Mooshino ka dhan ah Xasan iyo C/Weli oo billowday iyo xaalka oo kasii daraya

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalmahaani uu jiro Khilaaf xoogan oo ka dhexeeyo Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul wasaare C/weli Sheekh, ayaa waxaa hadana barbar socda Mooshin adag oo laga diyaarinaayo C/Weli.

Ilo Wareedyo ku dhaw Xafiiska Guddoonka Sare ee Baarlamaanka ayaa inoo xaqiijiyay inuu bilowday Mooshinka lagu ridi lahaa Ra’isul wasaare C/weli, iyadoona ay iminka kullan qaaten in kabadan 34 Xildhibaano oo kasoo horjeeda Siyaasada Ra’isul wasaare C/weli, ayada oo la filayo in tirada ay intaas ka badato.

Ololaha Mooshinka ayaa waxaa hogaaminaaya Wasiiro ay kamid yihiin Faarax C/Qaadir iyo Mustaf Dhuxulow oo ku xiran Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xildhibaanadaan Mooshinka wada ayaa la sheegay inay ku fakir yihiin Madaxweynaha islamarkaana ay diidan yihiin Isbadalka lagu sameeyay Xubno kamid ah Golaha Wasiiradda.

Ka sokow Xildhibaanada taageersan Madaxweyne Xasan, ayaa waxaa barbar socda xildhibaano kale oo la safan Ra”iisul Wasaaraha, oo iyagana diyaarinaya mooshin ka dhan Madaxweyne Xasan, inkasta oo aysan kuwa sida Xasan u xooganeyn.

Kullamo kala duwan ayaa waxa uu hadda ka socdaa Villa Somalia, Hotel Jazeera iyo Makka al-Mukkarama kuwaasi oo lagu kala taageerayo Madaxweyne Xasan iyo Ra’isul wasaare C/Weli.

Dhinaca kale Warar hoose ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan uu damacsan yahay in Magaalada Muqdisho laga sameeyo Banaanbax kaasi oo lagu taageerayo diidmada uu Xasan Sheekh diiday Isku shaandheynta lagu sameeyay Golaha wasiirada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com