Puntland oo xabsiga dhigtay Shaqsiyaad RW Khayre ka gudoomay lacag lagu dhisayo wado ku taala Boosaaso

Boosaaso (Caasimadd Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya xarig Khamiistii Shalay magaalada Boosaaso loogu geystay Saddex shaqsi oo Caan ka ah gobolka Bari, kuwaasoo ku howlanaa dhismaha wado ku taala xarunta ganacsiga Puntland.

Sida wararku sheegayaan xariga ragan waxaa amray madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni, iyadoo loo heysto iney ka dhego fureysteen amar ka soo baxay madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

Xubnaha la xiray ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay; Nabadoon Maxamed Ibraahim Xaaji Faarax, Gudoomiyaha Amal Bank Boosaaso, Maxamed Faahiye iyo Injineer Maxamuud Maxamed Maalfo.

Ilo wareedyo lagu Kalsoonaan karo, ayaa Warbaahinta u sheegay in talaabada lagu xiray xubnahan ay timid ka gadaal markii ay qabteen lacag dhan 150-kun oo dollar kana timid dowladda federaalka, taasi oo ay Puntland dooneysay in ay maamusho.

Deni, ayaa mas’uuliyiintan amray in Xukuumada Soomaaliya ay dib ugu celiyaan lacagtaas, balse waa ay iska diideen, iyagoo ku andacoonayay in khilaafka labada dhinac aaney waxba ka quseyn u adeegida Bulshada.

Halkaan ka daawo Fadeexad culus oo lagu eedeeyey Farmaajo

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com