VIDEO: Canug dhallan 7 asbuuc oo uu kasoo baxay hadal yaab leh (DAAWO)

W/Q: Yusuf Shuqale
yhamari@gmail.ccom

London (Caasimada Online) – Inanta yar ee Ariana ayaa ka yaabsatay waalidkeed ka dib ay ka baratay sida loo dhaho “I Love You” kaliya ayada oo jirta toddoba usbuuc.

Ali Sufi oo ah inanta aabaheed, waa 25 jir, wuxuu xilli galab ah intuu buste ku duubay inantiisa uu la aaday sariirta, kuna yiri “ I Love You”, markaasuu la yaabay markii ay dib ayada ugu celisay ‘I Love you”.

Isagoo yaabban oo hal-xiraaleysan ayuu xaaskisa Fatuma oo 22 jir ah u sheegay arrintan, taasoo moodday inuu kaftamayo seygeeda, ilaa ay qudheeda ka maqasho inanteeda oo hadleyso.

Ariana iminka waxey isku dayi kartaa iney tiraahdo “I Love You” mar walba oo ay maqasho, waxeyna waalidkeed malaynayaan in gabadhoodu noqon doonto ilma hadal jecel oo sheeko badan.

Ali, oo deggan Kilburn, waqoo bari London ayaa yiri “Ayadoo ku dhex jirta sariirteeda yar ayaan ku iri ‘I Love You’ markaasey iga daba tiri”

“Waxaan u maleeyey inaa waalan rabo, ma dhagahaygaa mise aniga sax u maqli waaye?”,

“Waxaan u sheegay xaaskeyga, markaasey rumeysan weysay iguna tiri ‘been baad sheegeysaa’ laakin waan tusiyey, waxeyna ugu dhawaaqi kartaa si waafi ah markan”

“Si sax ah uguma dhawaaqi karto ereyga ‘I’ laakin waxaad ka maqleysaa ‘Love You’”

“Dhab ahaan aad baan ugu riyaaqeynaa waana ku faaneynaa, waayo carruurtu dhaqsahan uma hadlaan waxna ma dhihi karaan”

Ariana ayaa dhalatay sanadkii tegay 2014 bishii December, waxeyna dhawaaqeedii ugu horreeyey ee jaceyl “Love” ay ku dhawaaqday horraantii bishii February kolkaaso ay jirtay 7 usbuuc oo qura.

Ariana haatan waxey jirtaa 12 usbuuc, waxeyna u muuqataa in ay wax kale dhihi rabto ka hor inta aysan soo tufin “I Love You”.

Carruurtu badanaa wax ereyo kaamil ah oo ay dhihi karaan ma jirto ilaa ay ka gaaraan da’da hal sano jir.

“Markii ay jirtay ugu yaraan 3 usbuuc ayey ku dhawaaqeysay ‘Ahhs’ waxeyna mar walbo aheyd mid aad u nashaad leh oo firfircoon”

“Mar walbo gacaanteeda oo laaban ayey kugu riixeysaa wayna qosleysaa ayadoo codad yar oo aan la garan Karin ku dhawaaqeyso, inta badanna waan la hadlaa oo waan jeclahay inaa la sheekeysto”

“Hore waan u sii ogaa iney tahay mid faham badan oo dadka durba garata, waxaana qiyaasayaa inaan heli doono guri yara camiran iyo ilmo sheeko badan markastoo ay ereyo cusub sii barato”

Ma ahan markii ugu horreysay ee sheekadan oo kale ay dhacdo, waxey ahaayeen Toni iyo Paul McCann oo reer Ireland ah, kuwii soo bandhigay muuqaalka wiilkooda oo hadlaya.

Halkan ka daawo

Yusuf Shuqale
yhamari@gmail.ccom