26.9 C
Mogadishu
Sunday, February 15, 2026

Xog cusub: R/W CC Sharmarke oo BF hortagaya iyo Jawaari oo aan ku qanacsaneyn waxa socda

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali ayaa isku diyaarinayo sidii uu u hortagi lahaa xubnaha baarlamaanka Soomaaliya, maadaama ay sugayaan mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Sida xogta aan ku heleyno todobaadkaan ayaa la filayaa in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu hortago xubnaha baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo u gudbinayo hishiiskii dhawaan ay wada saxiixeen dowlada Soomaaliya iyo xubnaha maamul goboleedyada dalka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa horgeynaya baarlamaanka hishiiskii dhawaan la saxiixday, iyadoo la ogsoon yahay in xubnaha baarlamaanka qaarkodo ay ku kala qeyb ssan yihiin hishiiskii lala galay maamulka Puntland oo awood badan siinayay.

Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya ayaa sida xogta aan ku heleyno wuxuusan la dhacsaneyn sidey wax u socdaan waxaana laga yaabaa inuu dood geliyo hishiiskii ay kala saxiixdeen dowlada Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Puntland ayaa aaminsan in haddii dood lagaliyo qodobada heshiiskii Madasha ay ka dhigan tahay ama wax ka bedel lagu sameeyo ku xadgudub lagu xadgudbay heshiisyadii la galay, loona baahan yahay in aan marnaba laga weecan wixii lagu heshiiyey, ee ay goobjoogayaasha ka ahaayeen Wakiilada Beesha Caalamka.

Caasimada Online
xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News