24.7 C
Mogadishu
Monday, July 27, 2026

Xog cusub: Faarax Cabdul Qaadir oo hal arrin kaga dheereeyay Xasan Sheekh iyo Damu-Jadiid

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta sida dhow saaxiibka ula ah Xildhibaan Faarax C/qaadir, ayaa sheegay in Xildhibaanka uu maskax ahaan aad kaga dheereerar Madaxweyne Xassan Sheekh iyo dhammaan Xubnaha ay ku mideysan yihiin Ururka Damul-jadiid.

Mid kamid ah Siyaasiyiinta ugu dhow dhow Faarax ayaa xaqiijiyay in Faarax uu maskax ahaan ka duwan yahay mas’uuliyiinta kale, waxa uuna tilmaamay in Faarax uu awood u leeyahay in mar qura uu xifdiyo magacyada ku dhawaad 50 ilaa 100 ruux, isaga oo aan dib danbe u ilaabeynin magacyadooda.

”Faarax waa nin saaxiibkey ah, xaqiiqada marka laga hadlo waa nin maskax-badan shaqsigii mar u sheega magaciisa waxa uu awooda in dhowr sano kadib uu soo xasuusto, isaga oo aan dib danbe u arag shaqsigaasi”

”Hadii aad barto shaqsi aysan is garaneynin oo markii ugu horeysay ay is weydaarsadeen magacyadooda ninkaasi wey adag tahay inuu dib danbe u ilaabo magaciisa”

Waxa uu sidoo kale, Siyaasigaasi sheegay in Faarax C/qaadir ay saaxiibo yihiin kudhawaad Toban sano, waxa uuna qiray in arrintaani ay dadka dhan isla arkeen, goortii Faarax wax laga weydiiyayna uu ku jawaabo dhoola cadeyn.

Faarax C/qaadir ayaa waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay Sargaal la shaqeeya Sirdoonka Dalka Ethiopia, islamarkaana Siyaasada Somalia ay kusoo darsatay Dowlada Ethiopia, taasi oo loo sababeeyay maskaxdiisa.

Geesta kale, Faarax C/qaadir ayaa ah nin Siyaasad ahaan ku dhow Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60