25.7 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Xogta heshiis halis ah oo ay galeen Imaaraadka iyo Itoobiya

0

Addis Ababa (Caasimada Online) — Warbixino sirdoon iyo xogo cusub oo soo baxay ayaa daaha ka rogay heshiis halis badan oo xukuumadda ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ay la gashay dowladda Imaaraadka Carabta ee qalalaasaha ka wadda Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe.

Heshiiska ayaa horseeday xero milateri oo aad loo qalabeeyay oo ku taalla gudaha Itoobiya, gaar ahaan meel u dhow xuduudda Suudaan, halkaas oo la sheegay in lagu tababaro dagaalyahannada Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF) ee dagaalka kula jira milatariga Suudaan.

Saldhiggan oo ku yaalla gobolka fog ee Benishangul-Gumuz, ayaa la xaqiijiyay inuu qaadi karo ilaa 10,000 oo dagaalyahan. Tani waxay noqonaysaa caddeyntii ugu horreysay ee toos ah ee muujinaysa ku lug-lahaanshaha Itoobiya ee colaadda sokeeye ee dalka deriska la ah ee Suudaan.

Ilo-wareedyo gaaraya siddeed, oo uu ku jiro sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya, ayaa xaqiijiyay in dowladda Imaaraadka Carabta ay bixisay dhaqaalaha lagu dhisay xaruntan, isla markaana ay geysay tababarayaal milateri.

Falanqeeyayaasha arrimaha gobolka ayaa aaminsan in daah-furka saldhiggan uu iftiiminayo sida dagaalka labada sano jirsaday ee dhinacyada Suudaan — kaas oo sababay dhimashada tobanaan kun iyo barakaca in ka badan 11 milyan oo qof — uusan hadda ahayn mid u dhexeeya laba jeneral oo kaliya, balse uu noqday goob ay ku loolamaan awoodo shisheeye.

Imaaraadka Carabta ayaa si weyn loogu eedeeyay inay taageero hiil iyo hoo ah siiso RSF, iyadoo u marinaysa hubka iyo saadka dalalka Chad, Liibiya, iyo Uganda, inkastoo Abu Dhabi ay marar badan iska fogeysay eedeymahaas, oo sababay in Suudaan ay xiriirka diblomaasiyadeed u jarto dalkaas Khaliijka ku yaalla.

Sawirro dayax-gacmeedka laga qaaday aagga xaruntan ayaa muujinaya dhaqdhaqaaq xooggan oo billowday bishii Oktoobar, iyadoo dabayaaqadii Nofembar la dhisay in ka badan 640 teendho. Gawaarida xamuulka ayaa sidoo kale lagu arkay iyagoo ciidamo cusub ka daad-gureynaya magaalada Asosa oo qiyaastii 53km u jirta xeryaha.

Maxamed Xuseen, oo ah falanqeeye siyaasadeed ahna agaasimaha Shabakadda Xuquuqda Aadanaha ee Darfur, ayaa sheegay in dhismaha xeryahan Itoobiya ay qayb ka yihiin qorshe ballaaran oo Imaaraadku ku taageerayo RSF.

“Taageerada noocan ah waxay jirtay bilowgii hore,” ayuu yiri Xuseen. “Soo dhaweyntii maamuuska lahayd ee Itoobiya u sameysay hoggaamiyaha RSF ee Addis Ababa, iyadoo loola dhaqmayay sidii madaxweyne dal, waxay muujinaysaa qoto-dheerida xiriirkaas.”

Bishii Nofembar, Itoobiya iyo Imaaraadka ayaa kala saxiixday is-fahan dhanka ciidamada cirka ah, kaas oo khubaradu sheegeen inuu sahli karo in diyaaradaha Drones-ka loo adeegsado taageerada RSF.

Maxamed Cabdul Casiis, oo ka tirsan Ururka Suxufiyiinta Suudaan, ayaa ka digay in tallaabadani ay Suudaan gelineyso marxalad istaraatiijiyadeed oo halis ah.

“Dhismaha xeryo ka baxsan xuduudaha dalka, gaar ahaan Itoobiya, waxay dagaalka ka dhigaysaa mid heer gobol ah halkii uu ka ahaan lahaa loolan awoodeed oo ka socda Khartuum,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in faragelinta tooska ah ee Itoobiya ay keeni karto jawaab celin ka timaada Milatariga Suudaan iyo xulafadiisa sida Turkiga, Iiraan, Masar, iyo Sacuudiga, taas oo gobolka u beddeli karta goob dagaal oo la mid ah Liibiya ama Yemen.

Sidoo kale, Al-Faatix Cismaan Maxjuub, oo ah falanqeeye siyaasadeed, ayaa ka digay in haddii xukuumadda Suudaan ay tallaabada Itoobiya u aragto “duulaan milateri”, ay suuragal tahay inay dhaqan-geliso heshiiska difaaca ee ay la leedahay Masar.

“Isbeddelka noocan ah wuxuu albaabada u furi karaa marxalado halis ah, oo ay ka mid tahay in la beegsado Biyo-xireenka webiga Niil (GERD),” ayuu yiri Maxjuub.

Khubarada ayaa aaminsan in dhismaha saldhiggan uu sii fogeynayo rajada nabadda. Wadahadalladii Jeddah iyo Manama ayaa u muuqda kuwo fashilmay, iyadoo hoggaamiyeyaasha labada dhinac ay u muuqdaan kuwo go’aanadoodu ay ku xiran yihiin gacmo shisheeye.

“Marka RSF ay dareento inay haysato taageero istaraatiijiyadeed iyo socodka joogtada ah ee dagaalyahannada iyo Drones-ka, waxay luminayaan dhiirigelintii ay ku tanaasuli lahaayeen miiska wadahadalka,” ayuu yiri Cabdul Casiis.

Soo celinta kalsoonida dadweynaha ee maamulka Gobolka Banaadir

0

Maamul kasta waxaa lagu qiimeeyaa waxqabadkiisa, ma aha hadalladiisa. Magaalada Mogadishu maanta doodda ugu weyn ee dadku isweydiinayaan waa: Xaggee ku dambeysay hufnaantii? Yaa la xisaabtama? Yaa danaha shacabka ilaaliya?

Maamulka Gobolka Banaadir wuxuu udub-dhexaad u yahay nolosha siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka. Wuxuu gacanta ku hayaa maamulka dhulka, canshuuraha, qandaraasyada, nadaafadda, iyo qorsheynta magaalo sii fidaysa. Mas’uuliyaddaas culus waxay la socotaa isla xisaabtan culus.

Waqtiyadan u dambeeyay, eedeymo la xiriira musuqmaasuq — gaar ahaan dhinacyada bixinta dhulka, qandaraasyada dadweynaha, iyo ururinta dakhliga — ayaa si weyn uga dhex muuqday hadal-haynta bulshada. Xitaa haddii dhammaan eedeymahaas aan si buuxda loo caddeyn, dareenka kalsooni-darro ee soo baxaya laftiisu waa dhibaato maamul.

Marka muwaadiniintu aaminaan in qandaraasyada lagu bixiyo eex, in dhulka si qarsoodi ah loo maareeyo, ama in dakhliga magaalada aan si furan loo shaacin, kalsoonidii dowladnimo way daciiftaa. Marka kalsoonidu yaraato, wada shaqeynta iyo u hoggaansanaanta sharciga way xumaataa.

Tani ma aha arrin ku gaar ah Soomaaliya. Magaalooyin badan oo ka soo kabanaya colaado ama leh hay’ado jilicsan waxay la kulmaan caqabado la mid ah. Hase yeeshee, xalkeedu ma aha in la iska indho tiro cabashada dadweynaha, balse waa in la xoojiyo hay’adaha iyo nidaamyada hufnaanta.

Haddii Maamulka Banaadir doonayo inuu soo celiyo kalsoonida shacabka, waa inuu hormuud ka noqdaa hufnaan dhab ah. Tallaabooyinka muhiimka ah waxaa ka mid noqon kara:

• In si joogto ah loo daabaco miisaaniyadda iyo kharashaadka magaalada
• In la digitize-gareeyo diiwaannada dhulka iyo canshuuraha si loo yareeyo faragelinta shakhsiga ah
• In la xoojiyo hababka kormeerka iyo hanti-dhowrka madaxbannaan
• In cabashooyinka dadweynaha loo sameeyo nidaam furan oo la heli karo

La xisaabtanku waa inuu noqdaa mid caddaalad ah oo aan xulasho ku dhisneyn. Haddii ay jiraan tuhunno la hubo, baaritaannadu waa inay noqdaan kuwo hufan oo natiijadooda la wada arko. Aamusnaantu waxay kordhisaa shakiga; daahfurnaantuna waxay soo celisaa kalsoonida.

Muqdisho ma aha oo keliya caasimad; waa wajiga dowladnimada Soomaaliya. Haddii hufnaan laga hirgeliyo Banaadir, waxay xoojinaysaa kalsoonida nidaamka federaalka. Haddii musuqmaasuq lagu dayaco, waxay dhaawacaysaa mustaqbalka dimuqraadiyadda.

Shacabku ma dalbanayaan kaamilnimo. Waxay dalbanayaan caddaalad, daahfurnaan, iyo in xilka loo arko amaano dadweyne.

Su’aashu waxay tahay: Maamulka Banaadir ma qaadi doonaa tallaabooyin dib-u-habeyn oo cad, mise kalsoonida shacabka ayaa sii wiiqmi doonta?

W/Q: Avv. Omar Abdulle Dhagey

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

Xafiiska Erdogan oo faah-faahiyey mashruuc weyn oo ay ka fulinayaan Soomaaliya

0

Ankara (Caasimada Online) — Dowladda Turkiga ayaa shaacisay in qorshaha dhismaha saldhigga gantaallada iyo dayax-gacmeedyada (Spaceport) ee laga hirgelinayo gudaha Soomaaliya uu waddada u xaari doono iskaashi hor leh oo dhanka amniga, warshadaha gaashaandhigga iyo wadaaga teknoolajiyadda ah oo dhexmara labada dal.

Burhanettin Duran, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Madaxtooyada Turkiga, ayaa Arbacadii mashruucan ku tilmaamay mid kamid ah iskaashiyada ugu waaweyn ee Ankara ay la leedahay Muqdisho.

“Waxaan aaminsanahay in mashruucan xiisaha leh uusan kaliya kor u qaadi doonin maqaamka caalamiga ah ee Turkiga iyo Soomaaliya, balse uu sidoo kale abuuri doono fursado cusub oo dhinacyo badan ah,” ayuu yiri Duran oo ka hadlayay madal looga doodayay xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya.

Dhismaha xaruntan oo laga sameynayo xeebaha Badweynta Hindiya ee Soomaaliya ayaa la sheegay inuu bilowday sannadkii hore, kadib markii la dhameystiray daraasaadka suurta-galnimada.

Dhulkan oo lagu qiyaasay qiyaastii 900 oo kiiloo-mitir oo isku-wareeg ah, ayaa lagu bixiyay heshiis iskaashi oo labada dal dhexmaray sannadkii 2024.

Khubarada ayaa sheegaya in sababta Soomaaliya loo xushay ay tahay u-dhawaanshaha xariiqda dhexe ee dhul-baraha (Equator), taasi oo si weyn u yareynaysa kharashka shidaalka ee gantaallada hawada loo diro, isla markaana kordhinaysa awoodda xamuul ee dayax-gacmeedyada.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah barnaamijka qaran ee hawada sare ee Turkiga (National Space Program), kaas oo Ankara ay ku doonayso inay ku yeelato awood ay dayax-gacmeedyada iyo gantaallada maxalliga ah ku tijaabiso, si ay u yarayso ku-tiirsanaanta shisheeyaha ee dhanka gaashaandhigga.

Hadalka kasoo yeeray Madaxtooyada Turkiga ayaa kusoo beegmaya xilli Ankara ay ballaarineyso raadkeeda Soomaaliya. Dalku waxa uu horey u martigeliyay saldhigga milateri ee ugu weyn ee Turkiga uu ku leeyahay dibadda (Turksom), kaas oo ah udub-dhexaadka istaraatiijiyadda milatari ee Turkiga ee Geeska Afrika.

Sidoo kale, horaantii bishan, Ankara ayaa soo dirtay markabkeedii ugu horreeyay ee qodista shidaalka, kadib markii la dhameystiray sahan dhanka badda ah. Wasiirka Tamarta Turkiga, Alparslan Bayraktar, ayaa bishii Diseembar rajo ka muujiyay saddex xirmo (blocks) oo shidaal laga baarayo xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo midkiiba lagu qiyaasay 5,000 oo kiiloo-mitir oo isku-wareeg ah.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa imaanaya xilli uu cirka isku shareeray loolanka Geeska Afrika, kadib markii Israa’iil ay bishii Diseembar aqoonsatay maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya.

“Si cad oo aan gabasho lahayn ayaan uga soo horjeednaa tallaabada Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland,” ayuu yiri Duran.

Turkiga ayaa aaminsan in tallaabada Israa’iil ay tahay mid lagu carqaladeynayo xasiloonida Soomaaliya, isla markaana khatar ku ah danaha Ankara ee gobolka. Bishii hore ayay ahayd markii Turkiga uu si rasmi ah u aqoonsaday in “midnimada dhuleed ee Soomaaliya” ay tahay mudnaan amniga qaran ah.

Xiisaddan ayaa sidoo kale saameyn ku yeelatay dalalka kale ee danaha ka leh gobolka. 

Imaaraadka Carabta, Inkastoo ay xiriir ganacsi iyo mid dekedo la leeyihiin Somaliland, haddana Abu Dhabi si rasmi ah uma aqoonsan gooni-u-goosadka, inkasta oo laga filayey, halka Qatar ay si dhow ula safan tahay Turkiga iyo Dowladda Federaalka, iyadoo taageerta ciidamada xoogga dalka.

Dhinaca kale, Shiinaha wuxuu si adag u taageeray madax-bannaanida Soomaaliya, isagoo ka duulaya siyaasaddiisa guud ee ka dhanka ah gooni-u-goosadka, halka maamulka Trump ee Mareykanka uu sheegay in aanu qorsheyneynin inuu raaco tallaabada Israa’iil ee aqoonsiga Somaliland.

Dowladda oo qorsheynaysa dhismaha maxkamado ganacsi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheynaysa dhismaha maxkamado u gaar ah arrimaha ganacsiga, si loo xoojiyo nidaamka garsoorka ee khuseeya ganacsatada iyo maalgashadayaasha dalka.

Qorshahan ayaa lagu lafa-guray kulan ay wada yeesheen Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS, Xasan Macallin Maxamuud, iyo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Jamaal Maxamed Xasan.

Kullanka oo ay qeyb ka ahaayeen khubaro ka kala socotay labada wasaaradood ayaa diiradda lagu saaray horumarinta iyo dardargelinta dadaallada lagu xoojinayo ganacsiga Soomaaliyeed, si loo helo sal sharci oo adag oo aas-aas u noqda kobaca dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale, waxaa si gaar ah looga hadlay dejinta hannaan sharci oo hufan oo lagu xallinayo murannada iyo khilaafaadka ganacsi, iyadoo la dhisayo maxkamado si gaar ah ugu takhasusa arrimahaas.

Mas’uuliyiinta ayaa hoosta ka xarriiqay in Wasaaradda Cadaaladda ay qaadato doorka hoggaaminta dhismaha maxkamadaha ganacsiga iyo dejinta habraacyada sharci ee lagu maamuli doono.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa sidoo kale laga sugayaa inay soo dhameystirto xeerarka iyo shuruucda lagama maarmaanka u ah nidaaminta ganacsiga iyo ilaalinta xuquuqda ganacsatada.

Ugu dambeyntiina, waxaa la isku raacay in la magacaabo guddi farsamo oo wadajir ah oo ka kooban labada wasaaradood, kaas oo diyaarin doona qorshaha iyo hanaanka lagu hirgelinayo maxkamadaha ganacsiga.






Masar oo beenisay warkii la xiriiray yabooha badda Itoobiya ee laga faafiyey

0

Qaahira (Caasimada Online) — Dowladda Masar ayaa Talaadadii si adag u beenisay warar soo baxay oo sheegayay in Qaahira ay u bandhigtay Itoobiya inay ka caawiso helitaanka marin badeed ee Badda Cas, si looga beddesho dabacsanaan iyo tanaasul laga sameeyo arrinta muranka dhalisay ee Biyo-xireenka Webiga Niil (GERD).

Mas’uul u hadlay dowladda Masar, oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee rasmiga ah (MENA), ayaa ku tilmaamay wararka sheegaya in Masar ay gacan ka geysanayso sidii dalkaas aan badda lahayn uu u heli lahaa marin badeed, kuwo “aan sal iyo raad toona lahayn”.

Mas’uulka ayaa ku adkeystay in mowqifka rasmiga ah ee Masar ee ku aaddan khilaafka biyo-xireenka uu yahay mid aan waxba iska beddelin.

Xudunta warka la beeniyay

Hadalkan ayaa imanaya iyadoo wargeyska The National ee ay leedahay dowladda Imaaraadka Carabta uu toddobaadkan daabacay warbixin sheegaysa in Masar ay toddobaadkii hore u gudbisay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, dalab cusub.

Wargeyska, oo soo xiganaya ilo-wareedyo Masar ah, ayaa ku warramay in Qaahira ay u yaboohday inay saaxiibadeeda kala hadasho sidii Itoobiya loo siin lahaa marin ganacsi oo dhanka badda ah.

Beddelkeeda, sida warbixinti tiri, Itoobiya waxaa laga doonayay inay tanaasul ka samayso isticmaalka biyaha Niilka, isla markaana ay ka waantowdo inay ciidamo milateri soo dhoobto Badda Cas.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in soo-jeedintan sidoo kale lala wadaagay Mareykanka, xilli Madaxweyne Donald Trump uu dhowaan ballanqaaday inuu dhexdhexaadin ka geli doono heshiis dhexmara labada dal.

Xiisadda webiga Niil

Masar iyo Itoobiya ayaa muddo ka badan toban sano ku jiray loolan adag oo salka ku haya dhismaha biyo-xireenka weyn ee (GERD), kaas oo ku kacay lacag dhan 5 bilyan oo dollar, lagana dhisay isha ugu weyn ee Webiga Niil.

Masar, oo kamid ah dalalka ugu biyaha yar caalamka, ayaa ku tiirsan Webiga Niil ku dhawaad boqolkiiba boqol si ay u daboolaan baahidooda biyaha macaan, waxayna biyo-xireenkan u aragtaa mid khatar ku ah jiritaankeeda.

Dhanka kale, Itoobiya ayaa diiday inay dhinto xawaaraha buuxinta biyo-xireenka ama ay kordhiso qulqulka biyaha u gudbaya dhanka hoose ee Masar.

Helitaanka marin badeed ayaa ah dan istaraatiijiyad oo qaran oo Itoobiya ay dadaal badan ku bixineyo kadib markii ay noqotay dal aan bad lahayn kadib markii Ereteriya ay madax-bannaanideeda qaadatay in ka badan 30 sano ka hor.

Labada dal midna weli si furan ugama hadlin warbixinta The National, marka laga reebo beeninta kasoo yeertay sarkaalka Masar u hadlay. 

Maxay ka wada-hadleen Saciid Deni iyo James Swan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo weli ku sugan magaalada Muqdisho ayaa haatan kulamo xasaasi ah ka wada Caasimada, kuwaas oo uu la qaadayo xubno kamid ah beesha caalamka.

Saciid Deni ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan oo booqasho ugu tegay hoteelka uu ka dagan yahay xeyndaabka xerada Xalane.

Labada mas’uul ayaa kulankooda diiradda ku saaray xaaladda dalku marayo, gaar ahaan is-mariwaaga ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka iyo wax ka beddalka Dastuurka kumeel gaarka ah, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay madaxweynaha maamulka Puntland.

Kulankan waxaa ka horreeyay mid kale oo Arbacadii dhex-maray Deni iyo Farmaajo, kaas oo yimid kadib markii madaxweynaha Puntland uu booqasho ku tegay hoyga madaxweynihii 9-aad ee Soomaaliya ka dagan yahay magaalada Muqdisho.

Labada dhinac ayaa kulankooda wuxuu ku saabsanaa xaaladda dalka, adkaynta midnimada iyo xal-u-helidda khilaafaadka ka taagan dastuurka iyo doorashooyinka dalka oo ay weli isku hayaan dowladda iyo mucaaradka.

Waxaa kaloo oo ay boggaadiyeen dadaallada socda ee ku aadan sidii loo gaari lahaa heshiis loo dhan yahay oo dalka looga badbaadiyo hubanti la’aan siyaasadeed iyo qalalaase amni oo ka dhaca caasimada.

Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo natiijada kasoo baxda shirka labada dhinac ay go’aamin doonto jihada siyaasadeed ee dalka iyo xallinta khilaafaadka ragaadiyay geeddi-socodka dowlad-dhiska.

Waxaa kale oo jirta xaalad adag oo ka dhalatay abaaraha baahsan ee ka jira qaybo kamid ah dalka, taas oo si xoogan u saameysay dadka iyo duunyadaba.

Hay’adda socdaalka oo ka hortagtay isku-day gabar Soomaali ah loogu qaadi lahaa…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa shaacisay inay ka hortagtay isku day tahriibin ah oo lagu doonayay in gabar Soomaaliyeed si sharci-darro ah loogu dhoofiyo dalka Liibiya.

War-saxaafadeed ay soo saartay hay’addu ayaa lagu sheegay in baaritaan iyo hubin ay sameeyeen saraakiisheeda lagu xaqiijiyay in gabadhan oo laga soo tahriibinayay magaalada Laascaanood ay la socdeen shaqsiyaad ku lug leh falal tahriibin.

Shaqsiyaadkan ayaa la sheegay inay isku dayeen in si khiyaano ah loogu sameeyo dukumintiyo safar si ay dalka uga saaraan.

Hay’adda ayaa tilmaamtay in kiiska si waafaqsan habraacyada sharciyeed loogu wareejiyay Laanta Baarista Dembiyada (CID), si loo sii amba-qaado baaritaanka isla markaana loo qaado tallaabooyinka sharciga waafaqsan.

Sidoo kale, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxay mar kale uga digtay bulshada Soomaaliyeed khatarta tahriibinta iyo halista ay ku hayaan shabakadaha dadka tahriibiya, iyadoo adkaysay in la sii xoojin doono dadaallada lagu ciribtirayo kooxahaas.

Hay’addu waxay sidoo kale adkaysay in badbaadinta iyo ilaalinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ay tahay waajib qaran oo mudnaan gaar ah leh.

Si kastaba, hay’adda socdaalka ayaa mudooyinkii dambe xoogga saartay ka hortagga, la-dagaalanka tahriibka iyo socdaalka sharci-darrada ah, iyadoo xirtay dad badan oo ku lug leh arrimahaas.

DF oo amar cusub kusoo rogtay wasiirada iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gebi ahaanba maamnuuncday baabuurta taariko la’aanta ah, iyadoo wasiirada iyo mas’uuliyiinka kale ee hay’adaha dowladda la faray inay diiwaan-geliyaan gaadiidkooda.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa lagu sheegay in go’aankan uu qeyb ka yahay dardar-gelinta dadaallada hay’adaha amniga.

Wasaaradda ayaa sheegtay in dhamaan mas’uuliyiinta dowladda, mudaneyaasha baarlamaanka iyo xubnaha Golaha Wasiirrada laga doonayo in laga bilaabo 5-ta Maarso 2026 ay qaataan tallaabooyin dheeraad ah oo ku saabsan amniga gaadiidkooda, gaar ahaan hubinta iyo diiwaangelinta gaadiidka ay isticmaalaan.

“Mas’uuliyiinta ka tirsan hay’adaha dowladda iyo goleyaasha kala duwan ee kor ku xusan waxaa laga rajaynayaa in ay hay’adaha amniga ku gacan siiyaan gudashada waajibaadkooda shaqo, gaar ahaan hubinta, diiwaan-gelinta, iyo nidaaminta gaadiidka rasmiga ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Qaadashada taargada gaadiidka ayay wasaaraddu sheegtay inay tahay waajib sharci ah oo saaran qof kasta oo wata nooc kasta oo gaadiid ah, waxayna ciidamadu ammaanka u sahleysaa fulinta howlaha xaqiijinta amniga iyo kala soocidda gaadiidka.

Dhinaca kale, wasaaradda ayaa shacabka Soomaaliyeed ku bogaadisay u hoggaansanaanta awaamiirta hay’adaha amniga iyo ku gacan-siinta shaqadooda.

“Wasaaradda waxay markale adkaynaysaa muhiimmadda ay leedahay wada-shaqaynta bulshada iyo hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo xasilloonida, kala dambeynta, iyo badqabka guud ee dalka.”

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo shacabka Soomaaliyeed ku bogaadinaysa u hoggaansanaanta awaamiirta hay’adaha amniga iyo ku gacan-siinta shaqadooda ayaa masuuliyiinta heerarka kala duwan ee dowladda ku wargelinaysa xoojinta habraacyada amniga gaadiidka, si looga hortago isku dayada naf-la-caariga ah ee kooxaha Khawaarijta.

Iyadoo la dardargelinayo dadaallada joogtada ah ee hay’adaha amniga ay ku bixinayaan ilaalinta amniga iyo badqabka ummadda Soomaaliyeed, iyo ka hortagga falalka foosha xun ee Khawaarijta, wasaaraddu waxay ku wargelinaysaa dhammaan masuuliyiinta dowladda, mudaneyaasha baarlamaanka, iyo xubnaha Golaha Wasiirrada in laga bilaabo 5-ta Maarso 2026 aan la oggolaan doonin masuul wata gaari aan lahayn taargo rasmi ah.

Masuuliyiinta ka tirsan hay’adaha dowladda iyo goleyaasha kala duwan ee kor ku xusan waxaa laga rajaynayaa in ay hay’adaha amniga ku gacan siiyaan gudashada waajibaadkooda shaqo, gaar ahaan hubinta, diiwaangelinta, iyo nidaaminta gaadiidka rasmiga ah.

Qaadashada taargada gaadiidka waa waajib sharci ah oo saaran qof kasta oo wata nooc kasta oo gaadiid ah, waxayna ciidamadu ammaanka u sahleysaa fulinta howlaha xaqiijinta amniga iyo kala soocidda gaadiidka.

Wasaaradda Amniga Gudaha waxay markale adkaynaysaa muhiimmadda ay leedahay wada-shaqaynta bulshada iyo hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo xasilloonida, kala dambeynta, iyo badqabka guud ee dalka.

Somaliland oo safiir buuxa u magacowday Israel iyo Israel oo go’aan ka soo saartay

0

Hargeysa (Caasimada Online)  Madaxtooyada Somaliland ayaa Arbacada maanta ah shaacisay inay magacawday danjiraheedii ugu horreeyay ee u fadhin doona Israa’iil, tallaabadaas oo Tel Aviv ay aqbashay, sida lagu sheegay qoraallo ka soo kala baxay labada dhinac.

Labada dhinac ayaa si degdeg ah u rasmiyeeyay xiriirkooda kadib markii Israa’iil ay dabayaaqadii sannadkii hore aqoonsatay madax-bannaanida jamhuuriyadda iskeed isku magacawday ee waqooyiga Soomaaliya.

Wareegto kasoo baxday magaalada Hargeysa, ayuu Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ku sheegay in uu u magacaabay Dr. Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud inuu noqdo Danjiraha aan caadiga ahayn ee awoodda buuxda leh (Ambassador Extraordinary and Plenipotentiary) ee Somaliland u qaabilsan Dowladda Israa’iil.

Qoraal borotokool oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil 23-kii Febraayo, 2026, kaas oo ay heshay Caasimada Online, ayaa lagu xaqiijiyay in dowladda Israa’iil ay oggolaansho (agrément) siisay magacaabista “Dr. Maxamed Xaaji”.

Sida ku cad qoraalka, go’aanka Israa’iil ayaa yimid kadib codsi uga yimid Madaxtooyada Somaliland 15-kii bishii Febraayo, iyo is-fahan la gaaray intii uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Gideon Saar, booqashada ku joogay Hargeysa bishii la soo dhaafay.

Wasaaradda ayaa ku tilmaamtay danjiraha cusub inuu yahay la-taliye sare oo aad ugu dhow Madaxweyne Cirro, door weyna ku lahaa dhismaha xiriirka labada dhinac sanadkii 2025-kii.

Dr. Maxamed Cumar Xaaji oo hore u ahaa wakiilka Somaliland ee Taiwan ayaa haatan noqonaya safiirkii ugu horreeyay ee buuxa oo Somaliland u dirto Israa’iil, xilli Israa’iil dabayaaqadii sanadkii 2025 ku dhawaaqday inay aqoonsatay Somaliland.

Dardar-gelinta xiriirka iyo safarka madaxweynaha

Dhaq-dhaqaaqa dublamaasiyadeed ayaa dardar ku socday tan iyo markii Israa’iil ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada madax-bannaanida Somaliland 26-kii Diseembar, 2025. Tallaabadaas ayaa soo afjartay tobanaan sano oo go’doon diblamaasiyadeed ah oo ay ku jirtay Somaliland.

Wasiir Gideon Saar oo Hargeysa booqday 6-dii Janaayo ayaa ballanqaaday inuu si “adag u horumarin doono” xiriirka labada dhinac.

Sida ay xaqiijinayaan ilo-wareedyo la socda qorshaha, Madaxweyne Cirro ayaa hadda la filayaa inuu safar rasmi ah ku tago Israa’iil dhammaadka bisha Maarso.

Safarkan ayaa noqon doona kii ugu horreeyay ee rasmi ah oo madaxweyne Somaliland ah ku tago Israa’iil tan iyo aqoonsiga, inkastoo Cirro uu horey safar qarsoodi ah ugu tagay dalkaas ka hor inta uusan xiriirku soo shaac-bixin.

Isbaheysigan ayaa si weyn isha loogu hayaa sababo la xiriira goobta istaraatiijiga ah ee gobolka Somaliland kaga yaallo Gacanka Cadmeed iyo marinka Baab al-Mandab, halkaas oo ah marin muhiim u ah gaadiidka badda caalamiga ah oo ay weeraro joogto ah ku hayaan fallaagada Xuutiyiinta Yemen.

Israa’iil ayaa xiriirkan ku tilmaamtay qayb ka mid ah dadaallada lagu ilaalinayo danaha badda iyo ballaarinta saaxiibada ay ku leedahay gobolka, iyadoo raacaysa dhabaha heshiisyadii Abraham (Abraham Accords).

Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa ballan-qaaday iskaashi degdeg ah oo dhinacyada beeraha, teknoolajiyadda iyo amniga ah.

Maalintii Arbacada, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil waxay shaacisay in tababar u socdo saraakiil ka tirsan Wasaaradda Biyaha Somaliland, kaas oo ay bixinayso hay’adda horumarinta u qaabilsan Israa’iil ee MASHAV.

Xiriirkan sii xoogeysanaya ayaa caro weyn ka dhaliyay magaalada Muqdisho, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tilmaamtay booqashadii Saar “xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida qaranka,” iyadoo taageero u raadisay mowqifkeeda dalalka Masar, Turkiga, Jabuuti iyo Midowga Afrika.

Heshiiska Israa’iil iyo Somaliland ayaa sii murjiyay xaaladda gobolka oo markii horeba la daalaa-dhacayay xiisaddii ka dhalatay is-fahamkii Itoobiya iyo Somaliland ee Janaayo 2024.

Madaxweyne Cirro, oo xilka ku guuleystay bishii Nofembar 2024, ayaa weriyeyaasha u sheegay horaantii bishan in inkastoo aan weli heshiis ganacsi oo rasmi ah la saxiixin, haddana xukuumaddiisu diyaar u tahay inay Israa’iil u ogolaato maalgashiga kheyraadka dabiiciga ah, balse wadahadallada aanay weli gaarsiisnayn heer la sameeyo saldhigyo milateri.

UK oo go’aan ka gaartay aqoonsiga Somaliland kadib tallaabadii ay qaaday Israel

0

London (Caasimada Online) – Dowladda Ingiriiska ayaa si cad u sheegtay in aysan aqoonsan doonin maamulka Somaliland, kaddib markii Israa’iil ay dabayaaqadii sanadkii hore ku dhawaaqday inay dal madax-bannaan u aqoonsantay Somaliland.

Safiir Ku-xigeenka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Itoobiya, Luke Bullock oo la hadlay Addis Standard ayaa arrintaan caddeeyay, isagoo sheegay in UK ay dhiirrigelinayso wada-hadallo dhexmara Hargeysa iyo Muqdisho.

Luke Bullock wuxuu xusay in dowladda Ingiriiska ay haatan diiradda saarayso dadaallada nabadeynta Soomaaliya, isla markaana aysan u arkin in aqoonsi la siiyo Somaliland uu kaalin ka geysan karo xallinta xaaladda taagan.

“Waxaan dooneynaa inaan taageerno geeddi-socodka nabadda Soomaaliya, mana aaminsanin in aqoonsi caalami ah oo la siiyo Somaliland uu wax ka tari karo arrintaas. Waxa aan ku baaqeynaa in Muqdisho iyo Hargeysa ay wada-hadal yeeshaan,” ayuu yiri.

Sidoo kale, safiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay in xal nabadeed oo ay si wadajir ah u gaaraan Somaliland, Soomaaliya iyo Itoobiya uu noqon karo jidka ugu habboon ee looga gudbi karo caqabadaha jira, isaga oo xusay in Ingiriisku muddo dheer ku lug lahaa dadaallada xal u raadinta arrimahan.

Inkasta oo Ingiriisku uu Somaliland maamulayay in ka badan 70 sano xilligii gumeysiga, isla markaana uu madax-bannaani siiyay sanadkii 1960, ayaa kamid ah dalalka xafiisyada ku leh Hargaysa, ee wada-shaqeynta dhow leh Somaliland.

Dowladda Ingiriiska ayaa marar badan ku cel-celisay in aysan waqtigan diyaar u ahayn aqoonsiga Somaliland, iyadoo mar kasta ku adkeysata muhiimadda wada-hadal toos ah oo dhexmara Muqdisho iyo Hargeysa.

Ingiriiska ayaa hore u martigeliyay wada-hadalladii ugu horreeyay ee dhexmara Soomaaliya iyo Somaliland sanadkii 2012, kuwaas oo ka qabsoomay London. Inkastoo kulamadaasi socdeen muddo, haddana ma aysan horseedin heshiis rasmi ah oo labada dhinac dhexmara.

Si kastaba, arrimahan ayaa imanaya xilli maamulka Somaliland uu olole xooggan ugu jiro aqoonsi raadinta kadib markii Israa’iil ay sheegtay inay dal madax-bannaan u aqoonsatay, taasi oo si adag uga hortimid Dowladda Federaalka, ayna cambaareeyeen inta badan dalalka caalamka, oo tallaabadaas u arka xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya.

Sawirro: Soomaaliya iyo Turkiga oo gaaray is-afgarad cusub oo looga hortagayo….

0

Ankara (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa maanta gaaray is-afgarad cusub, oo looga hortagayo dhibaatada wararka been-abuurka ah, ee lagu suurad xumaynayo iskaashiga labada dhinac iyo howlaha uu Turkiga ka wado gudaha dalka.

Is-afgaradkan ayaa lagu gaaray kulan ay maanta magaalada Ankara ku yeesheen Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac oo uu weheliyo Wasiirka Gaadiidka Badda iyo Dekedaha, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo Wasiirka Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Turkiga, Burhanettin Duran.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada kala duwan ee u dhexeeya labada dal, iyadoo si gaar ah loo adkeeyey doorka warbaahinta ee ka qayb qaadan karta horumarinta xiriirka istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa isla soo qaaday sidii warbaahinta loogu adeegsan lahaa muujinta guulaha iskaashiga, isla markaana loo horumarin lahaa fahamka guud ee bulshooyinka labada dal.

Sidoo kale, labada dal ayaa isku afgartay inay abuuraan wadashaqeyn istaraatiijiyadeed oo looga hortagayo dhibaatada wararka been-abuurka ah, iyadoo la xoojinayo is-dhaafsiga xirfadaha iyo aqoonta warbaahinta casriga ah.

Wada-hadalladan ayaa qayb ka ah dadaallo ballaaran oo Turkigu ku xoojinayo xiriirka uu la leeyahay dalalka Afrika, gaar ahaan Soomaaliya oo uu kala dhexeeyo iskaashi qoto dheer oo dhinacyo badan leh.

Shirkan caalamiga ah ee ka socda Ankara ayaa waxaa ka qayb-galay diblomaasiyiin, aqoonyahanno iyo khubaro ka kala socota dalal kala duwan, kuwaas oo ka doodayay xoojinta iskaashiga iyo saaxiibtinimada Turkiga iyo Afrika.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sannadihii u dambeeyey sii xoojinayey xiriirkooda ku saleysan iskaashi dhinacyada amniga, dhaqaalaha, kaabeyaasha dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo horumarinta awoodda hay’adaha dowladda.

Muungaab oo sameeyay xil ka qaadis iyo magacaabis

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo maanta wareegto soo saaray ayaa sameeyay xil-ka-qaadis iyo magacaabis agaasimayaal.

Wareegtada ayaan waxaa Cabdisalaan Daahir Magan loogu magacaabay inuu noqdo agaasimaha waaxda Gurmadka Degdegga ah ee Gobolka Banaadir, waxaana xilkaas horay u hayay oo laga qaaday Cabdicasiis Goodax Barre.

Sidoo kale Ismaaciil Faarax Diiriye ayaa isna loo magacaabay agaasimaha waaxda Hawlaha Guud ee Gobolka Banaadir, iyada oo xilkaas laga qaaday Cabdirisaaq Axmed Salaad.

Duqa Muqdisho ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta cuusub in ay mudnaan siiyaan horumarinta caasimada, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga.

Sidoo kale Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa labada agaasime u rajeeyay in ay dardargeliyaan hawlaha loo idmaday oo muhiim u ah Gobolka.

Isbeddalkan ayaa la xiriira dardargelin shaqo, si horay loogu wado shaqada labadaan xafiis oo muhiim u ah dowladda hoose, sida lagu sheegay qoraalka.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhawaan ku ku dhowaaqay tallaabooyin lagu hormarinayo howlaha maamulkiisa, laguna xoojinayo nadaafadda caasimadda, taas oo ka mid ah mashaariicda mudnaanta u leh horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo bilicda caasimadda Muqdisho.

Si kastaba, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maalmahan dambe waday qorsheyaal waa wayn oo lagu hormarinayo caasimada, waxaana dib loo dhisay waddooyin muhiim ah iyo xarumo dadweyne oo ku yaal magaalada Muqdisho.

Villa Somalia oo markii ugu horreysay shaacisay xilka rasmiga ah ee Jihaan Xasan

0

Muqdisho (Soomaaliya) — Madaxtooyada Soomaaliyaayaa markii ugu horreysay si rasmi ah u xaqiijisay in gabadha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay hayso xil sare oo ka tirsan madaxtooyada, tallaabadaas oo soo afjaraysa hadal-hayn muddo socotay.

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay madaxtooyada, kaas oo ku saabsanaa booqashada ay Muqdisho ku timid Duchess of Edinburgh oo ka tirsan qoyska boqortooyada UK, ayaa lagu shaaciyey in Jihaan Xasan Sheekh ay tahay “La-taliyaha sare ee madaxweynaha ee arrimaha dibadda”.

Shaacintan ayaa loo arkaa tallaabo cusub oo dhanka hufnaanta ah marka loo eego qoyska Madaxweynaha. Iyadoo muddooyinkii u dambeeyay ay suuqa ku jirtay xan ku aaddan kaalinta ay gabadhu ku leedahay maamulka dowladda, haddana war-murtiyeedyada rasmiga ah ee horey looga soo saari jiray madaxtooyada marna laguma xusi jirin magac ama xil rasmi ah oo ay hayso.

Waxay arrintan timid xilli Jihaan ay Madaxtooyada kula kulantay amiirad Sophie Helen, iyagoo ka wada hadlay “iskaashiga taariikhiga ah iyo kan joogtada ah” ee u dhexeeya Boqortooyada Ingiriiska iyo Soomaaliya.

“Waxaan ku faraxsanaa inaan qayb ka noqdo wadahadallada… ku saabsan xoojinta adkeysiga iyo horumarinta daryeelka bulshada,” ayay Jihaan ku tiri qoraal ay soo dhigtay barteeda X (Twitter), iyadoo raacisay in “nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya ay ku dhisan tahay awoodda haweenka.”

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray ilaalinta haweenka iyo gabdhaha ee xaaladaha colaadaha iyo ka hortagga tacaddiyada galmada — mowduucaas oo ah mid ay si weyn ugu ololeyso Sophie — iyo sidoo kale kor u qaadista horumarka bulshada ee dalalka Geeska Afrika oo weli la daalaa-dhacaya caqabado amni iyo kuwo bani’aadannimo.

Sophie, oo ka tirsan qoyska boqortooyada Ingiriiska, ayaa caalami ahaan lagu yaqaanaa u ololeynta ka hortagga xadgudubyada galmada ee xilliyada dagaallada iyo xoojinta qaab-dhismeedka lagu ilaalinayo dhibbaneyaasha, gaar ahaan meelaha ay ka jiraan xaaladaha halista ah.

Soomaaliya iyo Ingiriiska ayaa leh xiriir qoto dheer, iyadoo London ay kamid tahay saaxiibada caalamiga ah ee muddada dheer garab taagnaa dhismaha dowladda Soomaaliya, gargaarka bani’aadantinimo iyo mashaariicda maamul-wanaagga.

Inkastoo qoraalka madaxtooyadu uu xoogga saarayay iskaashiga iyo u-ololeynta arrimaha bulshada, haddana dareenka dadweynaha iyo falanqeeyayaasha gudaha ayaa si weyn u hadal-haya shaacinta rasmiga ah ee xilka Jihaan iyo sawirradii ay ka soo muuqatay, taas oo ah qirasho dhif ah oo dowladdu ku sameyso xilalka sare ee ay hayaan xubnaha qoyska ee madaxda qaranka.

Madaxweynaha Israel oo ka dagay dal daris la ah Soomaaliya

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog ayaa saaka ah ka dagay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Herzog ayaa markii uu ka degay garoonka diyaaradaha ee Bole International Airport, waxaa uga hortegay wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Gedion Timothewos iyo wasiiru-dowlaha, Danjire Berhanu Tsegaye.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeedyo ay soo saareen labada dhinac, waa booqasho rasmi ah oo uu madaxweynaha Israa’iil ku tegay Itoobiya.

Sidoo kale, inta uu madaxweynaha Israa’iil joogo Addis Ababa wuxuu wada-hadallo la yeelan doonaa madax sare oo ka tirsan xukuumadda, kuwaas oo la xirriira xoojinta xiriirka labada dal, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya.

Booqashadan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah oo ay taagan tahay xiisad laga dareemay gobolka oo ka dhalatay aqoonsiga ay Israa’iil siisay maamulka Somaliland.

Israa’iil ayaa weli sii wadda xadgudubka madax banaanida Soomaaliya, waxayna weli sii waddaa fulinta heshiiska ay la gashay xukuumadda Hargeysa, iyada la filayo in madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro) uu dhammaadka bisha Maarso safarkiisii ugu horreeyay ee rasmi ah ku tago dalka Israa’iil, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo xog-ogaal u ah arrimahan, oo la hadlay wargeyska Jerusalem Post.

Inkastoo tani ay noqonayso booqashadiisii ugu horreysay ee rasmi ah, haddana ma ahan markii ugu horreysay ee Madaxweyne Cirro uu tago Israa’iil.  Cirro ayaa horey socdaal qarsoodi ah ugu tagay Israa’iil intii ay socdeen wada-hadalladii dublamaasiyadeed ee hor-u-dhaca u ahaa go’aankii ay Israa’iil ku aqoonsatay maamulka Somaliland bishii Diseembar ee sanadkii 2025-kii.

Si kastaba, Xukuumadda Hargeysa, oo hadda haysata aqoonsiga Israa’iil oo kaliya, ayaa doonaysa inay xiriirkaas sii xoojiso, kana dhigto mid wax-tar u leh horumarinta gudaha. Saraakiisha Somaliland ayaa daneynaya inay Israa’iil kala kaashadaan dhinacyada teknoolajiyadda, beeraha, iyo hal-abuurka casriga ah, maadaama Israa’iil loo arko dalalka ugu horreeya caalamka ee dhinacyadaas.

DF oo digniin culus u dirtay ganacsatada Soomaaliyeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda ammaan ee dalka, iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, iyaga oo soo saaray digniin culus oo ku socota shacabka, gaar ahaan ganacsatada.

Wasiirka ganacsadaha iyo warshadaha Jamaal Maxamed Xasan oo ka hadlay shirka jaraa’id ayaa u digay ganacsatada, wuxuuna ugu baaqay inay iska ilaaliyaan la macaamilka Khawaarijta, sidoo kalena aysan siin lacago baad ah.

“Nasiib darro waxaa jira shaqsiyaad kamid ah ganacsatada oo u nugul diyaarna la ah baada ay soo waydiiyaan nimanka Khawaarijta, waxaan uga digeynaa ganacsatadaas inay iska ilaaliyaan in aanay bixin wax habayaraatee loogu yeeray Zako” ayuu yiri wasiirka ganacsadaha iyo warshadaha.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in ciddii lagu arkaa la macaamilka Al-Shabaab, una dirto lacago lagala laaban doono Shatiga, dowladduna ay la xisaatameyso.

“Waxaan mar kale xasuusineynaa ganacsatada in ay iska ilaaliyaan la-macaamilka iyo xiriirka nimanka Khawaarijta ah, yayna ku waayin Shatiyadooda kuna kasban ciqaab dowladeed” ayuu mar kale yiri Jamaal.

Dhankiisa wasiirka amniga gudaha Cabdulllahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo goobta ka hadlay ayaa isna sheegay in ganacstada jabisa amarka dowladda ee u hoggaansata Khawaarijta laga horgeyn doono cadaaladda, si loola xisaabtamo.

Fartaag aya sidoo kale amar siiyay ciidamada amniga, wuxuuna faray inay soo qabtaan dadka la shaqeeya ama weli la macaamilaya kooxda Al-Shabaab.

“Dowladda Soomaaliyeed qaybaheeda amniga waxaa waajib ku ah shaqsigii ama ganacsadihii lagu helo inuu weli bixinayo oo uusan ka tanasulin inuu u geeyo nimanka iyaga ah ee Khawaarijta waxa ay ugu magac dareen Zakawaadka ee baadda ah wuxuu marin doonaa ciqaabtii uu muteystay oo qolyaha cadaaladda ay ku qaadi lahaayeen” ayuu yiri wasiirka amniga gudaha.

Waxaa kale oo uu wasiir Fartaag intaasi sii raaciyay “Laamaha amniga waxaan farayaa oo aan ku amreynaa inay tallaabo sharci ah ka qaadaan oo ay soo qabtaan dadka sida hoose ula macaamilayo Khawaarijta”.

 

Ilhaan Cumar oo tallaabo geesinimo leh qaaday kadib markii madaxaweyne Trump…

0

Washington (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa si deg-deg ah uga fal-celisay hadallo gef ah oo kasoo yeeray madaxweyne Donald Trump oo mar kale beegsaday bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas, gaar ahaan gobolka Minnesota.

Madaxweynaha Dalka Mareykanka ayaa hadallo deelqaaf ah si gaar ah ula beegsaday bulshada Soomaalida xilli uu khudbad uu jeedinay Golaha Congress-ka, wuxuuna sheegay in ‘burcadbadeed Soomaaliyeed’ ay u soo dhaceen gobolka Minnesota, kadibna ay ka dhaceen 19 bilyan oo doolar.

Intaas kadib waxaa tallaabo geesinimo leh qaaday Ilhaan Cumar oo kulanka fadhisay, waxayna si deg-deg ah uga jawaabtay gefka uu Trump u gaystay Soomaalida ku dhaqan dalka Mareykanka, iyada oo ku qeylisay inuu beenaale madaxweynaha.

Arrintan ayaa keentay in jawiga kulanka uu isbeddalo, isla markaana uu buuq ka dhashay meesha, kadib qaylada Ilhaan ee ka dhanka ah Trump oo isagu weerar afka ah ku qaaday bulshada Soomaalida ee ku nool gobolka Minnesota.

Horay Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa u sheegtay in hadallada kulul ee madaxweyne Trump la beegsanayo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota aanay wax kale ahayn, balse ay tahay xeelad siyaasadeed oo lagu indho-sarcaadinayo shacabka dalka Mareykanka.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in tallaabadan uu ku qarinayo fashilka maamulkiisa iyo dhibaatooyinka sharciga ah ee haysta, isagoo adeegsanaya luuqad naceyb xambaarsan si uu dareenka dadweynaha u jeediyo.

Waxaa kale oo ay sheegtay in dhaqanka madaxweynaha uu yahay mid horay looga bartay, iyada oo carrabka ku dhufatay in mar kasta oo Trump uu wajaho cadaadis ama su’aalo adag, uu isku dayo inuu mowduuca beddelo isagoo weerar ku qaadaya dad kale, sida Soomaaliya.

Inkastoo hadallada madaxweynuhu ay abuureen jahawareer iyo qalqal, haddana Ilhaan waxay sheegtay in bulshadeedu ay is-garab taagan tahay, mana aha kuwo cagajugleyn lagu cabsigelin karo.

UK oo niyad-jab ka muujisay in dowladda Soomaaliya iyo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Dowladda UK ayaa walaac iyo niyad-jab xooggan ka muujisay guul-darradii ku timid wadahadalladii u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka, kuwaas oo ku saabsanaa hannaanka doorashooyinka dalka.

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Safaaradda UK ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in ay tahay “arrin laga xumaado” in dhinacyada is-haya ay ku guuldareystaan inay gaaraan is-fahan siyaasadeed, iyadoo xilliga kala-guurka ah uu sii gabaabsi noqonayo.

“Waa wax laga xumaado in aan wali la gaarin is-fahan buuxa,” ayaa lagu yiri qeyb ka mid ah war-saxaafadeedka, iyadoo dowladda Ingiriisku ay ugu baaqday labada dhinacba inay muujiyaan tanaasul iyo dabacsanaan, si loo badbaadiyo geeddi-socodka dowladnimada.

UK oo kaashanaysa saaxiibada kale ee beesha caalamka ayaa ballan-qaaday in ay sii wadi doonaan dadaallada lagu dhex-dhexaadinayo dhinacyada, si loo xaliyo qodobada la isku mari la’yahay.

Qodobada la isku hayo

Burburka wadahadalladan ayaa waxaa markii hore xaqiijiyay Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka, kuwaas oo shaaciyay in kulamadii heerka sare ahaa ay kusoo dhamaadeen natiijo la’aan. Golaha ayaa ka digay in is-fahan waagan uu dalka gelin karo hubanti la’aan siyaasadeed, xilli ay soo dhawaanayaan muddooyinka dastuuriga ah ee hay’adaha dowladda.

Xudunta khilaafka ayaa salka ku haysa hannaanka doorashada ee dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Mucaaradka ayaa u ololeynaya in saddexdan maamul lagu dabaqo nidaam doorasho oo dadban, la mid ah kii horey looga hirgeliyay Puntland iyo Jubbaland, halkaas oo ergooyin ay soo xuleen hoggaanka.

Mucaaradku waxay ku doodayaan in tallaabadani ay tahay midda ugu habboon ee lagu xaqiijin karo metelaad ballaaran iyo kala-guur nabdoon.

Hase yeeshee, Madaxweynaha iyo xubnaha dowladda ayaa la sheegay inay gabi ahaanba diideen in arrintaas miiska lasoo saaro, iyagoo ku dooday in maamulka doorashada dowlad-goboleedyadaas ay tahay arrin u taalla hoggaankooda gaarka ah, ayna tahay mid aan gorgortan laga geli karin heer federaal.

Khilaafka ayaa sii xoogeystay kadib markii Golaha Mustaqbalka ay soo jeediyeen eedeeymo culus oo la xiriira in dowladda ay waddo isbeddel dastuuri ah oo aan loo dhanyeyn.

Sidoo kale, mucaaradka ayaa sheegay in in ka badan 50 xildhibaan oo aragtidooda taabacsan laga hor-istaagay inay ka qayb-galaan fadhiyada Baarlamaanka intii uu socday khilaafkan.

Waxaa intaas dheer eedeeymo ku saabsan caga-jugleyn iyo cadaadis siyaasadeed oo lagu hayo xubnaha mucaaradka, inkastoo dowladda federaalku aysan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymahan.

Diblomaasiyiinta shisheeye ayaa ka digaya in haddii aan degdeg loo soo celin wada-hadalka, ay xaaladdu faraha ka bixi karto, taas oo halis gelinaysa jadwalka dastuuriga ah ee dalka.

Beesha Caalamka ayaa hadda wadda dadaallo ay ku cadaadinayso labada dhinac in ay miiska wadahadalka kusoo laabtaan si xal looga gaaro is-mari-waagan taagan.

NISA oo howlgal ku dishay horjooge Mustaf Caato iyo xubno kale oo Shabaab ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal culus oo ay maanta NISA ka fulisay deegaanno ka kala tirsan Galmudug iyo HirShabelle, kaas oo ay qayb-qaateen saaxibada caalamiga ah.

Warsaxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalladu ay ka dhaceen gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha hoose, isla markaana khasaar culus lagu gaarsiiyay maleeshiyada Khawaarijta.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in howlgalka uu socoday todobaad lagu la dilay xubno ka badan ilaa 23 ruux oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab

Sida lagu caddeeyay bayaanka waxaa kamid ah meelaha ay ka dhaceen howlgallada Waab-weyn iyo goobo oo hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, iyada oo halkaas lagu dilay horjooge sare oo lagu magacaabi jiray Mustaf Caato iyo xubno kale oo la socday.

Dhinaca waxaa tuulooyin hoostaga deegaanka Maxaa Siciid ee gobolka Shabeellaha Dhexe iyana lagu dilay in ka badan 23 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo isku uruursanayay dhulka hawdka ah.

Maalmihii u dambeeyay ayaa dowladda Soomaaliya & saaxibada caalamiga ah waxa ay kordhiyeen beegsiga ay ku hayaan maleeshiyada Khawaarijta, iyada oo jab lagu gaarsiiyay howlgallo ka kala dhacay koonfurta iyo bartama dalka.

Dhawaan ayey aheyd markii howl-gal si gaar ah loo qorsheeyay uu ka dhacay  degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe, kaas oo lagu dilay hoggaamiye sare oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, kaas oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Sahal Iidle  (Abuu Usaama), wuxuuna aad ugu dhawaa hoggaamiyaha guud ee kooxda Axmed Diiriye.

Ninkaaas ayaa sidoo kale loo diyaarinayay inuu beddao horjoogihii maaliyadda Cabdullahi Wadaad oo isna la dilay bishii hore, wuxuuna xilliga uu dhacayay weerarka ku howlanaa uruurinta lacago baad ah, sida ay sheegtay dowladdu.

Xilliga uu Cirro booqanayo Israa’iil oo la shaaciyey

0

Tel Aviv (Caasimada Online) — Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa la filayaa inuu dhammaadka bisha Maarso safarkiisii ugu horreeyay ee rasmi ah ku tago dalka Israa’iil, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo xog-ogaal u ah arrimahan, oo la hadlay wargeyska Jerusalem Post.

Inkastoo tani ay noqonayso booqashadiisii ugu horreysay ee rasmi ah, haddana ma ahan markii ugu horreysay ee Madaxweyne Cirro uu tago Israa’iil.

Cirro ayaa horey socdaal qarsoodi ah ugu tagay Israa’iil intii ay socdeen wada-hadalladii dublamaasiyadeed ee hor-u-dhaca u ahaa go’aankii ay Israa’iil ku aqoonsatay maamulka Somaliland bishii Diseembar ee sanadkii 2025-kii.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil ayaa booqasho kooban ku tagay magaalada Hargeysa,6-dii Janaayo, halkaas oo uu kula kulmay Cirro.

Xukuumadda Hargeysa, oo hadda haysata aqoonsiga Israa’iil oo kaliya, ayaa doonaysa inay xiriirkaas sii xoojiso, kana dhigto mid wax-tar u leh horumarinta gudaha. Saraakiisha Somaliland ayaa daneynaya inay Israa’iil kala kaashadaan dhinacyada teknoolajiyadda, beeraha, iyo hal-abuurka casriga ah, maadaama Israa’iil loo arko dalalka ugu horreeya caalamka ee dhinacyadaas.

Dhanka kale, iyadoo qayb ka ah dadaallada lagu ballaarinayo saaxiibada caalamiga ah, Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa wareysi uu siiyay telefishinka France 24 ku shaaciyay qorshe cusub oo ay xukuumaddiisu miiska u saartay dowladda Maraykanka.

Wasiir Khadar ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay inay Maraykanka siiso marin gaar ah oo uu ku maal-gashan karo kheyraadka dabiiciga ah iyo macdanta Somaliland, isla markaana ay u ogolaanayaan in Washington ay saldhigyo milatari ka sameysato gudaha Somaliland.

Wasiirka ayaa ku tilmaamay dalabkan mid istaraatiijiyadeed oo lagu doonayo in lagu kasbado kalsoonida Maraykanka, si loo xaqiijiyo himilada ugu weyn ee Somaliland oo ah aqoonsi caalami ah.

Somaliland oo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991-kii ayaa weli dunida ka raadinaysa aqoonsi buuxa, iyadoo aaminsan in iskaashiga ay la yeelato quwadaha waaweyn sida Maraykanka ay waddada u xaari karto heshiisyo waaweyn iyo aqoonsi rasmi ah mustaqbalka.

Somaliland oo shaacisay in ay burburisay shabakad ay soo direen DF iyo dal shisheeye

0

Hargeysa (Caasimada Online) — Xukuumadda Somaliland ayaa Talaadadii shaacisay in laamaha ammaanku ay gacanta ku dhigeen shabakad ay ku eedeysay inay maalgeliso Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyo shisheeye, kuwaas oo ujeedkoodu yahay in ay wiiqaan aqoonsiga ay Israa’iil dhowaan siisay jamhuuriyadda iskeed madax-bannaanida ugu dhawaaqday.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab Sandheere, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa eedeymo culus u jeediyay shakhsiyaad uu sheegay in ay gudaha Somaliland u joogaan fulinta dano shisheeye oo ka dhan ah qadiyadda Somaliland.

“Markii aan aqoonsiga helnay, waxaa soo baxay cadow kasoo horjeeda guusha aan gaarnay,” ayuu yiri Wasiir Sandheere. Wuxuu intaas ku daray: “Ciidamada amnigu, dadaalkooda awgiis, waxay qabteen shabakad u shaqeysa cadawga oo ay maal-gelinayaan dalal shisheeye. Waxaana koow ka ah oo taageeraya Xasan Sheekh oo Muqdisho ka arrimiya,” isagoo ula jeeda Madaxweynaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa xusay in Golaha Wakiillada iyo Golaha Wasiirada Somaliland ay horey go’aan uga gaareen in tallaabo adag laga qaado cid kasta oo ka hortimaada go’aanka aqoonsiga, in kastoo uusan bixin tafaasiil sharci oo dheeraad ah oo ku saabsan shakhsiyaadka la qabtay.

Xarigga dadka dhaliilay heshiiska

Toddobaadyadii la soo dhaafay, laamaha amniga Somaliland ayaa xabsiga dhigay wadaado, dhallinyaro u dhaq-dhaqaaqayaal arrimaha bulshada, iyo dad caan ka ah baraha internet-ka oo si furan u dhaliilay xiriirka Israa’iil.

Dadkaas la xiray waxaa ka mid ah haweeneyda baraha bulshada ku caan-baxday ee loo yaqaan “Goosha Isaaq”, taas oo markii hore taageertay aqoonsiga balse markii dambe si kulul u dhaliishay qaabka ay xukuumaddu u maareysay arrintan.

Eedeymahan ayaa kusoo beegmaya xilli gudaha Somaliland uu ka jiro dood adag oo ku aaddan nuxurka heshiiska iyo saameynta aqoonsiga Israa’iil ee bishii Diseembar.

Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu baaqay xukuumadda talada haysa in ay shacabka u soo bandhigto faahfaahinta rasmiga ah ee heshiiska lala galay Israa’iil. Biixi ayaa ku baaqay hufnaan iyo taxaddar dheeraad ah si loo hubiyo in qodobada heshiisku aysan ka hor imaanayn diinta iyo danaha guud ee qaranka.

Ilaa hadda, xukuumadda Somaliland si rasmi ah uma aysan caddeyn in heshiiska Israa’iil uu yahay heshiis caalami ah (Treaty), is-fahan (MoU), ama qaab kale oo sharci.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, waxaana sidoo kale tallaabadan ka horyimid dhowr dal oo Afrikaan ah iyo ururo gobolleed, taas oo sii kicisay xiisadda diblomaasiyadeed ee Geeska Afrika.