Ugaas Xasan oo la xaqiijiyey inuusan u geeriyoon COVID-19 – Sidee wax u jiraan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraallo ay soo saareen isbitaalka Madiina iyo Taliska booliska Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey sababta keentay dhimashada Allaha u naxariistee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Warqadahaan waxaa lagu xaqiijiyey in Ugaasku uusan u geeriyoon cudurka Coronavirus oo markii hore la sheegay inuu sababsaday.

Sida lagu sheegay qoraalkan, baaritaanadii la sameeyey waxaa lagu xaqiijiyey in Ugaas Xasan uu u geeriyooday Wadne xanuun.

Dhakhaatiirta caafimaadka iyo laanta baarista dembiya ee booliska Soomaaliya ayaa geerida Ugaaska kadib bilaabay baaritaano, si loo ogaado sababta keentay dhimashada.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ahaa Ugaaska beesha Xawaadle ayaa xalay fiidkii hore ku geeriyooday Hotel uu ka deganaa magaalada Muqdisho.

Ugaaska oo fadhigiisa ugu weyn uu ahaa magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, ayaa mudooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho, oo ugu dambeyn uu xalay ku geeriyooday.

Meydkiisa ayaa la sheegay in berri loo qaadayo gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanka Halgan oo lagu aasayo, halkaas oo ay degaan qoyska reer Ugaas ee beesha Xawaadle.