Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ka tirsan xukuumada Soomaaliya ayaa la yaabay cadaalad darada ka jirtao dalka Soomaaliya, taasi oo gaartay heerkii ugu xumaa, sida uu sheegay wasiirka.
Cabdulaahi Axmed Jaamac (Ilka Jiir) Wasiirka cadaalada xukuumada Soomaaliya ayaa ka sheekeeyay yaabka ka qabsaday cadaalad darada ka jirta dalka Soomaaliya, isaga oo dhaliil usoo jeediyay cadaalad darada ka jirta dalka Soomaaliya,
Wasiirka ayaa sheegay in heerka cadaalad darada Soomaaliya iney gaartay in nolosha lagu gudo dad aan waxba galabsan, laakiin wasiirka ayaa u muuqda inuu gabay shaqadiisa, maadaama la doonayay inuu arintaasi wax ka qabtaa.
Wasiirka cadaalada ayaa ku sheegay labo arin iney sabab u tahay cadaalad darada ka jirta dalka Soomaaliya waxaana tan koowaad uu ku sheegay garsoorka dalka oo hooseeya iyo ilaalin la’aanta shaciga dalka Soomaaliya, sida uu sheegay wasiirka.
Hadalkaan ayuu wasiirka ka sheegay kadib markii uu ka qeyb galay shirka garsoorka dalka oo lagu soo xiray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

