Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen hooyga magaalada Muqdisho uu ka degen yahay mid kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.
Weerarka ayaa sida wararka ay sheegayaan wuxuu ka dhacay guriga Xildhibaan Dhaayow uu ku leeyahay degmada Hodon ee gobolka Banaadir.
Wararka ayaa sheegaya in weerarka oo ay geysteen kooxo hubeysan in lagu dilay laguna dhaawacay mid kamid ah ilaalada xildhibaanka oo ku sugnaa guriga xildhibaanada oo ku leeyahay xaafada Taleex ee gobolka Banaadir.
Lama oga cidda ka dambeysa weerarka lagu qaaday guriga xildhibaan Dhaayow oo kamid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaanka ayaa kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed.
La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah,
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

