi doono xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya, isla markaana la filayo in qodistu ka bilaabato Soomaaliya bisha April.

Inta uu howlgalka socdo, markabka waxaa wehlinaya maraakiib ka tirsan ciidanka badda Turkiga, oo ay ka mid yihiin TCG Sancaktar, TCG Gökova iyo TCG Bafra, si loo xaqiijiyo amniga hawsha.

Turkiga oo dhinac u riday dagaalkii Al-Shabaab iyo DF oo gaartay guulo culus

0

Ankara (Caasimada Online) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in taageerada milateri ee dowladda Turkiga ay isbeddel weyn ka samaysay furumaha dagaalka, iyadoo u sahashay Ciidanka Xoogga Dalka in ay guulo wax-ku-ool ah ka gaaraan hawlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac, oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Cumhuriyet ee ka soo baxa dalka Turkiga, ayaa caddeeyay in taageerada joogtada ah ee Ankara ay horseedday in ciidamada dowladda ay la wareegaan deegaano hor leh, isla markaana ay khaarajiyaan horjoogeyaal sar-sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Joogitaanka milateri ee Turkiga ee Soomaaliya ayaa bilihii u dambeeyay si xowli ah u kordhayay, arrintaas oo salka ku haysa heshiiskii difaaca iyo dhaqaalaha ee labada dal ay kala saxiixdeen horraantii sanadkii 2024.

Sida ay xaqiijinayaan ilo-wareedyo dhanka amniga ah, dabayaaqadii bishii Janaayo waxaa magaalada Muqdisho laga dejiyay diyaaradaha dagaalka ee F-16, kuwaas oo ay wadaan duuliyeyaal ka tirsan Ciidamada Cirka Turkiga. Sidoo kale, dekadda weyn ee Muqdisho ayaa dhowaan laga soo dejiyay taankiyo casri ah oo uu Turkigu leeyahay.

Inkastoo Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ay arrintan ku tilmaamtay mid lagu xoojinayo la-dagaalanka argagixisada iyo tayeynta ciidamada gaarka ah ee Gorgor ee lagu tababaro xerada Camp TURKSOM, falanqeeyayaasha amniga ayaa aaminsan in daabuliddani ay sidoo kale la xiriirto ilaalinta maalgashiga tamareed ee Ankara ee badda Soomaaliya.

Dhanka kale, Turkiga ayaa si adag u beeniyay warar warbaahinta qaar ay baahiyeen oo sheegayay in nidaamka gantaalaha difaaca cirka ee Ruushka laga soo iibiyay ee S-400 la geynayo Soomaaliya.

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa wararkaas ku tilmaamtay “kuwo aan sal iyo raad toona lahayn”, iyadoo xustay in gantaalahaas loogu talagalay difaaca gudaha Turkiga oo kaliya.

Iskaashiga labada dal ma ahan mid ku kooban amniga. Wasiir Daa’uud ayaa iftiimiyay isbeddelka dhaqaale ee soo socda, isagoo sheegay in markabka mool-qodista shidaalka ee Çağrı Bey uu kusoo wajahan yahay xeebaha Soomaaliya.

“Imaatinka markabkan wuxuu inoo soo dhaweyn doonaa inaan ka mid noqono dalalka soo saara saliidda ee caalamka,” ayuu yiri Wasiirku.

Markabkan oo 15-kii Febraayo ka soo shiraacday dekedda Taşucu ee Turkiga, islamarkaana ay galbinayaan saddex markab dagaal, ayaa la filayaa inuu bisha Abriil shidaal-qodis tijaabo ah ka bilaabo ceelka loo bixiyay Curad-1.

Dadaalladan ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay sare u qaadday maqaamkeeda dublamaasiyadeed.

Arsenal oo la saxiixatay cayaaryahan Soomaali ah

London (Caasimada Online) — Kooxda kubadda cagta ee Arsenal ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in cayaaryahanka khadka dhexe ee Soomaali-Ingiriiska ah, Maalik Xaashi, uu saxiixay heshiiskiisii ugu horreeyay ee xirfadeed (professional contract), tallaabo guul weyn iyo horumar taariikhi ah u ah xiddigan da’da yar oo 17-jir ah.

Maalik, oo kasoo dhex baxay kulliyadda ciyaartoyda da’yarta ee Arsenal (Academy), ayaa dhigay taariikh cusub. Wuxuu noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya oo ku biira nidaamka da’yarta ee kooxdan ka dhisan waqooyiga London, isla markaana qalinka ku duuga heshiis xirfadeed oo rasmi ah.

Laacibkan oo ku dhashay dalka Ingiriiska, waalidiintiisuna ay yihiin Soomaali, ayaa soo bandhigay ciyaar-wanaag layaab leh xilli-ciyaareedkan.

Maalik ayaa inta badan ka ciyaara khadka dhexe (6), isagoo qabta shaqo ay tababareyaashu ku tilmaamaan “burburiye” (destroyer) – taas oo ah in uu fashiliyo weerarada kooxda kasoo horjeeda, isku xiro difaaca iyo khadka dhexe, uu maamulo xawaaraha ciyaarta (tempo), isla markaana uu bilaabo weerar rogaal celin ah.

Dareenkiisa iyo doorka qoyska

Isagoo la hadlayay warbaahinta xarunta tababarka ee Arsenal, Maalik Xaashi ayaa guushan ku tilmaamay mid uu la wadaago qoyskiisa.

“Runtii aad baan u faraxsanahay, waa daqiiqad aniga iyo qoyskaygaba aan ku faani karno,” ayuu yiri Maalik. “Kaliya aniga ma ihi qofka ku jira safarkan. Qoyskayga ayaa ila socda, kuwaas oo maalin kasta iga caawiya inaan horumar sameeyo. Malaha waxaan kasoo bilaabay beerta gurigeena anigoo aabbahay la ciyaaraya, kadibna waxaan waddada usoo jeexay dhanka Arsenal.”

Wuxuu intaas raaciyay: “Halkaas markaan imid, waxaan soo qaatay laba sano oo aan la joogay kooxda ka yar 16-jirrada (U16s), kadibna waxaan helay deeqdeyda waxbarasho iyo isboorti (scholarship), haddana halkaan ayaan joognaa.”

Sida uu qabo sharciga kubadda cagta Ingiriiska, ciyaartoyda kulliyadaha ayaa xaq u leh inay heshiis xirfadeed saxiixaan marka ay gaaraan da’da 17-jirka, kaas oo inta badan gaara ilaa saddex sano.

Inkastoo Arsenal aysan si furan u shaacin muddada heshiiskan, haddana heshiisyada ceynkan ah ayaa inta badan socda ilaa dhammaadka xilli-ciyaareedka socda iyo laba sano oo dheeraad ah. Taasi waxay ka dhigan tahay in Maalik uu kooxda sii joogi karo ilaa sanadka 2028-ka.

Xilli-ciyaareedkan ayaa muujiyay horumar cad oo uu sameeyay laacibkan da’da yar:

  • Wuxuu saftay 19 kulan isagoo u ciyaaraya kooxaha kala duwan ee da’yarta Arsenal, gaar ahaan kooxda ka yar 18-jirrada (U18s).
  • Wuxuu 2 jeer u saftay kooxda 19-jirrada ee tartanka qaaradda Yurub ee UEFA Youth League.
  • Wuxuu 1 kulan u ciyaaray kooxda 21-jirrada ee horyaalka Premier League 2.

Marka dib loo eego, Maalik ayaa xilli-ciyaareedkii hore saftay kaliya 7 kulan oo isku darka kooxaha U18s iyo U21s ah. Sidaas darteed, xilli-ciyaareedkan ayaa u ah sanadkiisii iftiinka ee uu kasoo dhex-baxay da’yarta kale, iyadoo heshiiskan xirfadeed ee uu saxiixay uu markhaati u yahay horumarka weyn ee uu sameeyay.

DF oo beenisay qorshe la sheegay in Turkiga ka damacsan yahay arrinta Somaliland

0

Ankara (Caasimada Online) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay in xoojinta taageerada milateri ee Turkiga iyo hubka cusub ee la keenay magaalada Muqdisho ay yihiin falcelin toos ah oo ka dhan ah aqoonsigii muranka dhaliyay ee ay dowladda Israa’iil dhowaan siisay Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys, oo ka qayb-galayay madal looga hadlayay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga oo lagu qabtay Xafiiska Isgaarsiinta Madaxtooyada ee Ankara, ayaa sheegay in iskaashiga Muqdisho iyo Ankara uu yahay mid soo jireen ah oo aan ku xirneyn dhacdooyinka siyaasadeed ee hadda taagan.

“Soomaaliya iyo Turkiga waxay muddo dheer lahaayeen iskaashi milateri oo salka ku haya la-dagaalanka Al-Shabaab, waxa hadda socdana waa qayb ka mid ah heshiisyadaas horey u jiray,” ayuu u sheegay wargeyska Cumhuriyet, isagoo si cad u beeniyay falanqaynta khubarada qaar oo dhaq-dhaqaaqa Turkiga ku xiray arrinta Israa’iil.

Wasiirka ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, isagoo xusay in hoggaamiyaha Turkiga uu dhowaan safar uu ku tagay dalka Itoobiya si cad uga sheegay in Somaliland ay tahay qayb aan go’I karin oo ka tirsan midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya ayaa unkamay sanadkii 2011-kii, markaas oo Erdoğan uu noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee aan Afrikaan ahayn oo booqda Muqdisho muddo labaatan sano ah, taas oo horseedday maalgashi lixaad leh iyo dhismaha saldhigga weyn ee Camp TURKSOM sanadkii 2017.

Falanqeeyayaasha istaraatiijiyadda ayaa aaminsan in Turkiga, oo diiddan siyaasadda Israa’iil ee Bariga Dhexe, uusan marnaba raalli ka noqon doonin in Tel Aviv ay saameyn ku yeelato Geeska Afrika, gaar ahaan badda cas iyo Gacanka Cadmeed.

Go’doominta aqoonsiga Somaliland

Go’aankii ay Israa’iil bishii Diseembar ee 2025 ugu aqoonsatay Somaliland qaran madax-bannaan, ayaa kiciyay duufaan diblamaasiyadeed oo gilgishay gobolka. Tallaabadaas, oo daba socotay is-fahamkii muranka dhaliyay ee ay Itoobiya la gashay Hargeysa bishii Janaayo 2024, ayaa wajaheysa diidmo caalami ah.

Dowladda Soomaaliya oo qaadday olole diblomaasiyadeed oo ballaaran ayaa taageero buuxda ka heshay beesha caalamka. Aqoonsiga Israa’iil ayaa waxaa si rasmi ah u cambaareeyay oo diiday, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Masar, Jaamacadda Carabta, Golaha Iskaashiga Khaliijka iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.

Somaliland, oo ku dhawaaqday madax-bannaanideeda sanadkii 1991-kii kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, ayaa in ka badan 30 sano lahayd nidaam u gaar ah, lacag, ciidan, iyo boolis. Hase yeeshee, waxay ku jirtay go’doon dublamaasiyadeed oo aan la aqoonsanayn, ilaa ay Israa’iil qaadday tallaabadan oo haatan sii murjisay xaaladdii siyaasadeed iyo amni ee Geeska Afrika.

Faah-faahinta dagaal culus oo ka dhex-qarxay Pakistan iyo Taalibaanka Afghanistan

0

Islamabad (Caasimada Online) – Diyaaradaha dagaalka ee Pakistan ayaa duqeymo ka fuliyay bartilmaameedyo ku yaalla gudaha dalka Afghanistan, iyaga oo bambooyin ku garaacay qaybo ka mid ah magaalooyinka Kabul, Kandahar iyo Paktia, xilli uu dagaal militari oo toos ah ka dhex qarxay labada dal.

Dowladda Pakistan ayaa sheegtay in hawlgalladeeda cirka iyo kuwa dhulka ay ku beegsanayeen saldhigyo xuduudeed oo ay leeyihiin Taalibaan, xarumo militari iyo bakhaarro lagu keydiyo rasaasta, kuwaas oo ay ku tilmaantay meelaha laga soo abaabulo weerarro ka dhan ah amnigeeda.

Dhankeeda, Taalibaan ayaa hore u sheegtay in ciidamadeedu ay weerareen saldhigyo xuduudeed oo ku yaalla gudaha Pakistan, taasoo muujinaysa kororka xiisadda u dhexeysa labada dhinac.

Ilo xog-ogaal ah oo ka tirsan Taalibaan ayaa sheegay in ugu yaraan 10 askari oo Pakistani ah lagu dilay iska horimaadyada ka dhacay xadka, inkasta oo aan si madax-bannaan loo xaqiijin karin tiradaas.

Sidoo kale, Pakistan ayaa ku andacootay inay dishay in ka badan 70 dagaalyahan oo Afghan ah intii ay socdeen duqeymaha iyo dagaallada dhulka, iyadoo sheegtay inay burburisay xarumo istaraatiiji ah.

Pakistan ayaa marar badan ku eedeysay Taalibaan-ta Afghanistan inay hoy siiso dagaalyahanno ka soo tallaaba xadka kuwaas oo weerarro ka fuliya gudaha Pakistan, kana beegsada askarta iyo rayidka.

Hase yeeshee, Taalibaan ayaa si cad u beenisay eedeymahaas, iyadoo ku adkeysatay inaysan oggolaan doonin in dhulkeeda looga adeegsado falal ka dhan ah dal kale.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Taalibaan ayaa iyaduna sheegtay inay qabsatay 19 saldhig oo militari oo ay Pakistan leedahay iyo laba xarumood oo kale habeenimadii xalay, isla markaana ay dileen 55 askari oo Pakistani ah, inkastoo ay adag tahay in si madax-bannaan loo xaqiijiyo dhammaan sheegashooyinka khasaare ee labada dhinac.

Xog: Xasan oo dhameystiraya dastuurka xilli ay kasii dareyso xiisadda – Maxaa socda?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa todobaadka soo socda, gaar ahaan Arbacada u ballansan ansixinta wax-ka-beddelka iyo dhammaystirka Dastuurka KMG ah, oo weli ay ka taagan tahay khilaaf siyaasadeed.

Qorshahan ayaa la filayaa in isla maalinta la ansixiyo uu saxiixo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo si weyn u riixayay dhammaystirka Dastuurka iyo hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeysanaya qorshahan, inkastoo ay diidan yihiin maamulada Puntland iyo Jubbaland, iyo sidoo kale qaar ka mid ah mucaaradka Muqdisho, kuwaas oo ku baaqaya in dib loo dhigo dhammaystirka Dastuurka loona gudbo doorasho dadban.

Dastuurka la dhameystirayo ayaa jideynaya in shacabka ay si toos ah u soo doortaan wakiillada deegaanka, dowlad-goboleedyada iyo dowladda dhexe, halka xildhibaannada la soo doortay ay dooranayaan maayarrada, madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada iyo madaxweynaha qaranka.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ah mucaaradka ugu xooggan ee dalka xilligan mar horeba way qaadaceen wax ka beddelka dastuurka iyo hanaanka doorashada qof iyo cod ee uu doonayo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xubnahan ayaa lasoo warinaya in Jimcaha berri ah ay qabanayaan kulan wayn oo magaalada Muqdisho ka dhacaya, kaas oo ay ku muujinayaan mowqifkooda.

Xilligan, doodda ugu weyn waxay ka taagan tahay doorashada dowlad-goboleedyada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfurta Galbeed oo iyagu ka aamusan ismari-waaga Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka oo madaxooda ku muransan.

Arrimahan ayaa uga sii daraya xiisadda taagan, xilli ay burbureen wada-hadalladii u dhaxeeyay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, kadib markii la isku mari waayay qodobada ay isku hayeen labada dhinac.

Golaha Mustaqbalka ayaa xudunta is-mari-waaga iyo kala aragti-duwanaanta labada dhinac ku sheegay inay sabab u tahay in goluhu ku adkeystay in Dastuurka KMG ah ee 2012 uu yahay aas-aaska sharciga ee dalka u degsan, wax ka beddelkiisuna uu u baahan yahay heshiis qaran oo loo dhan yahay. Halka dhanka kale ay dowladdu ku adkeysatay in aysan cidna u joojin doonin wax ka beddelka dastuurka, isla markaana ay sii wadi doonto.

Arrinta kale ee fashilka keentay ayaa iyaduna ah in goluhu ku adkeystay qabashada doorashooyinka dowlad-goboleedyada muddo-dhaafka ah, iyadoo la raacayo sida uu dhigayo dastuurka dowlad-goboleedyada iyo mabaadi’da Dastuurka Federaalka Soomaaliya.

Halka dowladdu iyaduna dooneysay in doorashooyinka saddexda maamul-goboleed lagu qabto sharciyad iyo habraacyo ku saleysan dastuurka wax ka beddelkiisa la isku hayo ee dhameystirayso, taas oo ugu dambeyn sababtay in wada-xaajoodka lagu kala tago.

Xasan Sheekh oo isbeddel ku sameeyay hoggaanka ciidanka cirka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa taliye cusub u magacaabay Taliska Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, xilli dib u habeyn ballaaran lagu sameeyay taliska.

Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, oo loo yaqaan Cabdirisaaq Eritrea ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed.

Cabdirisaaq ayaa ka mid ahaa saraakiishii gacanta ku haysay malafka ciidamada qalabka sida ee tababarka loogu diray dalka Eritrea.

Sarkaalkan ayaa lagu tilmaamay mid hawl-kar ah oo si wanaagsan u yaqaanna nidaamka ciidamada, waxaana la rumeysan yahay inuu door muhiim ah ka qaadan doono tayeynta iyo dib-u-habeynta Ciidanka Cirka.

Sanadihii u dambeeyay, dib-u-soo-kabashada iyo awoodda howlgal ee Ciidanka Cirka ayaa si weyn u kordhay, iyadoo la helay diyaarado iyo qalab muhiim ah oo ka qeyb qaata sugidda iyo sare u qaadista awooddooda.

Soomaaliya ayaa haatan haysata diyaarado dagaal oo intooda badan laga keenay Turkiga, kuwaas oo ay kaxeeyaan duuliyayaal Soomaali ah oo dhallinyaro ah, kuwaas oo dibadda lagu soo tababaray.

Waxaa sidoo kale qorshuhu yahay in dhowaan la keeno diyaarado cusub oo dheeraad ah, si loo xoojiyo awoodda Ciidanka Cirka iyo doorkooda difaaca dalka.

Si kastaba, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe xoogga saartay horumarinta Ciidanka Cirka iyo Ciidanka Badda, iyadoo taageero ka helaysa dalal kala duwan, gaar ahaan Turkiga, oo dalka keenay diyaarado casri ah oo lagu xoojiyay awoodda ciidamada.

Midowga Yurub oo ku dhawaaqay malaayiin dollar kadib baaqii DF Soomaaliya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa maanta ku dhawaaqay inuu €63 milyan ugu deeqay Soomaaliya, oo wajahaysa xaalad adag oo abaareed.

Deeqdan ayaa loogu talagalay gargaarka bani’aadamnimo, si loo taageero bulshooyinka ugu nugul ee ku kala nool Soomaaliya, xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqday in xaaladda abaarta dalka ay gaartay heer aad u halis ah, ayna sii xumaaneyso maalinba maalinta ka dambeysa.

“Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay €63 milyan oo gargaar bani’aadamnimo ah si loo taageero bulshooyinka ay saameeyeen colaadaha socda iyo barakaca ka jira Soomaaliya, iyo sidoo kale abaarta sii xumaanaysa iyo kororka sicirka cuntada,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Gargaarkan waxaa fulin doona hay’adaha bani’aadamnimo ee la-hawlgalayaasha la aamini karo ee Midowga Yurub, kuwaas oo ka hawlgala gudaha dalka, si loo hubiyo in gargaarku si degdeg ah, loo dhan yahay, una noqdo mid wax-ku-ool ah oo gaara dadka sida aadka ah u saameysan.

“Maalgelinta Midowga Yurub waxay mudnaan siin doontaa adeegyo isku dhafan oo badbaadinaya nolosha, gaar ahaan kuwa la xiriira caafimaadka iyo nafaqada, oo ay ku jirto daaweynta nafaqo-darrada daran, kaalmo lacageed oo degdeg ah, biyo iyo nadaafad, ilaalin iyo waxbarasho degdeg ah.”

Ku dhawaaqistan ayaa imanaysa xilli macluul iyo cunto-yari ka dhalatay abaarta ay si xowli ah uga sii darayaan guud ahaan Soomaaliya, iyadoo 6.5 milyan oo qof (qiyaastii saddexdii qofba mid) ay wajahayaan gaajo, halka lagu qiyaasay 1.85 milyan oo carruur ah oo ka yar shan sano ay halis ugu jiraan nafaqo-darro ba’an.

Si loo xoojiyo isku-dubbaridka gurmadka degdegga ah ee ka dhanka ah dhibaatada cuntada ee sii kordhaysa, Midowga Yurub ayaa muujiyay ka go’naantiisa ku aaddan bixinta gurmad degdeg ah oo la gaarsiiyo dadka ugu nugul ee ku sugan Soomaaliya.

Xilli barnaamijyada bani’aadamnimo ay si weyn u saameeyeen dhimista gargaarka caalamiga ah, Midowga Yurub ayaa weli adkaynaya doorkiisa ku aaddan taageerada dadka tabaaleysan.

Jubaland oo markii ugu horeysay khatar u aqoonsatay…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa khatar u aqoonsaday geedka Cali-garoobka, ama loo yaqaano Geed Yahudka, kaas oo ku fidaya qeybo kamid ah deegaannada maamulkaasi.

Geedkan ayaa dhibaato ku haya wax-soo-saarka dalka, gaar ahaan deegaanada Jubaland. Arrintan ayaa looga dhawaaqay shirka Golaha Wasiirada maamulka oo maanta uu guddoomiyay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Shirka golaha ayaa sidoo kale lagaga hadlay arrimaha amniga, deegaanka, xaaladda guud ee siyaasadda dalka, iyo gurmadka abaaraha ka jira deegaanada Jubaland.

Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa Golaha la wadaagtay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda guud ee amniga Jubaland, iyadoo ka warbixisay howl-galladii ugu dambeeyay ee ciidamada ammaanku ka fuliyeen deegaano kala duwan, kuwaas oo laga gaaray guulo wax ku ool ah oo lagu xoojinayo nabadgelyada iyo xasiloonida.

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa ka warbixisay xaaladda deegaanka, gaar ahaan dadaallada lagu yareynayo isticmaalka bacaha iyo kahortagga fiditaanka geedka Cali-garoobka, oo khatar ku ah deegaanka.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ayaa Golaha la wadaagtay warbixin ku saabsan xaaladda abaareed ee ka jirta Jubaland.

Wasaaraddu waxay sheegtay in gurmad raashin ah la gaarsiiyay qoysaska ay abaartu saameysay, isla markaana ay sii wadaan dadaallo dheeraad ah oo lagu xoojinayo ka jawaabidda xaaladda bani’aadannimo, iyagoo kaashanaya hay’adaha dowladda iyo bahwadaagtooda.

Kadib fashilka ku yimid wada-hadalladii DF iyo mucaaradka, Xamza oo maanta la kulmay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa kulan muhiim ah la yeeshay hoggaanka ururrada siyaasadda ee ka qeyb-galay doorashadii goleyaasha deegaanka ee gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dhagaystay hoggaanka ururrada aragtiyo iyo talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan horumarinta nidaamka doorashooyinka dadweynaha, xoojinta dimuqraadiyadda iyo ka-qaybgalka bulshada ee arrimaha siyaasadda.

Mudane Xamza ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo jawi siyaasadeed oo ku dhisan wadashaqeyn, si loo xaqiijiyo hannaan doorasho oo daahfuran, loona dhiso hay’ado dowladeed oo ku yimaadda rabitaanka shacabka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xukuumaddu ay ka go’an tahay dhageysiga dhammaan daneeyayaasha siyaasadda dalka, si loo helo aragti mideysan oo lagu wajahayo amniga dalka arrimaha doorashooyinka iyo hannaanka dowlad-dhiska.

Xukuumadda Dan-Qaran ayaa ku hawlan dhamaystirka doorashada tooska ah ee dowladaha hoose, iyada oo la filayo in muddo kooban degmooyin badan oo dalka looga qabto doorashada cod iyo qof ee goleyaasha deegaanka.

Kulankan ayaa imanaya xilli ay fashilmeen wada-hadalladii Villa Somalia, ee u dhaxeeyay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, kadib markii la isku mari qodobada ay isku hayeen labada dhinac.

Golaha Mustaqbalka ayaa xudunta is-mari-waaga iyo kala aragti-duwanaanta labada dhinac ku sheegay inay sabab u tahay in goluhu ku adkeystay in Dastuurka KMG ah ee 2012 uu yahay aas-aaska sharciga ee dalka u degsan, wax ka beddelkiisuna uu u baahan yahay heshiis qaran oo loo dhan yahay, haalka dowladdu ku adkeysatay in aysan cidna u joojin doonin wax ka beddelka dastuurka, isla markaana ay sii wadi doonto.

Arrinta kale ee fashilka keentay ayaa iyaduna ahayd in goluhu ku adkeystay qabashada doorashooyinka dowlad-goboleedyada muddo-dhaafka ah, iyadoo la raacayo sida uu dhigayo dastuurka dowlad-goboleedyada iyo mabaadi’da Dastuurka Federaalka Soomaaliya. Halka dowladdu iyaduna dooneysay in doorashooyinka saddexda maamul-goboleed lagu qabto sharciyad iyo habraacyo ku saleysan dastuurka wax ka beddelkiisa la isku hayo, taas oo ugu dambeyn sababtay in shirka lagu kala tago.

Dowladda Turkiga oo beenisay inay Soomaaliya geysay nidaam difaac

0

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa beenisay in nidaamka difaaca hawada ee S-400 la keenay gudaha Soomaaliya, xilli muddooyinkii dambe ay si weyn u faafeen warar sheegayay in nidaam difaac uu keenay dalka.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa lagu sheegay in nidaamkan casriga ah uu kaliya yaallo gudaha xuduudaha dalka Turkiga, isla markaana aan loo gudbin doonin dal kale.

“Nidaamka S-400 wuxuu si buuxda gacanta ugu jiraa dowladda Turkiga, waxaana kaliya loo adeegsan doonaa hawl-gallada difaaca ee Ciidanka Qalabka Sida ee Turkiga,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Gaashaandhigga.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay: “Ma jiro wax qorshe ah oo nidaamka difaaca hawada ee S-400 loogu geynayo dibadda.”

Nidaamkan oo uu farsameeyay Ruushka ayaa ah nidaam casri ah oo ka mid ah kuwa ugu awoodda badan dunida, looguna talagalay difaaca hawada iyo ka hortagga gantaallada iyo diyaaradaha cadowga.

Marka laga yimaado beeninta Turkiga ee arrintaan, wuxuu sidoo kale xaqiijiyay in iskaashiga difaaca ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya uu si habsami leh u socdo.

Ankara oo sannadihii u dambeeyay si weyn u ballaarisay xiriirka amni iyo difaac ee la leedahay Soomaaliya ayaa maalmihii dambe magaalada Muqdisho geynaysay saanad milatari oo xooggan.

Si kastaba, iskaashiga amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo Ankara ay dhawaan Soomaaliya keentay diyaaradaha casriga ah ee dagaalka F-16.

Sidoo kale, Turkiga ayaa Soomaaliya u soo diray saraakiil ka kala socda ciidamada Cirka, Badda iyo Lugta, kuwaas oo door ka qaadanaya xoojinta wada-shaqeynta milatari ee labada dhinac.

Ankara ayaa sidoo kale xoojisay joogitaankiisa milatari ee Soomaaliya, iyadoo maraakiib casri ah ay ku sugan yihiin biyaha dalka. Maraakiibtaasi ayaa la sheegay inay ka qeyb qaadanayaan ilaalinta shidaalka la soo saarayo, xeryaha la dhisayo iyo xarunta dayax-gacmeedka ee haatan lagu howlan yahay.

Turkiga oo saddex qodob kala hadlay madaxweynaha Puntland + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Turkiga u qaabilsan Soomaaliya, Alper Aktaş oo ay wehliyeen mas’uuliyiin ka tirsan safaarada Muqdisho ayaa maanta kulan la yeeshay Madaxweynaha Maaamul-goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni, isaga oo kala hadlay saddex qodob oo xasaasi ah.

Kulanka oo ka dhacay hoteelka uu Deni ka dagan yahay xerada Xalane ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada Amniga, Siyaasadda iyo Bani’aadantinimada Soomaaliya.

Sidoo kale, kulankan oo ka qayb-galeen xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ee Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada maamulkaas ayaa waxaa lagu soo qaaday xiisadda ka taagan hannaanka doorashooyinka, si xal loogu helo.

Saciid Deni ayaa haatan wada kulamo gaar gaar ah oo uu la qaadanayo wakiilada beesha caalamka, isaga oo xalay ay is arkeen Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan oo isna booqasho ugu tegay

Labada mas’uul ayaa kulankooda diiradda ku saaray xaaladda dalku marayo, gaar ahaan is-mariwaaga ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka iyo wax ka beddalka Dastuurka kumeel gaarka ah, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay madaxweynaha maamulka Puntland.

Waxaa kale oo kasii horreeyay kulan kale  oo Arbacadii dhex-maray Saciid Deni iyo Maxamed Farmaajo, kaas oo isna ku saabsanaa xaaladda dalka, adkaynta midnimada iyo xal-u-helidda khilaafaadka ka taagan dastuurka iyo doorashooyinka dalka oo ay weli isku hayaan dowladda iyo mucaaradka.

Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo natiijada kasoo baxda shirka labada dhinac ay go’aamin doonto jihada siyaasadeed ee dalka iyo xallinta khilaafaadka ragaadiyay geeddi-socodka dowlad-dhiska.

Waxaa kale oo jirta xaalad adag oo ka dhalatay abaaraha baahsan ee ka jira qaybo kamid ah dalka, taas oo si xoogan u saameysay dadka iyo duunyadaba.

Xog: Golaha Mustaqbalka oo shir deg-deg ah yeelanaya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in berri oo Jimco ah ay yeehaan shir deg-deg ah, kaas oo ay isugu imaanayaan xubnaha golaha oo si weyn uga soo horjeedo dowladda.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka looga arrisan doono xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka iyo arrimaha Dastuurka.

Ilo wareedyo xilkas ah oo ku dhow Golaha Mustaqablka ayaa sidoo kale innoo xaqiijiyay in shirka diiradda lagu saari doono tallaabada xigta ee ay qaadayaan madaxda Jubbaland, Puntland iyo xubnaha mucaaradka, maadaama ay fashilmeen wada-hdalladii ay kula jireen madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa kale oo uu qorshuhu yahay in Golaha uu farriin la wadaago shacabka Soomaaliyeed, taas oo ku aadan marxaladda adag ee uu dalku ku jiro, iyada oo xilligan ay kasii dareyso xiisadda siyaasadeed ee u dhexeyso labada dhinac.

Xubnaha Golaha Mustaqabalka ayaa sidoo kale kulankan isku macsalaameyn doono, iyada oo madaxweyne Saciid Deni uu dib ugu laaban doono Garoowe, halka Axmed Madoobe oo isagu Isniintii ka ambabaxay magaalada Muqdisho.

Si kastaba, Kulankan ayaa kusoo aadayo, xilli si weyn isha loogu hayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, waxaana ay dadka ay is weydiinayaan halka ay ku dambeyn doonto xiisadda, maadaama waqtigii uu gabagabo yahay, hadane heshiis laga gaari waayay, sida loo wajahayo waqtiga kala guurka.

Golaha Mustaqbalka ayaa horay xudunta is-mariwaaga iyo kala aragti duwanaanta labada dhinac ku sheegay inay sabab u tahay in goluhu ku adkeystay in Dastuurka KMG ka ah ee 2012 uu yahay aas aaska sharciga ee dalka u dagsan, wax ka beddalkiisana uu u baahan yahay heshiis qaran oo loo dhan yahay, halka dhanka kale ay dowladdu taas beddalkeeda ku adkeysatay in aysan cidna u joojineyn wax ka beddalka, siina wadi doonto.

Arrinta labaad ee fashilka keentay ayuu goluhu ku sheegay in sidoo kale ay ku adkeysteen in doorashada Dowlad-goboleedyada muddo dhaafka ah la qabto, iyada oo la raacayo sida uu dhigayo Dastuurka Dowlad-goboleedyada iyo mabaadii’da Dastuurka Federaalka Soomaaliya, taa beddalkeena iyaduna waxay dowladdu dooneysay in doorashooyinka saddexda Maamul-goboleed lagu qabto sharciyad doorasho iyo habraacyo ku saleysan Dastuurka wax ka beddalkiisa la’isku haysto, waxayna taasi dhalisay in ugu dambeyn lagu kala tego shirka.

Xasan oo shir xasaasi ah la yeeshay Shariif iyo siyaasiyiin kale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada shir kula yeeshay koox siyaasiyiin ah oo ay kamid yihiin Shariif Sheekh Axmed, Cabdulqaadir Cosoble iyo Khaliif Cabdulqaadir Macalin Nuur oo dhammaantood ah musharrixiin u taagan xilka madaxweynaha, kana sooo jeeda Hawiye.

Kulankan ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan muranka ka tagan arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddalka Dastuurka, maadaama ay ka heshiin waayeen dowladda iyo mucaaradka.

Sidoo kale, dhinacyada ayaa is-dhaafsaday aragtiyo ku saabsan sidii xal looga gaari lahaa hannaanka iyo waqtiga doorashada, iyadoo la raadinayo is-afgarad siyaasadeed oo ay gaaraan madaxda dowladda iyo Golaha Mustaqbalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, saddexda musharrax oo isku beel yihiin madaxweynaha ayaa si hoose ‘ugu caqli celiyay’ wuxuuna kulankooda ubadnaa waano iyo wax isku sheegis, iyaga oo siiyay talooyin ku aadan xaaladda dalka.

Kulankan ayaa kusoo beegmay, xilli ay todobaadkan ay fashilmeen wada-hadalladii u socday Villa Somalia iyo Golaha Mustaqbalka, ee a xiriiray geeddi-socodka doorashooyinka iyo arrimaha Dastuurka kadib doodo hareeyay shirka.

Golaha Mustaqbalka ayaa horay xudunta is-mariwaaga iyo kala aragti duwanaanta labada dhinac ku sheegay inay sabab u tahay in goluhu ku adkeystay in Dastuurka KMG ka ah ee 2012 uu yahay aas aaska sharciga ee dalka u dagsan, wax ka beddalkiisana uu u baahan yahay heshiis qaran oo loo dhan yahay, halka dhanka kale ay dowladdu taas beddalkeeda ku adkeysatay in aysan cidna u joojineyn wax ka beddalka, siina wadi doonto.

Arrinta labaad ee fashilka keentay ayuu goluhu ku sheegay in sidoo kale ay ku adkeysteen in doorashada Dowlad-goboleedyada muddo dhaafka ah la qabto, iyada oo la raacayo sida uu dhigayo Dastuurka Dowlad-goboleedyada iyo mabaadii’da Dastuurka Federaalka Soomaaliya, taa beddalkeena iyaduna waxay dowladdu dooneysay in doorashooyinka saddexda Maamul-goboleed lagu qabto sharciyad doorasho iyo habraacyo ku saleysan Dastuurka wax ka beddalkiisa la’isku haysto, waxayna taasi dhalisay in ugu dambeyn lagu kala tego shirka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, waxaana si weyn la’isugu hayaan doorashada iyo arrimaha Dastuurka.

Trump oo u hanjabay Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Maraykanka, Donald Trump oo qoraal ku shaaciyay bartiisa Truth Social ayaa ku dhowaaqay go’aan culus oo ka dhan ah labada Xildhibaan ee sida wayn uga soo horjeedo Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib, kadib dhacdadii qabsatay Golaha Congress-ka.

Trump ayaa labadaasi Xildhibaan ku tilmaamay inay yihiin kuwa ugu xun ee golaha, isla markaana kharribaya Mareykanka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ku xadgubbeen sharciga, sidaas daraadeena ay dib ugu celinayaan dalalkii ay ka yimaadeen.

“Markaad eegto Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib, oo xalay si aan la xakameyn karin ugu qaylinayay munaasabaddii quruxda badnayd ee State of the Union, iyadoo la ogyahay inay yihiin siyaasiyiin kharriban oo dalkeenna u xun, waa inaan dib ugu celinnaa halkii ay ka yimaadeen sida ugu dhakhsaha badan.” ayuu yiri Trump.

Madaxweynaha Dalka Mareykanka ayaa Arbacadii hadallo deelqaaf ah si gaar ah ula beegsaday Ilhan Omar iyo bulshada Soomaalida xilli uu khudbad uu jeedinay Golaha Congress-ka, wuxuuna sheegay in ‘burcadbadeed Soomaaliyeed’ ay u soo dhaceen gobolka Minnesota, kadibna ay ka dhaceen 19 bilyan oo doolar.

Intaas kadib waxaa tallaabo geesinimo leh qaaday Ilhaan Cumar oo kulanka fadhisay, waxayna si deg-deg ah uga jawaabtay gefka uu Trump u gaystay Soomaalida ku dhaqan dalka Mareykanka, iyada oo ku qeylisay inuu beenaale madaxweynaha.

Arrintaas ayaa keentay in jawiga kulanka uu isbeddalo, isla markaana uu buuq ka dhashay meesha, kadib qaylada Ilhaan ee ka dhanka ah Trump oo isagu weerar afka ah ku qaaday bulshada Soomaalida ee ku nool gobolka Minnesota.

Horay Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa u sheegtay in hadallada kulul ee madaxweyne Trump la beegsanayo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota aanay wax kale ahayn, balse ay tahay xeelad siyaasadeed oo lagu indho-sarcaadinayo shacabka dalka Mareykanka.

Waxaa kale oo ay intaasi ku dartay in tallaabadan uu ku qarinayo fashilka maamulkiisa iyo dhibaatooyinka sharciga ah ee haysta, isagoo adeegsanaya luuqad naceyb xambaarsan si uu dareenka dadweynaha u jeediyo.

Inkastoo hadallada madaxweynuhu ay abuureen jahawareer iyo qalqal, haddana Ilhaan waxay sheegtay in bulshadeedu ay is-garab taagan tahay, mana aha kuwo cagajugleyn lagu cabsigelin karo.

Xogta heshiis halis ah oo ay galeen Imaaraadka iyo Itoobiya

0

Addis Ababa (Caasimada Online) — Warbixino sirdoon iyo xogo cusub oo soo baxay ayaa daaha ka rogay heshiis halis badan oo xukuumadda ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ay la gashay dowladda Imaaraadka Carabta ee qalalaasaha ka wadda Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe.

Heshiiska ayaa horseeday xero milateri oo aad loo qalabeeyay oo ku taalla gudaha Itoobiya, gaar ahaan meel u dhow xuduudda Suudaan, halkaas oo la sheegay in lagu tababaro dagaalyahannada Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF) ee dagaalka kula jira milatariga Suudaan.

Saldhiggan oo ku yaalla gobolka fog ee Benishangul-Gumuz, ayaa la xaqiijiyay inuu qaadi karo ilaa 10,000 oo dagaalyahan. Tani waxay noqonaysaa caddeyntii ugu horreysay ee toos ah ee muujinaysa ku lug-lahaanshaha Itoobiya ee colaadda sokeeye ee dalka deriska la ah ee Suudaan.

Ilo-wareedyo gaaraya siddeed, oo uu ku jiro sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya, ayaa xaqiijiyay in dowladda Imaaraadka Carabta ay bixisay dhaqaalaha lagu dhisay xaruntan, isla markaana ay geysay tababarayaal milateri.

Falanqeeyayaasha arrimaha gobolka ayaa aaminsan in daah-furka saldhiggan uu iftiiminayo sida dagaalka labada sano jirsaday ee dhinacyada Suudaan — kaas oo sababay dhimashada tobanaan kun iyo barakaca in ka badan 11 milyan oo qof — uusan hadda ahayn mid u dhexeeya laba jeneral oo kaliya, balse uu noqday goob ay ku loolamaan awoodo shisheeye.

Imaaraadka Carabta ayaa si weyn loogu eedeeyay inay taageero hiil iyo hoo ah siiso RSF, iyadoo u marinaysa hubka iyo saadka dalalka Chad, Liibiya, iyo Uganda, inkastoo Abu Dhabi ay marar badan iska fogeysay eedeymahaas, oo sababay in Suudaan ay xiriirka diblomaasiyadeed u jarto dalkaas Khaliijka ku yaalla.

Sawirro dayax-gacmeedka laga qaaday aagga xaruntan ayaa muujinaya dhaqdhaqaaq xooggan oo billowday bishii Oktoobar, iyadoo dabayaaqadii Nofembar la dhisay in ka badan 640 teendho. Gawaarida xamuulka ayaa sidoo kale lagu arkay iyagoo ciidamo cusub ka daad-gureynaya magaalada Asosa oo qiyaastii 53km u jirta xeryaha.

Maxamed Xuseen, oo ah falanqeeye siyaasadeed ahna agaasimaha Shabakadda Xuquuqda Aadanaha ee Darfur, ayaa sheegay in dhismaha xeryahan Itoobiya ay qayb ka yihiin qorshe ballaaran oo Imaaraadku ku taageerayo RSF.

“Taageerada noocan ah waxay jirtay bilowgii hore,” ayuu yiri Xuseen. “Soo dhaweyntii maamuuska lahayd ee Itoobiya u sameysay hoggaamiyaha RSF ee Addis Ababa, iyadoo loola dhaqmayay sidii madaxweyne dal, waxay muujinaysaa qoto-dheerida xiriirkaas.”

Bishii Nofembar, Itoobiya iyo Imaaraadka ayaa kala saxiixday is-fahan dhanka ciidamada cirka ah, kaas oo khubaradu sheegeen inuu sahli karo in diyaaradaha Drones-ka loo adeegsado taageerada RSF.

Maxamed Cabdul Casiis, oo ka tirsan Ururka Suxufiyiinta Suudaan, ayaa ka digay in tallaabadani ay Suudaan gelineyso marxalad istaraatiijiyadeed oo halis ah.

“Dhismaha xeryo ka baxsan xuduudaha dalka, gaar ahaan Itoobiya, waxay dagaalka ka dhigaysaa mid heer gobol ah halkii uu ka ahaan lahaa loolan awoodeed oo ka socda Khartuum,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in faragelinta tooska ah ee Itoobiya ay keeni karto jawaab celin ka timaada Milatariga Suudaan iyo xulafadiisa sida Turkiga, Iiraan, Masar, iyo Sacuudiga, taas oo gobolka u beddeli karta goob dagaal oo la mid ah Liibiya ama Yemen.

Sidoo kale, Al-Faatix Cismaan Maxjuub, oo ah falanqeeye siyaasadeed, ayaa ka digay in haddii xukuumadda Suudaan ay tallaabada Itoobiya u aragto “duulaan milateri”, ay suuragal tahay inay dhaqan-geliso heshiiska difaaca ee ay la leedahay Masar.

“Isbeddelka noocan ah wuxuu albaabada u furi karaa marxalado halis ah, oo ay ka mid tahay in la beegsado Biyo-xireenka webiga Niil (GERD),” ayuu yiri Maxjuub.

Khubarada ayaa aaminsan in dhismaha saldhiggan uu sii fogeynayo rajada nabadda. Wadahadalladii Jeddah iyo Manama ayaa u muuqda kuwo fashilmay, iyadoo hoggaamiyeyaasha labada dhinac ay u muuqdaan kuwo go’aanadoodu ay ku xiran yihiin gacmo shisheeye.

“Marka RSF ay dareento inay haysato taageero istaraatiijiyadeed iyo socodka joogtada ah ee dagaalyahannada iyo Drones-ka, waxay luminayaan dhiirigelintii ay ku tanaasuli lahaayeen miiska wadahadalka,” ayuu yiri Cabdul Casiis.