Sawirro: Kheyre oo booqday fannaaniin iyo weriye xanuun la jiifa Isbitaallada Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukumadda Somalia Xasan Kheyre oo ay wehlinayaan Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlada ayaa maanta booqday Fannaaniin Caan ka ah Gayiga Somalia oo ku jira Isbitaalo ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Fannaaniinta uu Ra’isul wasaare Kheyre ku booqday Isbitaalada ayaa waxaa kamid ah Fannaanada codka macaan Saynab Xaaji Cali Baxsan oo ka mid ah Fannaaniinta Hoboladda Waabari oo qaliin loogu sameeyay Xameetidda isla markaana ku jirta Isbitaalka Blue Star ee magalaadda Muqdisho.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sidoo kale Isbitaalka Erdogan Ex Digfeer ku booqaday bukaano ay ka mid yihiin sii hayaha xilka Wasiirka dekadaha iyo Gadiidka badda, Abwaan Maxamuud Cabduulahi Ciise Singub.

Waxa uu sidoo kale, booqday Film qaade Cabdixamiid Karazay oo ka tirsan Shaqaalaha TV Universal oo dhawaan ku dhaawacmay magaalada Muqdisho iyo Hooyadda Xildhibaan Cabdifataax Geesay.

Kheyre ayaa dhammaan bukaanada uu booqday alle uga baryay inuu siiyo Caafimaad deg deg, waxa ayna booqashadaani imaaneysaa xili Dowladii hore aan looga baran booqashada bukaanada usoo halgamay dalka.