Qaar ka mid ah Beelaha Galmudug oo kasoo horjeestay Guddiga dib u heshiisiinta

CaabudWaaq (Caasimadda Online) – Qaar ka mid ah waxgaradka maamulka Galmudug ayaa si weyn uga soo horjeestay Guddiga dib u heshiisiinta maamulka Galmudug ee uu xalay ku dhawaaqay Wasiirka Arrimaha Soomaaliya.

Waxgaradka degmooyinka Caabud Waaq iyo Xeraale ayaa iska diiday dhammaan xubnaha Guddiga oo ay sheegeen in aysan matalin degaanada maamulka Galmudug.

Waxgaradka waxa ay sheegeen in Ra’iisul Wasaare uu ka baxay balankii uu ka qaaday Markii uu booqday degaanada Waqooyiga gobolka Galgaduud.

War kasoo baxay Waxgaradka ayaa lagu sheegay in aysan ka mid noqon doonin maamulka Galmudug ee uu dhisaayo Ra’iisul Wasaare Kheyre, maadaama aysan ku qancin dadaallada dib u heshiisiinta ah.

Halkaan ka daawo Fadeexad culus oo lagu eedeeyey Farmaajo

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com