Xog: Shir ay goobjoog ka yihiin wasiiro ka socda gobolada dalka oo Xamar ka furmay + Ujeedada

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia ka furmay shir looga wadatashanaayo Dastuurka KMG ah ee iminka lagu maamulo Somalia.

Shirka oo ay goobjoog ka yihiin Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa waxaa furay Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte.

Wasiirada goobjooga ka ah shirka ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Dastuurka Federaalka Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo isagu sharaxaad ka bixiyay qaab qoraaleedka Dastuurka KMG iyo dib u habeynta uu iminka u baahan yahay.

Sidoo kale Shirka ayaa waxaa goobjoog ka ah Wasiirada Dastuurka Maamul goboleedyada dalka kuwaasi oo laga doonaayo in dastuurkooda ay waafajiyaan kan DF Somalia.

Shirkaani oo ahmiyad gaar ah u leh DF Somalia iyo Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu wadaa in si wada jir ah looga soo saaro qodobo dhaxal gal u ah Somalia.

Dhanka kale, ujeedka ugu weyn ee shirka ayaa ah in laga niqaasho ama leysla fahmo qaladaadka soo laalaabtay ee la xiriira qodobada ku jira Dastuurka KMG ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com