Video: Xasan Sheekh oo ku ceeboobay hadal uu ka jeediyey Sharma El-Sheikh

Sharm el-Sheikh (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ceeboobay khudbad uu ka jeediyay shirka dhaqaalaha Masar ee magaalada Sharma el-Sheekh kadib markii uu garan waayey magaca madaxweynaha uu martida u yahay.

Xasan Sheekh, ayaa khudbaddii uu ka jeediyey shirka waxa uu magaca madaxweynaha Masar ee Cabdifataax Alsiisii ku beddelay Cabdicasiis Alsiisii.

Dadka Masar ee baraha xiriirka Bulshada wax ku qora iyo warbaahinta ayaa khaladka Xasan Sheekh aad u sharxay kana bixiyay faallooyin badan iyadoo qaarkood ay qoreen “U sheega madaxweynaha Soomaaliya in magaca madaxweynuhu yahay Cabdifataax” iyo kuwo kale oo hadalo kasii qaraar u jeediyay madaxweynaha Soomaaliya.

Hoos ka daawo khudbadda Xasan