Wadahadal cusub oo DF iyo Imaaraadka Carabta dhex maray (Maxaa kasoo baxay)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan waxayna kawada hadleen xiriirka aan wanaagsaneen ee u dhaxeeya Labada dowladood ee Soomaaliya iyo Imaaraadka

Labada Dhinac ayaa Intii uu socday kulanka waxay isla soo qaadeyn is faham darrada u dhaxeysa labada Dal taas oo saameysay dhamaan xiriirkii Labada Dowladood oo muddo iskaashi xoog leh ka dhaxeeyay.

Kulankaan oo ahaa mid khaas ah ayaan la ogeyn waxyaabaha sida gaarka ah looga wada hadlay iyo xalka khilaafka labada dowladood.

Sidoo kale waxyaabihii looga hadlay inta uu socday kulanka Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya iyo Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya ayaa waxaa kamid ahaa waxa ka cusub xaaladda gobolka iyo dunida inteeda kale, gaar ahana Arimaha Khaliijka.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa cadaadis weyn ku heyso dowladda Soomaaliya kadib markii ay dowladda dhexe go’aan dhex dhexaadnimo ah ka qaadatay Khilaafka dowladaha Khaliijka.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa garab weyn ka heshay Madaxda Maamul Goboleedyada oo la siiyey lacag aad u badan si ay uga hor imaadaan dowladda dhexe iyo go’aanada ka dhanka ah Imaaraadka Carabta.

Dhawaan ayaa la filayaa inuu Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre gaaro dalka Imaaraadka Carabta si loo soo afjaro Khilaafkaan soo socday waqti badan.