Siyaasi taageera qadiyadda Somaliland oo u sharaxan gudoomiyaha Midowga Afrika

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenkii iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa u sharaxan guddoomiyaha Midowga Afrika, halka Kenya ay soo sharaxday Raila Odinga oo muddo dheer soo hoggaaminayey mucaaradka Kenya.

Guddoomiyaha hadda jooga hoggaanka Midowga Afrika Muusa Faki Maxamed oo u dhashay dalka Chad, labo jeerna xilkaan soo qabtay wuxuu muddo xileedkiisu ku egyahay bilowga sanadka soo socda ee 2025-ka.

Markii uu musharaxnimadiisa kursigaas shaacinayey Raila Odinga waxaa barbar taagnaa madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Olusegun Obasanjo, oo dhawaan Midowga Afrika u magacaabay dhexdhexaadinta Soomaaliya iyo Itoobiya.

Raila Odinga ayaa saaxiib dhow la ah siyaasiyiinta Somaliland, wakiilka Somaliland ee Kenya Maxamed Barawaani ayaa ku tilmaamay Raila Odinga in uu yahay halyey Afrika oo ah qofka ugu madan ee guddoomiya Golaha Fulinta ee Midowga Afrika, taas oo ka dhigan in Somaliland ay si weyn u xiiseyneyso in hoggaanka Midowga Afrika uu qabto Raila Odinga.

Soomaaliya waxaa u sharaxan Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland, balse inay xilkaas qabato waxay Somaliland ka jeceshahay in Raila Odinga ee Kenyan ah uu qabto, iyagoo quud-dareynaya inay garab uga helaan damaca ay badda ku siinayaan Itoobiyaanka.

“Raila waa saaxiibka Somaliland, oo waxa uu ku suntan yahay dimoquraadiyadda Afrika. Wax weyn ayuu ugu fadhiyaa Afrika, Raila waxa uu og yahay xaquuqda ka maqan Somaliland, Madax badan oo caalamka ah ayaa aragtidaas ka aaminsan, kuwaas oo taageera qaddiyadeenna,” ayuu yiri wakiilka Hargeysa u jooga Nairobi Maxamed Barawaani.

Cabdirashiid Khaliif Xaashi oo wasiir ka soo noqday dowladda federaalka Soomaaliya ayaa isna sheegay in murashaxnimada Raila ku bureyso aragtida uu ka qabo Somaliland, taas oo ka hor-imaanaysa xeerarka iyo sharciyadda u yaal Midowga Afrika.

Wakiilka Somaliland oo ka falcelinayay doodda Cabdirashiid Xaashi ayaa dulmi kale oo lagu la kacayo Somaliland ku macneeyey in Raila Odinga lagu colaadiyo aragtida uu ka qabo qadiyadda Somaliland.

Raila Odinga ayaa dhowr jeer fagaarayaasha ku taageeray qadiyadda aqoonsi raadinta Somaliland, isagoo ugu baaqay Golaha Fulinta ee Midowga Afrika inay Somaliland u aqoonsadaan dal madax-banaan.

Dowladda Soomaaliya weli kama soo falcelin murashaxnimada uu shaaciyey Raila Odinga oo cadeystay aragti xad-gudub ku ah dhowrista wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.