Shirkii maareynta mooshinka oo is jiid jiid kadib furmay iyo XASAN SHEEKH oo dibad joog ka ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa hadda Magaalada Muqdisho ka furmay shirkii lagu maareyn lahaa Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Xassan Sheekh.

Gogosha shirka ayaa taalla Villa Hargeysa waxaana la soo warinayaa in madasha shirka ay iminka ku sugan yihiin kala bar Xildhibaanadii mucaaradsanaa jiritaanka Madaxweyne Xassan Sheekh.

Madasha shirka ayaa waxaa hadda ku sugan Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo la sheegay inuu matalaayo Madaxweyne Xassan.

Xildhibaanada qaar ayaa la sheegayaa inay diiden in Madaxweyne Xassan uu kasoo qeybgalo shirka, waana tan sababtay inuu soo dirsado Ra’isul wasaare Cumar oo iminka isaga ku matalaaya shirka.

Shirka ayaa waxaa lagu dhageysan doonaa tabashada Xildhibaanada Mooshinka wada ee ka tirsan Baarlamaanka Somalia, waxaana sidoo kale halkaasi kalimado kala duwan ka jeedin doona Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’isul wasaare Cumar oo ku hadli doona afka Madaxweyne Xassan Sheekh.

Shirkaani ayaa horay u baaqday Taariikhdu marka ay aheyd 7-dii bishaan October ka dib markii Ra’isul wasaaraha dalka uu ku maqnaa Safar dibadda ah.

Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa iminka ku dadaalaya sida uu ku qancin lahaa Xildhibaanada Mooshinka wada, inkastoo Xildhibaanada qaar ay wali ku adkeysanayaan in gogosha aysan kasoo qaadi doonin arrin aan u cuntameynin.

Xildhibaanada ayaa Madaxweyanaha ku eedeeyay falal ku saleysan xadgudubyo culus oo lid ku ah Qaranimada Somalia, wax qabad la’aan, hoggaan xumo xaga amniga iyo qoddobo kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com