SOMALIA oo loogu deeqay dhaqaale xooggan xili uu Khilaaf xoogan uu jiro

Britain (Caasimada Online) – Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa daabacday in Bankiga Adduunka uu u ballanqaaday 8-billion oo Dollar. si wax looga qabto dhibaatooyinka ka taagan dalal Afrikaan ah oo ay Soomaaliya ku jirto. Waxaana dhaqaalahaasi si gaar ah loogu adeegsan doonaa yareynta Saboolnimada baahday ee ka jirta geeska qaaradda Afrika.

Lacagtaasi cadadkeedu gaarayo sideeda billion ee Dollar ayaa diirada lagu saari doonaa kaalmeynta. Adeegayada kala ah dib-udhiska caafimaadka waxbarashada,Shaqo-abuurka iyo tababarrada howlwadeennada. Ee sanadaha soo aadan.

“Wadamada geeska Afrika waxay sameynayaan dib-u-soo kabasho inkastoo ay jirto cabaqadda ah xasilooni darada” waxaa sidaas lagu yiri warbixin ay si wada jir ah u soo saareen Bankiga Adduunka, Bankiga Horumarinta Afrika, iyo kan Yurub.

Sidoo kale bankiga horumarinta Islaamka ayaa hal Billion si gaar ah ugu deeqay dalalka Soomaaliya, Djibouti, Sudan iyo Uganda,

Wadamada lacagtaasi wax looga qaban doono waxaa kamid ah Somalia, Djibouti,Ethiopia, Eritrea, Kenya, Uganda, Sudan iyo South Sudan,

Dhinaca kale Madaxa bankiga adduunka Jim Yong Kim ayaa kaga dhawaaqay magaalada addis Ababa ee dalka Ethiopia halkaasoo uu ka socday shir looga hadlayo horumarinta dalalka bariga Afrika in la joogo xilligii ay dalalkaas ka gudbi lahaayeen saboolnimada iyo qalalaasaha, una gudbi lahaayeen barwaaqo iyo horumar la joogteeyay,

Inta badan hay’adaha iyo wadamada caalamka waxay ku yaboohaan dhaqaalo ay ku sheegayaan in wax looga qabanayo dhibaatooyinka dhinacyada Siyaasadda,ammaanka iyo baahiyaha kale ee bulshada sida ka hortagidda saboolnimada. hase ahaatee badankood waxay isugu biya-shubtaan kuwa u muuqda uun iska af-gobaadsi.

Maxaa yeelay sida ay tahay uma dhaqan galaan amaba waxaa feer socda eedeymo loo jeediyo dhinacyada loo gacan geliyo.

Caasimada Online

Xafiiska Britain

Caasimada@live.com