Puntand oo sharaxaad ka bixisay sababaha keenay shuruudaha ay ku xirtay shirka doorashooyinka

Garoowe (Caasimadda Online) – Dowlad Goboleedka Puntland ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay sababihii keenay inay shuruudo adag ku xirto ka qeyb galka Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Wasiirka Warfaanta Puntland, Cabdullaahi Cali Xirsi Timacade ayaa ugu horeyn sheegay in maamulka Puntland ay diyaar u tahay inay dalka ka dhacdo doorasho xalaal ah oo ay isla ogol yihiin dhammaan Maamul Goboleedyada, Dowladda Dhexe iyo Saamileyda Siyaasadda.

Wasiirka oo wareysi siiyey Idaacadda VOA ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in Beesha Caalamka ay kasoo qeyb gasho kulamada looga hadlayo doorashooyinka Soomaaliya si damaanad qaad loogu helo qodobada lagu heshiiyo iyo sidii loo fullin lahaa.

Madaxda Dowladda Dhexe ee Soomaaliya ayuu wasiirka ku eedeeyey inay dhowr jeer ku fashilmeyn fulinta qodobadii lagu heshiiyey taasna ay sabab u noqotay in Puntland ay soo bandhigto shuruudahaan gaar ahaan in beesha Caalamka ay goobjoog ka noqoto.

Wasiir Timacadda oo wax laga waydiiyey sababta keentay in Puntland ay dalbato in taliyaasha Ciidamada la badalo ayuu sheegay inay taas sabab u tahay maadaama ay taliyaasha qeyb ka noqdeyn ololaha dib usoo doorashada madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Wasiir Timacadde ayaa imaanayo kadib markii Maamulka Puntland uu Xalay soo saaray illaa 8 shuruud oo aadan ka qeybgalka shirka la filayo in looga hadlo arrimaha doorashooyinka.

Halkaan hoose ka akhriso shuruudihii ay Puntlan soo saartay Xalay: Puntland oo 8 shuruud oo aad u adag ku xirtay ka qeyb galka shirka doorashada