25.7 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Cirro oo amar ku bixiyey sii deynta boqolaal maxaabiis ah

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa maanta soo saaray wareegto madaxweyne oo cafis guud loogu fidinayo maxaabiis ku xiran xabsiyada Somaliland, xilli lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Maxaabiistan oo tiradoodu dhan tahay 713 qof ayaa ku xukuman dembiyo fudud. Maxaabiistan ayaa si degdeg ah loo sii deyn doonaa, kadib wareegtada ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Somaliland.

Wareegtadan ayuu madaxweynuhu soo saaray kadib markii uu tixgeliyey soo-jeedin talo-bixin cafis ah oo ka timid Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, summaddiisuna tahay XIG/JSL/115/2026, kuna taariikhaysan 24/02/2026.

Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyada ay ku xukunnaayeen maxaabiistu, sida lagu caddeeyey wareegtada.

Madaxweynayaashii kala dambeeyey ee Somaliland ayaa sanad walba xilligan oo kale cafis u fidiya boqolaal maxaabiis ah oo ku xidhnaa xabsiyada Somaliland.

Hoos ka aqriso waregtada

Wareegto Madaxweyne

Cafis;

Markii aan arkay: Qoddobka 90aad, Faqraddiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan arkay: Qoraalka Taliyaha Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-01/85/2026, kuna taariikhaysan 19/02/2026.

Markii aan tixgeliyey: Qoraalka soo-jeedinta ah ee Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/115/2026, kuna taariikhaysan 24/02/2026, ujeeddadiisuna tahay Talo Bixin Cafis;

Markii aan la-tashaday: Hay’adaha ay khusayso;

𝐖𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐚𝐧 𝐠𝐨’𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo Maxaabiista dembiyadda fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 𝟕𝟏𝟑 (𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚 𝐛𝐨𝐪𝐨𝐥 𝐢𝐲𝐨 𝐬𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱 𝐢𝐲𝐨 𝐭𝐨𝐛𝐚𝐧) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyada ay ku xukunnaayeen.

Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista ee ku lifaaqan.

𝐀𝐥𝐥𝐚𝐚 𝐌𝐚𝐡𝐚𝐝 𝐋𝐞𝐡
______________
𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐱𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐥𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢 (𝐂𝐢𝐫𝐫𝐨)
𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

Fal-celin ka dhalatay arrin ay maanta sameeyeen Xasan Sheekh iyo gabdhiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hadal-heyn xooggan ayaa ka dhalatay soo dhaweyn ay maanta madaxweyne Xasan Sheekh iyo gabadhiisa Jihaan u sameeyeen Marwo Sophie (Duchess of Edinburgh) oo ah xubin sare oo ka tirsan Qoyska Boqortooyada Ingiriiska, taas oo ka dhacday Villa Somalia.

Madaxweynaha iyo Marwo Sophie oo kulan yeeshay ayaa sidoo kale ka wada -halday xoojinta xiriirka soo jireenka laba-geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Inta uu socday kulanka waxaa kale oo si gaar ah diiradda loogu saaray iskaashiga dhinacyada waxbarashada iyo horumarinta bulshada oo muhiim u ah labada dowladood.

Haddaba sidee looga fal-celiyay kulanka iyo soo dhaweynta ay qaybta ka ahayd Jihaad Xasan Sheekh?

Cabdiqani Sabriye: “Qoyska Birmadaha iyo Qoyska Boqortooyada UK oo kulmay waa aragnaa”.

Maxamed Cali: “Asturnaanta iyo qiyamka ka muuqda gabadha madaxweynaha maashaa allah muhiimaddu waa in ay muujiyeen in dalku yahay dal Muslim ah dumarka halkan ka muuqda dhammaantood way asturan yihiin”.

Mahad Carabey: “Xubno ka tirsan qoyska Ingiriiska waa wax lagu qoslo jabter 7”.

Ismaaciil Warsame:  “Gabadhiisa ayaa soo dhaweysay asagiina waa qaabilay 20 ilma adeertiis ahna waa difacayaan oo waxay leeyihiin waa runtaa”.

Axmed Cabdikariin: “Dalkiiba wuxuu noqday meel Xasan Sheekh iyo carruurtiisa iska leeyihiin”.

Tallaabo kale oo loo qaaday dhammaystirka cutubyada harsan ee dastuurka dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Guddiyada u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ayaa maanta soo gabagabeeyay afarta cutub ee ugu dambeysay ee Dastuurka, kadib kulan xasaasi ah oo ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Guddiga Madaxabannaan ee Dastuurka ayaa waxaa si wadajir u guddoomiyey guddoomiyaha Guddiga Lasocodka Dastuurka Xildhibaan Hussein Qaasim Yusuf iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dastuurka Burhan Aadan Cumar, kuwaas oo soo saaray qodobo xasaasi ah.

Sidoo kale kulanka oo qaatay saacado badan ayey xubnaha labada guddi kaga doodeen dhammaystirka cutubyada harsan ee Dastuurka ee kala ah Cutubka 10aad: Shaqaalaha Rayidka ah; Cutubka 11aad: Nidaamka Maaliyadda Guud; Cutubka 12aad: Difaaca iyo Amniga Qaranka;  iyo Cutubka 13aad: Qodobbo Guud iyo sidoo kale xubnaha ayaa ka dooday Ararta uu yeelanayo Dastuurka.

Sida lagu sheegay qoraal ay soo saareen Guddiyada u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka, Cutubyadan ayaa waxaa loo gudbinayaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si ay waajibaadkooda Dastuuriga ah uga gutaan.

Xildhibaannada labada Gole ee BFS, oo maalmahan ku howlanaa doodooda ku aadan wax ka beddalka dastuurka, ayaa soo gabagabeeyay cutubka 9-aad, iyaga oo ka dooday qodobadiisa 130-aad ilaa 154-aad oo muhiim ah.

Si kastaba, Arrintan waxaa si wayn uga soo horjeedo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Madaxtooyada ay ku kula tageen wada-hadalladii socday, iyaga oo weli ku adkeysanaya ku shaqeynta Dastuurkii 2012-kii, kaas oo hadda wax badan laga beddalay.

Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo natiijada kasoo baxda shirka labada dhinac ay go’aamin doonto jihada siyaasadeed ee dalka iyo xallinta khilaafaadka ragaadiyay geeddi-socodka dowlad-dhiska.

Waxaa kale oo jirta xaalad adag oo ka dhalatay abaaraha baahsan ee ka jira qaybo kamid ah dalka, taas oo si xoogan u saameysay dadka iyo duunyadaba.

DF oo u jawaabtay Golaha Mustaqbalka kuna adkeysatay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta warsaxaafadeed soo saartay ayaa jawaab kulul ka bixisay eedeyntii Golaha Mustaqbalka ee ku aadaneyd fashilka wada-hadalladii Villa Somalia.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa mas’uuliyadda fashilka dhabarka u saaray isla Golaha Mustaqbalka ee horay u eedeeyay Madaxtooyada, wuxuuna sheegay inay ka baxeen ajendihii wada-hadalka ee lagu heshiiyay.

Al-Cadaala ayaa shaaca ka qaaday in markii hore la’isku afgartay saddex qodob oo kala ah 1- In la dhiso guddi kasoo tala-bixiya hannaanka doorashada ee heer federaal, 2- in la qabto doorashooyinka Dowlad-goboleedyada uu dhammaaday muddo xileedkooda, 3- In bisha April la’isugu soo laabto kulanka labaad, si loo sii amba qaado wada-hadalka, balse heshiiska ay ka baxeen mucaaradka.

Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in xubnaha qaar golaha ay la yimaadeen qodobo cusub oo ay ku faro-gelinayaan doorashooyinka maamullada kale.

“DFS waxay nasiib darro aragtaa in maalintii kowaad ee wada-xaajoodka ay qaar kamid ah xubnaha Golaha Mustaqbalku si kadis ah u beddaleen ajendihii lagu heshiiyay, iyaga oo kusoo daray qodobo cusub oo aan horay loogu heshiin, kuwaas oo aan lahayn sal dastuur iyo tixraac sharci” ayuu yiri Al-Cadaala.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Qodobadaas waxaa kamid ah in Golaha Mustaqalku ay talo toos ah ku yeeshaan hannaanka doorashooyinka ee Dowlad-goboleedyada kale, taas oo ah arrin si cad uga hor imaaneysa mabaadi’da ku xusan dastuurka dalka”.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale nasiib darro ku tilmaamtay warsaxaafadeedkii Golaha Mustaqbalka ee shalay lagu sheegay in ay burbureen wada-hadalladii socday, waxayna carrabka ku dhufatay inay dhaawaceyso geeddi socodka wada-hadallada labada dhinac.

“Waxaa nasiib darro ah in Golaha Mustaqbalku ay soo saareen bayaan baal-marsan habraacyadii, nuxurkii iyo ruuxdii wada-xaajoodyada labada maalmood socday iyo kulamo doceedyadii gogol xaarka ahaa ee ka horreeyay, taas oo dhaawaceysa geeddi socodka wada-hadalka” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Ugu dambeyn Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysatay inay ka go’an tahay hirgelinta hannaan doorasho oo waafaqsan dastuurka, kana tarjumeysa rabitaanka shacabka, iyada oo la ilaalinayo midnimada dalka Soomaaliya.

IGAD oo war kasoo saartay burburka wada-hadalladii Xasan iyo mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Urur Goboleedka IGAD oo bayaan culus soo saaray ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda cakiran ee Soomaaliya, gaar ahaan burburka ku yimid wada-hadalladii u dhexeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

IGD ayaa ugu baaqday madaxda Soomaaliyeed in tanaasul ay sameeyaan, isla markaana ay sii wadaan wada-hadallada, inta laga gaarayo xal buuxa.

Sidoo kale, qoraalkan oo uu soo saaray Xoghayaha guud ee Urur gobaleedka IGAD ayaa waxaa lagu sheegay in ururka uu soo dhaweynayo in guul laga gaaro wada-hadallada u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka dalka, si looga gudbo khilaafka daba dheeraaday ee ka dhashay hannaanka doorashooyinka.

Horay, Midowga Yurub ayaa sidaan oo kale ugu baaqay madaxda Soomaaliya inay is-xakameeyaan, ayna sii wadaan wada-hadalka, si xal loo gaaro.

Fashilka ku yimid wada-hadallada iyo kala aragti duwanaanta labada dhinac ayaa waxaa lagu sheegay in ay sabab u tahay in Golaha Mustaqbalka ay ku adkeysteen in Dastuurka KMG ka ah ee 2012 uu yahay aas aaska sharciga ee dalka u dagsan, wax ka beddalkiisana uu u baahan yahay heshiis qaran oo loo dhan yahay, halka dhanka kale ay dowladdu taas beddalkeeda ku adkeysatay in aysan cidna u joojineyn wax ka beddalka, siina wadi doonto.

Arrinta kale ee fashilka keentay ayaa ah in sidoo kale ay ku adkeysteen in doorashada Dowlad-goboleedyada muddo dhaafka ah la qabto, iyada oo la raacayo sida uu dhigayo Dastuurka Dowlad-goboleedyada iyo mabaadii’da Dastuurka Federaalka Soomaaliya, taa beddalkeena iyaduna waxay dowladdu dooneysay in doorashooyinka saddexda Maamul-goboleed lagu qabto sharciyad doorasho iyo habraacyo ku saleysan Dastuurka wax ka beddalkiisa la’isku haysto, waxayna taasi dhalisay in ugu dambeyn lagu kala tego shirka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, waxaana si weyn la’isugu hayaan doorashada iyo arrimaha Dastuurka.

Xasan Sheekh iyo gabadhiisa Jihaan oo qaabilay Sophie, Duchess of Edinburgh

0

Muqdisho (Caasimada Online) -Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliso gabadhiisa Jihaan ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Marwo Sophie (Duchess of Edinburgh) oo ah xubin sare oo ka tirsan Qoyska Boqortooyada Ingiriiska.

Madaxweynaha iyo Marwo Sophie ayaa ka wada -halday xoojinta xiriirka soo jireenka laba-geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kas oo baxay Villa Somalia.

Inta uu socday kulanka waxaa kale oo si gaar ah diiradda loogu saaray iskaashiga dhinacyada waxbarashada iyo horumarinta bulshada oo muhiim u ah labada dowladood.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Marwo Sophie ku bogaadiyay dadaalkeeda ku aaddan u qareemidda arrimaha haweenka iyo carruurta, isaga oo adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad gooni ah siinayso xoojinta iskaashiga labada dal ee arrimahaas ku qotoma.

Marwo Sophie, Duchess of Edinburgh ayaa dhankeeda Madaxwaynaha uga mahad celisay qaabilaadda uu u fidiyay iyada iyo wafdigeeda, iyada oo adkaysay sida Boqortooyada Ingiriiska ay uga go’antahay xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Waxaa kale oo ay xustay muhiimadda xasilloonida Soomaaliya ay u leedahay gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda, waxayna dowladda ku bogaadisay dadaalkeeda amniga iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada labada dowladood ay ku xoojinayaan iskaashiga istiraatiijiyadeed, horumarinta iyo kobcinta maalgashiga si loo gaaro horumar waara.

UK ayaa kamid ah dowladaha reer Yurub ee taageerada siiya Soomaaliya, taas oo ku aadan dhanka dhaqaalaha, bani’aadanimada iyo taageerada ciidamada.

Somaliland oo dhinaca saartay Imaaraadka, shaacisay inuu…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa dhinaca saaray Dowladda Imaaraadka Carabta oo dhawaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay baabi’isay dhammaan heshiisyadii hore loola galay.

Xukuumadda Somaliland ayaa si cad u sheegtay in Imaaraadku yahay saaxiib istiraatiiji ah oo door muuqda ka qaatay horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee ay leedahay.

Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa toddobaadyadii u dambeeyay si joogto ah u muujinayay qiimaha ay siinayaan xiriirka u dhexeeya Hargeysa iyo Abu Dhabi.

Wasiirka Madaxtooyada, Khadar Xuseen Cabdi ayaa sheegay in Imaaraadku aqoonsaday muhiimadda Somaliland xilli ay dalal badan shaki ka muujiyeen, uuna qeyb weyn ka qaatay horumarkeeda.

“Imaaraadku wuxuu Somaliland u yahay dal aad u muhiim ah. Markii caalamku kalsooni badan ku qabin qiimaha dekedda Berbera, ayay Imaaraadku arkeen fursaddaas, waxayna maalgeliyeen xilli baahi weyn u qabnay,” ayuu yiri Wasiir Khadar oo wareysi siiyay AFP.

Wuxuu intaas ku daray in labada dhinac ay leeyihiin iskaashi istiraatii ah, isla markaana xiriir dhaqaale oo wanaagsan uu jiray xitaa ka hor maalgashiga ay Dubai ku samaysay kaabayaasha dhaqaalaha Somaliland.

Dhankiisa, Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro oo wareysi bixiyay ayaa tilmaamay in xiriitka Somaliland iyo Imaaraadka uu sii xoogeysanayo sannadba sannadka ka dambeeya.

Imaaraadka ayaa sidoo kale u fududeeyay Madaxweyne Cirro inuu si rasmi ah uga qayb galo Shirka Dowladaha Adduunka ee ka qabsooma Dubai labadii sano ee u dambeeyay, inkastoo dowladda Soomaaliya ay arrintaas hore uga muujisay “diidmo adag.”

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa horraantii sanadkan baabi’iyey dhamaan heshiisyada iyo is-afgaradyada ay Dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, kuwaas ku saabsan dhinacyada iskaashiga amni iyo difaac ee laba geesoodka ah.

Go’aankan ayaa sidoo kale khuseeyay dhammaan heshiisyada iyo wada-shaqaynta uu Imaaraadku ku lahaa dekedaha Berbera, Boosaaso, iyo Kismaayo.

Tallaabadan ayaa la xiriirta warbixinno iyo caddaymo xooggan oo ku saabsan tillaabooyin gurracan oo lagu dhibaataynayo gobonnimada, midnimada qaranka, iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya.

Masar oo Itoobiya ka taageeraysa helista marin badeed haddii Addis ay aqbasho…

0

Qaahira (Caasimada Online) – Masar ayaa muujisay inay diyaar u tahay inay dalalka Afrika kala shaqeyso sidii Itoobiya looga caawin lahaa helitaanka marin ay ku gaarto Badda Cas.

Qaahira ayaa shuruud uga dhigtay arrintaan haddii Addis Ababa ay qaadato mowqif dabacsan oo ku saabsan muranka biyaha. Ilo ku sugan Qaahira oo xog-ogaal u ah wada-hadallada qarsoodiga ah ayaa arrintan u xaqiijiyay wargeyska The National.

Hindisahan ayaa la sheegay in toddobaadkii hore loo gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Waxaa sidoo kale lala wadaagay Washington, halkaas oo Madaxweyne Donald Trump uu ku dhawaaqay inuu dhex-dhexaadin ka samaynayo khilaafka daba-dheeraaday ee la xiriira saamiga biyaha Niilka, kadib dhismaha biyo-xireenka weyn ee Itoobiya ka sameysay Niilka buluugga ah.

Qorshaha Masar waxa ku lifaaqan fariin aan si cad loo shaacin oo muujinaysa in Qaahira ay adeegsan karto saameynta siyaasadeed iyo milatari ee ay ku leedahay Suudaan, Soomaaliya iyo Jabuuti, iyo sidoo kale joogitaankeeda xooggan ee ciidan badeed ee koonfurta Badda Cas, si ay uga hortagto in Itoobiya dekedo ka hesho dalalkaas haddii ay diido shuruudaha la hor dhigay.

Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi ayaa dhankiisa soo dhaweeyay hindisaha Trump ee ku aaddan dhex-dhexaadinta muranka biyaha ee u dhexeeya Masar iyo Itoobiya.

Inkasta oo aanay jirin hadal rasmi ah oo ka soo baxay Addis Ababa ama Qaahira, Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa shir jaraa’id oo uu la qaatay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, xilli uu ku sugnaa Addis Ababa ku adkeeyay baahida weyn ee dalkiisu u qabo marin badeed.

“Ma jiri karto koboc waara haddii dal ka badan 130 milyan oo qof uu noqdo mid juqraafi ahaan ku xanniban oo laga hor istaago marin uu bad ku gaaro,” ayuu yiri Abiy.

Hindisaha Masar ayaa soo baxay iyadoo Ankara iyo Qaahira ay si xawli ah u xoojinayaan xiriirkooda, iskaashi saamayn ku yeeshay xaaladda Suudaan, halkaas oo ay ku taageeraan Ciidanka Suudaan dagaalka ay kula jiraan RSF. Labada dal waxay sidoo kale xiriir dhow la leeyihiin Soomaaliya, oo khillaaf badda ah uu dhexmaray Itoobiya.

Masar oo ay ku nool yihiin in ka badan 108 milyan oo qof, isla markaana ka mid ah waddamada ugu qalalan dunida, ayaa u aragtaa biyo-xireenka weyn ee Itoobiya (GERD) mid khatar ku ah jiritaankeeda mustaqbalka.

Muddo dheer ayay ku dadaalaysay in la gaaro heshiis sharci ah oo qeexaya habka loo maamulayo biyo-xireenka si loo sugo qaybin caddaalad ah, gaar ahaan xilliyada abaarta daba dheeraata.

Wafdi sare oo ka socda Sweden oo Muqdisho yimid xilli ay kasii dareyso xaaladda dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi sare oo ka socda dalka Sweden ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, xilli ay kasii dareyso xaaladda abaareed ee dalka.

Wafdigan oo uu hoggaaminayo madaxa cusub ee Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden (SIDA), Per Karlsson oo ay weheliso Marwo Cecelia ayaa maanta tegay Xarunta Qaran ee Gurmadka Degdegga ah (NEOC), halkaas oo uu kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA), Maxamuud Macalin Cabdulle.

Xarunta NEOC oo lagu dhisay taageerada Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden ayaa haatan si buuxda u shaqeysa.

Xaruntan ayaa door muuqda ka qaadaneysaa xoojinta isku-duwidda gurmadka degdegga ah iyo maaraynta musiibooyinka dalka, taas oo astaan u ah sida ay dowladda Sweden uga go’an tahay taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada u adkeysiga bulshada iyo horumarinta hay’adaha dowliga ah.

Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay adkeeyeen muhiimadda xoojinta wada-shaqeynta istiraatiijiga ah, si loo horumarinayo isku-duwidda heer qaran.

Sidoo kale waxaa la isla gartay in la dardargeliyo tallaabooyinka ku saleysan saadaasha hore (anticipatory action) iyo sare u qaadidda awoodda hawlgallada degdegga ah, si looga hortago saameynta musiibooyinka ka hor inta aysan sii faafin.

Wafdiga ka socday dowladda Sweden ayaa sidoo kale booqasho qiimeyn ah ku sameeyay qeybaha kala duwan ee xarunta, iyagoo ku ammaanay hay’adda sida ay ugu diyaargarowday ka jawaabidda xaaladaha degdegga ah, gaar ahaan abaarta ka jirta dalka, iyo dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo gurmadka iyo u-diyaargarowga musiibooyinka.

Ugu dambeyntiina, Guddoomiyaha SODMA ayaa si gaar ah u bogaadiyay garab istaagga dowladda Sweden ee la xiriira howlaha maareynta musiibooyinka, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta dhow ee ka dhaxeysa hay’adda SODMA iyo hay’adda horumarinta caalamiga ah ee Sweden.

Maxay yihiin 25 qof ee ay Somaliland u dirtay Israel?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa shaaciyay in 25 shaqaale ay tababar heer sare ah ugu dirtay dalka Israa’iil.

Shaqaalahan ayaa ka tirsan Wakaaladda Biyaha Hargeysa, waxaana loo doortay ka qayb-galka tababar sare oo ku saabsan culuumta iyo maamulka biyaha, kaas oo lagu qabanayo dalka Israa’iil.

Tababarkan ayaa lagu tilmaamay mid kor loogu qaadayo aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha si ay uga miro-dhaliyaan waajibaadka saaran hay’adda.

Shaqaalahan Somaliland ka socda ee tiradoodu dhan tahay 25 xubnood, ayaa maanta gaaray magaalada Tel Aviv ee Israa’iil.

Xubnahan ayaa waxaa halkaas ku soo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Israa’iil, kuwaas oo qaabilay wafdiga. Wakaaladdu waxay caddeysay in xubnaha la xulay ay leeyihiin aqoon iyo waayo-aragnimo la xiriirta howlaha aas-aasiga ah ee ay hay’addu qabato.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in laga filayo inay si buuxda uga faa’iideystaan fursaddan tababar, isla markaana ay la yimaadaan khibrad dheeraad ah.

Wakaaladdu waxay tilmaantay in tababarkani door ka qaadan doono horumarinta iyo tayeynta adeegyada biyaha ee magaalada Hargeysa, iyadoo marka ay shaqaaluhu dib ugu soo noqdaan Somaliland ay wax ku biirin doonaan hagaajinta shaqada iyo adeeg bixinta.

Israa’iil ayaa lagu tilmaamaa dal hormuud ka ah arrimaha biyaha iyo beeraha ee Bariga Dhexe, iyadoo noqotay dowladdii ugu horreysay ee si rasmi ah u aqoonsata Somaliland dabayaaqadii sanadkii hore, isla markaana la filayo iskaashi dhinacyo badan leh sida uu hore u sheegay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro.

Goobaha lagu qabanayo doorashada qof iyo cod ee afar maamul oo la shaaciyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha dalka ayaa shaaciyay degmooyinka lagu qabanayo doorashada dowladaha hoose ee maamul goboleedyada Galmudug, HirShabelle, Koofur Galbeed iyo Waqooyi Bari.

Guddiga ayaa sheegay in maamulka Galmudug ay doorashada ka qabsoomi doonto degmooyinka: Dhuusamareeb, Gaalkacyo, Hobyo, Balanbale, Cadaado, Caabudwaaq, Xeraale, Ceeldheer, Xarardheere, Guriceel iyo Masagawaay/Galcad.

HirShabelle ayaa iyadna waxaa laga qaban doona degmooyinka: Jawhar, Beledweyne, Matabaan, Warsheekh, Cadale, Buulo-Burte, Jalalaqsi, Balcad, Mahadaay.

Sidoo kale, maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa laga qaban doona doorashada qof iyo codka degmooyinka Baydhabo, Baraawe, Marka, Afgooye, Wanlaweyn, Buur-Hakaba, Waajid, Berdaale, Qansaxdheere, Diinsoor, Xudur.

Halka, Waqooyi Bari iyadna laga qaban doono doorashada dowlada hoose degmooyinka Laascaanood, Xudun, Taleex iyo Buhoodle.

Guddiga ayaa ururrada siyaasadda ku wargeliyay in ay soo gudbiyaan liiska murashaxiintooda u tartamaya golayaasha degaannada degmooyinka kor ku xusan.

“Guddigu waxa uu ku adkaynayaa in dhammaan hawlaha ololaha iyo soo gudbinta murashaxiinta lagu fuliyo si waafaqsan xeerarka doorashooyinka, si loo xaqiijiyo hufnaan, isla-xisaabtan iyo tartan caddaalad ah.”

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka kasoo baxay guddiga oo dhameystiran:

Guddiga Madax-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) waxa uu si rasmi ah idinku wargelinayaa in la soo gebagabeeyey dhammaan safarradii shaqo ee la xiriiray diyaar-garowga iyo hubinta hannaanka doorashooyinka golayaasha deegaannada ee dowlad goboleedyada Koonfur-Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo Waqooyi Bari.

Iyadoo la fulinayo jadwalka rasmiga ah ee doorashooyinka, ururrada siyaasadda waxaa laga codsanayaa in ay si rasmi ah u bilaabaan ololahooda doorashada, iyaga oo si buuxda ugu hoggaansamaya shuruucda, xeerarka iyo tilmaamaha doorashooyinka ee dalka.

Degmooyinka laga qaban doono doorashada golayaasha degaanka waxay kala yihiin;

Koonfur Galbeed: Baydhabo, Baraawe, Marka, Afgooye, Wanlaweyn, Buur-Hakaba, Waajid, Berdaale, Qansaxdheere, Diinsoor, Xudur,

HirShabelle: Jawhar, Beledweyne, Matabaan, Warsheekh, Cadale, Buulo-Burte, Jalalaqsi, Balcad, Mahadaay

Galmudug: Dhuusamareeb, Gaalkacyo, Hobyo, Balanbale, Cadaado, Caabudwaaq, Xeraale, Ceeldheer, Xarardheere, Guriceel iyo Masagawaay/Galcad.

Waqooyi Bari: Laascaanood, Xudun, Taleex iyo Buhoodle.

Sidoo kale, Ururrada Siyaasadda waxaa lagu wargelinayaa in ay soo gudbiyaan liiska murashaxiintooda u tartamaya golayaasha degaannada degmooyinka kor ku xusan.

Guddigu waxa uu ku adkaynayaa in dhammaan hawlaha ololaha iyo soo gudbinta murashaxiinta lagu fuliyo si waafaqsan xeerarka doorashooyinka, si loo xaqiijiyo hufnaan, isla-xisaabtan iyo tartan caddaalad ah.

Mahadsanidiin.

Sacuudi Carabiya oo go’aan ka gaartay safiirka cusub ee ay soo dirsatay Soomaaliya

0

Riyadh (Caasimada Online) — Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si rasmi ah u aqbashay magacaabista Maxamed Amiin Sheekh Cismaan ee danjiraha cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona magaalada Riyadh, sida lagu xaqiijiyay dhambaal diblomaasiyadeed oo soo baxay Isniintii.

Ogolaanshan, oo luuqadda diblomaasiyadda lagu yiraahdo agrément, ayaa lagu caddeeyay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga oo loo diray Safaaradda Soomaaliya.

Warqadda oo ku taariikheysan 16-kii bishan Febraayo, ayaa jawaab u ahayd codsigii magacaabista ee ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya gudbisay 11-kii Disembar, 2025. Tani waxay waddada u xaaraysaa in danjire Maxamed Amiin uu si rasmi ah u guto waajibaadkiisa shaqo marka uu warqadaha aqoonsiga u gudbiyo Boqorka ama dhaxal-sugaha.

Maxamed Amiin Sheekh Cismaan ma aha shakhsi ku cusub saaхada siyaasadda iyo maamulka dowladda. Wuxuu horay xilal sarsare uga soo qabtay Madaxtooyada Soomaaliya (Villa Somalia), isagoo soo noqday Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada ee xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyo xilal kale oo dowladeed.

Wuxuu xilka kala wareegayaa Aweys Xaaji Yuusuf, kaas oo bishii Ogoosto ee sanadkii hore (2025) loo magacaabay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha, kaddib markii uu soo dhammaystay muddo xileedkiisii safiirnimo ee Riyadh.

Isbaddalkan diblomaasiyadeed ayaa ku soo aadaya xilli xasaasi ah oo uu gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas ka jiro loolan xooggan oo u dhexeeya quwadaha gobolka, arrimahaas oo ay sii murjinayaan xifaaltanka waddamada Khaliijka iyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo bishii hore ay dowladda Federaalka Soomaaliya qaadatay go’aan culus oo ay ku laashay dhammaan heshiisyadii ay la gashay Imaaraadka Carabta, oo ay ku jiraan heshiisyada dekedaha iyo iskaashiga milatari. Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay Abu Dhabi inay ku xad-gudubtay madaxbannaanida dalka, tallaabadaas oo sii fogeysay xiriirka labada dal.

Khilaafkaas sii xumaanaya ee kala dhexeeya Imaaraadka ayaa ku riixay Muqdisho inay xoojiso xiriirka ay la leedahay xulafada kale ee Carabta, iyadoo Sacuudiga loo arko inuu yahay miisaan culus oo dhanka dhaqaalaha iyo diblomaasiyadda ah oo ay Soomaaliya tiigsaneyso.

Iskaashigaas sii kordhaya waxaa marag u ah heshiiskii iskaashiga milatari ee ay Soomaaliya iyo Sacuudiga ku kala saxiixdeen Riyadh horraantii bishan. Heshiiskaas ayaa lagu tilmaamay mid kor loogu qaadayo awoodda ciidamada xoogga dalka iyo isku-xirka la-dagaallanka Al-Shabaab, xilli ay Soomaaliya dadaal ugu jirto soo celinta amniga buuxa ee dalka.

Magacaabista Danjire Cismaan ayaa sidoo kale ku soo aadeysa wax yar uun kaddib dhulgariirkii siyaasadeed ee dhacay dhammaadkii sanadkii hore, markii Israel ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada maamulka Somaliland.

Tallaabadaas, oo ay Soomaaliya ku tilmaamtay mid “duullaan ku ah madaxbannaanideeda”, ayaa sababtay olole diblomaasiyadeed oo ay Muqdisho ku raadineyso taageero caalami ah si looga hortago aqoonsigaas.

Sacuudiga ayaa kamid ahaa dalalkii sida degdegga ah u garab istaagay Soomaaliya, iyagoo caddeeyay inay ilaalinayaan midnimada iyo dhulka Jamhuuriyadda, halka Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) uu tallaabada Israel ku sifeeyay mid halis ku ah xasiloonida caalamka.

Marka laga soo tago siyaasadda, xiriirka Riyadh iyo Muqdisho waxaa udub-dhexaad u ah dhaqaalaha. Sacuudiga waa suuqa ugu weyn ee loo dhoofiyo xoolaha Soomaaliya, gaar ahaan xilliyada Xajka, waana waddan ay ku nool yihiin jaaliyad Soomaaliyeed oo ballaaran oo xawaaladaha ay diraan ay laf-dhabar u yihiin qoysas badan.

Diblomaasiyiinta falanqeeya arrimaha gobolka ayaa aaminsan in safiirka cusub ee loo dirayo Riyadh uu yeelan doono miisaan gaar ah, maadaama laga filayo inuu door ka ciyaaro xoojinta taageerada dhaqaale, arrimaha shaqaalaha, iyo isku-xirka amniga xilli ay Soomaaliya u baahan tahay xulifo istiraatiiji ah oo ay ku halleyn karto xaaladaha cakiran ee gobolka. 

Soomaaliya oo Mareykanka u bandhigtay hawlgelinta heshiis ay la gashay 1980-kii

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay diyaar u tahay dib-u-hawlgelinta heshiis amni oo muddo soo jirey, kaasi oo Mareykanka u ogolaanaya inuu isticmaalo dekedaha iyo garoomada diyaaradaha ee dalka.

Tallaabadan ayaa u muuqata mid Muqdisho ay ku doonayso inay Washington u xaqiijiso inay tahay lammaanaha rasmiga ah ee dhanka amniga, maalmo uun kadib markii maamulka Somaliland uu dhankiisa soo bandhigay yabooh la mid ah kan dowladda dhexe.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), oo la hadlayay wakaaladaha wararka ayaa xaqiijiyay jiritaanka heshiis is-faham oo soo jirey.

“Soomaaliya iyo Mareykanka waxaa ka dhaxeeya qaab-dhismeed iskaashi oo soo jireen ah, kaas oo ay ku jirto heshiiskii 1980-kii ee ogolaanayay in milateriga Mareykanku isticmaalo dekedaha iyo garoomada Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Cali Balcad.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in Xukuumadda Muqdisho ay dhowaan Washington u bandhigtay in heshiiskaas dib loo cusbooneysiiyo, isagoo ku tilmaamay “jidka kaliya ee sharciga ah ee loo mari karo iskaashi amni oo dhexmara labada dal,” tallaabadaas oo lagu macneeyay mid lagu ilaalinayo madaxbannaanida iyo qarannimada Soomaaliya.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli ay sii kordhayaan dhaq-dhaqaaqyada diblomaasiyadeed ee Somaliland—oo ah maamul gooni-u-goosad ah oo ku dhawaaqay madaxbannaanidiisa 1991-kii—kuwaas oo sheegay inay diyaar u yihiin inay Mareykanka siiyaan saldhigyo ciidan iyo xuquuq gaar ah oo la xiriirta khayraadka dabiiciga ah, si ay u helaan aqoonsi caalami ah.

Loolanka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya Muqdisho iyo Hargeysa ayaa cirka isku shareeray bilihii lasoo dhaafay. Bishii December, Israa’iil ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, tallaabadaas oo ay si adag u diiday Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay dhaleeceeyeen qaar kamid ah dalalka gobolka oo ku celiyay taageerada ay u hayaan midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Yabooha iska soo horjeeda ee ka imaanaya labada dhinac ayaa muujinaya ahmiyadda istiraatiijiyadeed ee Geeska Afrika, oo ah gobol ku yaalla marinka muhiimka ah ee isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Marinkan oo ay maraan qeyb weyn oo kamid ah ganacsiga caalamiga ah ayaa noqday mid ay ku loolamaan quwadaha waaweyn ee daneynaya amniga badaha iyo la dagaallanka argagixisada.

Mareykanka ayaa haatan saldhiggiisa ugu weyn ee Afrika (Camp Lemonnier) ku leh dalka Jabuuti, halkaas oo ay sidoo kale saldhigyo ku leeyihiin Shiinaha iyo quwado kale oo Reer Yurub ah, kuwaas oo ka qeyb qaata howlgalada la dagaallanka burcad-badeedda.

Falanqeeyayaasha ayaa aaminsan in dalabyadan cusub ay dib usoo nooleynayaan qaab-dhismeedkii xilligii Dagaalkii Qaboobaa, markaas oo Mareykanku uu galaangal u raadinayay ilaalinta marin-biyoodyada istiraatiijiga ah ee Bariga Dhexe iyo Badda Cas. 

Dowladda oo u jawaabtay beesha caalamka, kuna adkeysatay mowqifkeeda

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku adkeysatay in aysan marnaba ka laaban doonin qorshaha ay dalka ku gaarsiineyso doorasho qof iyo cod ah, xilli ay natiijo la’aan iyo is-fahan waa kusoo dhamaadeen wadahadalladii xasaasiga ahaa ee u dhexeeyay dowladda iyo isbaheysiga mucaaradka ee loo yaqaan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda, Cali Cumar (Cali Balcad), ayaa sheegay in dowladdu ay weli diyaar u tahay wada-hadal furan, tanaasul dhanka “qaabka farsamo” ee doorashada ah, iyo wada-tashi qaran oo ballaaran. Hase yeeshee, wuxuu si adag u qeexay in jihada loo socdo ee hirgelinta doorashada tooska ah ay tahay mid “muqaddas ah” oo aan gorgortan laga geli karin.

“Geeddi-socodka dimoqraadiyadda Soomaaliya dib looma dhigi karo ilaa xilli aan la cayimin,” ayuu yiri Wasiir Cali Cumar, isagoo u jawaabayay Ergada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), oo qoraal soo dhigtay barta X.

Qaramada Midoobay ayaa horey u muujisay niyad-jab ku aaddan in dhinacyadu ay ku guuldareysteen inay heshiis gaaraan, inkastoo ay soo dhaweeyeen ballanqaadka ah in wadahadalka la sii wado.

“Waxaan soo dhaweynaynaa ballanqaadka ay labada dhinacba shaaciyeen ee ah inay sii wadaan dadaallada lagu raadinayo xal wax-ku-ool ah oo horay loogu socdo,” ayaa lagu yiri bayaanka. “Waxaan si adag u dhiirigelinaynaa in la sii amba-qaado wadahadalka, iyadoo la muujinayo niyad-sami dhab ah.”

Ergada ayaa sidoo kale caddeysay in beesha caalamku ay diyaar la tahay taageero kasta oo loo baahdo si xal looga gaaro qodobada xasaasiga ah ee la isku hayo, kuwaas oo salka ku haya dastuurka iyo hannaanka doorashada.

“Annaga oo kaashanayna saaxiibada kale ee beesha caalamka, waxaan diyaar u nahay inaan gacan ka geysanno dadaallada Soomaaliyeed ee lagu doonayo in lagu gaaro tanaasul macquul ah oo laga yeesho arrimaha taagan ee weli la isku mari la’yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka

Maxaa la isku mari waayey?

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku xaqiijiyay fashilka ku yimid wadahadalladii albaabadu u xirnaayeen ee ka dhacay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho. Mucaaradka ayaa sheegay in kulamadaas ay kusoo idlaadeen “natiijo la’aan,” kadib markii la isku mari waayay laba qodob oo udub-dhexaad u ah khilaafka:

Qodobadaas ayaa kala ah; In wax-ka-beddelka dastuurka la meel-mariyo iyadoo aan laga gaarin heshiis qaran oo loo dhan yahay, iyo qaabka loo wajahayo doorashada dowlad-goboleedyada uu muddo-xileedkoodu dhamaaday.

Golaha ayaa ku adkeystay in Dastuurka KMG ah ee 2012 uu yahay aasaaska sharciga dalka, iyagoo dowladda ku eedeeyay inay wado tallaabooyin “hal dhinac ah”.

Waxay sidoo kale dalbadeen in doorashooyinka maamulada lagu qabto dastuurada dowlad-goboleedyada iyo mabaadi’da federaalka ee hadda jira, halka ay dowladda ku eedeeyeen inay doonayso in doorashooyinka saddex maamul-goboleed lagu saleeyo hannaanka cusub ee dastuurka lagu muransan yahay.

Mucaaradka ayaa eedeeymo culus u jeediyay Villa Somalia, iyagoo sheegay in xubnahooda la saaray “cadaadis xooggan.” Waxay xuseen in lagula kacay caga-jugleyn dhanka amniga iyo siyaasadda ah, iyo ollole warbaahineed oo lagu dhaawacayo sumcaddooda.

Dhanka kale, Beesha Caalamka ayaa ugu baaqday labada dhinac inay xariga wadahadalka aanay jarin.

Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in “wada-hadalka iyo tanaasulku ay yihiin kuwo adag balse daruuri ah,” iyadoo xustay in midnimada siyaasadeed ay fure u tahay la-dagaalanka argagixisada iyo xoojinta dowladnimada. 

Sawirro: SoDMA iyo QM oo ku dhowaaqay heerka halis ay u dhinteen…

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo George Conway, Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee Arrimaha Bani’aadannimo, ayaa galabta shir jaraa’id oo degdeg ah ku qabtay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay abaaraha dalka.

Maxamuud Macallin iyo George Conway ayaa shirkooda jaraa’id ku shaaciyay in xaaladda abaarta dalka ay gaartay heer aad u halis ah, isla markaana ay sii xumaaneyso maalinba maalinta ka dambeysa.

Sidoo kale, labada masuul ayaa si wadajir ah u sheegay in abaartu si baahsan u saameysay qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka, iyadoo ay jirto cunno-yari, biyo la’aan iyo barakac sii kordhaya.

Waxaa kale oo ay xaqiijiyeen in dad ay u dhinteen saameynta gaajada iyo harraadka, gaar ahaan carruur iyo waayeel ku nool deegaanno katirsan dalka.

Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee Arrimaha Bani’aadannimo, George Conway ayaa carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay gurmad degdeg ah oo mideysan, si looga hortago masiibo bani’aadannimo oo ka sii darta tan jirta.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay beesha caalamka in ay si dhaqso leh u kordhiyaan taageerada dhaqaale iyo midda gurmad si loo badbaadiyo nolosha malaayiinta qof ee halista ku jira.

Dhankiisa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle  ayaa sheegay in ku dhowaad 6.5 milyan oo qof ay abaartu saameysay, halka in ka badan 2 milyan oo qof ay ku sugan yihiin xaalad degdeg ah oo aan haysan cunto iyo biyo mid nah.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in xarumaha caafimaadka ay soo sheegayaan nafaqo-darro baahsan oo soo food saartay carruurta, isla markaana ay kordhayaan qoysaska ka barakacaya miyiga una soo hayaamaya magaalooyinka.

Dowladda Mareykanka oo tallaabo xasaasi ah qaaday ka hor weerarka Iiraan

Beirut (Caasimada Online) — Dowladda Mareykanka ayaa amar ku bixisay in dhammaan diblomaasiyiinta aan daruuriga ahayn iyo qoysaskooda ku sugan Safaaradda Mareykanka ee Beyruut ay si degdeg ah uga baxaan dalka Lubnaan.  

Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa Isniintii shaacisay tallaabadan, xilli ay cirka isku shareertay xiisadda kala dhaxeysa Iiraan, iyadoo ay jirto cabsi ku aaddan weerar milateri oo Mareykanka uu ku qaado Tehran. 

Qoraal digniin safar ah oo kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in go’aankan uu salka ku hayo “xaaladda amni ee ka jirta Beyruut.” Digniinta oo si rasmi ah loo shaaciyay saacado kadib markii ay soo baxeen warar hordhac ah, ayaa sidoo kale lagu xaddiday dhaq-dhaqaaqa shaqaalaha Mareykanka ee weli ku haray dalkaas.

Mas’uul sare oo ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda, oo codsaday inaan magaciisa la xigan, ayaa sheegay in qiimeyn joogto ah oo lagu sameeyay xaaladda amni ee gobolka ay keentay in la qaato go’aan “taxaddar leh” oo lagu dhimayo tirada dadka ku sugan Safaaradda, balse waxa uu xaqiijiyay in safaaraddu ay sii wadi doonto shaqadeeda, ayna joogi doonaan shaqaalaha muhiimka ah oo kaliya.

Lubnaan ayaa muddo tobanaan sano ah aheyd goob ay ka dhacaan weeraro aargudasho ah oo lala xiriiriyo Iiraan, iyadoo loo aaneynayo taageerada Tehran ee ururka Xisbullah. Kooxdan ayaa horay loogu eedeeyay weeraradii dhimashada badnaa ee lagu qaaday xeryihii Ciidamada Badda Mareykanka iyo dhismaha safaaradda ee Beyruut horraantii siddeetameeyadii.

Dhimista shaqaalaha safaaradda Beyruut ayaa badanaa loo arkaa calaamad saadaal u ah tallaabo milateri oo Mareykanka ama Israa’iil ay damacsan yihiin, gaar ahaan mid ka dhan ah Iiraan.

Tallaabo tan la mid ah ayaa horay looga qaaday safaaradaha gobolka, oo ay ku jirto Ciraaq, wax yar ka hor intii uusan Madaxweyne Trump amrin duqeymo ka dhan ah xarumaha nukliyeerka Iiraan bishii June ee lasoo dhaafay. Lama oga in amarkan uu saameyn doono safaaradaha kale ee Mareykanka ku leeyahay Bariga Dhexe.

Xiisadda u dhaxeysa Washington iyo Tehran ayaa sii xoogeysatay kadib markii Madaxweyne Trump uu gobolka geeyay awooddii milateri ee ugu weyneyd muddo tobanaan sano ah.

Markab diyaaradaha xambaara oo labaad ayaa hadda ku sii jeeda gobolka si uu ugu biiro maraakiibta dagaalka ee halkaas ku sugan, taas oo Trump siineysa fursado dhowr ah oo uu ku qaadi karo weerar haddii loo baahdo.

Dhinaca diblomaasiyadda, Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan, Badr al-Busaidi, ayaa sheegay in Mareykanka iyo Iiraan ay qorsheynayaan inay wareeg kale oo wadahadalo ah ku yeeshaan magaalada Geneva maalinta Khamiista ah.

Abbas Araghchi, diblomaasiga ugu sarreeya Iiraan, ayaa wareysi uu siiyay telefishinka CBS ku sheegay inuu rajo ka qabo xal diblomaasiyadeed, isagoo xusay in heshiis la soo jeediyay uu dhawaan diyaar noqon doono.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Trump oo Jimcihii la weydiiyay suurta-galnimada weerar milateri oo xadidan inta ay socdaan wadahadalada, ayaa ku jawaabay: “Waxaan u maleynayaa inaan dhihi karo waan ka fiirsanayaa taas,” isagoo digniin u diray Iiraan inay aqbasho heshiis caddaalad ah.

Dhinaca kale, mas’uul kale oo Mareykan ah ayaa sheegay in Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio laga yaabo inuu dib u dhigo safar uu ku tagi lahaa Israa’iil dhamaadka toddobaadkan, tallaabadaas oo qeyb ka ah isbeddelada ka dhashay xaaladda kacsan ee gobolka. 

Daawo: Muungaab oo si kulul ugu jawaabay Deni: Xamar waxba laga weydiin maayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho, ayaa si adag ugu jawaabay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo dhawaan si quus ah uga hadlay xaaladda Muqdisho.

Deni ayaa sheegay in caasimadda ay ka taagan tahay xaalad quus ah oo uu geliyay hoggaanka haatan talada dalka haya, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxda sidan u gashay caasimadda waa uga lexjeclo badanahay. Xogagaal ayaa ahay dalkaan halis badan ayaa ii muuqata,” ayuu yiri.

Guddoomiye Muungaab oo hadalka Deni daba socda ayaa sheegay in Muqdisho ay ku sugan tahay horumar, isla markaana aan laga warsaneyn xaaladda caasimadda nin xerada Xalane isku soo xiray.

“Nin xero isku soo xiray intuu makarafoon qaato habeen iyo maalin uu dhaho Xamar waxay ku sugan tahay, wax loo dulqaadan karo maahan. Xamar wanaag ayay ku sugan tahay ee ma wanaaga u diidan tahay?” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab oo si duurxul ah ugu jawaabay Deni.

Waxa uu intaas kusii daray: “Xamar wax aad gelisid oo ku leedahay ma jirto. Xamar waxay ku sugan tahay horumar, nabad iyo qurux iyo bilic. Waxa ay qabatay doorasho toos ah oo qof iyo cod ah. Markaan rabitaan shaqsiyadeed oo qaawan dib uma celi karo Xamar.”

Si kastaba, magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe si weyn u soo kabanaysay, iyadoo shacabka ku naaloonayaan xasillooni amni, isla markaana ay ka raysteen qaraxyadii iyo falalkii amni-darrada ahaa ee ay geysan jireen kooxaha argagixisada.

Hoos ka daawo muuqaalka

Maxay yihiin 15-ka Banki ee maanta uu Bankiga Dhexe…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Bankiga Dhexe ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaaciyay magacyada 15 bakgi oo uu shati siiyay.

Bankiyadan oo dhammaantood soo buuxiyay shuruudaha hannaanka shati-siinta Bankiga Dhexe, 14 ka mid ah waa bakgiyo maxalli ah, halka hal banki uu yahay mid caalami ah, sida ku cad war-saxaafadeed kasoo baxay Bankiga Dhexe.

“Bankiga Dhexe ee Soomaaliya wuxuu sii xoojinayaa hannaanka maaliyadeed ee dalka isaga oo u maraya shati-siinta iyo kormeerka hay’adaha iyo shirkadaha laf-dhabarta u ah adeegyada maaliyadeed ee dalka.”

Bankiga ayaa sheegay in aas-aaska adag ee hannaanka maaliyadeed uu yahay tiirka lagu gaari karo mustaqbal maaliyadeed iyo mid dhaqaale oo waara.

Sidaas darteed, Bankiga Dhexe ayaa mudnaan siinaya dhisidda hannaanka maaliyadeed si uu u noqdo mid xasilloon, loo dhan yahay, isla markaana la isku halayn karo.

Dhawaan, Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa markii u horeysay shati-siiyay 7 shirkadood oo bixiya maalgelimaha yar-yar ee aan dhigaalka qaban, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo nidaamka maaliyadda dalka.

Go’aanka shati siinta ayaa yimid kadib dib-u-eegis lagu sameeyay sharciga hay’adaha maaliyaddda, isla markaana la meel-mariyey xeernidaamiyaha shati siinta hay’adaha bixiya amaahda yar-yar ee aan dhigaalka qaadan.

Si kastaba, shati-bixintan ayaa waxay shirkadaha fursad u siinaysaa inay bixiyaan adeegyo maaliyadeed oo waafaqan shareecada Islaamka, isla markaana fudud, oo u adeegaya bulshada aan si buuxda uga faa’iideysan nidaamka bankiyada ganacsiga.

Hoos ka akhriso magacyada 15-ka banki:

  1. Amal Bank
  2. Amana Bank
  3. Agro Bank
  4. Bulsho Bank
  5. BB Bank
  6. Dahabshiil Bank
  7. Daryeel Bank
  8. IBS Bank
  9. Idman Bank
  10. Som Bank
  11. Salaam Somali Bank
  12. GIB Bank
  13. My Bank
  14. Premier Bank
  15. Ziraat Bankasi

Soomaaliya iyo Australia oo tallaabo cusub hore u qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Australia, Danjire Dr Faysal Axmed Salaad ayaa si rasmi ah warqadihiisa aqoonsiga danjirannimo u gudbiyay Sam Mostyn, oo ah Governor-General-ka dalka Australia.

Tani waa dhacdo taariikhi ah, taas oo lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Australia.

Intii lagu guda jiray munaasabadda, safiirku waxa uu adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal.

Safiirku wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee iskaashiga diblomaasiyadeed, ganacsi, iyo horumarinta adeegyada bulshada ee labada dhinac.

Qodobada muhiimka ah ee la isla soo qaaday waxaa ka mid ahaa muhiimadda ay xawaaladaha u leeyihiin dhaqaalaha Soomaaliya iyo baahida loo qabo fududeynta rukhsadaha iyo helitaanka akoonnada bangiyada ee shirkadaha xawaaladaha (MSBs) ee ka shaqeeya Australia.

Sidoo kale, horumarinta iskaashiga waxbarashada iyo ganacsiga ayaa la isla soo qaaday si loo gaaro koboc iyo horumar waara oo labada dalba faa’iido u leh.

Safiirku wuxuu carabka ku adkeeyay fududeynta socdaalka, gaar ahaan tixgelinta “Visa on Arrival” ee baasaboorrada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa diblomaasiga iyo adeegga.

Doorka jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Australia ayaa sidoo kale la xusay, iyadoo la tilmaamay inay noqon karto buundo muhiim ah oo isku xirta labada dal.

Safiirku wuxuu muujiyay sida uu diyaar ugu yahay inuu si dhow ula shaqeeyo Dowladda Australia, isagoo diiradda saaraya dhisidda iskaashi waara oo dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo bulshada.

Waxaa la isla gartay in wada shaqeynta labada dhinac ay fursad u tahay horumarinta mashaariic wax ku ool ah oo taageera ganacsiga, waxbarashada, iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Ugu dambeyntiina, safiirka wuxuu muujiyay rajadiisa ku aaddan inuu si dhow ula shaqeeyo dowladda Australia iyo dhammaan bah-wadaagta, si loo xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Kadib fashilka wada-hadalkii DF iyo mucaaradka, beesha caalamka oo tallaabo qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib fashilka wada-hadallada maalmihii dambe ka socday Villa Soomaaliya, ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, Beesha Caalamka ayaa bilowday inay si toos ah ula xiriirto labada dhinac.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo xiriiro la sameeyay madaxda Soomaalida ayaa rajeeyay sii socoshada doonaan wada-hadallada.

Swan ayaa sheegay in labada dhinac uu ujeediyay sii wadista wada-hadallada, si xal looga gaaro xiisadda siyaasadeed ee taagan, taas oo salka ku haysa hannaanka doorashada iyo wax ka beddelka dastuurka.

“Waxaan labada dhinac kula talinay inay sii socdaan wada-hadallada. Waan rajeyneynaa in ay sii socda wada-xaajoodyada dowladda iyo Golaha Mustaqbalka,” ayuu yiri James Swan.

Sidoo kale waxa uu caddeeyay inay ka shaqeynayaan sidii ay u sii socon lahaayeen wada-hadallada. Beesha Caalamka ayaa u aragta wada-xaajoodka mid looga gudbi karo xaaladda cakiran ee taagan.

Hadalka Swan ayaa imanaya xilli xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo maanta shir gaar ah ku yeeshay xeyndaabka garoonka ee xerada Xalane ay ku dhawaaqeen inay burbureen wada-hadalladii ay kula jireen dowladda.

Bayaan kasoo baxay golaha ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in wada-xaajoodkii socday maalmahan ugu dambeyn uu ku soo dhammaaday natiijo la’aan, taas oo sii adkeyneysa xaaladda cakiran ee uu ku jiro dalka.

Qodobka ugu weyn ee is-mari-waaga dhaliyay ayaa ah nooca hannaan doorasho ee dalka lagu hagi doono.

“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu ka xun yahay inuu shacabka Soomaaliyeed ku wargeliyo in wadaxaajoodkii ay kula jireen DFS uu kusoo dhammaaday natiijo la’aan. Goluhu wuxuu wada-hadalku ku galay niyad wanaag iyo in dalka looga turo xaaladda adag ee uu ku jiro” ayaa lagu yiri bayaanka.

Golaha ayaa caddeeyay “in uusan maxlal iyo maqaarsaar u noqon doonin dastuur la beddelo, doorasho lagu shubto, iyo in dalka iyo dadka Soomaaliyeed la kala diro.”

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, waxaana si weyn la’isugu hayaan doorashada iyo arrimaha Dastuurka.