Ururka MIDOWGA AFRIKA oo war kasoo saaray qeyb sanaanta shirka Afisyoone

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa shaaca ka qaaday walaaca ay ka qabaan kala qeybsanaanta shirka wadatashiga ee ka socda teendhada Afisyoone ee Muqdisho, islamarkaana ay isha ku hayaan khilaafyada lagu xalinayo arrimaha doorashooyinka.

Shirkan oo ay diideen Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa u dhaxeeya Farmaajo iyo madax goboleedyada taabiciyiinta ah.

Moussa Faki ayaa sheegay arrintan ay walaaca ugu weyn  ka qabaan maadaama la sheegay in madaxweynayaasha maamul goboleedyada aysan u dhameyn ka qeybgalka shirka la rabay inuu ka qabsoomo Afisyooni.

Gudoomiyaha guddiga midowga Afrika ayaa ku booriyay dhinacyada iney u midoobaan arrimaha taagan ee lagu xalinayo khilaafka doorashooyinka laguna jaangoynayo heshiiskii 17-kii September 2020 lagu gaaray Muqdisho.

“Waxaan xaqiijinayaa sida ay uga go’an tahay Midowga Afrika inay sii wadaan taageerada ay siinayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya ee ku aadan rabitaankooda ah in si deg deg ah loo abaabulo doorasho nabadeed oo hufan,” ayuu yidhi Moussa Faki.

Goor sii horreysay oo maanta ah ayaa Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxa ugu baaqday Farmaajo inuu xaqiijiyo in si buuxda looga wada-qeyb galo shir madaxeedka doorashada, islamarkaana uu dhameystiro heshiis doorasho, halka ay madax goboleedyada ugu baaqday inay ka qeyb-galaan ayaga oo aan shuruudo hordhac hor-dhigin.

“Waxaan ku boorineynaa Farmaajo inuu xaqiijiyo ka qeybgal dhameystiran oo ku aadan shir madaxeedka, uuna soo dhammeystiro heshiis doorasho. Waxaan ku boorineynaa Saciid Deni, Axmed Madoobe, Qoor Qoor, Cali Guudlaawe iyo Lafta-gareen inay ka qeyb-galaan ayaga oo aan shuruud ku xirin,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Maalintii labaad ayey teendhada Afisyooni shir hal dhinac ah ku leeyahiin madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, saddexda maamul ee taageersan dowladda federaalka iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaan wali kasoo qeybgalin shirka oo maalintiisii labaad galay, waxaana jirta in beesha caalamka ay xalay dalbadeen in maalmo dheeri ah lasiiyo si ay tabashooyinka jira u xaliyaan.