Qorshe uu CC Shakuur ka sameyn rabo magaalada Muqdisho oo laga digay inay xiisad ka dhalato

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ujeedka la shaaciyey in uu magaalada Muqdisho u imaan doono siyaasi Cabdirixmaan Cabdishukuur ayaa waxaa si kulul ugu soo horjeestay qaar ka mid ah nabadoonada iyo waxgaradka Gobolka Banaadir.

Siyaasiga ayaa sheegay in uu Muqdisho u imaan doono si uu u xuso sanad guurada ka soo wareegtay markii gurigiisa ay ku weerareen ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ah dhamaadkii sanadkii tagay 2017-kii.

Odeyaal dhaqameed goob joog u ahaa xallinta shaqaaqadii dhexmartay Xukuumadda iyo Guddoomiyaha Xisbiga Daljir Cabdirixmaan Cabdushukuur ayaa Caasimadda Online uga warbixiyey heshiiskii lagu dhammeeyey arrinkaas.

Cadeeymo aan helnay ayaa muujinaya in Xukuumadda Soomaaliya ay bixisay lacag magdhow ah oo ku saabsan 5-tii dhalinyrada ahayd ee lagu dilay guriga siyaasiga.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa kala saxiixday qodobo ay ka mid ahayd in dowladdu ay xirto kiiska Maxkamadeed ee laga keenay siyaasi Cabdirixmaan Cabdishukuur, halka isagana laga saxiixay waraaq damaanad qaad ah.

Inkastoo aanan faahfaahin dhammeystiran ka helin damaanad qaadka uu saxiixay Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir  iyo shuruudaha uu u saxiixay Dowlada Federaalka ah haddan nabadoonada aan la xiriirna ayaa noo xaqiijiyey in qorshaha siyaasi Cabdirixmaan Cabdishukuur uu khilaafsan yahay heshiiskii damaanadeed ee uu kaga baxay magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com