Saadaq John oo gacanta loo geliyay ciidamadii weeraray Universal TV

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada booliska gobolka Banaadir, Saadaq Cumar Xasan oo loo yaqaano Saadaq John ayaa lagu wareejiyay ku dhawaad 10 Askari oo katirsan Ciidamada Booliiska Soomaaliya iyo hubkii ay watayn kuwaas oo weeraray xarunta Telefishinka Universal ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay Askartaan Booliiska ah kadib markii ay soo eryeen Ciidamada ilaalada Telefishinka Universal kadibna ku soo dhacay rugta kontaroolka tiyaatarka Qaranka ee magaalada Muqdisho.

Saadaq John ayaa si deg deg ah u yimid goobta ay wax ka dhaceen kadibna waxaa loo gacan geliyay raggii la qabtay iyo hubkoodii iyadoo la sheegayo in la baari doono sababta ay weerarka ugu qaadeen xarunta Universal Tv.

Raga weerarka qaaday ayaa ka hor inta aysan dagaalka la gelin waxay dalbadeen in ay galaan xarunta TV-ga kadibna waxaa u soo baxay Agaasimaha Tv-ga, isagoo ka dalbaday in ay u sheegaan Taliyaha soo diray si loola hadlo, balse markii uu la soo baxay Mobilka ayey dharbaaxsho ku dhufteen iyadoo markaasi uu bilaawday dagaalka dhaxmaray Ciidamada Ilaalada Tv-ga iyo Booliiskii soo weeraray.

Ciidamadaan ayaa la sheegay in ay ka socdeen qaybta Canshuuraha ee Ciidamada Booliiska Soomaaliya balse uu jiro shaki ah in aysan ka tirsaneen Ciidamada Canshuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com