Wararkii ugu dambeeyey doorashada Ceelwaaq iyo Geelle oo gaaray + Sawirro

Ceelwaaq (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gudiga Hirgalinta Doorashooyiinka Heer Fedraalka Muuse Geelle Yuusuf oo uu  wehlinayey Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Jubbaland ayaa Maanta gaaray Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Waxaa garoonka dayuuradaha Ceelwaaq ku soo dhoweeyey masuuliyiin uu ka mid ahaa wasiirka amniga Jubbaland Jen. Dhuumaal iyo saraakiil kale

Ceelwaaq ayaa maanta waxaa bilaabaneyso doorashada lix ka mid ah 16-ka kursi ee Gobolka Gedo kuwaasoo dhamaantood laga soo wareejiyey degmada Garbahaarey.

Musharixiinta doonaysa inay u tartamaan 11-kii kursi ee dhawaan ay guddiga SEIT shaaciyeen kuwaas oo kamid ah 16-ka kursi ee deegaan doorashada 2-Aad ee Jubbaland ayaa maanta gaaray Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo halkaas oo ay shahaadada musharaxnimo ku qaadan doonan waxaana lagu wadaa in isla maantaba ay doorashada bilaabato.

Dhanka kale, madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa inuu tago Ceelwaaq, waxayna warar lagu kalsoonaan karo sheegayaan in doorashada Kuraastaas ay noqon doonaan kuwa daah furan oo loogu tartamo si ka duwan kuraastii Kismaayo.

Shalay degmada Ceelwaaq waxaa ka degay laba diyaaradood oo siday Ciidamo, kuwaas oo uu hoggaaminayay Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Cismaan Dhuumaal.