Xildhibaanada mooshinka oo wada qorshe cusub

Muqdisho (Caasimada Online) –Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka baaqday kulanka ka furmay madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan Villa Hargeysa, halkaasi oo xildhibaanada baarlamanaka iyo madaxweynaha Soomaaliya lagu dhexdhexaadinayo.

Xildhibaanada keenay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya ayaa doonaya in raali gelin ay ka helaan gudoomiyaha baarlamaanka, maadaama mar sii horeysay uu qoraal ku sheegay in la dhameeyay khilaafkii dhanka mooshinka ee u dhaxeeyay Xasan Sheikh Maxamuud iyo xildhibaanada.

Xildhibaanada ugu waaweyn ee wada mooshinka ayaanan manta ka qeyb galin shirka ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana la ogeyn waxyaabaha kasoo bixi kara kulanka manta furmay.

Ra’iisul wasaaraha dalka iyo gudoomiyaha baarlamaanka ayaa ka qeb galay kulanka manta ka furmay Villa Hargeysa, waxaase goobjoog ah xildhibaanada ugu badan ee taageersan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh.

Gudoomiye jawaari ayaa xafiiska marar badan kasoo saaray qoraalo kala duwan oo ku aadan mooshinka xildhibaanada baarlamaanka gudbiyeen, waxaase xildhibaanada ay ku adkeysanayaan ineysan la laaban doonin mooshinka ay ka gudbiyeen Xasan Sheikh Maxamuud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com