25.8 C
Mogadishu
Thursday, June 18, 2026

Ayatollah Ali Khamenei oo la shaaciyey in la dilay

Tehran (Caasimada Online) — Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Sabtida ku dhawaaqay in la khaarajiyay Hoggaamiyihii ugu sarreeyay dalka Iiraan Aayatulaahi Cali Khamenei, isagoo tallaabadan taariikhiga ah ku tilmaamay “fursaddii ugu weyneyd” ee ay shacabka Iiraan u heleen inay dib ugu hantaan talada dalkooda.

Hase yeeshee, dhacdadan ayaa mugdi weyn gelisay mustaqbalka Jamhuuriyadda Islaamiga ah, waxayna sare u qaadday halista ah in gobolka Bariga Dhexe uu galo xasillooni-darro baahsan.

Qoraal uu Madaxweyne Trump soo dhigay bartiisa xiriirka bulshada ayuu ku xaqiijiyay warkaas, isagoo yiri, “Khamenei, oo ka mid ahaa dadkii ugu sharta badnaa taariikhda, waa dhintay.”

Trump ayaa sidoo kale soo saaray digniin adag oo dhanka milateriga ah, isagoo ku goodiyay in ay dalkaas ka sii socon doonaan duqeymo culus oo bartilmaameed sax ah leh, kuwaas oo aan istaagi doonin inta lagu guda jiro toddobaadkan iyo wixii ka dambeeyaba.

Xukuumadda Washington ayaa ololehan milateri ee dhimashada badan dhaliyay ku qiil-daysay inuu yahay mid lagama maarmaan u ah in gabi ahaanba lagu curyaamiyo awoodda iyo barnaamijka nukliyeerka ee xukuumadda Tehran.

Sidoo kale, ilo-wareedyo ka tirsan dowladda Israa’iil ayaa xaqiijiyay inay hayaan xog iyo caddeyn muujinaysa in Khamenei, lagu dilay duqeymo culus oo wadajir ah oo ay maanta fuliyeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Israa’iil.

Sida ay tebisay wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa sarkaal Israa’iili ah, waxaa la rumeysan yahay in la helay meydka Khamenei, warkan oo laga soo xigtay sirdoonka Israa’iil ee Mossad.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa fariin maqal iyo muuqaal ah oo uu goor dambe oo Sabti ah baahiyay ku sheegay in ay jiraan calaamado badan oo iftiiminaya in Khamenei “uusan mar dambe jirin.”

Dhanka kale, sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Israa’iil ayaa Sabtidii xaqiijiyay in hoggaamiyaha la khaarajiyay, meydkiisana la arkay kadib duqeymaha wadajirka ah ee Washington iyo Tel Aviv.

Dhanka kale, xukuumadda Iiraan ayaan weli si degdeg ah u xaqiijin warka ku saabsan geerida hoggaamiyahooda, xilli ay caasimadda dalkaas iyo guud ahaan gobolkaba ka taagan tahay xaalad kacsanaan iyo hubanti la’aan ah.

Duqeymahan oo ahaa kuwo si weyn loo qorsheeyay ayaa bartilmaameedsaday madaxda ugu sarreysa xukuumadda Tehran, arrintaas oo gobolka Bariga Dhexe gelisay weji cusub oo dagaal. Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa isna sheegay in weeraradani ay soo afjarayaan khatartii amni ee ku wajahnayd dalkiisa, ayna fursad dahabi ah u siinayaan shacabka Iiraan inay ridaan maamulka talada haya.

Cali Khamenei oo 86-jir ah, ayaa awoodda ugu sarreysa ee dalkaas la wareegay sanadkii 1989-kii kadib geeridii aasaasihii Jamhuuriyadda Islaamiga ah, Aayatulaahi Ruuxulaahi Khumeyni.

Wuxuu ahaa awoodda kaliya ee go’aamisa jiheynta hay’adaha siyaasadeed, milateri, iyo kuwa diimeed ee dalka, isagoo si buuxda u qaabeeya siyaasadda arrimaha gudaha iyo xiriirka arrimaha dibadda.

Wuxuu sii waday nidaamkii adkaa ee ka horreeyay, isagoo meesha ka saaray madaxweyneyaal la doortay oo isku dayay inay dalka u horseedan is-furfurnaan, wuxuuna si gacan-bidaar leh u cabburiyay dibadbaxyo is-daba-joog ah iyo dhaqdhaqaaqyadii wax-ka-beddel-doonka ahaa ee diidanaa isku-dhaca reer Galbeedka.

Xiisadda labada dal ayaa gaartay heerkii ugu halista badnaa bishii Juun ee sanadkii 2025, markaas oo uu dhexmaray dagaal xagga cirka ah oo qaatay 12 maalmood. Dagaalkaas, Wasiirka Gaashaandhigga Israa’iil, Israel Katz, ayaa ku hanjabay in la khaarajin doono Khamenei, isagoo xusay in hoggaamiyaha “uusan sii jiri karin.”

Dagaalkaas 2025-kii dhacay, Israa’iil waxay weeraro lama filaan ah ku bur-burisay xarumaha Nukliyeerka Iiraan ee dhulka hoostiisa ah, halkaas oo lagu dilay saynisyahano iyo saraakiil sarsare oo milateri. Geerida Khamenei, haddii ay dhab noqoto, waxay dharbaaxo weyn ku tahay dal markii horeba la daalaa-dhacayay culeysyo dhaqaale iyo saameynta dagaallada.

Intii uu xilka hayay, Iiraan waxay isku beddeshay awood goboleed si weyn uga soo horjeedda Mareykanka, iyadoo saameynteeda ku fidisay Bariga Dhexe oo dhan. Wuxuu taageeray heshiiskii Nukliyeerka ee sanadkii 2015 lala galay quwadaha caalamka xilligii Madaxweyne Xasan Ruuxaani, kaas oo muddo kooban khafiifiyay go’doonkii Iiraan. Balse xiisadda ayaa mar kale cirka isku shareertay markii Madaxweyne Donald Trump uu ka baxay heshiiskaas sanadkii 2018-kii, dibna u soo rogay cunaqabateyno adag.

Laga soo bilaabo weerarkii Xamaas ay ku qaadday Israa’iil 7-dii Oktoobar 2023, xulafada Iiraan ee gobolka ayaa wajabayay dhabar-jab is-xigxiga. Xamaas iyo Xisbullah ayaa la kulmay duqeymo ba’an oo wiiqay awooddooda, halka Madaxweynihii Suuriya Bashaar Al-Asad, oo Tehran ay muddo dheer garab taagnayd, xukunka laga riday bishii Diseembar ee sanadkii 2024.

Xilka Hoggaamiyaha Sare oo la abuuray wixii ka dambeeyay kacaankii 1979-kii ayaa dastuuri ahaan awood sharciyeed oo buuxda siinaya wadaadka ugu sarreeya, isagoo ka awood badan madaxweynaha iyo baarlamaankaba.

Sida uu qabo nidaamka Iiraan, Golaha Khubarada oo ka kooban 88 wadaad oo ay soo xuleen guddiyo adag oo daacad u ah Khamenei ayaa leh awoodda rasmiga ah ee lagu doorto hoggaamiyaha beddelaya marka uu bannaanaado xilka ugu sarreeya dalka.

Daawo: Iiraan oo si xooggan u weerartay Imaaraadka

0

Dubai (Caasimada Online) — Iiraan ayaa Sabtida gantaallo culus oo aargudasho ah ku garaacday dhowr magaalo oo ku yaalla waddamada Khaliijka Carabta, weerarkaas oo dhaliyay jugta qaraxyo is-xigay oo ruxay daaqadaha dhismooyinka, isla markaana dadka deegaanka ku qasbay inay gabaad raadsadaan.

Duqeymahan ayaa lala beegsaday dalalka Kuweyt, Qadar, Baxreyn iyo Isutagga Imaaraadka Carabta, kuwaas oo dhammaantood martigeliya saldhigyo ay leeyihiin ciidamada milateriga Mareykanka, kadib markii Mareykanka iyo Israa’iil ay weerareen Tehran.

Xukuumadda Tehran ayaa sheegtay in weerarkan uu yahay aargoosi ka dhan ah duqeymo wadajir ah oo Mareykanka iyo Israa’iil ay dhowaan ka fuliyeen gudaha ciidda Iiraan. Dhanka kale, dalka Urdun ayaa sheegay inuu hawadiisa ku bur-buriyay gantaallo kusoo wajahnaa.

Dalka Imaaraadka Carabta ayaa la kulmay duqeymihii ugu cuslaa, taas oo falanqeeyayaashu ay la xiriiriyeen xiriirka dhow ee diblomaasiyadeed ee Abu Dhabi ay la leedahay xukuumadda Israa’iil.

Magaalada Dubai, oo ah xudunta ganacsiga iyo dalxiiska ee gobolka, ayaa laga maqlay qarax weyn oo ku dhuftay jasiiradda macmalka ah ee caanka ah ee Palm Jumeirah, arrintaas oo naxdin ku beertay dadka deegaanka. Goobjoogayaal la hadlay wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay inay maqleen jug culus, isla markaana ay arkeen qiiq isku shareeray aaggaas astaan-qarameedka ah.

Xafiiska Warbaahinta ee Dubai ayaa goor dambe xaqiijiyay in “shil” uu ka dhacay dhisme ku yaalla Palm Jumeirah. Bayaan kasoo baxay xafiiska ayaa lagu yiri in kooxaha gurmadka degdegga ah markiiba goobta la geeyay, aaggana la xaqiijiyay amnigiisa.

Waaxda Difaaca Madaniga ah ee Dubai ayaa xaqiijisay in dabkii ka dhashay weerarka haatan la xakameeyay, iyadoo intaas ku dartay in afar qof ay ku dhaawacmeen oo isbitaal loo qaaday. Mas’uuliyiinta ayaa sheegay inay sii wadayaan dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagu sugayo badqabka shacabka.

Weerarka Palm Jumeirah waxaa xigay shan qarax oo waaweyn oo galabnimadii dambe ay maqleen dadka deegaanka iyo weriyeyaasha AFP ee ku sugan daafaha magaalada Dubai.

Sidoo kale, caasimadda Abu Dhabi, goobjooge ayaa sheegay inuu maqlay shan jug oo xiriir ah oo ruxay daaqadaha dhismooyinka ku dhow xeebta Corniche, halka kuwo kalena ay qaraxyo waaweyn ka maqleen aagagga Al Dhafra iyo Bateen. Diyaaradaha dagaalka ayaa markii dambe la arkayay iyagoo roondo ka wada hawada sare ee Jasiiradda Yas.

Xukuumadda Tehran ayaa si degdeg ah u sheegatay mas’uuliyadda weeraradan baaxadda leh.

Bayaan kasoo baxay Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan ayaa lagu yiri in dhammaan dhulalka la haysto iyo saldhigyada dambiilayaasha ee Mareykanka ee gobolka lagu garaacay dharbaaxooyin xooggan oo ka yimid gantaallada Iiraan. Kooxda ayaa ku hanjabtay in hawlgalkan uu si is-daba joog ah u socon doono ilaa cadowga si buuxda looga adkaado.

Inkastoo nolosha caadiga ah ay ka sii socotay qaybo ka mid ah Imaaraadka, haddana weeraradan aan horay loo arag ayaa sababay walaac degdeg ah.

Barnaamijyada cunnada lagu dalbado (Delivery apps) ayaa muujiyay dib-u-dhac weyn iyadoo ay u muuqatay in dadku ay bilaabeen inay raashin badan mar qura iibsadaan.

Shaqaale ka tirsan dukaan ku yaalla fagaaraha Nshama Town Square ee Dubai, oo diiday in magaciisa la xigto, ayaa sheegay in xaaladdu aysan caadi ahayn, biyuhuna ay gabaabsi yihiin, iyadoo alaab-qeybiyeyaasha qaarna ay sheegeen inaysan keenaynin badeecooyin hor leh.

Dowladda Imaaraadka ayaa si degdeg ah soo dhex-gashay, iyadoo shacabka ugu baaqday in aysan argagaxin oo aysan suuqyada isku buuxin. Mas’uuliyiinta ayaa u xaqiijiyay dadka deegaanka in agabka cunnada iyo badeecooyinka aasaasiga ah ay aad u badan yihiin, soo dejintuna ay si caadi ah u socoto, kaydka istaraatiijiga ahna uu yahay mid xooggan oo ku filan waqti dheer.

Xiisaddan goboleed ayaa sidoo kale dhalisay dhaqdhaqaaq diblomaasiyadeed oo degdeg ah. Kadib weerarada, Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed bin Saayid Al Nahyan ayaa khadka taleefanka kula hadlay Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan.

Riyaad ayaa muujisay in ay garab taagan tahay Abu Dhabi, iyadoo labada hoggaamiye ay ka digeen in xiisadda gobolka ay sii korodho, waxayna ku baaqeen in lagu soo laabto waddada diblomaasiyadda.

Wadahadalkan ayaa calaamad u ahaa xiriir toos ah oo dhif iyo naadir ah oo dhexmaray labadan quwadood ee Khaliijka, kuwaas oo cilaaqaadkoodu uu ahaa mid aan wanaagsaneyn tan iyo dabayaaqadii sanadkii hore.

 

Madax sare oo ka tirsan Iran oo loo badinayo inay dagaalka ku dhinteen + Magacyada

0

Tehran (Caasimada Online) – Macluumaadka isa soo taraya ee laga helayo weerarka culus ee maanta lagu qaaday Iiraan ayaa sheegaya in uu sii kordhayo khasaaraha gaaray Tehran, waxaana la soo warinayaa in la la’yahay madax sare oo ka tirsan dowladda, kuwaas oo loo badinayo in ay dhinteen.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa goordhow tebisay in la la’yahay Wasiirkii Difaaca Iiraan, Amir Nasirzadeh, iyo Taliyihii Ilaalada Kacaanka, Mohammad Pakpour, iyadoo la rumeysan yahay in ay ku geeriyoodeen dagaalka.

Dhanka kale, Iiraan ilaa iyo hadda ma sheegin war rasmi ah oo ku saabsan labada mas’uul ee ka midka ah madaxda dalkaas.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Abbaas Araghchi, oo goordhow la hadlay NBC News, ayaa dhinaca kale xaqiijiyay in ay nool yihiin hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei, iyo madaxweyne Masoud Pezeshkian.

“Ayatollah Cali Khamenei iyo madaxweyne Masoud Pezeshkian way nool yihiin, inta aan ogahay. Dhammaan mas’uuliyiinta sare way nool yihiin, wax walbana waa hagaagsan yihiin,” ayuu yiri wasiirku.

Warar aan weli madax-bannaan loo xaqiijin ayaa sidoo kale sheegaya in la beegsaday Cali Shamkhani, oo ah la-taliye sare oo dhanka amniga u qaabilsan Khamenei, waxaana ilo wareedyo ku dhow nidaamka Tehran ay xaqiijiyeen dhimashada dhowr sarkaal oo sare oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka iyo mas’uuliyiin siyaasadeed.

Wakaaladda wararka dowladda Iiraan ee Tasnim ayaa dhankeeda xaqiijisay in la duqeeyay goobo u dhow madaxtooyada iyo dhismaha uu deggan yahay Khamenei. Si kastaba ha ahaatee, sarkaal Iiraani ah ayaa u sheegay Reuters in hoggaamiyuhu uusan ku sugnayn Tehran xilligii weerarku dhacayay, isla markaana horay loogu daadgureeyay goob ammaan ah.

Goor sii horreysay, Ciidamada Difaaca Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha ay ka fuliyeen Tehran ay la beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen saraakiil sare oo dhanka siyaasadda iyo amniga ah, isla markaana uu jiro khasaare ba’an oo gaaray Iiraan.

Sidoo kale, ciidamada Israa’iil ayaa hadda qiimeynaya natiijada weerarka, maadaama uu qaatay saacado badan lana beegsaday xarumo muhiim ah.

Si kastaba ha ahaatee, xogta dhabta ah waxa la ogaan karaa marka dagaalku dhammaado ama dhinacyadu qirtaan, waxaana weli sii soconaya duqeymaha labada dhinac, iyadoo dagaalkuna uu ku sii fidayo dalalka gobolka.

Saciid Deni oo ka dhoofay Muqdisho kadib fashilkii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Deni oo maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa galabta ka dhoofay garoonka Aadan Cadde, isaga oo dib ugu laabtay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Deni oo deganaa xeyndaabka xerada Xalane ayaa caasimada u yimid wada-hadalladii Villa Somalia iyo Golaha Mustaqbalka ee fashilmay, kadib markii labada dhinac ay isku fahmi waayeen qodobada wada-hadalka oo ku aadanaa xal ka gaarista hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddalka dastuurka.

Sidoo kale, madaxweynaha Puntland ayaa olole xooggan iyo dhaq-dhaqaaq ka sameeyay Muqdisho, isaga oo la kulmay madax ka tirsan dowladda, xubnaha mucaaradka iyo qaybaha bulshada oo uu kala hadlay xaaladda dalka.

Kahor inta aanu ka bixin Saciid Deni Muqdisho wuxuu quus ka muujiyay wada-hadal dambe oo lala galo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo sheegay in si walba oo loola hadlay uu ka biyo diiday xalka, uuna iska sii wato shaqadiisa.

“Madaxweyne Xasan Sheekh horta wuxuu fadhiyaa gurigii ummadda kursigii dowladda dhalinyaradii Soomaaliyeed ee askarta ahayd baana waardiyeyneyso laakiin haddaad run u sheegtid iyo haddaa wax kale u sheegtid-ba waana iska faraxsan yahaywaana iska qoyslayaa” ayuu Jimcihii yiri madaxweyne Deni.

Waxaa kale oo uu ku daray “Aniga waan garan waayay si loola hadlo, waxaase qabaa hadal dambe yaan loogu tegin way soo dhammaatay in loo caqli celiyo”.

Horay waxaa sidaan oo kale Muqdisho uga dhaq-dhaqaaqay madaxweynaha Jubbaland Axme Madoobe oo isna ka qayb ka ahaa wada-hadalladii fashilmay, waxayna arrintan sii murjineysaa xaaladda sii cakirmeysa ee Soomaaliya.

Si kastaba, dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadaya, xilli si weyn isha loogu hayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, waxaana ay dadka ay is weydiinayaan halka ay ku dambeyn doonto xiisadda, maadaama waqtigii uu gabagabo yahay, hadane heshiis laga gaari waayay, sida loo wajahayo waqtiga kala guurka. 

TRUMP oo Maxamed Bin Zayed u kashifay qorshe ka dhan ah oo uu rabo Bin Salman

0

Washington (Caasimada Online) — Wargeyska The New York Times ayaa daabacay warbixin xasaasi ah oo sheegaysa in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu dhiggiisa Imaaraadka Carabta, Maxamed bin Saayid, u sheegay in Sacuudigu uu soo jeediyay in cunaqabateyn lagu soo rogo Abu Dhabi, sababo la xiriira taageerada ay siiso Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee Suudaan (RSF).

Sida warbixintu xustay, Trump ayaa fariintan ugu gudbiyay Maxamed bin Saayid qadka taleefanka bishii Nofembar, waxyar kadib markii Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed bin Salmaan, uu booqasho ku tagay Aqalka Cad.

Shabakadda Middle East Eye ayaa horay u baahisay qorshaha Maxamed bin Salmaan ee ahaa inuu Trump ku cadaadiyo inuu tallaabo ka qaado Imaaraadka. Arrintan ayaa imaanaysa xilli guddi ka tirsan Qaramada Midoobay ay go’doomintii RSF ee magaalada El-Fasher ee gobolka Darfuur ku tilmaameen mid xambaarsan calaamadihii xasuuqa.

Hadalladan ayaa xoojinaya weedho uu Trump dhowaan ka jeediyay madal ganacsi oo Sacuudiga iyo Mareykanka ku dhexmartay Washington, halkaas oo uu ku yiri in Boqortooyadu ay doonayso inuu qaado tallaabo aad u xooggan oo ku saabsan Suudaan, isagoo raaciyay inay durbaba billaabayaan shaqadaas.

Sacuudi Carabiya ayaa markii hore isku dayday inay dhex-dhexaad ka noqoto colaadda u dhaxeysa RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ee uu hoggaamiyo Cabdulfataax Al-Burhaan.

Suudaan oo dhacda dhanka kale ee Badda Cas marka laga eego Sacuudiga ayaa noqotay goob ay ku loolamaan quwadaha gobolka. Halka Imaaraadku uu hub iyo dhaqaale ku taageero RSF, Riyaad ayaa dhankeeda garab istaagtay milateriga Suudaan, iyadoo ay wehliyaan dalalka Masar iyo Turkiga. Labada dhinac ee isku haya Suudaan ayaa lagu eedeeyay dambiyo dagaal, balse weerarada RSF ee Darfuur ayaa si gaar ah loogu aqoonsaday kufsi iyo xasuuq wadareed.

Sida laga soo xigtay New York Times, Trump ayaa u sheegay hoggaamiyaha Imaaraadka in saaxiibadiis ay doonayaan inay dabin u dhigaan, balse isagu uu garab taagan yahay.

Falanqeeyayaasha iyo mas’uuliyiinta gobolka ayaa aaminsan in ololaha Sacuudiga uu ahaa dhibcihii ugu dambeeyay ee ku riixay Imaaraadka inay taageeraan duulaankii ballaarnaa ee ay xoogagga gooni-u-goosadka Yemen qaadeen bishii Diseembar.

Tallaabadaas ayaa dhalisay in Sacuudigu uu qaado olole milateri oo xididada loogu siibay awooddii Golaha Ku-meel-gaarka Koonfureed (STC) ee uu Imaaraadku taageero. Hoggaanka Sacuudiga ayaa aaminsan in Imaaraadku uu arrintan u sameeyay aargoosi, isagoo ka caraysan codsiga cunaqabateynta ee Riyaad.

Xiisaddan ayaa u muuqata mid salka ku haysa xiriir xumo diblamaasiyadeed oo soo ifbaxeysay. Sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin reer galbeed ah, Maxamed bin Salmaan ayaa dhawaan warqad dheer u diray La-taliyaha Amniga Qaranka Imaaraadka, Tahnuun bin Saayid, taas oo uu kaga cabanayo dhaq-dhaqaaqyada Abu Dhabi ee Suudaan iyo Yemen.

Warqaddan ayaa xambaarsaneyd eedeymo tafatiran, inkastoo ay sidoo kale soo bandhigtay in Wasiirka Difaaca Sacuudiga, Khaalid bin Salmaan, uu dhex-dhexaadin ka galo arrinta. Sacuudiga ayaa warqaddaas ku muujiyay inuu la yaaban yahay sida Imaaraadku u aaminay in Riyaad ay Mareykanka ku cadaadisay cunaqabateyn, taas oo u muuqata isku day lagu qaboojinayo xiisadda.

Ilaa iyo hadda, Madaxweyne Trump wax cunaqabateyn ah kuma soo rogin Imaaraadka, balse Mareykanka ayaa asbuucii hore cunaqabateyn saaray saraakiil ka tirsan RSF.

Qoraal kasoo baxay Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa lagu xaqiijiyay in walaalka iyo ku-xigeenka sarkaalka ugu sarreeya RSF, Maxamed Xamdaan Dagalo “Xameeti”, uu isticmaalo aqoonsi Imaaraad ah, marka lagu daro baasaboor Kenyaan ah.

Xogtii ugu dambeysay ee khasaaraha weerarka Iiraan

0

Tehraan (Caasimada Online) – Ugu yaraan 51 arday ah ayaa ku dhintay weerarka ay maanta sida wadajirka ah Mareykanka iyo Israa’iil ugu qaadeen gudaha dalka Iiraan, kadib markii mid kamid ah gantaallada uu ku dhacay iskuul ku yaalla magaalada Minab ee dalkaasi.

Ardayda ayaa xilliga ay dhaceysay duqeynta ku sugnaa gudaha iskuulka oo si gaar ah carruurta wax lagu baro, waxaana haleelay mid kamid gantaalada oo sidoo kale burburiyay qaybo kamid ah dhismaha iskuulka.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in ‘howlgalkan lagu dilay Maxamed Abuubakar oo ahaa taliyihii ciidanka Iiraan’ sida ay tabinayaan qaar kamid warbaahinta reer galbeedka, waxaase xogta dhabta ah la ogaan karaa marka dagaalku dhammaado, ama dhinacyadu qirtaan.

Sidoo kale, waxaa jira khasaare kale iyo burbur gaaray dhismayaal muhiim ah iyo xarumo dowladeed oo ku yaalla Tehraan, kuwaas iyana saaka la duqeeyay.

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahisay in guriga uu Tehraan ka deganyahay hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Ayatullahi Cali Khamanay la beegsaday, waxaana baraha bulshada si weyn loogu baahiyay burburka dhismaha.

Hase ahaatee, hoggaamiyaha ayaa goor sii horreysay laga saaray magaalada Tehraan oo ay weli ka socdaan duqeymo xooggan, iyada oo la geeyay goob amaan ah oo si gaar ah loo ilaaliyo, sida ay ku warrantay Wakaaladda Reuters.

Saraakiisha Israa’iil ayaa dhankooda sheegay in hadda ay wadaan baaris, isla markaana xaqiijin doonaan cidda joogtay guriga iyo khasaaraha gaaray.

Xiisaddan ayaa waxaa laga yaabaa inay ka sii darto, maadaama ay kusii fidday gobolka, kadib markii Iiraan ay duqeysay saldhigyada Mareykalka ee Khaliijka.

Geelle oo shaaca ka qaaday arrin xasaasi ah oo ay qariso DF

0

Jabuuti (Caasimada Online) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa si kulul u dhaliilay duqeymaha dhinaca cirka ah ee dowladda Mareykanka ay ka fuliso gudaha Soomaaliya, isagoo ka digay in hawlgalada milateri ee la qaado iyadoo aan lagala tashan dalalka gobolka ay waxyeello u geystaan dadka rayidka ah, isla markaana ay wiiqayaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah.

Dhaliishan oo ah mid dhif iyo naadir ah oo uu madaxweynuhu fagaare uga jeediyo xulafadiisa milateri ee ugu weyn, ayuu si gaar ah bartilmaameed uga dhigtay ku tiirsanaanta xad-dhaafka ah ee Washington ee adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ka dhanka ah ururka Al-Shabaab iyo kooxda Daacish.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay joornaalka caanka ah ee qaaradda Afrika ka faallooda ee Jeune Afrique, kaas oo la filayo in la daabaco bisha Maarso, ayuu hoggaamiyaha ruug-caddaaga ah ku eedeeyay Mareykanka inuu ku tiirsan yahay xog sirdoon oo khaldan iyo go’aanno laga soo minguuriyay meel ka baxsan gobolka.

Wuxuu xusay in ciidamada Mareykanku ay isticmaalaan xog-bixiyeyaal la siiyo lacag kuwaas oo sheega kaliya waxa ay doonayaan inay maqlaan, beddelkii ay la tashan lahaayeen dowladaha gobolka ee xog-ogaalka u ah xaaladda dhabta ah ee dhulka.

Sida ku cad qaybo ka mid ah wareysigaas, Madaxweyne Geelle ayaa yiri, Mareykanku ma fahamsana in fulinta duqeymo iyadoo aan lala tashan ama aan lagu wargelin dowladda Soomaaliya iyo dalalka deriska ah ee ay khuseyso, sida Jabuuti, ay tahay mid aan faa’iido lahayn.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale muujiyay walaac qoto dheer oo ku aaddan khasaaraha nafeed ee ka dhashay ololehan dhinaca cirka ah ee uu Mareykanku dardargeliyay. Isagoo arrintaas ka hadlayay ayuu joornaalka u sheegay in gantaallo la rido iyadoo indhaha la isku qabanayo oo aan loo meel dayayn khasaaraha dhinaca rayidka ah ee ka dhalan kara, aysan marnaba xal ahayn.

Hadalladan kasoo yeeray madaxweynaha ayaa Jabuuti ka dhigaya mid ka hor-imanaysa farriimaha rasmiga ah ee Washington. Taliska Milateriga Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa inta badan sheega in hawlgaladooda ay ku fuliyaan wada-shaqeyn buuxda oo ay la yeeshaan Dowladda Federaalka

Dhanka kale, dowladda Muqdisho ayaa hawlgaladan inta badan ku tilmaanta kuwo iskaashi ah, iyadoo bishii Febraayo ee sanadkan 2026, mas’uuliyiinta Soomaaliya ay ku dhawaaqeen in duqeymo wadajir ah oo ay fuliyeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Mareykanku lagu dilay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, laguna bur-buriyay shixnado hub ah.

Dhaliishan kasoo yeertay Geelle ayaa ah mid xasaasiyad siyaasadeed leh marka la eego doorka laba-geesoodka ah ee Jabuuti ay ku leedahay amniga gobolka iyo xiriirka istaraatiijiyadeed ee ay la leedahay reer Galbeedka.

Dalkan dhaca afaafka hore ee Badda Cas ayaa martigeliya xerada Camp Lemonnier, taas oo Ciidamada Badda Mareykanku ay ku tilmaamaan saldhigga kaliya ee rasmiga ah ee Mareykanku ku leeyahay qaaradda Afrika, ahna xudun muhiim u ah taageeridda hawlgalada gobolka oo dhan.

Sidoo kale, Jabuuti ayaa si weyn uga dhex muuqata hawlgalada nabad-ilaalinta gobolka, iyadoo ciidamo ku darsata Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo si rasmi ah u beddelay hawlgalkii ATMIS kowdii bishii Janaayo.

Inkastoo Geelle uu ku doodayo in ciidamada gobolku ay ka xog-ogaalsan yihiin Mareykanka dhanka dhulka, falanqeeyayaasha milateriga ayaa farta ku fiiqaya is-khilaaf ka muuqda hab-dhaqanka Jabuuti. Milateriga Jabuuti ayaa tan iyo sanadkii 2022 adeegsanayay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB2 oo lagu farsameeyo dalka Turkiga.

In kasta oo Jabuuti ay nidaamkan u adeegsatay gudaha dalkeeda, taas oo la sheegay inay saameyn ku yeelatay dadka rayidka ah ee kasoo jeeda qowmiyadda Canfarta (Afar) intii lagu jiray hawlgalo gudaha ah oo ka dhacay waqooyiga dalkaas, haddana way ka gaabsatay inay diyaaradahaas u adeegsato duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhaca xadka dalka deriska ah ee Soomaaliya.

Ilaa iyo hadda, taliska AFRICOM iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya midna kama soo saarin jawaab degdeg ah oo ku aaddan hadalladan uu wareysiga ku bixiyay Madaxweyne Geelle.

Iran oo war rasmi ah ka soo saartay xaaladda Khamenei iyo madaxweyne Pezeshkian

Tehran (Caasimada Online) — Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabaas Caraqji, ayaa sheegay in Hoggaamiyaha ugu sarreeya dalkaas, Aayatulaahi Cali Khamenei, iyo Madaxweyne Mascuud Pezeshkian ay wali nool yihiin “inta uu isagu ka warqabo,” xilli ay si weyn u faafayaan warar ku saabsan xaaladdooda kadib duqeymihii culusaa ee isbaheysiga Mareykanka iyo Israa’iil ay Sabtidii la beegsadeen caasimadda Tehran.

Wasiir Caraqji oo u warramayay telefishinka NBC ee dalka Mareykanka ayaa ku adkeystay in xaaladdu ay tahay mid “gacanta lagu hayo,” isagoo xaqiijiyay in inta badan mas’uuliyiinta sarsare ee dowladda ay badqabaan, balse wuxuu qiray in la beegsaday dhowr sarkaal oo ka tirsan milateriga.

Haddalkan ayaa kusoo beegmaya xilli warbaahinta Israa’iil ay baahinayso xog qiimeedyo isa soo taraya oo kasoo baxaya taliska milateriga Israa’iil, kuwaas oo muujinaya suurtagalnimada in Khamenei lagu dilay duqeymahaas.

Shabakadda wararka ee Channel 12, oo soo xiganaysa ilo wareedyo sirdoon oo diiday in magacooda la xuso, ayaa warisay in dowladda Israa’iil ay aaminsan tahay in hoggaamiyaha Iiraan la khaarajiyay, inkastoo xukuumadda Tel Aviv aysan weli si rasmi ah u xaqiijin warkaas.

Sidoo kale, telefishinka dowladda Israa’iil ee Kan ayaa sheegay in gabi ahaanba la waayay isgaarsiintii lala lahaa Khamenei, xaaladdiisuna ay tahay mid aan la ogeyn, balse la filayo in dhowaan la baahiyo khudbad uu isagu horay u sii duubay.

Dhinaca kale, wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa saddex ilo-wareed oo xog-ogaal ah ayaa tebisay in Wasiirkii Gaashaandhigga Iiraan, Amiir Nasiirsaadeh iyo Taliyihii Ciidamada Ilaalada Kacaanka (IRGC), Maxamed Baakbuur, la rumeysan yahay inay ku dhinteen weerarada Israa’iil.

Warar aan weli madax-bannaan loo xaqiijin ayaa sidoo kale sheegaya in la beegsaday Cali Shamkhani oo ah la-taliye sare oo dhanka amniga u qaabilsan Khamenei, waxaana ilo wareedyo ku dhow nidaamka Tehran ay xaqiijiyeen dhimashada dhowr sarkaal oo sarsare oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka iyo mas’uuliyiin siyaasadeed.

Wakaaladda wararka dowladda Iiraan ee Tasnim ayaa dhankeeda xaqiijisay in la duqeeyay goobo u dhow madaxtooyada iyo dhismaha uu degan yahay Khamenei. Si kastaba ha ahaatee, sarkaal Iiraani ah ayaa u sheegay Reuters in hoggaamiyaha uusan ku sugnayn Tehran xilligii uu weerarku dhacayay, horayna loogu daadgureeyay goob ammaan ah.

Warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in Madaxweyne Pezeshkian uu nabad qabo, isaga iyo mas’uuliyiin kale oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Baaqir Qalibaf, Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabaas Caraqji, Taliyaha Guud ee Ciidanka Iiraan Amiir Xaatami iyo Madaxa Garsoorka Gholam-Xuseen Muxseni-Ejei.

Sida uu qabo Qodobka 111-aad ee Dastuurka Iiraan, haddii ay dhab noqoto geerida Khamenei, waxaa awoodihiisa shaqo si kumeel-gaar ah ula wareegaya guddi ka kooban saddex xubnood oo kala ah Madaxweynaha, Madaxa Garsoorka, iyo xubin sharci-yaqaan ah oo ka tirsan Golaha Ilaaliyeyaasha Kacaanka, ilaa laga soo dooranayo hoggaamiye ruuxi ah oo cusub.

Hay’adaha warbaahinta madaxa-bannaan ayaan ilaa hadda si dhab ah u xaqiijin karin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weeraradan iyo xaaladda rasmiga ah ee madaxda sare ee Iiraan.

Faah-faahinta qaraxyo kale oo laga maqlay dalalka Qatar, Imaaraadka Carabta iyo Bahrain

0

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qaraxyo waa wayn oo maanta Sabti ah laga maqlay dalalka Imaaraadka, Qatar iyo Baxreyn, kuwaas oo kusoo aaday waxyar uun kadib markii saaka la weeraray caasimada Tehran ee dalka Iiraan oo ay beegsadeen Mareykanka iyo Israa’iil.

Iiraan ayaa lasoo wariyay in ay weerartay inta badan saldhigyada Mareykanka ee ku yaalla dalalka khaliijka, marka laga reebo dalka Cumaan oo ah dhex-dhexaadiyaha gacanta ku haya kanaalka wada-xaajoodka ee Mareykanka iyo Iiraan.

Dad ku nool Abu Dhabi ayaa u sheegay Wakaaladda AFP inay maqleen qaraxyo xooggan oo maanta ka dhacay caasimadda Imaaraadka, kadib weerarrada Mareykanka iyo Israel ee lagu qaaday Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.  Caasimada Abu Dhabi waxaa ku yaal saldhig ay ku sugan yihiin shaqaale Mareykan ah.

Dowladda ayaa sidoo kale xaqiijisay dhimashada hal qof oo shacab ah iyo burbur hantiyeed oo ka dhashay gantaallada ku dhacay  gudaha dalkeeda.

Horay Imaaraadka ayaa ku dhawaaqay inay “si ku meel gaar ah oo qayb ahaan” u xiray hawadiisa isaga oo taxaddar ka muujinanayo xaaladda soo korortay.

Sidoo kale, weerar kale oo qaraxyo ah ayaa lagu qaaday caasimadda Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo iyana laga soo wariyay in laga maqlay jugta qaraxyo culus.

Hase ahaatee, Wakaaladda Wararka ee Dowladda Qatar, oo soo xiganaysa mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Difaaca dalkeeda ayaa ku dhawaaqday in dhammaan gantaalladii ku wajahnaa dalkooda la qabtay, kadibna lana soo riday.

Dhibaca kale, waxaa iyana qaraxyo laga soo sheegaya caasimada Baxreyn, iyada oo Wariyeyaal ka tirsan Wakaaladda Wararka ee AFP oo ku sugan dalkaas ay sheegeen in ay maqleen qaraxyo ka dhacay magaalada caasimada ah ee Manama ee dalka Baxreyn.

Gantaallada Iiraan ayaa si gaar ah loo wariyay inay ku dhaceen aagga Juffair oo ay ku yaallo saldhigga ciidanka Maraykanka, halkaas oo ay uuro ka baxday markii lala helay dhowr gantaal.

Dhacdadan ayaa timid, kadib markii wasaaradda arrimaha gudaha Baxrayn ay ku sheegtay digniinno is-daba joog ah oo ay kusoo saartay barta X in seeriga degdegga ah la maqlay. Waxa ay sidoo kale ku boorrisay dadka deegaanka in ay is dejiyaan oo ay u jiheystaan ​​meesha ugu dhow ee nabdoon.

Uganda oo shaacisay in ay sanad gudihiis ciidankeeda kala baxeyso Soomaaliya

0

Kampala (Caasimada Online) — Taliska ugu sarreeya ciidamada milatariga dalka Uganda ayaa qaatay go’aan masiiri ah oo ay dhammaan ciidamadooda Difaaca Shacabka Uganda (UPDF) kaga saarayaan Soomaaliya muddo sanad gudihiis ah, haddii aan si degdeg ah xal loogu helin caqabadaha soo noqnoqday, oo uu ugu weyn yahay gabaabsiga dhanka dhaqaalaha ee haysta hawlgalka.

Sida uu baahiyay wargeyska The Kampala Post oo soo xiganaya ilo xog-ogaal ah oo dhanka milateriga ah, go’aankan adag ayaa lagu gaaray shir xasaasi ah oo Taliska Sare ee UPDF ay 24-kii bishii Febraayo ku yeesheen Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Entebbe.

Tallaabadan ayaa astaan u ah isbeddel weyn iyo weji cusub oo ku yimid taariikhda ku dhawaad labaatanka sano ah ee Kampala ay ku lug lahayd dadaallada nabadeynta iyo xasillinta Soomaaliya.

Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni ayaa shakhsiyan guddoominayay shirkan taliska sare, kaas oo ah awoodda ugu sarreysa ee dejisa istaraatiijiyadda iyo mudnaanta ciidanka qaranka. Madasha waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca, Janaraal Muhoozi Kainerugaba, iyo saraakiil kale oo sar-sare oo katirsan milateriga Uganda.

Go’aankan ayaa ka dhashay walaac xooggan oo gudaha Uganda uga soo kordhayay kharashka baaxadda leh iyo culeyska joogtada ah ee ka dhashay joogteynta ciidamo shisheeye oo hawlgal muddo dheer qaatay ku jira, gaar ahaan xilli ay jirto dhaqaale xumo baahsan oo ragaadisay hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Ciidamada Uganda ayaa ahaa kuwii ugu horreeyay ee cagta saara ciidda Soomaaliya bishii Maarso ee sanadkii 2007, xilligaas oo ay qayb ka ahaayeen Hawlgalkii Midowga Afrika ee AMISOM.

Hawlgalkaas ayaa ujeedkiisu ahaa xasilinta waddanka iyo dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. Kaalinta Uganda ayaa ahayd mid wax ku ool ah, iyadoo gacan weyn ka geysatay in kooxda Al-Shabaab laga saaro magaalooyin waaweyn oo istaraatiiji ah, oo ay caasimadda Muqdisho ugu horreyso. Guulahaas ayaa bud-dhig u noqday hawlgaladii xigay ee ATMIS iyo kan haatan socda ee loo yaqaan AUSSOM.

Sanadihii xigay, ciidamada UPDF waxay garab socdeen dhiggooda ka socda dalalka Burundi, Jabuuti, Kenya, iyo Itoobiya. Iskaashigaas wuxuu suurto-geliyay sugidda amniga xarumaha magaalooyinka, ilaalinta hay’adaha federaalka, fududeynta geeddi-socodka siyaasadda, iyo abuurista jawi u sahlaya gaarsiinta gargaarka bani’aadantinimo. Sidoo kale, waxay door muhiim ah ka qaateen tababarida iyo dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee, xaaladda amniga ee Soomaaliya ayaa weli ah mid jilicsan, iyadoo kooxda Al-Shabaab ay wali awood u leedahay inay weeraro dhimasho iyo khasaare sababa ka fuliso gobollo kala duwan.

Horey madaxda qaaradda Afrika waxay ugu baaqeen in la cusboonaysiiyo taageerada caalamiga ah ee hawlgalka nabad-ilaalinta, xilli khilaafaad siyaasadeed iyo dhaqaale xumo ay si weyn u wiiqayaan dadaallada xasilinta ee muddada fog.

Haddii ciidamada Uganda ay si buuxda uga baxaan Soomaaliya, waxay taasi si weyn dib u qaabayn doontaa doorka nabad-ilaaliyayaasha Afrika ee gobolka Geeska Afrika, waxayna mas’uuliyad culus dusha u saari doontaa ciidamada dowladda Soomaaliya si ay si buuxda ammaankooda u hantaan.

Dhanka Uganda, go’aankani waxa uu ka turjumayaa dhaxal isugu jira guulo, khasaare iyo kharash aad u culus oo kasoo gaaray mid ka mid ah hawlgaladii milateri ee dibadda ee ugu muddada dheeraa qaaradda Afrika.

Xog: Xubnaha Golaha Mustaqbalka oo isaga tegaya Muqdisho kadib fashilkii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa in maanta ay ka ambabaxaan magaalada Muqdisho, iyagoo galaya safarro dhanka dibadda ah, kadib markii ay fashilmeen wada-hadalladii ay kula jireen madaxweyne Xasan Sheekh.

Xubnahan oo u badan madax hore ayaa dib ugu laabanayo dalalkii ay ka yimaadeen, maadaama ay suurageli weysay in ay heshiis buuxa la gaaraan dowladda dhexe oo ay isku hayaan hannaanka doorashooyinka dalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa maanta ka dhoofaya garoonka Aadan Cadde, isaga oo dib ugu laabanayo Garoowe, halka xubnaha kale ay u jiheysan doonaan dalalkii ay ka yimaadeen.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Xildhibaannada kasoo jeeda Puntland iyo Jubaland ee dhawaan laga mamnuucay fadhiyada Baarlamaanka ay iyana geli doonaan safarro deg-deg ah, ayna aadi doonaan magaalooyinka Garoowe, Boosaaso, Kismaayo iyo Nairobi oo ay ka bilaabi doonaan dhaq-dhaqaaq culus.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in ujeedka socdaalkan uu yahay mid lagu xoojinayo mowwqifka labada Dowlad-goboleed ee  Jubbaland iyo Puntland oo ka soo horjeeda qorshaha wax ka beddelka Dastuurka KMG ka ah.

Si kastaba, dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadaya, xilli si weyn isha loogu hayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, waxaana ay dadka ay is weydiinayaan halka ay ku dambeyn doonto xiisadda, maadaama waqtigii uu gabagabo yahay, hadane heshiis laga gaari waayay, sida loo wajahayo waqtiga kala guurka. 

Golaha Mustaqbalka ayaa horay xudunta is-mariwaaga iyo kala aragti duwanaanta labada dhinac ku sheegay inay sabab u tahay in goluhu ku adkeystay in Dastuurka KMG ka ah ee 2012 uu yahay aas aaska sharciga ee dalka u dagsan, wax ka beddalkiisana uu u baahan yahay heshiis qaran oo loo dhan yahay, halka dhanka kale ay dowladdu taas beddalkeeda ku adkeysatay in aysan cidna u joojineyn wax ka beddalka, siina wadi doonto.

Arrinta labaad ee fashilka keentay ayuu goluhu ku sheegay in sidoo kale ay ku adkeysteen in doorashada Dowlad-goboleedyada muddo dhaafka ah la qabto, iyada oo la raacayo sida uu dhigayo Dastuurka Dowlad-goboleedyada iyo mabaadii’da Dastuurka Federaalka Soomaaliya, taa beddalkeena iyaduna waxay dowladdu dooneysay in doorashooyinka saddexda Maamul-goboleed lagu qabto sharciyad doorasho iyo habraacyo ku saleysan Dastuurka wax ka beddalkiisa la’isku haysto, waxayna taasi dhalisay in ugu dambeyn lagu kala tego shirka.

Sidee ayaa looga falceliyay dagaalka ka qarxay B/Dhexe

0

Tehraan (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ayaa ka dhalatay dagaalka maanta ka qarxay bariga dhexe, kadib markii Mareykanka iyo Israa’iil ay gantaallo ku weerareen caasimada Tehraan ee dalka Iiraan.

Dagaalka ayaa ku fiday dhammaan dalalka gobolka, kadib markii ay jawaab deg-deg ah bixisay Iiraan oo beegsatay saldhigyada Mareykanka ee dalalka Khaliijka, gaar ahaan waddamada Qatar, Sacuudi Carabiya, Imaaraadka, Qatar iyo Baxreyn, halkaas oo laga maqlay qaraxyo xooggan oo dhaliyay khasaaro.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta oo bayaan soo saartay ayaa sheegtay in ay xaq u leeyihiin ka jawaabida weerarrada ay dhulkooda ka geysatay Iiraan, isla markaana ay is difaacayaan.

“Xaq ayaan u leeenahay in aan is difaacno, waxaan diidanahay weerar kasta oo nagula soo qaado” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sacuudiga ayaa dhankiisa si adag u cambaareeyay weerarka ay Iiraan ku qaaday dalkaasi, isaga oo luqad adag ku yiri “Marna ma ogolin in lagu xadgudbo madaxbanaanida dalkeenna”.

Qatar ayaa iyadana ku jawaabtay “Weerarka Iiraan nagu soo qaaday wuxuu dhaawacayaa madaxbanaanida dalkeenna, waana wax laga xumaado”.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kuwait ayaa dhinaceeda xadgudub bareer a ku tilmaamtay gantaallada Iiraan ee ku dhacay gudaha dalkaas, kuwaas oo si gaar ah loola beegsaday xarumaha Mareykanka ee ku yaalla waddankaasi.

“Iiraan waxaa ay weerar kusoo qaaday dhulkeenna, waana xadgudub bareer ah oo kahor imaanaya sharciga caalamiga ah” ayay tiri Kuwait.

Si kastaba ha’ahaatee, xaaladda ayaa weli qasan, waxaana sii xoogeysanaya dagaalka oo kusii fidayo dhammaan waddamada ku yaalla bariga dhexe.

Wararkii ugu dambeeyay ee weerarka lagu qaaday Iiraan

0

Tehraan (Caasimada Online) –  Dowladaha Mareykanka iyo Israa’iil ayaa goordhow weerar culus oo qaraxyo ah ku qaaday gudaha dalka Iiraan, iyada oo bambaanooyinka laga maqlay guud ahaan magaalada caasimada ah ee Tehraan.

Sida ay warisay Wakaaladda Wararka ee Iiraan Fars dhowr gantaal ayaa ku dhacay waddada Jaamacadda (University Street) iyo aagga Jomhouri ee Tehran. Qiiq ayaa sidoo kale la arkayay isagoo ka baxaya magaalada.

Sarkaal sare oo u hadlay Mareykanka ayaa u sheegay Al Jazeera in weerarradan loo fuliyay sidii hawlgal ciidan oo wadajir ah, kaas oo gobolka isugu keenay raxan aad u ballaaran oo diyaaradaha dagaalka iyo maraakiibta dagaalka ah, si la iskuugu dayo in caddaadis lagu saaro Iiraan inay heshiis ka gaarto barnaamijkeeda Nukliyeerka.

Dhankeeda Wakaaladda Wararka ee Associated Press (AP) ayaa tebisay in weerarka ka dhacay caasimada Iiraan uu ka dhacay meel u dhow xafiisyada Hoggaamiyaha Sare Ayatollah Ali Khamenei. Sida uu sheegay sarkaal ay soo xigatay Reuters, Khamenei kuma sugna Tehraan, waxaana loo wareejiyay goob ammaan ah.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo isna qoraal soo saaray ayaa ka hadlay weerarka, wuxuuna xaqiijiyay in Mareykanka uu ku lug leeyahay howlgalka socda, laguna beegsaday bartilmaameedyo muhiim ah.

Trump, ayaa sidoo kale ku daabacay muuqaal siddeed daqiiqo ah bartiisa bulshada ee Truth Social, isaga oo sheegay in ay burburin doonaan gantaallada Iiraan iyo warshadaha hubka ee dalkaasi

“Weli waan dhegeysaneynaa muuqaalka iyo hadallada buuxa ee Trump, waxaana idiin soo gudbin doonnaa warar dheeraad ah dhawaan” ayuu yiri madaxweynaha.

Xaaladda ayaa weli qasan, waxaana qaraxyo kale oo waa wayn laga maqlay waqooyiga iyo bariga caasimada Tehraan, waxaana jiro khasaare kala duwan.

Deni oo quus ka muujiyay wada-hadal dambe oo lala galo Xasan Sheekh + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynana Maamul-goboleedka Puntland, Saciid Cabdulahi Deni oo weli ku sugan Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka, isaga oo quus ka muujiyay wada-hadal dambe oo lala galo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Saciid Deni oo khudbad xasaasi ah ka jeediyay shirweyne ay Jimcihii xubnaha mucaaradka ku yeesheen hoteel Jasiira ayaa weerar culus oo dhanka  afka ah ku qaaday Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna sheegay in si walba oo loola hadlay uu ka biyo diiday xalka, isla markaana uu iska sii wato shaqadiisa.

Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in aan dib dambe loola hadal, ayna soo dhammaadeen fursadihii wada-hadalka, loo baahan yahay in laga tashado, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweyne Xasan Sheekh horta wuxuu fadhiyaa gurigii ummadda kursigii dowladda dhalinyaradii Soomaaliyeed ee askarta ahayd baana waardiyeyneyso laakiin haddaad run u sheegtid iyo haddaa wax kale u sheegtid-ba waana iska faraxsan yahaywaana iska qoyslayaa” ayuu yiri madaxweyne Saciid Deni.

Waxaa kale oo uu ku daray “Aniga waan garan waayay si loola hadlo, waxaase qabaa hadal dambe yaan loogu tegin way soo dhammaatay in loo caqli celiyo”.

Dhinaca kale, wuxuu soo hadal qaaday wax ka beddelka Dastuurka oo uu ku dhaliilay Baarlamaanka Soomaaliyeed, maadaama ay ka taagan tahay xiisad culus, ayna ka soo horjeedaan Jubbaland, Puntland iyo xubnaha mucaaradka.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Baarlamaanku kasii dhammaanayo muddo xileedka, sidaas oo ay tahayna uu ka shaqeynayo sharci darro.

“Waxaa mucjiso ah Baarlamaan 6 bilood ka yar ka hartay oo laba bilood ah oo dhahaya haddane Dastuurkii dalka oo dhan ayaa wax ka beddalayaa inaan dalkan sharci iyo nidaam iyo dowladnimo ay ka jirin ogaada” ayuu raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo todobaadkii hore ay fashilmeen wada-hadalladii u dhexeeyay kooxda Villa Somalia iyo Golaha Mustaqbalka ee ku aadan is-mariwaaga ka taagan hannaanka doorashooyinka, kadib markii ay isku fahmi waayeen labada dhinac, taas oo keentay in shirka lagu kala kaco.

Safiirka Somaliland u magacowday Israel oo shaaciyay arrin yaab leh

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Safiirka buuxa ee Somaliland u magacowday Israa’iil, Dr. Maxamed Cumar Xaaji ayaa shaaciyay in magacaabistiisu ka hawl-geli doonto dalal badan oo kale.

Dr. Maxamed ayaa sheegay in magacaabistiisa safiir leh awood buuxda aysan ku ekaan doonin hal dal keliya, balse uu garaaci doono albaabo hor leh oo faa’iido u leh Somaliland.

“Magacaabistayda Safiir leh Awood Buuxda oo dhammaystiran waxa ay ka hawl-geli doontaa dalal badan oo kale. Ma noqon doonto mid ku ekaata hal dal keliya; waxa ay garaaci doontaa albaabo hor leh, waana mid ku shaqayn doonta aragti fog iyo himilo qaran oo ku saleysan ballaadhinta saameynta iyo joogitaanka Somaliland ee fagaarayaasha caalamiga ah,” ayuu yiri Dr. Maxamed Cumar Xaaji.

Sidoo kale, wuxuu ballanqaaday inuu daacadnimo iyo go’aan adag ku shaqayn doono, si uu u xaqiijiyo himilooyinka Somaliland, isaga oo mudnaanta koowaad siinaya xoojinta iyo qotodheereynta xiriirka labada dhinac.

“Waxaan si cad u ballanqaadayaa inaan ku shaqayn doono daacadnimo, karti iyo go’aan adag, si aan u xaqiijiyo himilooyinka qaranka, anigoo mudnaanta koowaad siinaya xoojinta iyo qotodheereynta xidhiidhka labada waddan (Strengthening Somaliland–Israel Relations), si uu u noqdo mid adag, istiraatiiji ah oo waara.”

Wuxuu intaas ku sii daray: “Mid ku dhisan xidhiidh iskaashi buuxa oo dhinacyada amniga, dhaqaalaha, tiknoolajiyadda, diblomaasiyadda iyo horumarinta ah, si loo xaqiijiyo dano wadaag, xasillooni goboleed, barwaaqo iyo xaqiijinta difaac mustaqbal dheer leh.”

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa Arbacadii Dr. Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud u magacaabay safiir buuxa oo idman (Extraordinary and Plenipotentiary) oo Somaliland u fadhin doona Israa’iil.

Dr. Maxamed oo hore u ahaa wakiilka Somaliland ee Taiwan ayaa haatan noqonaya safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u dirto Tel Aviv, xilli Israa’iil dabayaaqadii sannadkii 2025 ku dhawaaqday inay aqoonsatay Somaliland.

Somaliland iyo Israa’iil ayaa yeeshay xiriir rasmi ah kadib go’aankii Tel Aviv ay ku sheegtay inay aqoonsi siisay Somaliland, oo weli dunidu u taqaan maamul ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Imaaraadka Carabta oo isbeddel qarsoon ku sameeyey wejiga hoggaanka dalka

Abu Dhabi (Caasimada Online) — Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa si dadban isbeddel ugu sameyneysa wejiyada hoggaanka ee kasoo muuqda saaxadda caalamka, iyadoo sare u qaadeysa muuqaalka madaxweyne ku-xigeenka dalkaas.

Tallaabadan ayaa lagu macneeyay mid looga gol-leeyahay in lagu weeciyo ama lagu yareeyo carada gobolka ee ka dhalatay siyaasadda arrimaha dibadda ee dalkaas oo noqotay mid aad u dagaal badan, sida ay sheegayaan falanqeeyayaasha arrimaha siyaasadda.

Madaxweyne Sheekh Maxamed bin Saayid, oo muddo dheer ahaa maskaxda ka dambeysa faragelinta milatari ee Imaaraadku ku leeyahay dalka dibaddiisa, ayaa bilihii u dambeeyay si weyn uga yaraaday fagaarayaasha iyo warbaahinta.

Beddelkiisa, Madaxweyne ku-xigeenka Sheekh Mansuur bin Saayid ayaa si joogto ah oo aan caadi ahayn uga soo muuqanaya warbaahinta dowladda, isagoo muujinaya shakhsiyad deggan oo diiradda saarta arrimaha gudaha.

Is-diidmada danaha Imaaraadka iyo Sacuudiga

Tallaabadan si farsameysan loo agaasimay ayaa imaneysa xilli Imaaraadku uu wajahayo is-maandhaaf iyo xiisad aan hore loo arag oo kala dhexeysa dalka ay deriska yihiin ee Sacuudi Carabiya. Khilaafkan ayaa salka ku haya is-diidmo dhanka danaha ah oo ku saabsan dalalka Yemen, Soomaaliya, Suudaan, iyo marinka istaraatiijiga ah ee Badda Cas.

Sida lagu xusay qiimeyn ay sameysay hay’adda sirdoonka iyo falanqaynta ee Dark Box:

“Kala-duwanaanshiyahan waa mid si farsamaysan loo hindisay si tartiib-tartiib ah dib loogu qaabeeyo aragtida laga qabo Imaaraadka, gudaha iyo dibaddaba.”

Hay’adda ayaa intaas ku dartay in istaraatiijiyaddan ay ujeedadeedu tahay in lagu qaboojiyo carada sii kordheysa ee Sacuudiga iyo dhaliilaha beesha caalamka, iyadoo aan wax isbeddel aasaasi ah lagu sameyneyn siyaasadaha xudunta u ah Abu Dhabi.

Xiriirka Abu Dhabi iyo Riyaad ayaa si weyn u qaboobay muddooyinkii dambe. Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed bin Salmaan, ayaa si xooggan u riixaya xasiloonida gobolka si uu u xaqiijiyo mashaariicdiisa dhaqaale ee waawayn, waana aragti si weyn uga hor-imaanaysa taageerada Imaaraadku siiyo xoogagga wakiilada ah ee meelaha qaar:

Soomaaliya: Imaaraadka Carabta ayaa taageero xooggan siiya maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland, wuxuuna soo agaasimay aqoonsigii ay Israa’iil siisay maamulkaas, taasi oo si weyn uga careysiisay Riyadh.

Suudaan: Imaaraadku waxa uu wajahayaa dhaliilo caalami ah oo ku aaddan inuu taageero milatari siiyo Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF) ee ku jira dagaalka sokeeye, taasoo isku dhac ku ah dadaallada diblamaasiyadeed ee Riyaad ay ku baadi-goobeyso xal nabadeed.

Yemen: Labadan quwadood ee Khaliijka ayaa taageera garabyo isku haya awoodda. Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta (STC) oo uu taageero Imaaraadku ayaa inta badan carqaladeeya dowladda la aqoonsan yahay ee uu Sacuudigu taageero.

Hoos u gurashada xeeladeysan ee shaqsi da’ ah

In ka badan toban sano, Sheekh Maxamed ayaa ahaa wejiga aan muranka ka taagnayn ee awoodda Imaaraadka. Laga soo bilaabo 2014-kii isagoo ahaa hoggaamiyaha aan rasmiga aheyn ka hor inta uusan si rasmi ah xilka madaxweynaha ula wareegin 2022-kii, wuxuu horseeday siyaasad dibadeed oo horseedday in Imaaraadku faragelin ku sameeyo colaado ka socda Liibiya ilaa Yemen.

Si loo maareeyo cadaadiska ka dhashay siyaasadahaas, warbaahinta dowladda ayaa baraha bulshada ku daadisay muuqaallada Sheekh Mansuur. Madaxweyne ku-xigeenkan—oo caalami ahaan si weyn loogu yaqaano in uu yahay milkiilaha kooxda kubadda cagta ee Manchester City, balse ahaa shakhsi ka aamusan siyaasadda gudaha—ayaa xilkan loo magacaabay sanadkii 2023-kii.

Wararka dhowaan la baahiyay ayaa muujinaya isagoo ku guda jira hawlmaalmeedka dowladda, ka qayb-galaya fadhiyada Golaha Qaranka, iyo martigelinta kulamada bulshada.

Dark Box ayaa ku tilmaantay Sheekh Mansuur inuu yahay “shakhsi difaac ah oo loogu talagalay inuu nuugo cadaadiska diblomaasiyadeed iyo inuu muujiyo sawir xasilooni ah. Tani waa isku day la doonayo in dalka lagu yeesho waji dabacsan oo la gaari karo, si loo yareeyo xiisadda Riyaad.

Siyaasadda dhabta ah vs aragtida la dhisayo

Inkastoo wajiyada fagaaraha isbeddeleen, khubarada ayaa tilmaamaya in aysan jirin xil-wareejin rasmi ah oo dhacday. Awoodda go’aan-qaadashada ee udub-dhexaadka ah ee Imaaraadka ayaa weli si adag ugu jirta gacanta Sheekh Maxamed bin Saayid.

Falanqeeyayaasha ayaa ka digaya in istaraatiijiyaddan ay xambaarsan tahay halis weyn:

Ficilka oo la qiimeeyo: Hoggaamiyeyaasha gobolka, gaar ahaan Riyaad, ayaa lagu wadaa in ay Imaaraadka ku qiimeeyaan ficiladooda dhabta ah ee fagaaraha dagaalka, ee aanay ku qiimeyn wejiyada kasoo muuqda warbaahinta rasmiga ah.

Aaminaadda oo lunta: Haddii aysan isbeddelin siyaasadaha horseedaya khilaafyada ka taagan Geeska Afrika iyo Gacanka Carbeed, isbeddel muuqaal ah lagama yaabo inuu ku filnaado soo celinta kalsoonida.

Mad-madow gudaha ah: In sare loo qaado shakhsi, mid kalena uu hoos u dhaco, waxay gudaha dalkaas ka abuuri kartaa hubanti la’aan ku aaddan isku-xirnaanta hay’adaha dowladda.

In kasta oo aysan caddayn in dib-u-qaabeyntan jilicsan ay Imaaraadka ka saari karto duufaanta juquraafi-siyaasadeed ee uu haatan ku dhex jiro, istaraatiijiyaddani waxay si cad u muujinaysaa sida dhisidda sumcadda iyo muuqaalku ay ugu noqdeen aalado udub-dhexaad u ah hannaanka dowladnimo ee casriga ah ee waddamada Khaliijka.

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Qaranka oo diiday sheegashada agaasime guud

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka ayaa war-saxaafadeed uu maanta soo saaray ku caddeeyay in sheegashada Mudane Mustafa Maxamuud ee xilka Agaasimaha Guud ee Guddiga ay tahay mid aan sal iyo raad sharci lahayn.

Qoraalka rasmiga ah ee kasoo baxay Guddiga ayaa lagu xaqiijiyay in Mudane Mustafa uusan gabi ahaanba ku imaan hannaan tartan furan, hufan, isla markaana waafaqsan nidaamka shaqo-qorista iyo habraacyada sharciyeed ee khuseeya hay’addan madaxa-bannaan.

Guddiga ayaa intaas ku daray in tallaabo kasta oo lagu sheegay in lagu magacaabay Agaasime Guud, oo ka baxsan awoodaha iyo waajibaadka sharciyeed ee Guddiga, aysan waafaqsanayn qawaaniinta dalka.

Bayaanka ayaa si cad u iftiimiyay in arrintan ay si toos ah uga hor imaaneyso qodobbada ku xusan Sharciga Lr. 16, kaas oo aasaas u ah dhismaha Guddiga Xuquuqda Aadanaha Qaranka, iyo sidoo kale Qodobka 117-aad ee Dastuurka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya. Qodobbadaas ayaa si dastuuri ah u dammaanad qaadaya madax-bannaanida, habraaca maamul, iyo isla-xisaabtanka Guddiga.

Si looga hortago saameynta arrintan, Guddiga ayaa wargelin gaar ah u diray muwaadiniinta Soomaaliyeed, dhammaan hay’adaha dowladda, daneeyayaasha kala duwan, iyo beesha caalamka intaba.

Waxay u caddeeyeen in sheegashada Mudane Mustafa Maxamuud ee xilka Agaasimaha Guud ay tahay mid aan sharci ahayn, islamarkaana aysan wax saameyn sharci ah ku lahayn howlaha, shaqada, iyo go’aannada rasmiga ah ee Guddiga.

Ugu dambeyn, Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka ayaa mar kale dib u adkeeyay sida ay uga go’an tahay ilaalinta madax-bannaanida hay’adda, dhowrista iyo ku dhaqanka sharciga dalka, iyo weliba sugidda hufnaanta iyo isla-xisaabtanka.

Guddiga ayaa sidoo kale uga digay hay’adaha dowladda, muwaadiniinta Soomaaliyeed, daneeyayaasha iyo beesha caalamka in aan la aqoonsan karin cid aan si sharci ah loogu magacaabin xilka Agaasimaha Guud.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in sheegashada Mustafa Mahamoud aysan lahayn wax saameyn sharci ah oo ku saabsan howlaha iyo go’aannada rasmiga ah ee guddiga, ayna tahay tallaabo ka baxsan awoodaha iyo waajibaadka sharciyeed ee hay’adda.

 

Madaxweyne Geelle oo si xun u bahdilay Cirro kadib aqoonsiga Israel

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay xiriirka Somaliland iyo Jabuuti oo si weyn hoos ugu dhacay kadib aqoonsigii ay Israa’iil sheegtay inay siisay maamulkan.

Madaxweyne Geelle oo la hadlay wargeyska Jeune Afrique ayaa ka digay khatarta ku duugan dhawaaqan, isaga oo sheegay in Israa’iil saldhig milatari laga siiyo Berbera ay halis ku tahay xasilloonida gobolka.

Geelle ayaa sheegay in xiriirka labada dhinac ee Jabuuti iyo Somaliland uu haatan yahay mid qabow, taas oo uu ula jeedo inuu xumaaday. Sidoo kale, wuxuu sheegay in shaqsiyan uu diiday la hadalka Madaxweynaha Somaliland, oo marar dhowr ah soo wacay, isla markaana uusan rabin inuu la kulmo ama wax xiriir ah la yeesho haatan.

“Jabuuti ayaa diiday inay la kulanto ama telefoonka ka qabato Cabdiraxmaan Cirro. Xadka weli wuu furan yahay, balse duullimaadyadii u dhexeeyay Hargeysa iyo Jabuuti waa la hakiyay,” ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Sidoo kale, Madaxweyne Geelle ayaa dhaliilay aragtida hoggaanka Somaliland muddadii 34-ka sano ahayd ee la soo dhaafay, taas oo uu ku tilmaamay mid ku qotonta in aqoonsi la helo qiime kasta ha ku kacdee.

Geelle ayaa ku dooday in tallaabadaasi ay halis ku tahay xasilloonida gobolka iyo midnimada Soomaaliya, isla markaana ay haatan aragtidaasi dalka ku hoggaamisay dhinaca Israa’iil.

Si kastaba, dowladda Jabuuti waxay ka mid tahay dalalka si adag uga soo horjeestay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, iyada oo arrintaas ku tilmaantay mid ka hor imanaysa midnimada dhuleed ee Soomaaliya, qawaaniinta Midowga Afrika iyo sharciga caalamiga ah.

Jabuuti ayaa si naf-hurnimo leh arrintan ugala dagaal gashay Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo sababtay in la waayo dal kale oo ku dhiirran xadgudub kan lamid ah.

Golaha Mustaqbalka oo ku dhawaaqay go’aan dalka looga badbaadinayo firaaq dastuuri ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa war-murtiyeed kasoo saaray shirweyinihii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ka qeyb-galeen madaxda golaha, mudanayaal ka tirsan baarlamaanka, siyaasiyiin, iyo waxgarad ka socda qaybaha kala duwan ee bulshada.

Shirweynaha oo loogu magac daray “Difaaca Dastuurka” ayaa looga dooday muddo-dhaafka dowlad-goboleedyada iyo hubanti la’aanta ku gadaaman doorashooyinkooda iyo saamaynta taban ee arrimahaasi ku leeyihiin in dalku si nabad ah uga gudbo marxaladda kala-guurka siyaasadeed.

Sidoo kale, shirka ayaa looga hadlay abaaraha ba’an ee dalka ka jira, kuwaas oo saamayn xooggan ku yeeshay dad iyo duunyo intaba.

War-murtiyeedka kasoo baxay shirweynaha mucaaradka, ayuu Golaha Mustaqbalka uga dhawaaqay inay fidinayaan gogol dalka looga badbaadinayo firaaq dastuuri ah marka la gaaro 14-ka April 2026.

Shirweynuhu wuxuu cambaareeyay wax-ka-beddelka hal-dhinaca ah sharci darradana ah ee lagu sameeyey Dastuurka, wuxuuna madaxda Dowladda Federaalka ugu baaqayaa in ay ka waantoobaan tallaabooyinkaas, ayna ogaadaan in lagula xisaabtami doono.

“Dastuurku waa heshiis bulsho iyo xarigga isku haya midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, uuna yahay aasaaska dowladnimada,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Waxa uu shirweynuhu si adag uga horyimid in wax-ka-beddel kasta oo aan sharciga loo marin, isla markaana aysan u dhamayn dowlad-goboleedyada iyo saamilayda kale ee siyaasada, wadatashi wax ku ool ahna lagala yeelan dadweynaha uu wiiqayo ujeedkii dastuurka loo sameeyey.

“Waa in doorashooyinka Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ee muddo-dhaafka ah si degdeg ah loo qabto, iyadoo la raacayo Dastuuradooda iyo mabaadi’da Dastuurka Federaalka ee kala soocaya awoodaha labada heer ee dowladeed.”

Bayaanka ayaa si cad loogu sheegay in qorshayaasha guracan dowladda oo ugu horreeyo dastuurka ay abuurayaan cawaaqib hor leh oo qalalaase iyo jahawareer ku keena nabadda, dowlad-dhiska iyo midnimada qaranka.

Ugu dambeyntiina, Shirweynuhu wuxuu ugu baaqay ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in gurmad degdeg ah loo fidiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Hoos ka aqriso war-murtiyeedka oo dhameystiran:

Shirweynaha Difaaca Dastuurka Dalka oo ay isugu yimaadeen Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, mudanayaal ka tirsan Golaha Baarlamaanka Federaalka, siyaasiyiin, iyo waxgarad ka socda qaybaha kala duwan ee bulshada, kuna qabsoomay magaalada Muqdisho maanta oo ay taariikhdu tahay 27 Febraayo 2026, ayaa diiradda lagu saaray wax-ka-beddelka sharcidarrada ah ee Dastuurka ku-meelgaarka ah ee dalka.

Shirweynaha waxaa lagu dhageystay warbixinno iyo caddaymo la xiriira habraaca qardajeexa ah ee loo maray hannaanka uu Dastuurku dhigayo in dib-u-eegistiisa iyo wax-ka-beddelkiisa loo maro. Sidoo kale, shirku wuxuu ka dooday:

1- Muddo-dhaafka dowlad-goboleedyada iyo hubanti la’aanta ku gadaaman doorashooyinkooda iyo saamaynta taban ee arrimahaasi ku leeyihiin in dalku si nabad ah uga gudbo marxaladda kala-guurka siyaasadeed;

2- Iyo abaaraha ba’an ee dalka ka jira, kuwaas oo saameyn xooggan ku yeeshay dad iyo duunyo intaba.

Warbixinada lagu soo bandhigay shirweynaha waxay muujinayaan masuuliyad-darrida madaxda sare ee dalka gaar ahaan Madaxweynaha oo ahaa ilaaliyaha Dastuurka, iyo Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ee hoggaamin lahaa dheelitirka laanta fulinta ay isku kaashadeen ku xadgudubka Dastuurka iyo xeer-hoosaadyada Baarlamaanka.

Shirweynaha waxaa sidoo kale la horkeenay caddeymo muujinaya in in ka badan 50 xildhibaan si sharci-darro ah looga hor istaagay ka qeybgalka fadhiyada Baarlamaanka, sababo la xiriira mowqifkooda ka dhanka ah hannaanka aan waafaqsanayn Dastuurka ee loo maray wax-ka-beddelkiisa.

Waxaa si gaar ah loo tilmaamay jebinta qodobbadan:

1) In la baalmaray dhammaan habraacyadii wax-ka-beddelka Dastuurka ee uu qeexayo Qodobka 134aad ee Dastuurka Ku-meelgaarka ah.

2) In aan la xaqiijin heshiis ka dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ee ku saabsan qodobbada aasaasiga ah, sida:

a) Hannaanka Amniga Qaranka
b) Hannaanka Garsoorka;
c) Nidaamka Maaliyadda Guud;
d) Xadaynta, qoondaynta iyo adeegsiga awoodaha, khayraadka dabiiciga iyo dakhliga labada heer ee federaalka iyo dawlad goboleedka.

3) In aan la qaban la-tashiyo dhab ah oo ay dadweynuhu si macno leh kaga qeybqaateen doodaha iyo aragtiyada la xariira dib-u-eegista Dastuurka.

Shirweynuhu wuxuu caddeeyay in Dastuurku yahay heshiis bulsho iyo xarigga isku haya midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, waana aasaaska dowladnimada; wax-ka-beddel kasta oo aan sharciga loo marin, isla markaana aysan u dhammayn dawlad-goboleedyada iyo saamilayda kale ee siyaasada, wadatashi wax ku ool ahna lagala yeelan dadwaynaha wuxuu wiiqayaa ujeedkii dastuurka loo sameeyey, wuxuuna abuurayaa caqabado horleh oo qalalaase iyo jahawareer ku keena nabadda, dowlad-dhiska iyo midnimada qaranka.

Go’aannada Shirweynaha:

1) Shirweynuhu wuxuu cambaareynayaa wax-ka-beddelka hal-dhinaca ah sharcidarradana ah ee lagu sameeyey Dastuurka, wuxuuna madaxda Dowladda Federaalka ugu baaqayaa in ay ka waantoobaan tallaabooyinkaasi, ayna ogaadaan in lagula xisaabtami doono.

2) In Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee 2012 uu yahay Dastuurka rasmiga ah ee dalka, isla markaana aan wax-ka-beddel sharci-darro ah lagu sameyn karin.

3) In doorashooyinka Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ee muddo-dhaafka ah si degdeg ah loo qabto, iyadoo la raacayo Dastuuradooda iyo mabaadi’da Dastuurka Federaalka ee kala soocaya awoodaha labada heer ee dowladeed.

4) In maadama madaxweynaha Dowladda Federaalka uu diiday in heshiis laga gaaro doorashooyinka dalka, muddo xileedka laba aqal ee Baarlamaankuna ku egyahay 14-ka Abriil, uu Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed 10-ka bisha Abriil fidin doono gogol lagu badbaadinayo dawladnimada Soomaaliya.

5) Shirweynuhu wuxuu ugu baaqayaa ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in gurmad degdeg ah loo fidiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

-DHAMMAAD-

Mareykanka oo ka digay xaaladda Israel, amarna ku bixiyay daadgureyn

0

Tel Aviv (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa amartay in si degdeg ah loo soo daadgureeyo shaqaalaha dowladda Mareykanka, diblumaasiyiinta iyo qoysaskooda ee ku sugan Israa’iil, sababo la xiriira khataro amni oo isa soo taraya.

Safaaradda Mareykanka ee Tel Aviv ayaa digniin ay soo saartay ku sheegtay in xaaladda amni ay mar kasta ka sii dari karto, isla markaana si kedis ah loo xaddidi karo ama loo mamnuuci karo safarrada lagu tagayo qaybo ka mid ah Israa’iil, oo ay ku jirto magaalada qadiimiga ah ee Qudus iyo Daanta Galbeed.

Muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Israa’iil ayaa si gaar ah loogu boorriyay inay dalka ka baxaan inta ay weli shaqeynayaan duullimaadyada ganacsiga, maadaama ay suurtagal tahay in xaaladdu si lama filaan ah isu beddesho.

Go’aankan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Mareykanka iyo Iran, kuwaas oo sare u kacay toddobaadyadii la soo dhaafay.

Wararka ayaa tilmaamaya in tallaabadan ay muujineyso cabsi laga qabo suurtagalnimada iska horimaad militari oo ka qarxa gobolka, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin wax duullaan ah.

Iiraan ayaa dhankeeda hore u sheegtay inay si adag uga jawaabi doonto tallaabo kasta oo militari oo kaga timaadda Mareykanka, iyadoo ku hanjabtay inay beegsan doonto danaha Mareykanka iyo xulafadiisa gobolka haddii la weeraro.

Si kastaba, tani waxay ka dhigan tahay in daqiiqad kasta uu bilaaban karo dagaal uu Mareykanku ku qaado Iiraan, iyadoo Washington hore uga digtay inay weerari doonto Tehran haddii wada-hadallada lala yeelanayo ay fashilmaan.