Qarax xoogaan oo caawa ka dhacay MUQDISHO iyo xildhibaan ka bad-baaday

Muqdisho-(Caasimada Online) – Waxaa faah-faahino dheeraad ah laga helayaa nuuca iyo khasaaraha ka dhashay Qarax Miino oo caawa ka dhacay afaafka hore ee Hotel cusub ku oo yaalla Isgoyska Shaqaalaha  ee wadada Maka Al-Mukarama.

Qaraxaas oo ahaa miino la dhigay wadada dhinaceeda, ayaa aad ugu dhawaa Hotel cusub oo ay ka socotay munaasabad xariga looga jarayay, sidoo kale waxaa aad u badnaa isticmaalka wadada xiliga uu qaraxu dhacayay.

Dadka wadada marayey xiligii uu qaraxu dhacay waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Cabdulqaadir Garabow oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka, waxaana ku dhintay labo ka mid ah askartii ilaalada u eheed iyo darawalkii gaarigiisa, halka ay jiraan dhaawacyo kale oo soo gaaray ilaaladii xildhibaanka, waxaana la sheegay in uu xildhibaanku ka badbaaday qaraxaas.

Labo qof oo kale oo shacab ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen iyo dhaawaca shan ruux, waxaa goobta yaalay gaari NOAH ah oo uu watay qof shacab ah, kaas oo gabi ahaantiisba gubtay isaga iyo labo mooto Bajaaj.

In kastoo aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha rasmiga ah wadarta guud ee dhimashada ayaa noqoneysa inta Afar ruux oo labo askar ahaayeen iyo dhaawaca shan kale, waxaana goobta soo gaaray askar ka tirsan booliiska Soomaaliya, kuwaas oo dadka rasaas ku kala cayrinaya.

Wixii kasoo gordha kala soco Caasimada Online

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
caasimada@live.com