Sawirro: CCC oo kulan la qaatay Malta Joseph!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa kulan saacado qaatay wada yeeshay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo dhigiisa Malta Joseph Muscat.

Kulanka labadaani mas’uul ayaa qaatay saacado badan waxa uuna ahaa mid looga wada hadlaayay xiriirka labada dal, Siyaasada iyo arrimaha la xiriira qaxootiga Soomaalida ee dalkaasi ku nool.

Ra’isul wasaaraha Malta Joseph Muscat, ayaa sheegay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Malta ay siinayaan fursado shaqo, islamarkaana kuwa sharciga laheyn ee lagu haysto Soomaalinimada in si deg deg ah loo siiyo sharciyada, iyadoo laga hubinayo safaaradda Somalia ee Brussels.

Malta Joseph Muscat ayaa sheegay in qorshaha Dowladiisu ay tahay mid ka fog tan hadda laga filaayo, waxa uuna tilmaamay inay dhowri doonaan xiriirka kala dhexeeya Somalia.

Ra’isul wasaare Sharma’arke ayaa sheegay in Dowlada Malta looga baahan yahay inay waxbadan ka bedesho nolosha ehelada Soomaalida ee ka jooga Malta iyo kuwa fursadaha waxbarasha doonayo loo fududeeyo dal ku galka fiisooyinka.

Waxaa kaloo labada Ra’iisul Wasaare ka hadleen sidii iskaashi dhinaca kheyraadka ah u wada yeelan lahaayeen, isagoo Ra’iisul Wasaare Sharma’arkena sheegay in wada shaqeyn dhow oo dhinaca kalluumeysiga baddaha ay yeelan doonaan labada dowladood.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
1

2

3

4