Qorshe ciidamada Kenya looga saarayo Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, Guddoomiye ku xigeenka Guddiga arimaha Gudaha iyo Federalka Baarlamaanka Somaliya ayaa wuxuu si kulul uga hadlay qorshaha Dowladda Kenya ay ku damaacinayso dhulka Somaliya, xilli Kenya ay xadgudub bareer ah ku sameysay dalkeena.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow, wuxuu sheegay Baarlamaanka Somaliya in looga fadhiyo inay soo saaraan qaraar la xiriira sidii ciidamada Kenya ee howlgalka Amisom qaybta uga ah dalka looga saari lahaa.

Waxa uu sheegay Daahir Amiin Jeesoow, ciidanka Kenya inaysan dalka soo gelin Baarlamaankii kan ka horeeyay, sidoo kalena ciidamada Itoobiya aysan jirin cid dalka soo gelisay, sidaasi awgeed ayuu sheegay inay muhiim tahay in Baarlamaanka ay soo saaraan qaraarkaasi.

“Ciidamada Kenya Barlamaankii hore ma keenin, kana ma keenin waad arkeysaan in dhulkaagii dhinac ka dhisanaayo oo aad adna leedahay walaalkeey waaye Kismaayo ayuu ii difaacayaa” Ayuu yiri Xildhibaan Jeesoow.

Xildhibaan Jeesoow, ayaa warkiisa intaasi raaciyay “Dad ayaa u hoosaasinaayo waad arkeysaan shacabka Somaliyed arintaan waa in uu ka kacaa oo ka dhiidhiyaa”

Dowladda Somaliya oo masuul ka ah dalka ayaanan dareen muuqda ka bixin ka ficilka Dowladda Kenya ay doonayso inay ku xalaaleysato dhulkeena Somaliya, xilli Kenya ay horay xoog ku qabsatay dhul ay Somali leedahay.

Tallaabadan Kenya ay ku doonayso inay darbiga kaga dhisto dhulka Somaliya gudihiisa ayaa ah mid Kenya ay ka aragtay madaxda Somalida.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com