Xog: Midowga Murashaxiinta oo diiday qorshe uu Farmaajo usoo jeediyey Talaadada

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa sugeysa natiijo wax ku ool ah oo ka timaado Maxkamadda Cadaaladda Adduunka (ICJ) taasoo la filayo inay xaqiijiso in Soomaaliya ay leedahay xad badeedka lagu muransanaa waqtiga dheer.

Dowladda Kenya ayaa ka baxday dacwaddii kala dhaxeysay Soomaaliya ee taalay Maxkamadda, iyadoo sheegtay inay maxkamadda hal dhinac u janjeerto iyo inaysan ixtiraami doonin wax walba oo go’aan ah oo kasoo baxa Maxkamadda.

12-ka bishaan 4-ta galabnimo xilliga geeska Africa ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo natiijada maxkamadda. Soomaaliya ayaa wafdi u dirtay kulanka maxkamadda halka Kenya ay u dhaqaaqday jiho ay kaga baxeyso heshiiska dalalkii saxiixay aqoonsiga maxkamadda cadaaladda Adduunka.

Guul weyn ayaa ummadda Soomaaliyeed uso hoyaneysa asbuucaan. Hase yeeshee dood weyn ayaa ka taagan sida siyaasiyiinta Soomaalida uga farcelin lahaayeen guusha laga filayo Maxkamadda Cadaaladda Adduunka 12-ka bishaan.

Waa munaasabad weyn, sidoo kalana waxay ku aadan tahay maalinta Calanka Soomaaliya. Madaxda Soomaalida muddo ayey isku ugaarsanyeen qadiyadaan oo si gaar ah loogu dhaawacay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu qaban qaabinayo xaflad weyn oo lagu soo dhaweenayo guusha Soomaaliya marka maxkamadda 12-ka bishaan sii deyso natiijada, isaga oo doonayo inuu uga faa’iideysto inuu sumcaddiisa sare ugu qaado.

Waxaa la sheegay inuu Farmaajo rabo inuu damaashaadka noqdo mid loo dhan yahay oo xitaa mucaaradka kasoo qeyb galaan, laakiin waxaa jiro warar sheegaya in xubnaha mucaaradka isku khilaafeen inay ka qeyb galaan xafladda uu Farmaajo qaban qaabinayo.

Midowga Musharaxiinta mucaaradka ayaa la xaqiijiyey inay iyaga go’aansadeen inay habeenka Talaadada ah ee 12-ka bishaan qabsadaan kulan gaar ah oo ay ugu dabaal dagayaan guusha Soomaaliya kasoo gaartay dacwadda Maxkamadda Cadaaladda Adduunka.

Waxaa la aamisan yahay inay arrintaan ku fiicneyd in si qaranimo leh oo wada jir ah loogu farxo looguna dabaaldago. Fikirka madaxweyne Farmaajo ee ah inuu kulanka wadajir noqdo oo hal meel habeenkaas madaxda ku dabaaldagto ayaa u muuqda mid macno weyn oo wanaagsan ku fadhiya, laakiin ujeedka dhabta ah ee Farmaajo ayaa mucaaradku rumeysan yihiin inay tahay inuu guusha sheegto, inkasta oo dowladdiisa aysan aheyn midda furtay dacwadda

Maadaama dalka uu xilli doorasho ku jiro waxaa musharixiinta qaar walaac ku heysa in hab maamulkaas xafladdaasi uu noqdo mid koox gooni ah u sahla inay sheegato guusha badda, oo haddii qof sheegan karo uu yahay madaxweyne Xasan Sheekh, oo kiiskan Maxkamada geeyey.

Intii u taagnaa kiiska Badda, madaxda Soomaalida waxay ku guul-dareysteen inay si qaranimo leh oo siyaasadesneyn u wajahaan kiiskaan, waxaana badnaa is ugaarsigooda, haddana waxaa muuqata in mar kale lagu guul-dareysan doono in si wadajir ah loogu dabaaldago guusha oo halkaas habeen madaxda muujiyaan midnimo qaran.