Rag ganacsatada Muqdisho lacag uga qaadan jiray inay Al-Shabaab ka tirsan yihiin oo xukun adag lagu riday

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waxaa maanta ay xukun ku riday rag ganacsatada uga qaadi jiray lacag farabadan inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab.

Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow ayaa loo haystaa in ay dadka baad kaga qaadi jireen magaca Al-Shabaab iyo Afduubka dhowr qof oo ay madax furasho ka qaateen.

Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow ayaa isticmaali jiray SIMCARD SOMNET oo ay ganacsatada Soomaaliyeed ku waydiisanayeen bixinta lacagaha ay Al-Shabaab ka qaadaan shacabka Soomaaliyeed.

Intii ay wadeen Howshan waxa ay sameeyeen dhowr Afduub oo ay u gaysteen Hablo Soomaaliyeed, iyaga oo ka qaatay lacag u dhexeyso kun ilaa laba kun oo dollarka Maraykanka ah.

Sidoo kale eedeysanayaasha waxay sheegteen in ay ku qaadi jireen lacagaha magaca Al-Shabaab oo ay dhowr jeer ugu suura gashay helidda lacagtaas, waxa ay  dadka ku kalifi jireen in ay ku ballamiyaan Masaajidda iyo Xaafado ku yaal Cirifyada Muqdisho iyo suuqa wayn ee Bakaaraha.

Mid kamid ah dhibanayaasha Goobjoogga u ahaa Maxakamadaynta labada eedeysana ayaa u sheegtay Garsoorka in ay kaga shakisay labadaba gor-gortanka lacagta sidaasna ay  ku war gelisay Ciidamada Amniga gaar ahaan Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo  soo qabtay Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow, dabayaaqadii bishii May ee sanadkan.

July dabayaaqadeedii ayaa lagu soo wareejiyay eedeysanayaasha Maxkamadda, waxaanna xilligaasi Xafiiska Xeer Ilaalinta oo awood u leh dhaqaajinta dacwadda ay ka codsadeen Maxkamadda in eedeysanayaasha Xabsiga Dhexe lagu hayo garsuge ahaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa baaritaan dheer kadib Codsaday in la muddeeyo dhageysiga Dacwadda Dabayaaqadii August Sanadkan, waxa ayna Maxkamadda aqbashay fadhigii koowaad isla xilligaasi.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ka codsaday in loo ciqaabo dambigii ay galeen Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow oo iyaga Muqdisho ka abuuray weji cusub oo u baahan in ladabar jaro.

Xeer Ilaaliye Maxamed Cabdullaahi Khaliif  ayaa u sheegay Garsoorka in eedeysanayaasha ay xittaa ku handadi jireen dadka ay Afduubtaan ee lacagaha ay ka qaadaan in gaariga ay ku xiran-yihiin walxaha Qarxa oo hadii ay dhaq-dhaqaaq sameeyeen ay ka dhallan karto in ay wada qarxaan taasi oo u fududaysa eedeysanayaasha in Gabdhaha  ganacsatada  ah ay ka saaraan Magaalada.

Qareenada u dooday eedeysanayaasha ayaa Maxkamadda iyagana ka codsaday in laga qaado magdhow eedeysanayaasha oo ay sheegeen dambiga ay galeen kaliya in uu ku koobnaa Turufo.

Dhowr fadhi kadib, Maanta ayey Maxkamadda go’aan ka soo saartay Kiiska Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow, waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Min 15-sano oo Xabsi Ciidan ah sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute .

Xukunsanayaasha ayaa haysta fursad ay ku dalban karaa Rafcaan 30-cisho gudahood.