Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Qof la sheegay in uu isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa waxaa uu isku qarxiyay goob Suuqa ah oo ku taal meel u dhow Isgoyska Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Suuqa uu qaraxa ka dhacay lagu iibiyo Hilibka, Mallaayga, sidoo kale ay ku dhowdahay busteejo laga raro Gaadiidka dadweynaha ee aada dhinaca degmada Dharkeynley, waxaana xilliga qaraxa uu ka dhacayay ay goobta aheyd mid mashquul badan.

Qaraxa ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dadkii ku sugnaa meesha uu qaraxa ka dhacay, waxaana la xaqiijiyey dhimashada 3 qof halka dhaawaca uu gaarayo illaa 10 qof.

Xilliga uu qofka isku qarxinayey halkaas ayaa waxaa meesha taagnaa gaari ay saarnayeen ciidamada Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Militariga lamana oga haddii uu qofka is qarxiyey bartilmaameedkiisu uu ahaa Ciidamada Dowladda.

Meesha uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya, waxaana la joojiyey isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee Isgoyska Ex-Control oo markii horeba qeyb ahaan u xirnaa sababo la xiriiro dhismaha jidka Muqdisho iyo Afgooye.

Ma jirto weli cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, waxaana qaraxyada noocaan oo kale ah looga bartay inay fuliso kooxda Al-Shahaab.

Muddooyinki dambe waxaa magaalada Muqdisho kusoo badinayey dadka is qarxinaya ee ka tirsan Al-Shabaab kadib markii ay ciidamada Dowladda si weyn uga hor tageen gawaaridii qaraxyada lagu fulin jiray ee soo geli jiray magaalada.