Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii ugu danbeeyay magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland laga dareemayaa xiisad Siyaasadeed ka dhalatay is casilaada iyo magacaabida tirro wasiiro ah.
Xiisada ayaa waxa ay tahay mid u dhexeeysa Maamulka Axmed Siilaanyo, Siyaasiyiinta, Madax dhaqameedka iyo Xubno u kala xaglinaaya dhinacyada ay xiisada u dhexeyso.
Xubnahaani xiisada Siyaasadeed wada ayaa waxa ay kulamo gaar gaar ah la qaadanayaan Mas’uuliyii uu ka midyahay Madaxweynaha Maamulka Axmed Siilaanyo iyo Mas’uuliyiin kale si xal looga gaaro khilaaf Siyaasadeedka iminka soo cusboonaaday.
Xiisadaani ayaa la tilmaamayaa inay daba socoto is casilaada in ka badan 10 xubnood oo iskugu jira wasiiro, wasiir ku-xigeeno iyo mas’uuliyiin kale, oo ka tirsanaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Guux siyaasadeedkaani ayaa waxaa si aad ah looga dareemayaa Magaalada Hargeysa waxaana jiro cabsiyo la xiriira in xubno hor leh ay ku dhawaaqan is casilaad.
Geesta kale, arrintaani ayaa imaaneysa xili Xisbiga Kulmiye uu dadaal ugu jiro sidii uu marke gacanta ugu dhigi lahaa Hogaanka Somaliland, waana tan keentay caqabada taagan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]