Xog: Maxay tahay sababta keentay in DF ay saanad milatari ka dajiso Boosaaso?

Boosaaso (Caasimadda Online) – Waxaa la isla dhexmarayaa warar ku aadan in Dowladda Soomaaliya ay ka dajisay Magalaada Boosaaso diyaarad siday saanad military iyo qalab casri, waxaana diyaaradaas lagu sheegay inay aheyd mid aad u weyn.

Wararka ayaa sheegayo inay diyaaradaan si rasmi ah uga duushay Magaalada Muqdisho isla markaasna ay amartay dowladda Soomaaliya waxaana laga dajiyey Magaalada Boosaasoo oo uu ka arrimiyo maamulka Puntland.

Arrintaan ayaa la sheegay inay tahay qorshe ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso inay dhisto ciidamo Soomaaliyeed oo awood leh, waxayna tababaro ciidamada la siinayo ka bilaabi doontaa Gobolada Soomaaliya oo dhan, waxayna saanadaan Militari tahay mid si siman loogu qeybin doono dhammaan Maamul Goboleedyada dalka.

Diyaaradaan xamuulka aheyd ayaa waday saanad iyo qalab Militari oo loogu talaglay ciidamada Puntland, waxaana lasoo sheegayaa in la kala geyn doono dhawr xiro oo tababar looga bilaabi doono ciidamada Xoogga Soomaaliya.

Mid kamid ah Guddiga ka shaqeenayo mideynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo lagu magacaabo Captan Cabdiraxmaan Shiikh Cumar Jeeri-Qaar ayaa waday diyaaradaan wuxuuna hubin doonaa in si siman loogu qeybiyey qalabkaan asaasiga u ah ciidamada dhammaan Gobolada Puntland.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneyso inay deegaanada maamul Goboleedyada dalka ka qoroto ciidamo ka kooban dhallinyaro aqoon leh, waxaana inta badan xoogga la saari doonaa in la helo dhallinyaro dhameysatay waxbarashada Jaamcadda isla markaasna aan laheyn wax balwad ah.

Qorshaan ayaa wuxuu kamid yahay qorshaha uu damacsan yahay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ballan qaaday in Ciidamada Soomaaliya muddo 2 sano gudahood looga maarmi doono ciidamada Midowga Africa ee Soomaaliya ku sugan muddo 10 sano ah kuwaas oo ku guuldareystay inay sugaan 100% Amniga Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com