Maxaa ka jira in Qoorsheel uu lacag ka qaato DFS?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirkii hore ee Gaadiidka Saciid Qorsheel ayaa beeniyay warar lagu qoray baraha bulshada oo sheegayay inuu ka mid yahay siyaasiyiin dowladdu siiso lacago, isagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay arrintaas.

Saciid Qoorsheel oo ah Guddoomiye kuxigeenka Talo Soo Jeedinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in warqadaas lagu qoray baraha bulshada ay tahay mid been ah.

Saciid ayaa xusay inuu yahay Mas’uul huwan magaca Guddoomiye kuxigeenka Talo Soo Jeedinta Soomaaliyeed aysan macquul aheyn inuu lacag ka qaato Dowladda.

Wuxuu xusay in hey’adda uu madaxda ka yahay ay tahay mid xaqiiqda sheegto isla markaasna mar kasta ka hadasho jidadka Xiran iyo in lala xisaabtamo wasiirada.

Saciid ayaa xusay inuu yahay shakhsi kusoo koray dowladnimada oo uu aabihiis Boosliska Soomaaliyeed ka ahaa Kabtan isagana uu xilal dowladeed soo qabtay.

Qoorsheel ayaa Mucaaradka Dowladda u sheegay inaysan suurta gal aheyn in qofkii dowladda aan waxba ka sheegin lagu tilmaamayo inuu yahay  mid lacag qaato.

Warqado maalmihii la soo dhaafay lagu faafiyay baraha bulshada ayaa waxaa ka soo muuqday magacyo siyaasiyiin, culumaa’udiin, odayaal dhaqameedyo iyo dad isticmaala Facebook oo la leeyahay lacago ayay dowladda ku siisaa taageerada iyo in aanay ka hadlin xaaladaha dalka ka jira.

Halkaan hoose ka daawo hadalka kasoo yeeray Qorsheel

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com