Muqdisho (Caasiimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa wareysi uu siiyay VOA wuxuu kaga hadlay sababta dowladiisa ay u qaadatay go’aankii ay ku taageereen dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta Yemen.
Madaxweyne Xasan Sheikh, ayaa sheegay in sababta ay u qaateen go’aankaasi uu ahaa ka hortagista in la rido dowlada sharciga ee dalka Yemen, iyo dagaalka ka dhanka ah ururka Al-qaacida.
“Anaga waxaan u qaadanay go’aankaasi labo arin tan koowaad waxay tahay waxaan dooneynaa in dowlada sharciga aan la ridin iyo in dagaalka Al-qaacida oo aan ka mideysan nahay dhamaanteen, midda dadka shacabka ah waxaan ka qaaday go’aan ah in dadkaasi lasoo saaro, oo aan keeno Muqdisho”ayuu yiri Xasan Sheikh.
Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay hadalkii dhawaan kasoo baxay wasaarada arimaha dibada ee xukuumada Soomaaliya, oo ay ku weerareen wasaarada arimaha dibada ee Sweden, wuxuuna sharaxay sababta dowladiisa hadalkaasi usoo saartay.
“dalka Soomaaliya wuxuu kamid yahay hayaha caalamiga ee jira iyo kuwa goboleedka, siyaasada ay ciyaareysana arimahaasi ayay ku saleysan tahay, marka anaga ma eegeyno inaan wadan qancino ee waxaan rabnaa go’aanka caalamiga ayaan raaceynaa, laakiin waxba kuma kala duwan dadka Soomaaliyeed ee jooga Sweden iyo Sacuudiga”.
Dad badan ayaa la yaabay hadalkii kasoo yeeray dowlada Soomaaliya iyaga oo eegayay qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Sweden iyo sida Sacuudiga uu ula dhaqmo dadka qaxootiga Soomaaliyeed.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]