Golaha wasiirada DF oo kulan deg deg ah leh iyo go’aano adag oo la filayo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shir Gudoominaya Shir deg deg ah oo hadda ka socda hoolka Shirarka ee Golaha Wasiiradda.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa Xaadda amniga ee Magaalada Muqdisho oo muddooyinkii dambe ay ka dhaceeyn qaraxyo iyo dilal qorsheysan,waxaana goobjoog ka ah inta badan Golaha Wasiiradda Xukuumadda.

Shirkaan ayaa looga hadlaya Xaaladda dalka, waxaana suurtagal ah in lagu Magacaabo taliyeyaal Ciidan sidda ay xaqiijiyeen ilo ku dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Warar hoose aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in kulanka sidoo kale looga hadlo sidii wax looga qaban lahaa xaalada amniga ee dalka,waxaana shir Guddoomiyaha Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheryre.

Kulankaan ayaa waxaa kusoo aadayaa iyadoo todobobaadkii ugu dambeeyay amniga Magaalada Muqdisho uu ahaa mid faraha ka baxay,isla markaana aad loo dhaliilay amniga Caasimadda.

Sidoo kale Kulankaan ayaa wuxuu kusoo aaday xilli Maanta Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka uu ugu hanjabay Golaha Wasiirada inay mooshin ka keeni doonaan, haddii ay soo xaadiri waayaan kulanka soo socda ee Baarlamaanka.

Mr Jeesow ayaa sheegay in aan la aqbali doonin Wasiiro Xildhibaano ah inay ka maqnaadaan fadhiga Baarlamaanka, isagoo ugu goodiyay inay ridi doonaan.

“Waxaa balan ku qaadeynaa haddii fadhigan fadhiga ku xigo imaan waayaan Golaha Wasiirada, Wallaahi baan ku dhaartay anaa horkacayo, Mooshin ayaa ka keenyenaa, kuligood waa rideynaa, Ra’iisul wasaaraha ha ogaado”ayuu yiri Daahir Amiin Jeesow.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com