25.5 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Sawirro: Sidee ayey manta u dhacday dhaarinta 3-da Wasiir ee uu magacaabay RW Kheyre

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena saaka ku sheegnay waxaa maanta si rasmi ah loo dhaariyey Seddexdii Wasiir ee u dhawaan magacaabay Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Wasiirada manta la dhaariyay ayaa waxa ay ku hordhaarteen kulanka manta ee guddiga Joogtada ahaa ee Golaha Shacabka.

Wasiirada magacaaban ayaa waxaa lagula dardaarmay dhaarintooda ka dib in ay si hufan u gutaan waajibaadka qaran ee horyaala.

Wasiirada la dhaariyay ayaa kala ah Wasiirka arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad iyo Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, kuwaasi oo dhawaan lagu magacaabay digreeto ka soo baxday xafiiska Ra’isul wasaaraha Somalia.

Saddexda Wasiir ee cusub ayaa la magacaabay maalintii khamiistii ee taariikhda aheyd 4-ta bisha Janaayo 2018, waxaana la magacaabay iyagoo labo ka mid ah ay dalka ka maqnaayeen sida Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Arrimaha Dibadda oo Muqdisho soo gaaray jimcihii iyo saaka oo Axad ah.

- Advertisement -

Read more

Local News