Xog: Ma Rooble ayaa xalay tanaasulay- Sidee u dhaceen wada-hadalladii Farmaajo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ku saabsan inay ra’iisul wasaare Rooble uu ka tanaasulay qodobo dhowr ah, oo uu qarka u saarnaa heshiis uu la galo madaxweyne Farmaajo ayaa xalay qabsaday baraha bulshada, taasi oo aad u niyad jebisay taageerayaasha ra’iisul wasaaraha.

Hase yeesheee, Caasimada Online ayaa xaqiijin karta in marnaba labada dhinac aysan heshiis ku dhowaan, marka la eego halka ay ka taagan yihiin, islamarkaana inkasta oo Rooble uu isku dayey in si xal loo helo uu mowqifkiisa dabciyo, haddana aanu ka tegin qodobada muhiimka ah.

Haddaba side xalay wax u dhaceen?

Sida aan xogta ku helnay, wada-hadalladii xalay dhacay ra’iisul wasaare Rooble wuxuu meel adag ka istaagay laba qodob, halka qodob kalena uu u furnaa inuu aqbalo haddii uu xal iyo heshiis horseedi karo. Si kastaba, isla qodobka uu ogolaaday ayaa haddana ka socon waayey dhanka Farmaajo.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ogolaaday in la magacaabo taliye cusub oo NISA ah, oo aan aheyn Bashiir Goobe iyo Yaasiin Farey, balse wuxuu dalbaday inuu noqdo qof la yaqaan oo magac iyo sumcad ku dhex leh Soomaalida oo dhex-dhexaad ah.

Si kastaba, Farmaajo ayaa dalbaday in taliyaha laga dhex keeno shaqaalaha NISA ee iminka, taasi oo ra’iisul wasaarah uu diiday, sababo la xiriiro inuu tuhmayo xiriirka ay weli la yihiin agaasimihii hore Fahad Yaasiin.

Farmaajo ayaa kadib soo jeediyey in taliyaha NISA laga dhigo wasiiru dawlaha wasaaradda gaadiidka Cabdiraxmaan Dheere, oo saaxiib aad u dhow la ah Fahad Yaasiin, hase yeeshee Rooble ayaa ku gacan seeray.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in magacaabista Cabdiraxmaan Dheere ama shaqaalaha kale ee NISA ay ka dhigan tahay baabi’inta baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo uu ku sheegay qad cas oo lama taabtaan ah.

Dhankoodana, kooxda Farmaajo ayaa soo jeediyey in la beddelo wasiirka amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo la geeyo wasaarad kale, islamarkaana Farmaajo uu soo magacaabo wasiir amni oo cusub.

Balse, Rooble ayaa sheegay in sida kaliya ee uu wasiirka amniga ugu beddeli karo wasaarad kale ay tahay inuu isaga dalbado, taasi oo wasiir  Cabdullahi Maxamed Nuur uu ku gacan seeray.

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in haddii wasaarad kale la geynayo uu is-casilayo, wuxuuna ra’iisul wasaaraha kadib u sheegay inaanu marnaba beddeli doonin, haddii aanu raali ka aheyn.

Sida muuqata, madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ka go’an in wasaaradda amniga iyo xilka taliyaha NISA la geeyo shaqsiyaad uu ku kalsoon yahay, taasi oo ah caqabadda hortaagan in heshiis ay gaaraan labada dhinac.