Xildhibaanada labada Aqal oo ansixiyay miisaaniyada 2024

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada Gole ee baarlamaanka federaalka ah ee  Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, kaas oo uu shir guddoomiye Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Ajendaha kulankan wadajirka ah ayaa ahaa warbixinta akhrinta 2-aad ee xeerka Qoondada Miisaaniyadda 2024-ka oo la horgeeyay labada Aqal ee baarlamaanka dalka.

Intaasi kadib xildhibaanadda ayaa ka dooday akhrintaa 2-aad ee miisaaniyadda dowladda ee ay usoo gudbisay wasaaradda, waxaana cod gacantaag ah ay ku ansixiyeen xildhibanada labada gole Miisaaniyadda dowladda ee sanadka soo socda ee 2024-ka.

Sida uu shaaciyay guddoonka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya waxaa miisaaniyadda meelmarisay illaa 186 Mudane oo ka kooban labada Gole, kuwaas oo gacan taag ku ogolaaday miisaaniyadda halka ay diideen 3 Xildhibaan oo kaliya.

Xildhibaan Mukhtaar Guuleed oo ka hadlayay ansixinta miisaaniyaddan ayaa sheegay inay ka dhigan tahay tallaabo horay loo qaaday, muhiimna u ah dey cafinta.

“Miisaaniyadda in la ansixiyo maanta waxay muhiimad gaar ah u lahayd dalka, gaar ahaan deyn cafinta, xildhibaanaduna waxay muujiyeen waajibaadkooda dastuuriga ah” ayuu yiri

Dhankiisa Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige oo kulanka goobjoog ahaa ayaa u mahadceliyay baarlamaanka, kadib khudbad ka jeediyay xarunta Villa Hargeysa.

Ugu dambeyn Biixi ayaa shaaca ka qaaday muhiimadda Miisaaniyaddani ay u leedahay Hannaanka Deyn Cafinta Soomaaliya oo hadda gaba gaba maraya