SOOMAALIYA oo diiday iney fursad siiso KENYA

Soomaaliya ayaa maanta ka jawaabtay talaabooyin xiriiro ah oo ay qaaday Kenya, kuwaas oo u muuqday kuwa dhaawacaya darisnimada iyo xiriirka soo jireenka ah ee labada wadan. Soomaaliya iyo Kenya ayaa dacwadi ka taala maxkamad cadaalada ee ICJ, laakiin 6 bilood ka ka hor natiijada dacwada ayey Dowladda Kenya bilaawday rafasho siyaasadeed.

Kenya ayaa dhowr jeer usoo jeedisay Soomaaliya in si ka madaxbanaan maxkamada ICJ looga wada hadlo muranka badda, laakiin madaxda Soomaalidu ma aaney tix galin dalabkaas. Kenya waxey urur goboleedka IGAD iyo ururka Midowga Afrika ka dalbatay in muranka kala dhaxeeya Soomaaliya loo xaliyo si heer gobol ah, laakiin Soomaaliya ayaa la sheegay in aaney taas aqbalin. Waxaa kaloo jirtay aragti ay waday Itoobiya oo ah in labada wadan ay wadajir ah u wadaagaan faa’iidada dhulka lagu muransan yahay iyadoo aan laga wada hadlin lahaanshaha ,laakiin taasna Soomaaliya waa ka cudur daartay.

Wixii markaa ka dambeeyay, Kenya waxey bilaawday dagaal nooc walba leh oo ka dhan ah Soomaaliya, iyadoo aaminsan in iska caabinta Soomaaliya ay abuuri doonto dhabe ay labada wadan kaga wada hadlaan waxa ka dhaxeeya iyadoo ay ka maqan tahay maxkamada ICJ. Safiirka Soomaaliya ayaa laga soo saaray Nairobi, sacdaalkii ayaa lagu adkeeyay shacabka Soomaaliyeed iyadoo baaristii Wajeer lasoo celiyay, madaxdii Dowladda ayaa dal-kugalkii Kenya loo diiday, caburin ganacsi iyo hadal xanaf leh ayey abuurtay Kenya, walina wax kale ayaa laga filan karaa.

Soomaaliya waxaa ku sugan cutubyo ka tirsan ciidan Kenya, ganacsiga Qaadku waa fure dhaqaale oo ay Kenya leedahay, muwaadiniin badan oo Kenya ah ayaa ka xamaasha Soomaaliya waxaana intaas laga fahmi karaa iney Soomaaliya heli kartay talaabo ay kaga jawaabto daan daansiga Kenya, laakiin wax ficil ah ma aaney sameyn.

Shacabka Soomaaliyeed iyo inta badan wadamada darisku waxa ay eegayeen nooca ay noqon karto jawaabta Dowlada Soomaaliya. Qoraalkii maanta kasoo baxay wasaaraddda Arrimaha dibbada ee Soomaaliya ayaa rajo xumo ku riday Kenya, waxaana u ahaa mid tirtiray fursadii ay raadineysay Kenya oo aheyd iney Soomaaliya bixiso jawaab adag, kadibna uu cilaaqaadku xumaado, kadibna loo baahdo wada hadal inta aan la aadin maxkamada, taas oo hadii ay dhacdo dhabar jab weyn ku ah Soomaaliya.

Qoraalkii maanta ee wasaaradda arrimaha dibbada ee Soomaaliya waxaa lagu sheegay in Somalia ay ka xuntahay talaabooyinka ay qaaday Kenya oo ah ku carqaladeyn kara xiriirka labada wadan. Somalia waxey muujisay sida ay uga walaacsan tahay waxyaabaha soo kodhay, balse waxey sheegtay iney mar walba qadarin sare iyo xushmad u heyso Kenya. (Cajiib).

Wuxuu ahaa gantaal ku qoran luuqad siyaasadeed oo ay ka muuqato ilbaxnimo, deganaan, fikir iyo faham la xiriira dacwada maxkamada. Wuxuu xanibay wax walba oo ay Kenya ka damacsaneyd talaabooyinkii ay qaaday bilihii u dambeeyay, wuxuuna Nairobi ku qasbaya iney ka fakarto qorshe cusub.

Go’aanka maxkamadu waa mid aan racfaan laheyn. Dadka reer Kenya waxey ku baroorteen asbuucan in 6 bilood kadib go’aanka soo bixi doona uu geeri u yahay. Talaabooyinka Kenya waxaa ka muuqata in maxkamada loogaga adkaaday. Dhabaha kaliya oo Kenya u furan waa iney Soomaaliya wada hadal ogoolataa, taasina ma muuqato.

Dadka arrimahan u dhuun daloola waxey sheegayaan in hadii aaney Soomaaliya badalin istaraatiijiyada ay hada ku socoto oo ah aamusnaan iyo qoraal aan xaalad abuur aheyn, in Soomaaliya ay ku adkaan doonto maxkamada iyo masraxa siyaasada labadaba. Dowladda Soomaaliya waxey mudan tahay in lagu bogaadiyo sida ay uga dabaalatay dabinka Kenya.

Waxaa qoray: Abdullahi Osman Farah

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid