Xog: Villa Somalia oo xiratay gaari aanay xabaddu karin oo ay siisay Bashiir Goobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo kala duwan oo katirsan hay’adaha amaanka iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxtooyada Soomaaliya in kansashay gaari nuuca aan xabada karin oo hore loo siiyay Janaraal Bashiir Goobe. 

Gaarigaan waxaa bixisay Villa Somalia sanado ka hor, hase yeeshee todobaadyo ka hor ayaa shirkada gaariga laga iibiyay loo diray warbixin sheegeysa in gaarigaan uu u gacangalay Al-Shabaab, waxaana gaariga loo diiwaan geliyay in uu jiro dhinaca Al-Shabaab. 

Xogta la helay ayaa tilmaamaysa in shirkada ay awood u leedahay in ay la socoto dhaq dhaqaaqa gaariga, maadaama u uku shaqeeyo system computer, sidoo kale waxaa jirta xog kale oo sheegeysa in shirkada ay awoodo in ay damiso gaariga inkastoo aysan sugneyn xogtaan dambe. 

Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in sababo amni uu isaga dhigay gaari kadib markii la gudbiyay xogta gaariga, waxaana lagu wareejiyay gaari kale iyo ciidan Milateri ah. 

Madaxweyne Farmaajo iyo saaxiibadiis ayaa aad u diidan magacaabista Janaraal Bashiir Goobe ee taliyaha nabad sugidda Soomaaliya, waxaana la soo werinayaa in ay saareen culeysyo badan oo dhanka ammaanka ah. 

Sida aan xogta ku helnay, Villa Somalia ayaa ku cadaadisay Bashiir Goobe inuu diido magacaabista Rooble, uuna beddlkeed qaato lacag, balse waa u uku gacan seeray.