Puntland oo qaadacday shirka Dhuusamareeb 3, kuna xirtay shuruudo adag

Garoowe (Caasimada Online) –  Dowladda Puntland ayaa si rasmi ah u shaacisay inay qaadacady shirka Dhuusamareeb 3 ee la filayey inuu ka furmo magaalada Dhuusamareeb, ayada oo eedeyn culus usoo jeediyay madaxda dowladda fedeaalka, waxayna soo bandhigtay shuruudo adag si ay shirka uga qeyb gasho.

Puntland ayaa ku eedeysay Madaxda Dowladda Federaalka inay ka shaqeeyeen fashilinta natiijadii Dhuusamareeb 1 iyo 2 iyo qorshahii qabsoomidda Dhuusamareeb 3, ayna tusaale u tahay “In Barlamaanka loo isticmaalay in si aan sharci ahayn loo rido Xukuumaddii folio lahayd qodobadii lagu heshiiyey Dhusamareeb 2.“

Waxay sidoo kale sheegtay uin Madaxweynuhu uu si aan waafaqsanayn Dastuurka u magacaabay sii hayaha Raysal Wasaaraha, taas oo ka soo horjeedda qodobka 130-aad ee Dastuurka Ku-Meel-gaarka ah ee Dowladda Federaalka, sida ay sheegtay.

“Khudbadii Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah uu ka jeediyey Golaha Shacabka 15-kii August 2020 waxay ahayd mid muujinaysa sida ay Madaxweynaha uga go’an tahay marin habaabinta dadaallada ay Dowladaha Xubnaha Ka Ah Dowladda Federaalka ku doonayaan in si isla ogol ah looga wads shaqeeyo qabsoomidda doorashada Dalka ee 2020/2021,” ayaa lagu yiri qoraalka Puntland.

“Madaxweynuhu wuxuu muujiyey in aysan jirin wax go’aano ah oo kasoo baxay shirarkii Dhuusamareeb 1 iyo 2. b. Madaxweynuhu wuxuu sii tilmaamay in uusan qayb ka ahaan doonin wax go’aano siyaasadeed ah oo lagu gaaro Dhuusamareeb 3, isagoo u balan qaaday Baarlamaanka in uu dib uga soo celin doono wax kasta oo shirka kasoo baxa si ay uga gutaan waajibaadkooda Dastuuriga ah, taas oo muujinaysa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uu leeyahay qorshe ka duwan kan lagu heshiiyo Dhuusamareeb 3 ee qabsoomidda doorasho xilligeedii ku dhacda.”

Sidaas darteed, soo jeedisay in qabsoomidda shirka Dhuusamareeb 3 ay ka horayso, ayey tiri,  hubinta in lagu gaarayo heshiis saldhig leh, sidaas darteed Dowladda Puntland waxay ku baaqaysaa in shirku noqdo mid ka qayb-galkiisa ay u dhanyihiin Madaxda Dowladda Federaalka ah, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Diblamaasiyiinta Beesha Caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya.

Waxay sidoo kale soo jeedisay in Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah in uu magacaabo Ra’iisul Wasaare qayb ka noqda fulinta heshiisyada qabsoomidda doorashooyinka Dalka ee 2020/2021.

Hoos ka aqriso qoraalka Puntland oo dhameystiran